Baxniintii 8:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddii aad diiddo inaad sii daysid, bal hadda ogow, waddankaaga oo dhan waxaan ku soo dayn doonaa rahyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 7:14 : 14 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo.
  • Bax 9:2 : 2 Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,
  • Sab 78:45 : 45 Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.
  • Sab 105:30 : 30 Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba.
  • Muj 16:13-14 : 13 Markaasaan arkay saddex jinni oo nijaas ah oo ka soo baxaya masduulaagii afkiisii, iyo bahalka afkiisii, iyo nebigii beenta ahaa afkiisii, oo waxay u ekaayeen rahyo; 14 waayo, waxay ahaayeen ruuxyo jinniyo oo calaamooyin samaynaya, kuwaas oo u taga boqorrada dunida oo dhan inay u soo ururiyaan dagaalka maalinta weyn oo Ilaaha Qaadirka ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 8:3-14
    12 aayado
    87%

    3Oo webiga waxaa ka buuxsami doona rahyo, markaasay waxay tegi doonaan oo geli doonaan gurigaaga, iyo qawladdaada aad seexatid, iyo sariirtaada dusheeda, iyo guryaha addoommadaada oo dhan, iyo dadkaaga dushiisa, iyo foornooyinkaaga dhexdooda, iyo weelashaada wax lagu cajiimo oo dhan;

    4oo rahyadu waxay kor fuuli doonaan adiga, iyo dadkaaga, iyo addoommadaada oo dhanba.

    5Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Gacanta adoo ushaada ku haysta ku fidi webiyaasha dushooda, iyo durdurrada dushooda, iyo balliyada dushooda, oo rahyo ku soo daa dalka Masar.

    6Markaasaa Haaruun gacanta ku kor fidiyey biyihii dalka Masar oo dhan, kolkaasaa rahyadii soo baxeen oo qariyeen dalkii Masar.

    7Saaxiriintiina sidaas si le'eg bay yeeleen oo falfalkoodii ku sameeyeen, oo rahyo bay keeneen dalkii Masar.

    8Markaasaa Fircoon wuxuu u yeedhay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga noo barya inuu rahyada naga qaado aniga iyo dadkaygaba; oo markaasaan dadka sii dayn doonaa inay tagaan oo ay Rabbiga allabari u bixiyaan.

    9Kolkaasaa Muuse wuxuu Fircoon ku yidhi, Adaa amarka leh; goormaan idiin baryaa adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga, iyo in rahyada laga baabbi'iyo adiga iyo guryahaagaba, oo ay ku hadhaan webiga keliya?

    10Markaasuu ku yidhi, Berri. Isaguna wuxuu yidhi, Sidaad u tidhi ha noqoto, bal inaad ogaatid inaanu jirin mid la mid ah Rabbiga ah Ilaahayaga.

    11Oo rahyadu waa ka tegi doonaan adiga iyo guryahaaga, iyo addoommadaada, iyo dadkaagaba, oo waxay ku hadhi doonaan webiga oo keliya.

    12Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ka tageen Fircoon; markaasaa Muuse Rabbiga ugu qayshaday wax ku saabsan rahyadii uu ku soo daayay Fircoon.

    13Rabbiguna wuu yeelay siduu Muuse yidhi, oo rahyadii waa ka idlaadeen guryihii, iyo barxadihii, iyo beerihiiba.

    14Kolkaasay isu soo wada ururiyeen oo meelo ku tuuleen, markaasaa dalkii uray.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.

  • Bax 10:3-4
    2 aayado
    81%

    3Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay u tageen Fircoon, oo ku yidhaahdeen, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu wuxuu kugu yidhi, Ilaa goormaad diidaysaa inaad hortayda is-hoosaysiiso? Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

    4Laakiinse haddii aad diiddo inaad dadkayga sii dayso, bal ogow, berrito dalkaaga ayax baan ku soo dayn doonaa,

  • Bax 8:20-22
    3 aayado
    80%

    20¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac oo Fircoon hortiisa istaag, waayo, markaasuu biyaha tegayaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbigu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene inay ii adeegaan.

    21Haddii kalese haddaadan dadkayga sii daynin inay tagaan, bal ogow, waxaan idiin soo diri doonaa duqsiyo faro badan, adiga, iyo addoommadaada, iyo dadkaaga, iyo guryahaaga dhexdooda; oo guryaha Masriyiinta oo dhanna waxaa ka buuxsami doona duqsiyo faro badan, iyo weliba dhulka ay joogaanba.

    22Inaad ogaatid inaan anigu dhulka dhexdiisa ku ahay Rabbiga, maalintaas waan ka duwi doonaa dalka Goshen oo dadkaygu deggan yahay, inaan duqsiyo badanu halkaas jirin innaba.

  • 30Rahyo waa ku bateen dhulkoodii Iyo qolalka boqorkoodiiba.

  • Bax 9:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyadu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

    2Waayo, haddii aad sii dayn weydo, oo aad sii haysatid,

  • Sab 78:44-45
    2 aayado
    75%

    44Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.

    45Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.

  • 24Rabbiguna sidii buu yeelay, oo duqsiyo badan oo baas ayaa yimid gurigii Fircoon, iyo guryihii addoommadiisa, oo dalkii Masar oo dhanna duqsiyadii badnaa aawadood ayuu u kharribmay.

  • 29Muusena wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waan kaa baxayaa oo waxaan Rabbiga ka baryi doonaa inay duqsiyada badanu berri ka tagaan Fircoon iyo addoommadiisa, iyo dadkiisa, laakiinse Fircoon yuusan mar dambe khiyaano nagula macaamiloon, isagoo aan daynin dadka inay tagaan si ay allabari ugu bixiyaan Rabbiga.

  • 23oo waxaan adiga kugu idhi, Wiilkayga sii daa, ha tagee oo ha ii adeegee. Adiguse waad u diiday inuu tago. Bal hadda ogow, waxaan dili doonaa wiilkaaga curadka ah.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa.

  • 8Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.

  • 11Fircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.

  • 13¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Aroor hore kac, oo Fircoon hortiisa istaag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga Ilaaha Cibraaniyada ah wuxuu leeyahay, Dadkayga sii daa ha tageene, inay ii adeegaan.

  • Bax 7:14-18
    5 aayado
    72%

    14¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon waa macangag, oo wuu diidayaa inuu dadka sii daayo.

    15Bal subaxda Fircoon u tag, waayo, aroorta wuxuu tagaa biyaha. Haddaba waxaad istaagtaa webiga qarkiisa inaad la kulantid isaga; oo gacanta waxaad ku qaadataa ushii abeesada noqotay.

    16Oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa ii soo kaa diray, oo wuxuu kugu yidhi, Sii daa dadkaygu ha tageene, inay cidlada iigu adeegaan; oo bal eeg, hadda ka hor ima aad maqlin.

    17Oo waxaa Rabbigu ku leeyahay, Tan ayaad ku ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay, bal ogow, ushan aan gacanta ku hayo ayaan ku dhufan doonaa biyaha webiga ku jira, markaasay waxay u rogman doonaan dhiig.

    18Oo kalluunka biyaha ku jiraana way wada bakhtiyi doonaan, markaasaa webigu soo uri doonaa; kolkaasaa Masriyiintu aad u nebcaan doonaan inay webiga biyo ka cabbaan.

  • 4Laakiin Fircoon kuma maqli doono, markaasaan gacantayda saari doonaa Masar, oo aan soo bixin doonaa ciidankayga oo ah dadkayga reer binu Israa'iil, waanan kaga soo saari doonaa xukummo waaweyn dalka Masar.

  • 8¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Waxaad qaadataan cantoobooyin dambaska foornada ah, oo Muuse samada ha u saydho Fircoon hortiisa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddaba waad arki doontaa waxaan ku samayn doono Fircoon, waayo, gacan xoog leh buu ku sii dayn doonaa iyaga, oo gacan xoog leh buu dhulkiisa kaga eryi doonaa.

  • 20Markaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.

  • 12¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Gacantaada ayaxa ugu fidi dalka Masar korkiisa, inuu kor yimaado dalka Masar, oo uu cuno geed yar oo kasta, oo ah in alla intii roobkii dhagaxyada lahaa ka baxsatay.

  • 8Markaasaa Muuse iyo Haaruun mar kale loo keenay Fircoon. Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Taga oo Rabbiga Ilaahiinna ah u adeega, laakiinse waa ayo kuwa tegayaa?

  • 17Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?

  • 15Waayo, haatan haddaan gacantayda fidin lahaa, oo aan belaayo kugu dhufan lahaa adiga iyo dadkaagaba, de markaas adiga dhulka waa lagaa baabbi'in lahaa,

  • 31Rabbiguna sidii Muuse yidhi ayuu yeelay; duqsiyadii badnaana wuu ka kexeeyey Fircoon, iyo addoommadiisii, iyo dadkiisiiba. Mid qudh ahna kama hadhin.

  • 27Laakiinse Rabbigu waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, mana u doonaynin inuu iyaga sii daayo.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxaad Haaruun ku tidhaahdaa, Ushaada fidi oo ciidda dhulka ku dhufo si uu dalka Masar oo dhammu injir miidhan u noqdo.