Yexesqeel 1:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markay socdeenba waxaan maqlay sanqadhii baalashooda oo la moodo sida biyo badan guuxood, iyo sida Ilaaha Qaadirka ah codkiisii, iyo buuq sanqadhiis la moodo sidii ciidan hugunkiis oo kale. Oo markay istaageenna baalashoodii bay dejiyeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 10:6 : 6 jidhkiisuna wuxuu u ekaa berullos, wejigiisuna wuxuu u ekaa hillaac, indhihiisuna waxay u ekaayeen laambado dab ah, gacmihiisa iyo cagihiisuna waxay midabka uga ekaayeen naxaas la safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa dad faro badan buuqood.
  • Muj 1:15 : 15 oo cagihiisuna waxay u ekaayeen naxaas dhalaalaysa sidii iyadoo foorno lagu safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa codka biyo badan.
  • Muj 19:6 : 6 Oo haddana waxaan maqlay wax u eg maqluuq badan codkood, iyo biyo badan codkood, iyo onkod xoog weyn codkiis, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya, waayo, waxaa wax xukuma Rabbiga Ilaahayaga oo Qaadirka ah.
  • Yex 43:2 : 2 Oo bal eeg, sharaftii Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa xagga bari ka timid, oo codkiisuna wuxuu u ekaa sidii biyo badan sanqadhood, oo dhulkuna sharaftiisuu la dhalaalay.
  • Yex 10:5 : 5 Oo sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo.
  • 2 Boq 7:6 : 6 Maxaa yeelay, Sayidku wuxuu ciidankii Suuriya maqashiiyey gaadhifardood sanqadhood, iyo fardo sanqadhood, iyo xataa ciidan weyn sanqadhiis; oo waxay isku yidhaahdeen, War boqorkii dalka Israa'iil wuxuu inoo soo kiraystay boqorradii reer Xeed, iyo boqorradii Masar inay inagu soo duulaan.
  • Sab 68:33 : 33 Kaasoo kor fuushan samada samooyinka sare, oo weligoodba jiray, Bal eega, wuxuu ku hadlaa codkiisa, oo weliba codkiisu waa xoog badan yahay.
  • Ayuub 37:2 : 2 Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.
  • Ayuub 37:4-5 : 4 Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha, Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda; Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo. 5 Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa, Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.
  • Sab 18:13 : 13 Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii, Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
  • Sab 29:3-9 : 3 Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan. 4 Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay, Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay. 5 Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah, Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan. 6 Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale, Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar. 7 Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka. 8 Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada, Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh. 9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka, Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa, Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 1:25-26
    2 aayado
    92%

    25Oo cod baa ka yeedhay cirkii madaxooda ka korreeyey, oo markay istaageen baalashooda bay dejiyeen.

    26Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg.

  • Yex 1:4-23
    20 aayado
    87%

    4¶ Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday dabayl duufaan ah oo xagga woqooyi ka timid, iyo daruur weyn, iyo dab iyada ku dhex jira, iyo iftiin hareereheeda ka widhwidhaya, oo dhexdeedana waxaa ku jiray wax la moodo sidii dhuxul cadaatay oo dab ka dhex dhalaalaysa.

    5Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis.

    6Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal.

    7Oo cagahooduna waxay ahaayeen cago toosan, oo baabacada cagahooduna waxay u ekayd weyl baabaceeda, oo waxay u dhalaalayeen sidii naxaas la safeeyey.

    8Oo baalashooda hoostoodana waxay ku lahaayeen nin gacmihiis oo kale oo afarta dhinacba uga yaal, oo afartooduba saasay u lahaayeen wejiyadooda iyo baalashoodaba.

    9Oo baalashooduna midba midka kaluu ku dhegganaa, oo markay socdeenna ma ay leexleexan ee midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay.

    10Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.

    11Wejiyadoodu saasay ahaayeen, oo baalashooduna kor bay u kala fidsanaayeen, oo midkood kastaaba laba baal ayuu midka kan kale kula dhegganaa, oo labana waxay ku daboolnaayeen jidhkooda.

    12Oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay, oo waxay tageen meel alla meeshuu ruuxu tegayoba, oo markay socdeenna ma ay leexleexan.

    13Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.

    14Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen.

    15Haddaba intii aan xayawaanka fiirinayay waxaan arkay giraangir dhulka korkiisa iyo xayawaanka dhinacooda taal, oo mid kastaaba wuxuu u yiil afarta weji.

    16Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.

    17Oo markay tageenna waxay ku socdeen afartooda dhinac, oo mana ay leexleexan markay socdeen.

    18Oo wareegyadooduna aad bay u dheeraayeen, waxayna ahaayeen wax aad iyo aad looga cabsado, oo afartoodaba wareegyadooda waxaa ka buuxay indho miidhan.

    19Oo markay xayawaanku socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo xayawaankii markii dhulka kor looga qaadayba giraangirihiina kor baa loo qaaday.

    20Oo meel alla meeshii ruuxu tegeyba iyaguna way tageen, oo giraangirihiina iyagay la sara keceen, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.

    21Markii kuwaasu tageen, kuwanuna way tageen, oo markii kuwaasu istaageenna, kuwanuna way istaageen, oo markii kuwaas dhulka kor looga qaadayna giraangirihiina dhinacoodaa kor loola qaaday, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.

    22Xayawaanka madaxoodana waxaa ka korreeyey cir ekaantiisa la moodo baraf aad looga cabsado oo ku dul fidsan.

    23Oo cirka hoostiisa ayaa baalashoodu ku toosnaayeen, oo midba kan kale xaggiisuu u sii jeeday. Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa laba baal oo dhinacan uga daboolan iyo laba baal oo jidhkiisa dhinacaas ugu daboolan.

  • Yex 3:12-13
    2 aayado
    82%

    12Markaasaa ruuxu kor ii qaaday, oo waxaan gadaashayda ka maqlay cod guuxaya oo leh, Rabbiga ammaantiisu meesheeda barakay ku leedahay,

    13waxayna ahayd sanqadhii baalashii xayawaankii markay istaabtaabanayeen, iyo sanqadhii giraangirihii iyaga dhinac socday, oo sanqadh yaacideed ahayd.

  • 5Oo sanqadhii baalashii keruubiimtana waxaa laga maqlay tan iyo xataa barxaddii dibadda, sidii markuu Ilaaha Qaadirka ahu hadlo.

  • 9Oo waxay lahaayeen laabdhawr u eg laabdhawr bir ah; oo sanqadha baallahooduna waxay u ekayd sanqadh fardo badan oo dagaal ku yaacaya gaadhifardoodkood.

  • Yex 10:15-19
    5 aayado
    76%

    15Keruubiimtii kor bay isu qaadeen. Kuwaasu waxay ahaayeen xayawaankii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay.

    16Keruubiimtu markay socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo markii keruubiimtu ay baalashooda kor u qaadeen inay dhulka kor isaga qaadaan aawadeed, isla giraangirahaasu dhinacoodii kama ay leexan.

    17Oo markay istaageen, kuwaasuna way istaageen, oo markay kor isu qaadeenna, kuwaasuna kor bay isu qaadeen, waayo, xayawaanka naftoodu iyagay ku jirtay.

    18Markaasaa ammaantii Rabbigu marinka gurigay ka kacday oo waxay istaagtay meel keruubiimtii ka korraysa.

    19Oo keruubiimtiina baalashooday kor u qaadeen oo anigoo indhaha ku haya ayay dhulka kor isaga qaadeen, oo markay bexeen giraangirihiina way dhinac socdeen, oo waxay ag istaageen albaabkii iridda bari ee guriga Rabbiga, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ammaantiisiina iyagay ka korraysay.

  • Yex 10:21-22
    2 aayado
    75%

    21Midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal, oo baalashooda hoostoodana waxaa ku yiil wax nin gacmihiis u eg.

    22Oo wejiyadooduna waxay ahaayeen isla wejiyadii aan Webi Kebaar agtiisa ku arkay, oo muuqashadooda iyo iyaga qudhooduba isku mid bay ahaayeen, oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu socday.

  • Yex 10:10-13
    4 aayado
    75%

    10Oo afartooduba isku muuqashay lahaayeen, oo waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.

    11Oo markay socdeenna waxay ku socdeen afartoodii dhinacba, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen, laakiinse meeshii madaxoodu u sii jeeday ayay u raaceen, oo innaba ma ay leexleexan markay socdeen.

    12Oo jidhkooda oo dhan, iyo dhabarkooda, iyo gacmahooda, iyo baalashooda, iyo giraangirihii afartooda la socdayba waxay ahaayeen indho miidhan oo hareerahooda ku wareegsan.

    13Oo giraangirihiina anigoo maqlaya ayaa lagu magacaabay giraangiraha warwareega.

  • 11Wuxuuna fuulay Keruub, wuuna duulay; Haah, oo waxaa lagu arkay isagoo fuushan dabaysha baalasheeda.

  • 22Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.

  • Ish 6:2-3
    2 aayado
    73%

    2Oo meel isaga ka sarraysayna waxaa taagnaa seraafiim, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa lix baal, laba wejigiisuu ku deday, labana cagihiisuu ku deday, labana wuu ku duulay.

    3Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa.

  • Muj 4:7-8
    2 aayado
    73%

    7Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.

    8Oo afarta xayawaan mid waluba wuxuu lahaa lix baal, oo hareerahooda iyo gudahooduba waa indho miidhan; oo habeen iyo maalin midna ma nastaan, oo waxay yidhaahdaan, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira oo iman doona.

  • 10Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.

  • 13Oo keruubiimtaas baalashoodu way kala baxsanaayeen intii labaatan dhudhun ah; oo cagahooday ku taagnaayeen, wejiyadooduna waxay u jeedeen guriga gudihiisa.

  • 20¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd.

  • 8Oo keruubiimtii waxaa ka muuqday wax nin gacantiis u eg oo baalashooda hoosta uga yaal.

  • 2Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda;

  • 3Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda, Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras, Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,

  • 11Keruubiimta baalashooda dhererkooduna wuxuu ahaa labaatan dhudhun; mid baalkiisu wuxuu ahaa shan dhudhun oo wuxuu gaadhi karay guriga derbigiisa, oo kan kalena wuxuu ahaa shan dhudhun sidaasoo kale oo wuxuu gaadhi karay baalka keruubka kale.