Yexesqeel 21:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Weliba Wiilka Aadamow, waxaad taswiir ku tilmaantaa laba jid oo ay seefta boqorka Baabuloon ku iman karto, oo labadooduba waa inay isku dal ka soo baxaan. Meel ku calaamadee, oo waxaad u yeeshaa calaamad ku taal madaxa jidka magaalada soo gala.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 1:10 : 10 Bal eeg, maantadan ayaan kaa kor yeelay quruumaha iyo boqortooyooyinkaba, inaad rujisid oo aad dumisid, iyo inaad baabbi'isid oo aad afgembidid, iyo inaad dhistid oo aad beertid.
  • Yex 4:1-3 : 1 ¶ Wiilka Aadamow, xabbad leben ah soo qaad oo hortaada dhig, oo waxaad ku dul taswiirtaa magaalo, taasoo ah Yeruusaalem, 2 oo iyada weerar, qalcadona ku hareeree, oo tuulmona ku tuul, oo xerooyinna hareereheeda ka dhis, oo wax lagu dumiyona ku wareeji. 3 Oo weliba birdaawe soo qaad, oo waxaad ka dhigtaa derbi bir ah oo adiga iyo magaalada u dhexeeya, oo wejigaagana waxaad u sii jeedisaa xaggeeda, oo iyana waa la weerari doonaa, oo adiguna waa inaad iyada weerar u dhigtaa. Oo taasu calaamad bay u noqon doontaa reer binu Israa'iil.
  • Yex 5:1-9 : 1 ¶ Wiilka Aadamow, seef af badan soo qaado, oo sida mandiisha rayiislaha ugu isticmaal, oo waxaad ku xiirataa madaxa iyo gadhka, oo markaas kafado soo qaado si aad timaha ugu miisaantid, oo kala qaybi. 2 Timaha saddexdooda dalool dalool magaalada dhexdeeda dab ku gub markii maalmaha weerarku ay dhammaystirmaan, oo haddana waxaad qaadataa dalool kale, oo magaalada hareereheeda seefta la dhac, oo daloolka saddexaadna dabaysha ku kala firdhi, oo aniguna seef baan ka daba qaadan doonaa. 3 Oo weliba wuxoogaa yar qaad oo daraftaada gunud. 4 Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan. 5 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa Yeruusaalem. Quruumahaan dhex dhigay, oo hareereheedana waddammaa ku wareegsan. 6 Oo iyana xukummadaydii bay sharnimadeedii kaga caasiyowday in ka sii badan quruumaha kale, oo qaynuunnadaydiina way ka caasiyowday in ka sii badan waddammada hareereheeda ku wareegsan, waayo, iyagu xukummadaydii iyo qaynuunnadaydiiba way diideen, oo innaba kuma ay socon. 7 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumaha hareerihiinna ku wareegsan waad ka sii belaayo badiseen, oo qaynuunnadaydiina kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan xajin, oo quruumaha idinku wareegsan xukummadoodana ma aydaan samayn, 8 haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa. 9 Oo waxaan dhexdaada ku samayn doonaa wax aanan hore u samayn, oo hadda ka dibna aanan samayn doonin wax la mid ah, waana waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan daraaddood. 10 Sidaas daraaddeed aabbayaashu dhexdaaday wiilashooda ku cuni doonaan, oo wiilashuna aabbayaashood bay cuni doonaan, oo dhexdaadaan xukummo ku samayn doonaa, oo kuwaaga hadhay oo dhanna waxaan u kala firdhin doonaa dabaylaha oo dhan. 11 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah, anigu waan ku dhimi doonaa, oo ishayduna kuuma ay tudhi doonto, oo innaba kuuma aan nixi doono, maxaa yeelay, waxaad meeshaydii quduuska ah ku nijaasaysay waxyaalahaagii la nacay oo karaahiyada ahaa oo dhan. 12 Saddexdaada dalool baa belaayo u le'an doona, oo abaar bay dhexdaada ugu baabbi'i doonaan, oo daloolna seef buu hareerahaaga ugu le'an doonaa, oo daloolka saddexaadna dabaylaha oo dhan baan ku kala firdhin doonaa, oo seef baan ka daba qaadan doonaa. 13 Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray. 14 Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan. 15 Sidaasay quruumaha hareerahaaga ku wareegsan ugu noqon doontaa cay, iyo ceeb, iyo wax lagu waana qaato, iyo wax lagu yaabo, markaan dhexdaada xukummo ugu sameeyo xanaaq iyo cadho iyo canaan kulul. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay. 16 Saasaa noqon doonta markaan dushooda ku soo dayn doono fallaadhaha baas ee abaarta ah, oo inay wax baabbi'iyaan u qaybsan, oo aan u soo diri doono inay idin baabbi'iyaan, oo abaartaan idiin sii badin doonaa, oo ushiinna kibistana waan kala jebin doonaa, 17 oo waxaan kugu soo dayn doonaa abaar iyo dugaag xunxun, oo iyana way ku gablamin doonaan, oo belaayo iyo dhiig ayaa ku dhex mari doona, oo seef baan kugu soo dayn doonaa. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 21:20-22
    3 aayado
    87%

    20Waxaad taswiirtaa jid ay seeftu ugu iman karto Rabbaahda reer Cammoon iyo Yeruusaalemta dhufayska leh oo dalka Yahuudah ku dhex taal.

    21Waayo, boqorkii Baabuloon wuxuu soo istaagay meesha jidadku ku kala leexdaan oo ah labada jid madaxooda inuu faaliyo aawadeed. Fallaadhihiisii wuu ku faaliyey, oo teraafiim ayuu la tashaday, oo beer buu fiiriyey.

    22Midigtiisa waxaa yiil faalkii Yeruusaalem loo faaliyey, inuu wax lagu jejebiyo dhisto, oo uu afka laynta u furo, oo uu qaylo aad ugu dhawaaqo, oo uu wax lagu jejebiyo irdaha ka hor samaysto, oo uu tuulmo tuulo, oo uu qalcado dhisto.

  • 18¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 21:1-4
    4 aayado
    74%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga Yeruusaalem u sii jeedi, oo hadal xagga meelaha quduuska ah ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa dalka reer binu Israa'iil.

    3Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa.

    4Seeftaydu intay galkeeda ka soo baxdo ayay wada baabbi'in doontaa binu-aadmiga oo dhan tan iyo koonfur iyo ilaa woqooyi inta ka dhex leh, maxaa yeelay, anigu waxaan markaas kaa baabbi'in doonaa kan xaqa ah iyo sharrowgaba.

  • Yex 22:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Haddaba Wiilka Aadamow, adigu ma doonaysaa inaad xukunto, ma doonaysaa inaad magaalada dhiigga qabta xukunto? Haddaba waa inaad iyada waxyaalaheeda karaahiyada ah oo dhan ogeysiisid.

  • Yex 21:14-16
    3 aayado
    73%

    14Haddaba sidaas daraaddeed, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo sacabbada isku dhufo. Seeftu saddex jeer ha dhacdo, taasoo ah seefta wax lagu laayo, oo kan weyn laysa oo gelaysa xataa qolladahooda.

    15Seefta ayaan irdahooda oo dhan ku cabsiiyey, si uu qalbigoodu u dhalaalo, oo ay kufiddoodu u sii badato. Sida hillaac baa loo dhalaashay oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed!

    16Dadka ururi, xagga midigta u jeeso, dagaal isu diyaari, xagga bidixdana u jeeso, wejigaaga dhinac kasta u jeedi.

  • Yex 21:8-9
    2 aayado
    73%

    8¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    9Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la afeeyey, oo weliba waa la safeeyey.

  • Yex 33:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, dadkaaga la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaan seef dal ku soo daayo, haddii dadka dalkaasu ay nin iyaga ka mid ah soo soocaan oo ay waardiye ka dhigtaan,

  • Yer 21:8-10
    3 aayado
    72%

    8Oo dadkanna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan idin hor dhigayaa jidka nolosha iyo jidka geerida.

    9Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.

    10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 21¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 28¶ Haddaba Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu sidaasuu reer Cammoon iyo caydoodaba ka leeyahay. Adigu waxaad tidhaahdaa, Seef, seef baa la soo siibay, oo waxaa loo safeeyey waxlaynta aawadeed, inay sida hillaac u dhalaasho oo ay wax baabbi'iso,

  • 11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.

  • 2Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.

  • Yex 4:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Wiilka Aadamow, xabbad leben ah soo qaad oo hortaada dhig, oo waxaad ku dul taswiirtaa magaalo, taasoo ah Yeruusaalem,

    2oo iyada weerar, qalcadona ku hareeree, oo tuulmona ku tuul, oo xerooyinna hareereheeda ka dhis, oo wax lagu dumiyona ku wareeji.

  • 20¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 5:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Wiilka Aadamow, seef af badan soo qaado, oo sida mandiisha rayiislaha ugu isticmaal, oo waxaad ku xiirataa madaxa iyo gadhka, oo markaas kafado soo qaado si aad timaha ugu miisaantid, oo kala qaybi.

    2Timaha saddexdooda dalool dalool magaalada dhexdeeda dab ku gub markii maalmaha weerarku ay dhammaystirmaan, oo haddana waxaad qaadataa dalool kale, oo magaalada hareereheeda seefta la dhac, oo daloolka saddexaadna dabaysha ku kala firdhi, oo aniguna seef baan ka daba qaadan doonaa.

  • 12Wiilka Aadamow, qayli oo barooro, waayo, waxay ku kor dhici doontaa dadkayga, oo waxay ku kor dhici doontaa amiirrada reer binu Israa'iil oo dhan. Iyaga iyo dadkaygaba seeftaa loo dhiibay. Haddaba sidaas aawadeed bowdadaada u dharbaax.

  • 2Wiilka Aadamow, maalintan, xataa isla maantadan qudheeda magaceeda qor, waayo, boqorkii Baabuloon isla maantadan qudheeda ayuu Yeruusaalem ku soo dhowaaday.

  • 1¶ Markaasuu dhegahayga cod weyn ugu qayliyey, isagoo leh, Kuwa magaalada u taliya soo dhowee, iyadoo ninkood kastaaba uu hubkiisa uu wax ku baabbi'iyo gacanta ku haysto.

  • 15¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 24Bal eeg tuulmooyinka! Magaalada waa loo yimid in la qabsado, oo waxaa magaaladii la geliyey gacantii reer Kaldayiinkii iyada la diriray, waana seefta iyo abaarta iyo belaayada aawadood. Wixii aad ku hadashay way ahaadeen, oo bal eeg, adiguba waad u jeeddaa.

  • 23¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 17:11-12
    2 aayado
    69%

    11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    12Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.

  • 36¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,

  • 12Kor u qaada calan ku col ah derbiyada Baabuloon, oo ilaalladana sii xoogeeya, oo waardiyayaasha taaga, oo gaadmada diyaariya, waayo, Rabbigu wuxuu u qasdiyey oo weliba sameeyey waxyaalihii uu kaga hadlay kuwa Baabuloon deggan.

  • 3Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, alaabtaada inaad guurtid u diyaarso, oo maalin cad guur iyagoo indhaha kugu haya, oo waa inaad meeshaada ka guurtaa oo aad meel kale u guurtaa iyagoo indhaha kugu haya; waxay noqon kartaa inay ka fiirsadaan, in kastoo ay reer caasiyoobay yihiin.

  • 19¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 19Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?

  • 4Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.

  • 10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.

  • Yer 38:2-3
    2 aayado
    68%

    2Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii reer Kaldayiin u baxaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisuna waxay isaga u ahaan doontaa sidii booli oo kale, wuuna noolaan doonaa.

    3Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida xaqiiqada ah magaaladan waxaa loo gacangelin doonaa ciidanka boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 6Waayo, Sayidku wuxuu igu yidhi, Tag, oo waardiye meel dhig, oo isna wuxuu arko ha sheego.