Yexesqeel 12:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed bal waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Erayadayda midkoodna mar dambe dib looma sii dhigi doono, laakiinse eraygii aan ku hadlaaba wuu oofi doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 24:48-51 : 48 Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay, 49 oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah, 50 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn, 51 oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
  • Mark 13:32-37 : 32 Laakiin maalintaas iyo saacaddaas ninna waxba kama oga, malaa'igaha jannada ku jira iyo Wiilka toona, midna ma oga, Aabbaha keliya maahee. 33 Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay. 34 Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo. 35 Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba, 36 waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda. 37 Waxaan idinku leeyahay ayaan dadkii oo dhan ku leeyahay, Soo jeeda.
  • Luuk 21:34-36 : 34 ¶ Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale. 35 Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga. 36 Laakiin wakhti walbaba soo jeeda, idinkoo Ilaah baryaya inaad xoog yeelataan si aad uga baxsataan waxaas dhici doonaa oo dhan, oo aad Wiilka Aadanaha isu hor taagtaan.
  • 1 Tes 5:2-3 : 2 Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado. 3 Markay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan.
  • Muj 3:3 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.
  • Yer 4:7 : 7 Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.
  • Yer 44:28 : 28 Oo kuwa seefta ka baxsada ayaa dalka Masar ka noqon doona oo waxay geli doonaan dalkii Yahuudah, waxayna ahaan doonaan qaar tiro yar, oo kuwa dadka Yahuudah ka hadhay oo dalka Masar u galay inay halkaas joogaan oo dhan waxay wada ogaan doonaan erayadayda iyo kuwooda kuwii rumooba.
  • Yex 12:23-25 : 23 Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa. 24 Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah. 25 Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 12:21-27
    7 aayado
    86%

    21¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    22Wiilka Aadamow, waa maxay hadalkan aad dalka reer binu Israa'iil ku haysataan, kaasoo leh, Wakhtigii waa sii dheeraaday oo muujin kastaaba way beenowday?

    23Oo haddaba waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Anigu hadalkaas waan joojin doonaa, oo mar dambena dalka reer binu Israa'iil sidaas loogama dhex hadli doono, laakiinse waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Wakhtigii waa soo dhow yahay, oo muujin kastaaba way rumoobi doontaa.

    24Waayo, innaba mar dambe reer binu Israa'iil lagama dhex heli doono muujin been ah iyo faal sasab ah.

    25Maxaa yeelay, anaa Rabbiga ah. Anigu waan hadli doonaa, oo eraygii aan ku hadlaana wuu oofi doonaa. Mar dambena dib looma sii dhigi doono waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reerka caasiyoobayow, wakhtigiinna ayaan erayga odhan doonaa, oo weliba waan oofin doonaa.

    26¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    27Wiilka Aadamow, bal eeg, kuwa reer binu Israa'iil waxay yidhaahdaan, Muujinta uu arkaa waa mid wakhtiyo badan ka dambaysa, oo isagu wuxuu wax ka sii sheegayaa wakhtiyo fog.

  • Yex 24:14-15
    2 aayado
    79%

    14Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wuu imanayaa oo wuu ahaan doonaa, kaasu waa wakhtigii aan ka sii hadlay.

  • 12¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 7taas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taladaasu hagaagi mayso, mana ahaan doonto.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 20¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 45¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 23¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yer 5:13-14
    2 aayado
    72%

    13Oo nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.

    14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.

  • Yex 13:8-9
    2 aayado
    72%

    8¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    9Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.

  • 23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 8¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 31Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse hadalladaydu ma idlaan doonaan.

  • 11sidaas oo kaluu ereygii afkayga ka soo baxaa noqon doonaa, oo isagoo madhan igu soo noqon maayo, laakiinse wuxuu oofinayaa wixii aan ula qasdiyey, waana ku soo liibaanayaa wixii aan u diray.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 28Waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaaye, hubaal sidaad dhegahayga ugu hadasheen ayaan idinku samaynayaa.

  • 11Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.

  • 35Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

  • 4¶ Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.

  • 15Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.

  • 12Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Si fiican baad wax u aragtay, waayo, eraygaygaan ka fiirsadaa si aan u oofiyo.

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 18¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye inaydaan mar dambe maahmaahdan dalka reer binu Israa'iil kaga dhex maahmaahi doonin.

  • 10Oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay iyo inaanan waxtarla'aan u odhan, Belaayadaas ayaan iyaga ku samayn doonaa.

  • 15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 20Markaasaan ugu jawaabay, Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 27Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

  • 14Wakhtiga aan kula macaamiloon doono miyaa qalbigaagu u adkaysan karaa, miyaase gacmahaagu xoog u yeelan karaan? Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay oo saas samayn doona.

  • 33Cirka iyo dhulku waa idlaan doonaan, laakiinse ereyadaydu ma idlaan doonaan.

  • 18Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.