Baxniintii 40:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaasuu Muuse yeelay, oo sidii Rabbigu ku amray oo dhan wuu wada sameeyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 40:17-32 : 17 ¶ Oo sannaddii labaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa taambuuggii la qotomiyey. 18 Oo Muuse wuxuu qotomiyey taambuuggii, saldhigyadiisiina wuu dhigay, oo wuxuu taagay looxyadiisii, ulahoodiina wuu ku gudbay, tiirarkiisiina wuu taagay. 19 Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 20 Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii; 21 markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 22 Oo miiskiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka dibaddiisa oo ah taambuugga dhankiisa woqooyi. 23 Oo intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 24 Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed. 25 Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 26 Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa, 27 oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 28 Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii. 29 Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray. 30 Oo berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho. 31 Oo Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisiiba gacmaha iyo cagaha ayay ku maydheen; 32 oo markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
  • Sharc 4:1 : 1 ¶ Haddaba reer binu Israa'iilow, maqla qaynuunnada iyo xukummada aan idin barayo oo yeela si aad u noolaataan, oo aad u gashaan oo aad u hantidaan dalkii Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin uu idin siinayo.
  • Sharc 12:32 : 32 ¶ Oo wax alla wixii aan idinku amrayo waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan, waxna ha ku darina, waxna ha ka dhimina.
  • Ish 8:20 : 20 Sharciga iyo markhaatifurka ka fiirsada, oo eraygan hadal waafaqsan haddaanay ku hadlinna hubaal iyaga waaberi uma jiri doono.
  • Mat 28:20 : 20 oo bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.
  • 1 Kor 4:2 : 2 Haddaba waxaa laga doonayaa wakiillada in aamin laga helo.
  • Bax 23:21-22 : 21 Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira. 22 Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.
  • Bax 39:42-43 : 42 Oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan reer binu Israa'iil sidii bay hawshii u wada qabteen. 43 Markaasaa Muuse wuxuu arkay shuqulkii oo dhan, oo bal eeg way wada sameeyeen; sidii Rabbigu ku amray ayay u sameeyeen; markaasaa Muuse iyagii u duceeyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11Oo sidaasaa Muuse yeelay. Sidii Rabbigu isaga ugu amray ayuu u sameeyey.

  • 6Markaasaa Muuse iyo Haaruun sidaas yeeleen. Sidii Rabbigu ku amray, ayay yeeleen.

  • 50Sidaasay reer binu Israa'iil oo dhammu yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.

  • 54Oo reer binu Israa'iil sidaasay yeeleen; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay wada yeeleen.

  • 40Oo Muuse wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan.

  • Bax 39:42-43
    2 aayado
    82%

    42Oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan reer binu Israa'iil sidii bay hawshii u wada qabteen.

    43Markaasaa Muuse wuxuu arkay shuqulkii oo dhan, oo bal eeg way wada sameeyeen; sidii Rabbigu ku amray ayay u sameeyeen; markaasaa Muuse iyagii u duceeyey.

  • 36Oo Haaruun iyo wiilashiisiina way wada yeeleen waxyaalihii Rabbigu amray oo uu gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.

  • 31Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 20Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • 27Markaasaa Muuse sameeyey sidii Rabbigu ku amray, oo waxay fuuleen Buur Xor iyadoo shirkii oo dhammu ay u jeedaan.

  • Laaw 8:4-5
    2 aayado
    78%

    4Oo Muusena waa yeelay wixii Rabbigu isaga ku amray, oo ururkiina waa lagu soo shiriyey iridda teendhadii shirka.

    5Kolkaasaa Muuse ururkii oo dhan ku yidhi, Waxanu waa waxa Rabbigu amray in la sameeyo.

  • 32¶ Oo sidaasay hawshii taambuugga teendhadii shirka oo dhammu ku dhammaatay; oo reer binu Israa'iil way wada sameeyeen wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan, sidii bayna u sameeyeen.

  • 22Markaasaa Muuse yeelay sidii Rabbigu ku amray, oo wuxuu soo waday Yashuuca, kolkaasuu soo hor taagay wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii oo dhan.

  • 16Markaasaa Muuse iyagii u tiriyey sidii eraygii Rabbigu ahaa oo uu isaga ugu amray.

  • 6Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa.

  • 28Markaasaa reer binu Israa'iil tageen oo sidaas yeeleen; sidii Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku amray ayay yeeleen.

  • Tir 8:22-23
    2 aayado
    76%

    22Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.

    23¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 25Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 19Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 15Wixii Rabbigu addoonkiisii Muuse ahaa ku amray ayuu Muusena Yashuuca ku amray, oo Yashuucana sidaasuu yeelay, oo kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray wax aanu samayn ma jirin.

  • 22Sidaasuu Nuux sameeyey; wax kasta sidii Ilaah ugu amray buu u sameeyey.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo ku yidhi,

  • Bax 31:11-12
    2 aayado
    74%

    11iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa uunsiga udgoon ah oo meesha quduuska ah, oo wax walba sidii aan kugu amray waa inay u sameeyaan.

    12¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 15oo waa inaad iyana u subagtaa sidii aad aabbahood ugu subagtay oo kale, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada, oo subkiddoodu waxay iyaga u noqon doontaa wadaadnimo iyaga u jiraysa weligood iyo tan iyo ka ab ka ab.

  • Bax 40:31-32
    2 aayado
    74%

    31Oo Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisiiba gacmaha iyo cagaha ayay ku maydheen;

    32oo markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 19Oo Muusena wuxuu iyagii cidlada Siinay ugu tiriyey sidii Rabbigu ku amray.

  • 3Oo Haaruunna sidaasuu yeelay, oo wuxuu wada shiday laambadaheedii si ay uga iftiimaan laambadda horteeda, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 2Oo Muuse wuxuu amarka Rabbiga ugu qoray bixitimmadoodii sidii sodcaalladoodu ahaayeen, oo sodcaalladoodii sidii bixitimmadoodu ahaayeen waa kuwan.

  • 24Sidaas daraaddeed Muuse wuu dhegaystay hadalkii soddoggiis, wuuna wada sameeyey wixii uu ku yidhi oo dhan.

  • 10Oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay Selaafexaad gabdhihiisu yeeleen,

  • 49Oo sidii amarka Rabbigu ahaa ayaa loogu tiriyey gacantii Muuse, mid walba sidii hawshiisu ahayd iyo sidii waxqaadkiisu ahaa, oo isagii sidaasuu iyagii u tiriyey sidii Rabbigu Muuse ugu amray.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu haddana Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

  • 7Markaasaa Muuse yimid oo wuxuu u yeedhay waayeelladii dadka oo dhan, kolkaasuu erayadii Rabbigu isaga ku amray oo dhan hortooda wada dhigay.

  • 44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 15Markaasaa Muuse Rabbiga la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 28Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun u sheegay erayadii Rabbigu u soo faray oo dhan, iyo calaamooyinkii uu ku amray oo dhan.

  • 22¶ Oo markaasuu haddana Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,

  • 23Oo intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 21¶ Oo haddana Rabbigu Muusuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Kolkaasaa Muuse madaxdii qabiilooyinka reer binu Israa'iil la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Intanu waa wixii Rabbigu amray.