21Laakiinse anaa u naxay magacayga quduuska ah oo ay reer binu Israa'iil nijaas kaga dhex dhigeen quruumihii ay tageenba.
22Sidaas daraaddeed waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, anigu taas idinka aawadiin uma aanan samayn, laakiinse waxaan u sameeyey magacayga quduuska ah aawadiis, kaasoo aad nijaas kaga dhex dhigteen quruumihii aad tagteenba.
23Oo quduus baan ka dhigi doonaa magacayga weyn oo quruumaha nijaas laga dhex dhigay, oo aad idinku nijaas kaga dhigteen. Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumuhu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay markaan dhexdiinna quduus kaga noqdo iyagoo indhaha ku haya.