Yexesqeel 22:28
Oo nebiyadeeduna waxay ku malaaseen dhoobo aan nuurad lahayn, oo iyagoo aan Rabbigu la hadlin ayay yidhaahdaan, Sayidka Rabbiga ah ayaa saas leh, illowse waxay arkeen wax aan waxba ahayn, oo wax been ah bay iyaga ugu faaliyeen.
Oo nebiyadeeduna waxay ku malaaseen dhoobo aan nuurad lahayn, oo iyagoo aan Rabbigu la hadlin ayay yidhaahdaan, Sayidka Rabbiga ah ayaa saas leh, illowse waxay arkeen wax aan waxba ahayn, oo wax been ah bay iyaga ugu faaliyeen.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
6Iyagu waxay arkeen wax aan waxba ahayn iyo faal been ah, oo waxay yidhaahdaan, Rabbigu saasuu leeyahay, iyadoo aan Rabbigu iyaga soo dirin. Oo waxay kuwa kale ka yeeleen inay sii rajeeyaan in eraygaas la xaqiijin doono.
7Miyaydaan muujin been ah arkin, oo miyaydaan faal been ah ku hadlin, markaad tidhaahdaan Rabbigu saasuu leeyahay, in kastoo aanan idinla hadlin?
8¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada anigu col baan idinku ahay, maxaa yeelay, idinku wax aan waxba ahayn ayaad ku hadasheen oo wax been ah baad aragteen ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
9Oo gacantayduna waxay col ku noqon doontaa nebiyada waxa aan waxba ahayn arka, oo waxyaalaha beenta ah ka faaliya. Iyagu dadkayga shirkiisa ma ay dhex joogi doonaan, oo qorniinka reer binu Israa'iilna laguma qori doono, oo dalka reer binu Israa'iilna ma ay geli doonaan, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Sayidka Rabbiga ah.
10Waxyaalahaasu way dhici doonaan, maxaa yeelay, iyagu dadkaygay sireen, iyagoo leh, Waa nabad, iyadoo aan innaba nabadu jirin, oo markii derbi la dhiso, bal eeg, waxay ku malaasaan dhoobo aan nuurad lahayn.
11Kuwa dhoobada aan nuuradda lahayn wax ku malaasa waxaad u sheegtaa inuu derbigaasu soo dhici doono, waxaana jiri doona roob daad weyn. Kuwiinnan roobdhagaxyaale waaweyn ahow, waad soo di'i doontaan, oo dabayl duufaan leh ayaa kala ridi doonta derbigaas.
12Bal ogaada, markii derbigu dhaco sow laydinkuma odhan doono, War meeday dhoobadii aad wax ku malaasteen?
14Sidaasaan derbigii aad dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasteen u dumin doonaa, oo dhulkaan ku ridi doonaa, oo aasaaskiisana waa la bannayn doonaa. Wuu soo dhici doonaa, oo dhexdiisaa laydinku wada baabbi'in doonaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
15Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.
16Kuwaasu waxaa weeye nebiyada reer binu Israa'iil oo Yeruusaalem wax ka sii sheega, oo iyada muujin nabdeed u arka, iyadoo aan nabadu jirin, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
17¶ Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi gabdhaha dadkaaga oo qalbigooda wax ka sii sheega, oo adiguna waa inaad iyaga wax ka sii sheegtaa.
15¶ Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu nebiyada ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan iyaga ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed, waayo, nijaas baa nebiyada Yeruusaalem ka soo faaftay oo waxay wada gaadhay dalka oo dhan.
16Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.
4Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.
14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Nebiyadu wax been ah ayay magacayga ku sii sheegaan. Anigu sooma aan dirin, soomana aan amrin, lamana aan hadlin innaba. Waxay idiin sii sheegaan riyo been ah, iyo faal, iyo wax aan waxba ahayn, iyo khiyaanadii qalbigooda.
15Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar.
16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.
24Wiilka Aadamow, waxaad Yeruusaalem ku tidhaahdaa, Waxaad tahay dal aan la nadiifin oo aan maalinta dhirifka roob lagu soo kor dayn.
25Shirqool bay nebiyadeedu dhexdeeda ku sameeyeen, sidii libaax ciyaya oo xoog wax ku qabsada. Nafo dad ayay baabbi'iyeen, oo waxay iska qaataan khasnad iyo waxyaalo qaali ah, oo waxay u yeeleen carmallo badan oo dhexdeeda jooga.
26Oo wadaaddadeediina sharcigaygii si xun bay u dhaafeen, oo waxay nijaaseeyeen waxyaalahaygii quduuska ahaa. Innaba ma ay kala duwin wixii quduuska ahaa iyo wixii nijaasta ahaa, oo innaba dadka ma ay barin inay kala gartaan wixii nadiifta ahaa iyo wixii aan nadiifta ahayn, oo indhahoodana waxay ka qariyeen sabtiyadaydii, oo anigana dhexdoodaa wax nijaas ah laygaga dhigay.
27Amiirradeeda dhex joogaa waa sida yeey xoog wax ku qabsata oo kale inay dhiig daadiyaan, iyo inay nafo dad halligaan, si ay faa'iido daacadla'aan ugu helaan aawadeed.
2Wiilka Aadamow, waxaad wax ka sii sheegtaa nebiyada reer binu Israa'iil oo wax sheega, oo kuwa qalbigooda wax ka sii sheega waxaad ku tidhaahdaa, Erayga Rabbiga maqla:
3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay nebiyada nacasyada ah oo qalbigooda iska daba gala, iyagoo aan waxba arkin.
4Reer binu Israa'iilow, nebiyadiinnu waxay la mid ahaayeen dawacooyinka meelaha baabba'a ah jooga.
10oo waxay waxarkayaasha ku yidhaahdaan, Waxba ha arkina, oo nebiyadana waxay ku yidhaahdaan, Wax qumman ha noo sheegina, ee waxaad noo sheegtaan waxyaalo macmacaan oo khiyaano miidhan ah.
14Innaba ha maqlina nebiyada idinka hadla ee leh, Uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.
15Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu sooma aan dirin, laakiinse been bay magacayga ku sii sheegaan, si aan idiin eryo, oo aad u halligantaan, idinka iyo nebiyada wax idiin sii sheegaba.
16Oo weliba wadaaddada iyo dadkan oo dhanba, waan la hadlay oo waxaan ku idhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba ha maqlina erayadii nebiyadiinna wax idiin sii sheega, oo idinku yidhaahda, Bal ogaada, weelashii guriga Rabbiga mar dhow baa Baabuloon laga soo celin doonaa, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.
25Waan maqlay wixii ay yidhaahdeen nebiyada magacayga beenta ku sii sheega oo yidhaahda, Waan riyooday, waan riyooday.
26Ilaa goormay waxanu ku sii jirayaan qalbiga nebiyada beenta sii sheega? Iyagu waa nebiyo sii sheega khiyaanada qalbigooda.
31Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay nebiyada carrabkooda ku isticmaala oo yidhaahda, Saasuu Rabbigu leeyahay.
32Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, col baan ku ahay kuwa wax ku sii sheega riyooyin been ah, oo intay u warramaan dadkayga ku qalda beentooda iyo faankooda aan waxtarka lahayn. Rabbigu waxaa kaluu leeyahay, Anigu iyaga ma soo dirin, oo innaba mana amrin, oo iyagu dadkan waxba kuma tari doonaan.
2Waayo, teraafiimkii waxay ku hadleen wax aan waxba ahayn, waxsheegayaashiina wax been ah bay arkeen, oo waxay sheegeen riyooyin been ah, oo si aan waxtar lahayn ayay ugu qalbi qaboojiyaan, haddaba sidaas daraaddeed waxay u ambadaan sida ido oo kale, oo aad bay u dhibtoodaan, maxaa yeelay, adhijir ma leh.
8Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna idin dhex joogaa yaanay idin khiyaanayn, oo idinku innaba ha dhegaysanina riyooyinkiinna aad ku riyootaan.
9Waayo, magacaygay wax been ah idiinku sii sheegaan, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu iyaga sooma aan dirin.
31Nebiyadii waxay sii sheegaan wax been ah, oo wadaaddadiina waxay wax ku xukumaan iyaga taladooda, oo dadkaygiina saasay jecel yihiin, laakiinse bal maxaad ugudambaysta samayn doontaan?
14Nebiyadaadii waxay arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo doqonnimo ah, Oo xumaantaadiina daaha sow kama ay qaadin si maxaabiistaadii laguugu soo celiyo, Laakiinse waxay kuu arkeen waxyaalo aan waxtar lahayn oo ku leexiya.
29inta ay wax aan waxba ahayn kuu arkayaan, oo ay wax been ah kugu faaliyaan, si ay kuugu soo kor daadshaan kuwii la laayay oo sharka ahaa, oo wakhtigoodii yimid markii la ciqaabo.
5Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin.
6¶ Waxay iyagu ku yidhaahdaan, Waxba ha sii sheegina. Iyagu kuwan waxba uma sii sheegi doonaan. Oo hadallo cay ah kama dhammaan doonaan.
11Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto.
13Oo nebiyaduna dabayl bay noqon doonaan, oo eraygu iyaga kuma jiro, oo sidaasaa iyaga lagu samayn doonaa.
29Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen.
11Waayo, iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
10waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.
19Waxaad dadkaygii iigu dhex nijaasayseen cantoobooyin shaciir ah iyo dhawr xabbadood oo kibis ah daraaddood, si aad nafaha aan dhiman lahayn u dishaan, oo aad nafaha aan sii noolaan lahayn badbaadisaan, idinkoo dadkayga beenta dhegaysta been u sheegaya.
14Oo iyagu dhaawicii dadkayga ayay si fudud u bogsiiyeen, oo iyadoo aan innaba nabadu jirin ayay yidhaahdaan, Waa nabad! Waa nabad!
15Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu Nebi Xananyaah ku yidhi, Xananyaahow, bal haatan i maqal. Rabbigu kuma soo dirin, laakiinse waxaad dadkan ka dhigaysaa inay been isku halleeyaan.
13Oo nebiyada Samaariyana nacasnimaan ku arkay. Waxay wax ku sii sheegeen Bacal magiciisa, oo dadkaygii reer binu Israa'iilna way qaldeen.
3Oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad tahay magaalo dhexdeeda dhiig ku daadisa si uu wakhtigeedu u yimaado, oo sanamyo iyada u daran samaysa inay isku nijaasayso.