Yexesqeel 2:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse adigu, Wiilka Aadamow, waxaan kugu idhaahdo maqal, oo caasi ha noqon sida reerkaas caasiyoobay oo kale. Afkaaga kala qaad oo waxaan ku siiyo cun.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Muj 10:9 : 9 Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale.
  • Ish 50:5 : 5 Sayidka Rabbiga ah ayaa dhegtayda furay, oo aniguna ma aan caasiyoobin, oo dibna ugama aan noqon.
  • Yer 15:16 : 16 Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, erayadaadii waa la helay, oo waan cunay, oo erayadaadu waxay ii ahaayeen farxaddii iyo rayrayntii qalbigayga, waayo, magacaagaa la iigu yeedhaa.
  • Yex 3:1-3 : 1 ¶ Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil. 2 Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey. 3 Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.
  • Yex 3:10 : 10 Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.
  • 1 Tim 4:14-16 : 14 Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen. 15 Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo. 16 Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.
  • 1 But 5:3 : 3 Oo weliba ha u dhawrina faa'iido ceeb ah daraaddeed, laakiinse ku dhawra maan diyaar ah, hana u xukumina sida idinkoo sayidyo u ah kuwaad u talisaan, laakiinse idaha masaallo u noqda.
  • Laaw 10:3 : 3 Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.
  • Tir 20:10-13 : 10 Kolkaasay Muuse iyo Haaruun ururkii oo dhan ku soo ururiyeen dhagaxa hortiisii, oo wuxuu iyagii ku yidhi, War bal maqla, caasiyiin yahay. Dhagaxan biyo ma idiinka soo daynaa? 11 Kolkaasaa Muuse gacanta kor u qaaday, oo dhagaxii ayuu ushiisii laba jeer ku dhuftay; oo waxaa ka soo baxay biyo aad u badan, oo shirkii iyo lo'doodiiba way wada cabbeen. 12 Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun ku yidhi, Idinku ima aydaan rumaysan, oo quduusna igama aydaan dhigin reer binu Israa'iil hortooda, haddaba sidaas daraaddeed idinku shirkan geeyn maysaan dalkii aan iyaga siiyey. 13 Kuwanu waa biyihii Meriibaah, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil way la dirireen Rabbiga, oo wuxuu iyaga tusay inuu quduus yahay.
  • Tir 20:24 : 24 Haaruun wuxuu ku darman doonaa dadkiisii, waayo, isagu geli maayo dalkii aan siiyey reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, hadalkaygii waad ku caasideen markaad biyihii Meriibaah ag joogteen.
  • 1 Boq 13:21-22 : 21 Wuuna ku qayliyey ninkii Ilaah oo Yahuudah ka yimid, oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Caasi baad ku noqotay Rabbiga, mana aadan xajin amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, 22 laakiinse waad soo noqotay oo kibis baad ku cuntay, biyona waad ku cabtay meeshii uu kugu yidhi, Kibis ha ku cunin, biyona ha ku cabbin. Sidaas daraaddeed meydkaagu gaadhi maayo xabaashii awowayaashaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 3:1-5
    5 aayado
    82%

    1¶ Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaad heshid cun. Qorniinkan duudduuban cun, oo tag, oo waxaad la hadashaa reer binu Israa'iil.

    2Sidaas daraaddeed afkaan kala qaaday oo isna qorniinkii duudduubnaa wuu i cunsiiyey.

    3Oo wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, calooshaada geli oo ka buuxi qorniinkan duudduuban oo aan ku siiyo. Markaasaan cunay, oo wuxuu afkayga ugu dhadhan macaanaa sidii malab oo kale.

    4¶ Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.

    5Waayo, laguuma dirin dad hadal qalaad oo afkoodu adag yahay, laakiinse waxaa laguu diray reer binu Israa'iil.

  • Yex 3:25-27
    3 aayado
    81%

    25Laakiinse Wiilka Aadamow, bal ogow, xadhkaa lagugu xidhi doonaa oo adna waad ku xidhnaan doontaa, oo dadka dhexdiisana uma aad bixi doontid.

    26Oo carrabkaaga dhabxanaggaagaan ku dhejin doonaa, si aad carrablaawe u noqotid, oo aanad iyaga mid canaanta ugu noqon, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

    27Laakiinse markaan kula hadlo, afkaagaan furi doonaa oo waxaad ku odhan doontaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu leeyahay. Kii wax maqlaa, ha maqlo, oo kii diidaana ha diido, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

  • Yex 2:1-7
    7 aayado
    81%

    1¶ Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.

    2Oo markuu ila hadlay ayaa ruuxii i soo galay, oo cagahayguu igu taagay, waanan maqlay kii ila hadlay.

    3Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxaan kuu dirayaa reer binu Israa'iil oo ah dad caasiyiin ah oo iga caasiyoobay. Ilaa maantadan iyaga iyo awowayaashoodba way igu xadgudbayeen.

    4Iyagu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan. Iyagaan kuu dirayaa, waxaanad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay.

    5Oo iyagu hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, weli way ogaan doonaan in nebi iyaga dhex joogay (waayo, iyagu waxa weeye reer caasiyoobay).

    6Wiilka Aadamow, iyaga ha ka baqin, erayadoodana ha ka baqin, in kastoo yamaarug iyo qodxan ay kugu wareegsan yihiin oo aad hangarallayaal dhex deggan tahay, erayadooda ha ka cabsan oo aragtidooda ha ka baqin, waayo, iyagu waa reer caasiyoobay.

    7Oo adigu waa inaad erayadayda iyaga u sheegtaa, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba, waayo, iyagu waa kuwa aad iyo aad u caasiyoobay.

  • Yex 3:10-11
    2 aayado
    78%

    10Oo weliba wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, erayadayda aan kugula hadli doono oo dhan qalbigaaga ku qaado oo dhegahaaga ku maqal.

    11Haddaba waxaad u tagtaa kuwa maxaabiista ah, oo dadkaaga ah, oo intaad la hadashid waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wax buu idinku leeyahay, hadday maqlaan iyo hadday diidaanba.

  • Yex 12:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, waxaad dhex deggan tahay reer caasiyoobay, oo leh indho ay wax ku fiiriyaan laakiinse aan waxba arkin, oo leh dhego ay wax ku dhegaystaanna laakiinse aan waxba maqlin, waayo, waa reer caasiyoobay.

    3Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.

  • 9Oo intaan wax fiirinayay waxaan arkay gacan la ii soo diray, oo bal eeg, waxaa ku jiray qorniin duudduuban.

  • Yex 12:8-9
    2 aayado
    75%

    8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

    9Wiilka Aadamow, reerkii caasiyoobay oo reer binu Israa'iil ah sow kuguma ay odhan, War maxaad samaynaysaa?

  • 17Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.

  • 22Oo idinkuna sidaan yeelay oo kale ayaad yeeli doontaan. Bushimihiinna ma aad dabooli doontaan, oo kibista dadkana ma aad cuni doontaan.

  • 7Haddaba Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, oo sidaas daraaddeed erayga afkayga ka maqal, oo iyaga xaggayga uga dig.

  • 4Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.

  • 4Oo ninkii wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, waxyaalaha aan ku tusi doono oo dhan indhaha ku fiiri, oo dhegaha ku maqal, oo qalbiga geli, waayo, waxaa halkan laguu keenay inaan waxyaalahan ku tuso. Oo wax alla wixii aad aragtid oo dhanba reer binu Israa'iil u sheeg.

  • Ish 1:19-20
    2 aayado
    72%

    19Haddaad raalli tihiin oo aad dhega nugushihiin, waxaad cuni doontaan dalka barwaaqadiisa,

    20haddiise aad diiddaan oo aad caasiyowdaan, waxaa idin wada baabbi'in doonta seef, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 15Markaasuu igu yidhi, Bal eeg, saxaro dad waxaan kuugu beddelay saalo lo', oo waa inaad cuntadaada ku diyaarsataa.

  • 2Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 12:17-18
    2 aayado
    71%

    17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    18Wiilka Aadamow, kibistaada naxdin ku cun, oo biyahaagana gariirid iyo welwel ku cab,

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 23¶ Dhegta ii dhiga, oo codkayga maqla, dhegaysta oo hadalkayga maqla.

  • 23Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 17:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, halxidho, oo reer binu Israa'iil masaal kula hadal,

  • 12¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 21:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga Yeruusaalem u sii jeedi, oo hadal xagga meelaha quduuska ah ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa dalka reer binu Israa'iil.

  • 26¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 30Oo weliba Wiilka Aadamow, dadkaagu derbiyada dhinacooda iyo guryaha irdahooda ayay kugu hadal hayaan, oo midkoodba wuxuu kan kale ku yidhaahdaa, oo midba walaalkiis ku yidhaahdaa, Waan ku baryayaaye bal kaalay oo maqal waxa uu yahay erayga Rabbiga ka imanayaa!

  • 23¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 9Markaasaan malaa'igtii u tegey, oo waxaan ku idhi, Buugga yar i sii. Markaasay igu tidhi, Qaado oo cun; oo wuxuu calooshaada ka dhigi doonaa qadhaadh, laakiin intuu afkaaga ku jiro wuxuu u macaanaan doonaa sida malab oo kale.

  • 19Oo cuntadaydii aan ku siiyey, oo ahayd daqiiqda, iyo saliidda iyo malabka, oo aan kugu quudiyeyna iyagaad hor dhigtay oo aad caraf udgoon uga dhigtay, oo sidaasay ahayd, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 6Oo waxaad caasiyiinta reer binu Israa'iil ah ku tidhaahdaa, Reer binu Israa'iilow, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxyaalihiinnii karaahiyada ahaa ee hore ha idinku filnaadeen,