Baxniintii 39:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo labadii silsiladood oo dahabka ahayd oo tidcanaydna waxay ku xidheen labadii siddo oo ku yiil darfaha laabgashiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 39:14-16
    3 aayado
    94%

    14Oo dhagaxyaduna waxay tiro le'ekaayeen magacyadii reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen laba iyo toban sidii magacyadoodii; oo laba iyo tobankii qabiil, mid kasta waxaa magiciisa loogu xardhay sidii xaradhkii shaabadda.

    15Oo laabgashiga waxay ku sameeyeen silsilado xadhko u eg, oo laga tidcay dahab saafi ah.

    16Oo waxay sameeyeen laba saldhig oo dahab ah, iyo laba siddo oo dahab ah, oo waxay labadii siddo sudheen laabgashiga labadiisa daraf.

  • Bax 39:18-21
    4 aayado
    94%

    18Oo labadii silsiladood oo tidcanayd labadoodii madax oo kalena waxay ku xidheen labadii saldhig, oo waxay ku xidheen eefodka garbihiisa xaggooda hore.

    19Oo waxay sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen laabgashiga labadiisa daraf oo gudaha ah oo eefodka xiga.

    20Oo waxay kaloo sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen eefodka garbihiisa xaggooda hoose, oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay iskaga xidhmaan, oo ka sarreeya suunka eefodka dhex-xidhkiisa daabaca ah.

    21Oo laabgashigii waxay siddooyinkiisii ku xidheen siddooyinkii eefodka, waxayna kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidhnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka debcin eefodka, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Bax 28:22-28
    7 aayado
    92%

    22Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa silsilado xadhko u eg oo laga tidcay dahab saafi ah.

    23Oo laabgashiga waxaad ku samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo labada siddo waxaad sudhaa laabgashiga labadiisa darfood.

    24Oo labada silsiladood oo tidcan oo dahabka ah waxaad ku xidhaa labada siddo oo ku yaal laabgashiga labadiisa darfood.

    25Oo labada silsiladood oo tidcan labadooda madax oo kale waxaad ku xidhaa labada saldhig, oo waxaad ku xidhaa eefodka garbihiisa xaggooda hore.

    26Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad soo sudhaa laabgashiga labadiisa darfood oo gudaha oo eefodka xiga.

    27Oo waxaad samaysaa laba siddo oo dahab ah, oo waxaad ku xidhaa eefodka labadiisa garab xaggooda hoose oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay isku xidhmaan, oo ka sarreeya eefodka dhex-xidhkiisa oo daabaca ah.

    28Oo laabgashiga waa inay siddooyinkiisa ku xidhaan siddooyinkii eefodka oo ha kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka furnaan eefodka.

  • Bax 28:13-15
    3 aayado
    86%

    13¶ Oo waa inaad u samaysaa saldhigyo dahab ah,

    14oo waa inaad u samaysaa laba silsiladood oo ah dahab saafi ah, oo waxaad u samaysaa sida wax xadhko u eg oo tidcan, oo silsiladaha isku tidcan waa inaad ku xidhaa saldhigyada.

    15¶ Oo waa inaad samaysaa laabgashi xukumaadeed, oo daabacna ha lagu sameeyo; oo waa inaad u samaysaa sida samaynta eefodka; waana inaad ka samaysaa dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

  • Bax 39:2-10
    9 aayado
    78%

    2¶ Oo eefodkiina wuxuu ka sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

    3Oo waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay.

    4Oo waxay u sameeyeen garbo is-haystay, oo waxay iska haysteen labada daraf.

    5Oo dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    6¶ Oo waxay diyaariyeen dhagaxyadii onika la odhan jiray, oo ku jira saldhigyo dahab ah, oo lagu xardhay xaradhkii shaabadda oo ah sida ay magacyadii reer binu Israa'iil ahaayeen.

    7Oo wuxuu ku dhejiyey eefodka garbihiisa, inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    8¶ Oo wuxuu sameeyey laabgashigii, oo la daabacay, oo u eg sida samaynta eefodka oo kale, oo ahayd dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

    9Wuxuu ahaa afargeesood, oo laabgashiga waxay u sameeyeen labanlaab, oo dhererkiisu wuxuu ahaa taako, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa taako isagoo labanlaaban.

    10Oo waxay ku dul dhejiyeen afar saf oo dhagaxyo ah; oo safka kowaad wuxuu ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya.

  • 27Oo qarka hoostiisa laba siddo oo dahab ah ayuu ugu yeelay labadeeda rukun inay labadeeda dhinac ugu ahaadaan meelaha ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

  • 12Oo waa inaad afar siddo oo dahab ah u yeeshaa, oo aad kaga dhejisaa afarta rukun, oo laba siddo waa inay isku dhinac ku yaalliin, laba siddona waa inay dhinaciisa kale ku yaalliin.

  • 4Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa.

  • Bax 37:2-3
    2 aayado
    75%

    2Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

    3Kolkaasuu wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah oo afartiisa rukun ee hoose ku yaal; oo laba siddoba dhinac buu kaga dhejiyey, dhinaca kalena laba siddo buu kaga dhejiyey.

  • 25Oo waxay sameeyeen dawanno dahab saafi ah, oo dawannadii waxay kala dhex geliyeen rummaannadii ku yiil khamiiska darafkiisa ku wareegsan, oo u dhexeeya rummaannadii;

  • 27Oo taliyayaashiina waxay keeneen dhagaxyada onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyada lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.

  • 9iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo lagu dhejiyo eefodka iyo laabgashiga.

  • 7iyo dhagaxyo onika la yidhaahdo, iyo dhagaxyo loogu dhejiyo eefodka, iyo laabgashiga.

  • 29Oo hoosta bay labanlaab ka noqdeen, oo sidaas oo kalena way dhammaadeen ilaa siddada kowaad dusheeda, oo sidaasuu ka dhigay labadoodii ku jiray labada geesood.

  • 42Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay;

  • 11Sida shuqulka dhagax-xardhihii waa inaad labada dhagax u xaradhaa xaradh u eg xaradhka shaabadda, oo waana inaad ku dhigtaa magacyadii reer binu Israa'iil; oo waa inaad saldhigyo dahab ah ku dhejisaa.

  • 5Afarta daraf oo shabaggii naxaasta ahaa ayuu u yeelay afar siddo si ay u ahaadaan meelihii ulaha laga gelin lahaa.

  • Bax 28:7-9
    3 aayado
    72%

    7Waa inuu lahaadaa laba garab oo is-haysta oo ku xidhan labadiisa daraf, inuu iswada haysto kulligii.

    8Oo dhex-xidhka daabaca leh oo dusha kaga yaal in lagu xidho waa in isku si loo sameeyaa oo uu isku waslad la ahaadaa; oo ha ahaado dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

    9Oo waxaad qaadataa laba dhagax oo onika la yidhaahdo, oo waxaad dushooda ku xaradhaa magacyada reer binu Israa'iil;

  • 8Oo haddana wuxuu isagii saaray laabgashigii, oo laabgashigiina wuxuu geliyey Uuriimkii iyo Tummiimkii.

  • Bax 37:12-13
    2 aayado
    72%

    12Oo wuxuu u yeelay qar le'eg calaacal ballaadhkeed oo ku wareegsan, oo qarkiina wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wada wareegsan.

    13Oo wuxuu u yeelay afar siddo oo dahab ah, oo wuxuu siddooyinkii ku dhejiyey afarta gees oo afarta rukun oo hoose kaga yiil.

  • 30¶ Oo waxay kaloo sameeyeen taajkii quduuska ahaa ee ahaa wasladdii khafiifka oo dahabka saafiga ahayd, oo waxay dushiisii ku qoreen far u eg xaradhkii shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.

  • 21iyo kaatummada, iyo sangelisyada,

  • 34Oo looxyadii wuxuu ku dahaadhay dahab, oo siddooyinkoodana wuxuu ka sameeyey dahab inay ahaadaan meelihii ay ulaha gudban ka geli lahaayeen, oo ulihiina wuxuu ku dahaadhay dahab.

  • 16Oo wuxuu kaloo sameeyey silsilado u eg kuwii guriga quduuska ah markaasuu saaray tiirarka dushoodii; oo wuxuu kaloo sameeyey boqol rummaan oo silsiladihii buu ku dhejiyey.

  • 26Oo hilqadihii dahabka ahaa oo uu weyddiistay miisaankoodii wuxuu noqday kun iyo toddoba boqol oo sheqel oo dahab ah, intaasoo aanay ku jirin bilihii, iyo murriyadihii, iyo dharkii guduudnaa oo ay boqorradii reer Midyaan xidhnaayeen, iyo silsiladihii sudhnaa qoorta awrtooda.