Yexesqeel 12:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 55:11 : 11 sidaas oo kaluu ereygii afkayga ka soo baxaa noqon doonaa, oo isagoo madhan igu soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinayaa wixii aan ula qasdiyey, waana ku soo liibaanayaa wixii aan u diray.
  • Yex 12:28 : 28 Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Ish 14:24 : 24 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu ku dhaartay oo yidhi, Sida xaqiiqada ah waxay noqon doontaa sidii aan ku fikiray, oo taladanuna waxay u hagaagi doontaa sidii aan u qasdiyey,
  • Xab 1:5 : 5 ¶ Bal eega quruumaha dhexdooda, ka fiirsada oo aad u yaaba, waayo, maalmihiinnii waxaan samaynayaa shuqul aydaan rumaysan doonin in kastoo laydiin sheego.
  • Yer 16:9 : 9 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, indhahaaga hortooda iyo wakhtiga aad nooshahay qudhiisa waxaan meeshan ka joojin doonaa codka rayraynta iyo codka farxadda, iyo codka arooska iyo codka aroosaddaba.
  • Bar 2:17 : 17 Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talaggalay, Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey. Wuu dumiyey, umana uu tudhin. Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo, Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.
  • Yex 6:10 : 10 Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.
  • Yex 12:1-2 : 1 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 2 Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.
  • Tir 14:28-34 : 28 Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaaye, hubaal sidaad dhegahayga ugu hadasheen ayaan idinku samaynayaa. 29 Meydadkiinnu waxay ku dhici doonaan cidladan, oo kulli kuwiinna la tiriyey sidii tiradiinnu ahayd oo ah intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd oo aniga ii gunuusay, 30 hubaal idinku geli maysaan dalkii aan ku dhaartay inaan idin dejinayo, Kaaleeb ina Yefunneh iyo Yashuuca ina Nuun mooyaane. 31 Laakiinse yaryarkiinna aad tidhaahdeen, Waa la dhacayaa, iyagaan keeni doonaa, oo iyagu way baran doonaan dalkii aad diiddeen. 32 Laakiinse idinka meydadkiinnu way ku dhici doonaan cidladan. 33 Oo carruurtiinnuna afartan sannadood ayay cidlada ku warwareegi doonaan, oo ilaa meydadkiinnu ay cidlada ku baabba'aan iyagu waxay sidi doonaan daacadnimola'aantiinna. 34 Oo maalmihii aad dalka ku soo basaasteen oo afartan maalmood ahaa, maalintiiba sannad ayaad dembiyadiinna u qaadanaysaan, oo idinku xumaantiinna waad qaadanaysaan xataa afartan sannadood, oo waxaad ogaan doontaan diidniintayda.
  • Sak 1:6 : 6 Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.
  • Mat 24:35 : 35 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
  • Mark 13:30-31 : 30 Runtii waxaan idinku leeyahay, Qarniganu ma idlaan doono intaanay waxan oo dhammi dhicin. 31 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.
  • Luuk 21:13 : 13 Waxayna idinku noqon doontaa marag.
  • Luuk 21:33 : 33 Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.
  • Daan 9:12 : 12 Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 12:26-28
    3 aayado
    86%

    26¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    27Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.

    28Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • Yex 24:14-15
    2 aayado
    82%

    14Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 14:11-12
    2 aayado
    78%

    11si ayan reer binu Israa'iil mar dambe iiga amban ama ayan mar dambe xadgudubyadooda ugu nijaasoobin, laakiinse ay dadkaygii iigu ahaadaan, oo aan aniguna Ilaahooda ugu noqdo, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    12¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 21¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 12:23-24
    2 aayado
    77%

    23Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa.

    24Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 37:14-15
    2 aayado
    75%

    14Ruuxaygaan idin gelin doonaa, waanad soo noolaan doontaan, oo waxaan idin keeni doonaa dalkiinnii. Oo markaasaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan saas ku hadlay, oo aan weliba oofiyey, ayaa Rabbigu leeyahay.

    15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 23¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 45¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 27Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 14Wakhtiga aan kula macaamiloon doono miyaa qalbigaagu u adkaysan karaa, miyaase gacmahaagu xoog u yeelan karaan? Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas samayn doona.

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 14¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.

  • 23sidaas daraaddeed mar dambe wax aan waxba ahayn ma arki doontaan, oo faalna ma faalin doontaan, oo dadkayga ayaan gacantiinna ka samatabbixin doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.

  • 20¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 7taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto.

  • 15Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.

  • 23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 13:7-8
    2 aayado
    72%

    7Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin?

    8¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 20Markaasaan ugu jawaabay, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 2Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 2Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 10Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.

  • Yex 21:17-18
    2 aayado
    72%

    17Aniguna sacabbadaydaan isku dhufan doonaa, waanan cadhabeeli doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

    18¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 16Oo mar dambena siima ay ahaan doonto kalsoonidii reer binu Israa'iil taasoo xumaantoodii soo xusuusisa markay xaggooda fiiriyaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 5Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.

  • 33Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, hubaal boqor baan idiinku ahaan doonaa gacan xoog badan iyo dhudhun fidsan iyo cadho la soo daadshay,

  • 14¶ Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 7Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay.