Baxniintii 40:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 40:5 : 5 Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.
  • Mat 23:19 : 19 Indhoolayaal yahow, haddaba kee baa weyn, hadiyadda iyo meesha allabariga oo hadiyadda quduus ka dhigta?
  • Yoox 11:42 : 42 Waana ogaa inaad mar kasta i maqasho, laakiin dadkan badan oo hareerahayga taagan aawadood ayaan taas u idhi inay rumaystaan inaad adigu i soo dirtay.
  • Yoox 17:1-9 : 1 ¶ Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano, 2 sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan. 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay. 4 Dhulka ayaan kugu ammaanay, anoo dhammeeyey shuqulkaad ii dhiibtay inaan sameeyo. 5 Haddana, Aabbow, adiga qudhaadu igu ammaan ammaantaan kula lahaa intaan dunidu jirin. 6 Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen. 7 Hadda waxay garanayaan wax kastoo aad i siisayba inay xaggaaga ka yimaadeen. 8 Waayo, erayadaad i siisay ayaan siiyey iyaga, wayna aqbaleen, run ahaan bayna u garteen inaan kaa imid, wayna rumaysteen inaad i soo dirtay. 9 ¶ Iyaga waan kuu baryayaa; kuu baryi maayo dunida, laakiin waxaan kuu baryayaa kuwaad i siisay, waayo, waa kuwaagii. 10 Waxayga oo dhan adaa leh, waxaagana anaa leh, iyagana waan ku ammaanmay. 11 Anigu dunida sii joogi maayo; kuwanuse duniday joogayaan, aniguna waan kuu imanayaa. Aabbe Quduusow, iyaga ku hay magacaagii aad i siisay, inay mid ahaadaan sideenna oo kale. 12 Intaan iyaga la jiray, waxaan iyaga ku hayay magacaagii aad i siisay, waanan ilaaliyey, midkoodna ma lumin, wiilka halaagga maahee, in Qorniinku ahaado. 13 Haddana waan kuu imanayaa, oo waxyaalahan ayaan ku hadlayaa intaan dunida joogo inay haystaan farxaddayda oo ay ka buuxsanto iyaga. 14 Ereygaagii ayaan siiyey, oo dunidu waa nebcaatay, waayo, iyagii kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. 15 Kaa baryi maayo inaad iyaga dunida ka qaaddid, waxaanse kaa baryayaa inaad ka dhawrtid kan sharka leh. 16 Iyagu kuwa dunida ma aha, sidaanan kan dunida u ahayn. 17 Iyaga quduus kaga dhig runta, ereygaagu waa rune. 18 Sidaad dunida iigu soo dirtay ayaan anna iyaga dunida ugu diray. 19 Oo aawadood ayaan quduus iskaga dhigaa, in iyagana xagga runta quduus lagaga dhigo. 20 ¶ Kuwan oo keliya kuu baryi maayo, waxaanse weliba kuu baryayaa kuwa igu rumaysanaya hadalkooda aawadiis, 21 inay dhammaan mid ahaadaan, sidaad adigu, Aabbow, iigu jirtid, aniguna aan kuugu jiro, inay iyaguna inoogu jiraan, in dunidu rumaysato inaad i soo dirtay. 22 Oo ammaantaad i siisay iyagaan siiyey, inay mid ahaadaan sidaynu mid u nahay. 23 Iyagaan ku jiraa, adna anigaad igu jirtaa, inay mid ku dhan yihiin, in dunidu garato inaad i soo dirtay, iyo inaad iyaga u jeclaatay, sidaad ii jeclaatay. 24 ¶ Aabbow, kuwaad i siisay waan doonayaa inay ila joogaan meeshaan joogo inay arkaan ammaantaydii aad i siisay, waayo, adaa i jeclaa intaan dunida la aasaasin. 25 Aabbaha xaqa ahow, dunidu kuma ay garanaynin, laakiinse waan ku garanayay; kuwanna waxay garanayeen inaad i soo dirtay. 26 Magacaagaan iyagii garansiiyey, waanan garansiin doonaa, in jacaylkii aad i jeclayd uu ku jiro iyaga, anna aan iyaga ku jiro.
  • Cib 7:25 : 25 Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga.
  • Cib 10:1 : 1 ¶ Waayo, sharcigu wuxuu leeyahay hooska waxyaalaha wanaagsan oo iman doona, laakiin ma leh suuradda waxyaalahaas qudheeda. Oo caabudayaasha marnaba kaamil kagama uu dhigi karo allabaryo sannad walba had iyo goor la bixiyo.
  • 1 Yoox 2:1 : 1 ¶ Carruurtaydiiyey, waxaan waxyaalahan idiinku soo qorayaa si aydnaan u dembaabin; oo qof uun hadduu dembaabo, waxaynu xagga Aabbaha ku leennahay Dhexdhexaadiye, waana Ciise Masiix kan xaqa ah.
  • Bax 30:1-9 : 1 ¶ Oo waxaad samaysaa meel allabari oo foox lagu shido; waxaadna ka samaysaa qori qudhac ah. 2 Oo dhererkeeduna ha ahaado dhudhun, ballaadhkeeduna ha ahaado dhudhun, afar geesoodna waa inay lahaataa, sarajooggeeduna ha ahaado laba dhudhun, oo geesaheeduna waa inay isku waslad la ahaadaan. 3 Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa dusheeda iyo dhinacyadeeda ku wareegsan iyo geesaheedaba; oo waxaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan. 4 Oo qarkeeda hoostiisa waa inaad laba siddo oo dahab ah ugu yeeshaa labada rukun; labada dhinac waa inaad sidaas u yeeshaa, oo waxay u noqon doonaan meelihii ulaha lagu qaado laga gelin lahaa. 5 Oo waxaad ulaha ka samaysaa qori qudhac ah, waana inaad dahab ku dahaadhaa. 6 Oo waxaad hor dhigtaa ilxidhka u dhow sanduuqa maragga oo hor yaal daboolka ka sarreeya maragga, halkaas oo ah meesha aan kugula kulmi doono. 7 Oo Haaruun waa inuu ku shido foox udgoon; subax walba markuu laambadaha hagaajinayo waa inuu foox shido. 8 Oo makhribka Haaruun markuu laambadaha shidayo waa inuu foox shido, kaasoo ah foox joogto u ah Rabbiga hortiisa, ka ab ka ab. 9 Oo waa inaydnaan dusheeda ku bixin foox qalaad, ama qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, oo dusheedana ha ku daadinina qurbaan cabniin ah. 10 Geesaheedana sannaddiiba mar Haaruun waa inuu ku dul kafaaro gudo; oo dhiigga allabariga dembiga oo kafaaraggud ah sannaddiiba mar waa inuu ku kafaaro gudo tan iyo ka ab ka ab. Waa kan ugu wada quduusan Rabbiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 40:3-8
    6 aayado
    85%

    3Oo waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

    4Oo miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.

    5Oo meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.

    6Oo meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka.

    7Oo berkedda weysadana waxaad dhigtaa teendhada shirka iyo meesha allabariga dhexdooda, waana inaad biyo ku shubtaa.

    8Oo waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.

  • Bax 40:27-30
    4 aayado
    85%

    27oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    28Oo taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.

    29Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    30Oo berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho.

  • 38iyo meeshii allabariga oo dahabka ahayd, iyo saliiddii lagu subkan lahaa, iyo fooxii udgoonaa, iyo daahii iridda teendhada,

  • Bax 40:19-25
    7 aayado
    80%

    19Oo taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    20Markaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii;

    21markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    22Oo miiskiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka dibaddiisa oo ah taambuugga dhankiisa woqooyi.

    23Oo intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    24Oo laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.

    25Markaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 27iyo miiska iyo alaabtiisa oo dhan, iyo laambadda iyo alaabteeda, iyo meesha allabariga ee fooxa,

  • Bax 30:6-7
    2 aayado
    78%

    6Oo waxaad hor dhigtaa ilxidhka u dhow sanduuqa maragga oo hor yaal daboolka ka sarreeya maragga, halkaas oo ah meesha aan kugula kulmi doono.

    7Oo Haaruun waa inuu ku shido foox udgoon; subax walba markuu laambadaha hagaajinayo waa inuu foox shido.

  • Bax 35:15-16
    2 aayado
    77%

    15iyo meesha allabariga ee fooxa, iyo ulaheeda, iyo saliidda lagu subkado, iyo fooxa udgoon, iyo daaha iridda laga soo galo taambuugga,

    16iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo shabaggeeda naxaasta ah, iyo ulaheeda, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada, iyo salkeeda,

  • Bax 31:8-9
    2 aayado
    77%

    8iyo miiska iyo alaabtiisa, iyo laambadaha saafiga ah, iyo alaabtooda oo dhan, iyo meesha allabariga oo fooxa,

    9iyo meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, iyo berkedda weysada iyo salkeeda,

  • Bax 37:24-26
    3 aayado
    77%

    24Oo iyada iyo alaabteeda oo dhanba wuxuu ka sameeyey talanti dahab saafi ah.

    25¶ Oo meeshii allabariga ee fooxana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa dhudhun, oo afar geesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa laba dhudhun, oo geesaheeduna isku waslad bay la ahaayeen.

    26Oo wuxuu dahab ku dahaadhay dusheedii iyo dhinacyadeedii ku wareegsanaa, iyo geesaheedii, oo wuxuu u sameeyey wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 77%

    12Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa.

    13Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane.

  • 10Oo waxaad kaloo subagtaa meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, oo meesha allabariga quduus ka dhig, oo markaasay meesha allabarigu waxay noqon doontaa tan ugu wada quduusan.

  • 20iyo laambadihii, iyo laambadahoodii yaryaraa oo wada ahaa dahab saafi ah in meesha ugu quduusan horteeda lagu shido sida waafaqsan amarkii iyaga ku saabsanaa,

  • Bax 26:32-35
    4 aayado
    75%

    32Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah.

    33Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin.

    34Oo daboolka waa inaad saartaa sanduuqa maragga oo ku jira meesha ugu quduusan.

    35Oo miiskana waa inaad dhigtaa ilxidhka dibaddiisa, oo laambaddana waxaad dhigtaa miiska hortiisa oo ah dhanka koonfureed oo taambuugga, miiskana dhanka woqooyi dhig.

  • 30Oo wuxuu naxaastii ka sameeyey iriddii teendhada shirka saldhigyadeedii, iyo meeshii naxaasta ahayd oo allabariga, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo alaabtii meesha allabariga oo dhan,

  • 30Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay.

  • 1¶ Oo waxaad samaysaa meel allabari oo foox lagu shido; waxaadna ka samaysaa qori qudhac ah.

  • 20Oo meesha ugu quduusan waxay lahayd meel dhererkeedu ahaa labaatan dhudhun, ballaadhkeeduna ahaa labaatan dhudhun, sarejooggeeduna ahaa labaatan dhudhun; oo wuxuu ku wada dahaadhay dahab saafi ah; oo meeshii allabarigana wuxuu ku deday qori kedar ah.

  • 7Oo ulihiina wuxuu ka geliyey siddooyinkii meesha allabariga si loogu qaado; oo wuxuu meeshii allabariga ka sameeyey looxyo sida sanduuq madhan oo kale.

  • 5Oo weliba meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo uu Besaleel ina Uurii oo ahaa reer Xuur sameeyey halkaasay tiil taambuugga Rabbiga hortiisa. Oo halkaasay Sulaymaan iyo shirkiiba Rabbiga ka doonayeen.

  • 4isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga;

  • 1¶ Oo weliba wuxuu kaloo sameeyey meel allabari oo naxaas ah oo dhererkeedu labaatan dhudhun yahay, ballaadhkeeduna labaatan dhudhun yahay, sarajooggeeduna labaatan dhudhun yahay.

  • 22Oo guriga oo dhanna wuxuu ku dahaadhay dahab jeer uu gurigii oo dhammu dhammaaday. Oo meesha ugu quduusan meesheedii allabarigana wuu ku dahaadhay dahab.

  • 2Markaasuu gudaha iyo dibaddaba kaga dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuu u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 11oo wuxuu ku dahaadhay dahab saafi ah, oo wuxuuna u yeelay wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 24Oo waa inaad dahab saafi ah ku dahaadhaa, waana inaad u samaysaa wax taaj oo kale ah oo dahab ah oo ku wareegsan.

  • 1¶ Oo meeshii allabariga lagu gubi lahaana wuxuu ka sameeyey qori qudhac ah, oo dhererkeedu wuxuu ahaa shan dhudhun, ballaadhkeeduna wuxuu ahaa shan dhudhun, afargeesood bay ahayd, sarajooggeeduna wuxuu ahaa saddex dhudhun.

  • 18iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga.