Baxniintii 7:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo intii Rabbigu webiga kharribay toddoba maalmood baa ka dambaysay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 8:9-9 : 9 Kolkaasaa Muuse wuxuu Fircoon ku yidhi, Adaa amarka leh; goormaan idiin baryaa adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga, iyo in rahyada laga baabbi'iyo adiga iyo guryahaagaba, oo ay ku hadhaan webiga keliya? 10 Markaasuu ku yidhi, Berri. Isaguna wuxuu yidhi, Sidaad u tidhi ha noqoto, bal inaad ogaatid inaanu jirin mid la mid ah Rabbiga ah Ilaahayaga.
  • Bax 10:23 : 23 oo midkoodna midka kale ma arkin, ama midkoodna meeshiisii kama kicin in saddex maalmood ah; laakiinse reer binu Israa'iil oo dhan guryahoodu iftiin bay lahaayeen.
  • 2 Sam 24:13 : 13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 7:17-22
    6 aayado
    82%

    17Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.

    18Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan.

    19Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada qaado, oo gacanta ku kor fidi biyaha Masar, iyo webiyaashooda, iyo durdurradooda, iyo galalkooda, iyo balliyadooda biyaha ah oo dhan, si ay u noqdaan dhiig; oo dhulka Masar oo dhammu wuxuu noqon doonaa dhiig miidhan, oo ku jiri doona weelasha qoriga ah iyo weelasha dhagaxa ahba.

    20Markaasaa Muuse iyo Haaruun yeeleen sidii Rabbigu ku amray; kolkaasuu ushii kor u qaaday, oo biyihii webiga ku jiray ku dhuftay Fircoon iyo addoommadiisii hortooda, markaasaa biyihii webiga ku jiray oo dhammu waxay u rogmadeen dhiig.

    21Kalluunkii webiga ku jirayna way wada bakhtiyeen; webigiina waa uray, Masriyiintiina biyo way ka cabbi kari waayeen webigii; dhulkii Masar oo dhammuna wuxuu noqday dhiig miidhan.

    22Markaasaa saaxiriintii Masarna waxay yeeleen sidii si le'eg oo falfalkoodii ku sameeyeen. Qalbigii Fircoonna wuu sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.

  • 24Markaasaa Masriyiintii oo dhammu waxay qoteen webiga dhinacyadiisa inay helaan biyo ay cabbaan, waayo, biyihii webiga way cabbi kari waayeen.

  • Bil 7:10-12
    3 aayado
    76%

    10Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen.

    11Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay.

    12Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.

  • 44Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan.

  • Ish 19:5-6
    2 aayado
    72%

    5Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.

    6Oo webiyaashuna way qudhmi doonaan oo durdurrada Masarna way madhan doonaan oo engegi doonaan, oo cawsduurka iyo dareemaduna way wada qallali doonaan.

  • 4Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa.

  • 24Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.

  • 15Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay.

  • 15Waxaad kala furtay ilo iyo durdurro, Oo waxaad qallajisay webiyo waaweyn.

  • 17Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka.

  • 29Biyahoodii wuxuu u beddelay dhiig, Oo kalluunkoodiina wuu wada laayay.

  • 9Oo haddana waxay noqon doontaa, hadday rumaysan waayaan labadan calaamo, oo weliba ay codkaaga maqli waayaan, de markaas bal waa inaad webiga biyo ka qaaddid oo aad dhulka engegan ku shubtid, oo biyihii aad webiga ka qaadday, markay gaadhaan dhulka engegan dhiig bay noqon doonaan.

  • 25Anigu waan qoday oo biyaan cabbay, Oo calaacalaha cagahayga baan ku wada qallajin doonaa Webiyaasha Masar oo dhan.

  • 30Oo sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal.

  • Bax 14:26-27
    2 aayado
    69%

    26¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda.

    27Markaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii.

  • 12¶ Oo wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi,

  • Bax 7:4-5
    2 aayado
    69%

    4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

    5Markaasaa Masriyiintu ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markii aan gacantayda Masar ku kor fidiyo, oo aan reer binu Israa'iil ka dhex bixiyo iyaga.

  • 20¶ Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisheedii kowaad, maalinteedii toddobaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 7Oo in yar dabadeed ayaa durdurkii iska engegay, maxaa yeelay, dalku roob ma lahayn.

  • 7Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan?

  • 7Oo markay Rabbiga u qayshadeen ayuu gudcur kala dhex dhigay idinka iyo Masriyiintii, oo badduu ku soo daayay oo ku daboolay; oo indhihiinnaad ku aragteen wixii aan ku sameeyey Masar; oo idinna maalmo badan ayaad cidlada degganaydeen.

  • 8Oo markaasuu igu yidhi, Biyahanu waxay u baxayaan xagga dalka bari, oo waxay u dhacayaan tan iyo lamadegaanka Caraabaah la yidhaahdo, iyo xagga badda, biyihii baxayayna badday gelayaan oo biyuhuna way bogsan doonaan.

  • 21Markaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.

  • 27¶ Markaasay waxay yimaadeen meel la yidhaahdo Eelim, oo meeshaas waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah, iyo toddobaatan geed oo timir ah, oo halkaasay degeen biyaha agtooda.

  • 11Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.

  • 5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Gacanta adoo ushaada ku haysta ku fidi webiyaasha dushooda, iyo durdurrada dushooda, iyo balliyada dushooda, oo rahyo ku soo daa dalka Masar.

  • Bax 17:5-6
    2 aayado
    68%

    5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Bal dadka ka hor mar, oo waxaad kaxaysataa waayeellada reer binu Israa'iil, ushaadii aad webiga ku dhufatayna gacanta ku qabso oo tag.

    6Oo bal ogow, halkaas ayaan hortaada isku dul taagi doonaa dhagaxa weyn oo Xoreeb yaal, kolkaas waa inaad dhagaxa ushaada ku dhufataa, oo waxaa halkaas ka iman doona biyo ay dadku cabbaan. Kolkaasaa Muuse sidaas ku sameeyey waayeelladii reer binu Israa'iil hortooda.

  • 24Rabbiguna sidii buu yeelay, oo duqsiyo badan oo baas ayaa yimid gurigii Fircoon, iyo guryihii addoommadiisa, oo dalkii Masar oo dhanna duqsiyadii badnaa aawadood ayuu u kharribmay.

  • 2Oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo quruxsan oo cayillan, oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa.

  • 20Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen.

  • 5Oo haddana kun dhudhun ayuu qiyaasay, oo markan waxay ahaayeen webi aanan lug kaga gudbi karin, waayo, biyihii kor bay u keceen, oo waxay noqdeen biyo lagu dabaasho iyo webi aan lug lagaga gudbi karin.

  • 29Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.