Baxniintii 38:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo kulli wixii Rabbigu ku amray Muuse waxaa sameeyey Besaleel oo ahaa ina Uurii oo ahaa ina Xuur, oo qabiilkiisu ahaa Yahuudah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 31:1-5 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 2 Bal eeg, magac baan ugu yeedhay Besaleel ina Uurii, oo ah ina Xuur, qabiilkiisuna yahay Yahuudah; 3 oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah, 4 inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, 5 iyo inuu qoro dhagaxyada saldhigyo lagu dhejiyo oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.
  • Bax 35:30-36:3 : 30 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Bal eega, Rabbigu wuxuu magac ugu yeedhay Besaleel oo ah ina Uurii, oo ah ina Xuur, oo qabiilkiisu yahay Yahuudah; 31 oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah, 32 iyo inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, 33 iyo inuu qoro dhagaxyo saldhigyo lagu dhejinayo, oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah. 34 Oo wuxuu qalbigiisii geliyey inuu wax baro, isaga iyo Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan. 35 Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa. 1 ¶ Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan. 2 ¶ Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto. 3 Markaasay Muuse ka guddoomeen wixii la bixiyey oo dhan, oo ay reer binu Israa'iil u keeneen shuqulka adeegidda meesha quduuska ah, inay ka sameeyaan. Oo haddana waxay weliba subax walba u keeni jireen waxay raalli ka yihiin.
  • Sab 119:6 : 6 Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.
  • Yer 1:7 : 7 Laakiinse Rabbigu wuxuu igu yidhi, Ha odhan, Dhallinyaraan ahay, waayo, waa inaad u tagtaa qof kasta oo aan kuu diri doono, oo wax alla wixii aan kugu amri doonoba waa inaad ku hadashaa.
  • Mat 28:20 : 20 oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 35:29-35
    7 aayado
    88%

    29Oo reer binu Israa'iil waxay Rabbiga u bixiyeen qurbaan ay raalli ka yihiin; oo waxay ahaayeen dad rag iyo dumarba leh oo qalbigoodu raalli ka ahaa inay u keenaan shuqulka Rabbigu Muuse ku amray in la sameeyo oo dhan.

    30¶ Markaasaa Muuse wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Bal eega, Rabbigu wuxuu magac ugu yeedhay Besaleel oo ah ina Uurii, oo ah ina Xuur, oo qabiilkiisu yahay Yahuudah;

    31oo wuxuu isaga ka buuxiyey ruuxii Ilaah, xagga xigmadda iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada caynka kasta ah,

    32iyo inuu shuqullo yaab leh hindiso, oo uu ka shaqeeyo dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta,

    33iyo inuu qoro dhagaxyo saldhigyo lagu dhejinayo, oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.

    34Oo wuxuu qalbigiisii geliyey inuu wax baro, isaga iyo Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan.

    35Oo iyaga wuxuu qalbigooda ka buuxiyey xigmad, inay ka shaqeeyaan shuqul cayn kasta ah oo ay qabtaan kuwa wax xardha iyo kuwa wax hindisa, iyo kuwa daabac ku tola buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, iyo kuwa dharka sameeya, xataa ha ahaatee kuwa shuqul kasta qabta iyo kuwa shuqullo yaab leh hindisa.

  • Bax 31:1-3
    3 aayado
    87%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

    2Bal eeg, magac baan ugu yeedhay Besaleel ina Uurii, oo ah ina Xuur, qabiilkiisuna yahay Yahuudah;

    3oo waxaan isaga ka buuxiyey Ruuxa Ilaah, xagga xigmadda, iyo waxgarashada, iyo aqoonta, iyo sancada cayn kasta ah,

  • Bax 38:23-24
    2 aayado
    80%

    23Oo waxaa isaga la jiray Aaholii'aab oo ahaa ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu ahaa Daan, oo wuxuu ahaa mid wax xardha, oo aad iyo aad u farsamo badan, iyo mid yaqaan sida loo daabaco buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

    24¶ Oo dahabkii la bixiyey oo loogu isticmaalay hawshii meesha quduuskaa oo dhammu wuxuu ahaa sagaal iyo labaatan talanti, iyo toddoba boqol iyo soddon sheqel, oo le'eg sheqelka meesha quduuska ah.

  • 20Xuurna wuxuu dhalay Uurii, Uuriina wuxuu dhalay Besaleel.

  • Bax 36:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Oo Besaleel iyo Aaholii'aab iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu geliyey xigmad iyo waxgarasho ay ku gartaan si loo sameeyo shuqul kasta oo ah adeegidda laga qabanayo meesha quduuska ah, waa inay u qabtaan sidii Rabbigu ku amray oo dhan.

    2¶ Markaasaa Muuse wuxuu u yeedhay Besaleel iyo Aaholii'aab, iyo nin kasta oo xigmad leh, oo Rabbigu qalbigiisa xigmad geliyey, xataa mid kasta oo qalbigiisu kiciyey inuu yimaado oo shuqulka qabto.

  • 5Oo weliba meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo uu Besaleel ina Uurii oo ahaa reer Xuur sameeyey halkaasay tiil taambuugga Rabbiga hortiisa. Oo halkaasay Sulaymaan iyo shirkiiba Rabbiga ka doonayeen.

  • Bax 31:5-6
    2 aayado
    70%

    5iyo inuu qoro dhagaxyada saldhigyo lagu dhejiyo oo uu looxyada xardho, iyo inuu ka shaqeeyo sanco cayn kasta ah.

    6Oo bal eeg, waxaan isaga la doortay Aaholii'aab oo ah ina Axiisaamaag, oo qabiilkiisu yahay Daan; oo inta xigmadda leh oo dhan waxaan qalbigooda geliyey xigmad, inay sameeyaan wixii aan kugu amray oo dhan;

  • 8¶ Oo nin kasta oo xigmad leh oo iyaga ku dhex jiray oo shuqulkii qabtay wuxuu taambuuggii ka sameeyey toban daah, oo wuxuu ka sameeyey maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo keruubiim lagu daabacay.

  • Bax 39:42-43
    2 aayado
    69%

    42Oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan reer binu Israa'iil sidii bay hawshii u wada qabteen.

    43Markaasaa Muuse wuxuu arkay shuqulkii oo dhan, oo bal eeg way wada sameeyeen; sidii Rabbigu ku amray ayay u sameeyeen; markaasaa Muuse iyagii u duceeyey.

  • 35¶ Oo ilxidhkiina wuxuu ka sameeyey buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, oo keruubiim buu ku daabacay.

  • Bax 39:1-3
    3 aayado
    68%

    1¶ Oo waxay buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii ka sameeyeen dhar aad u wanaagsan in meesha quduuskaa lagaga adeego, oo waxay kaloo sameeyeen dharkii quduuska ahaa oo Haaruun, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    2¶ Oo eefodkiina wuxuu ka sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

    3Oo waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay.

  • 14Oo isaga waxaa dhashay naag reer Daan ah oo aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah. Isagu wuxuu yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo dhagaxa, iyo alwaaxda, iyo guduudka, iyo buluugga, iyo dharka wanaagsan, iyo casaanka, oo weliba wuxuu yaqaan inuu xaradh cayn kasta ah xardho iyo inuu wax kasta hindiso; haddaba isaga meel ha laga dhex siiyo raggaaga saanacyada ah iyo sayidkayga Daa'uud oo aabbahaa ah raggiisa saanacyada ah.

  • 21¶ Waa tan tiradii alaabtii taambuugga, kaas oo ah taambuuggii maragga, markii la tiriyey sidii Muuse ku amray adeegidda reer Laawi, oo uu tilmaamay Iitaamaar kii wadaadkii Haaruun ahaa dhalay.

  • 8¶ Oo wuxuu sameeyey laabgashigii, oo la daabacay, oo u eg sida samaynta eefodka oo kale, oo ahayd dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • Bax 26:30-31
    2 aayado
    67%

    30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

    31¶ Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim.

  • 10Oo nin kasta oo xigmad leh oo idinku dhex jiraaba ha yimaado oo ha sameeyo wixii Rabbigu idinku amray oo dhan;

  • 22¶ Oo khamiiskii eefodkana wuxuu ahaa dhar samaysan, oo kulligiis buluug ah.

  • 7Haddaba waxaad ii soo dirtaa nin yaqaan sancada dahabka, iyo lacagta, iyo naxaasta, iyo birta, iyo guduudka, iyo casaanka, iyo buluugga, kaasoo si wacan u yaqaan sancada xaradhka, inuu la jiro ragga saanacyada ah oo ila jooga dalka Yahuudah iyo Yeruusaalem, kuwaasoo uu aabbahay Daa'uud diyaariyey.

  • 29iyo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Bax 37:1-2
    2 aayado
    67%

    1¶ Oo Besaleel wuxuu sanduuqii ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkiisuna wuxuu ahaa laba dhudhun iyo badh, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh, sarajooggiisuna wuxuu ahaa dhudhun iyo badh.

    2Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 14Oo Xiiraam waxaa dhashay naag carmal ah oo qabiilkeedu yahay reer Naftaali, aabbihiisna wuxuu ahaa nin reer Turos ah, oo naxaasta ka shaqayn jiray, Xiiraamna waxaa ka buuxay xigmad, iyo waxgarasho, iyo sanco uu ku sameeyo shuqul kasta oo naxaas laga qabto. Oo Boqor Sulaymaan buu u yimid oo shuqulkiisii oo dhan u sameeyey.

  • 11Oo Xuuraamna wuxuu sameeyey dheryihii iyo majarafadihii iyo maddiibadihii. Oo Xuuraamna sidaasuu u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Ilaah,

  • 32¶ Oo sidaasay hawshii taambuugga teendhadii shirka oo dhammu ku dhammaatay; oo reer binu Israa'iil way wada sameeyeen wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan, sidii bayna u sameeyeen.

  • 40Oo sida hannaankii lagugu tusay buurta waa inaad u samaysaa.

  • 9Waxaan ku tusi doono oo dhan, oo ah hannaanka taambuugga iyo hannaanka alaabtiisa oo dhan, waa inaad sidaas oo kale u samaysaan.

  • 37Oo iridda Teendhada wuxuu u sameeyey daah ah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh.

  • 14Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay.

  • 15¶ Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • 5Oo dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,

  • 1¶ Oo weliba waa inaad samaysaa taambuugga toban daah leh, oo waxaad ka samaysaa maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo lagu daabacay keruubiim.

  • 24Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.

  • 29Oo saliiddii quduuska ahayd oo lagu subkado iyo fooxii saafiga ahaa ee uunsiga udgoon wuxuu u sameeyey sidii shuqulka cadarsameeyaha oo kale.