Yexesqeel 26:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Turosow, bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waxaan ka dhigi doonaa inay quruumo badanu kuugu soo kacaan siday baddu hirarkeeda u soo kiciso oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 5:30 : 30 Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.
  • Yer 51:42 : 42 Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.
  • Miik 4:11 : 11 Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.
  • Nax 2:12 : 12 Aarkii libaaxu wuxuu dhashiisii u dildillaaciyey wax ku filan, oo goolihiisiina wax buu u dilay, oo godadkiisii wuxuu ka buuxsaday ugaadh, oo boholihiisiina wuxuu ka buuxsaday raq.
  • Sak 14:2 : 2 Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.
  • Luuk 21:25 : 25 ¶ Calaamooyin ayaa laga arki doonaa qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha; dhulkana waxaa ku jiri doona dhib quruumahu ka welwelaan guuxa badda iyo hirarka aawadood.
  • Sab 93:3-4 : 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • Sab 107:25 : 25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda.
  • Yex 5:8 : 8 haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa.
  • Yex 21:3 : 3 Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa.
  • Yex 27:26 : 26 Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.
  • Yex 27:32-34 : 32 Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah? 33 Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay. 34 Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.
  • Yex 28:22 : 22 oo waxaad tidhaahdaa, Siidoonay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo waa laygu kaa dhex ammaani doonaa. Oo markaan xukummo dhexdeeda ku sameeyo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, oo dhexdeeda ayaan quduus ku ahaan doonaa.
  • Yex 38:3 : 3 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
  • Yer 6:23 : 23 Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Siyoonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.
  • Yer 21:13 : 13 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?
  • Yer 50:31 : 31 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa.
  • Yer 50:42 : 42 Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Baabuloonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 26:1-2
    2 aayado
    85%

    1¶ Oo haddana sannaddii kow iyo tobnaad, bisha maalinteedii kowaad Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, Reer Turos wuxuu Yeruusaalem ku yidhi, Ahaa, tii dadyowgii iriddiisa ahaan jirtay way jabtay, oo anigay ii soo jeedday, oo haddana waan buuxsanaan doonaa, waayo, iyadu haatan waa cidla.

  • Yex 26:4-8
    5 aayado
    84%

    4Oo iyagu derbiyada Turos way baabbi'in doonaan, oo munaaradaheedana way dumin doonaan, oo ciiddeedana waan ka xoqi doonaa, oo dhagax diiran oo kale baan ka dhigi doonaa.

    5Oo waxay noqon doontaa meel shabagyo lagu wadho oo badda dhexdeeda ku taal, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga ayaa saas ku hadlay, oo booli bay quruumaha u noqon doontaa.

    6Oo gabdhaheeda berrinka joogana seef baa lagu wada layn doonaa; oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    7Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan Turos ku soo kicin doonaa boqorka Baabuloon oo ah Nebukadresar boqorkii boqorrada, oo xagga woqooyi buu ka iman doonaa isagoo wata fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo rag fardooley ah, iyo guuto ciidan ah, iyo dad faro badan.

    8Oo isagu gabdhahaaga berrinka jooga seef buu ku wada layn doonaa, oo qalcado buu kuu samaysan doonaa, oo tuulmo buu kuu tuulan doonaa, oo gaashaan weyn ayuu kor kuugu qaadan doonaa.

  • Yex 26:12-19
    8 aayado
    83%

    12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.

    13Oo waxaan joojin doonaa qaylada heesahaaga, oo kataaradahaaga sanqadhoodana mar dambe lama maqli doono.

    14Waxaanan kaa dhigi doonaa sida dhagax diiran oo kale, oo waxaad noqon doontaa meel shabagyada lagu dul wadho, oo mar dambena dib laguuma dhisi doono, waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Aniga Ilaaha ah ayaa saas ku hadlay.

    15¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu reer Turos ku leeyahay, Markii kuwa dhaawaca ahu cabaadaan oo dad badan dhexdaada lagu laayo, sow jasiiraduhu sanqadha dhiciddaada kama gariiri doonaan?

    16Oo markaasay amiirrada badda oo dhammu carshiyadooda ka soo degi doonaan, oo waxay iska bixin doonaan khamiisyadooda, oo dharkooda daabaca lehna way iska saari doonaan, oo intay gariir xidhaan ayay dhulka fadhiisan doonaan, oo daqiiqad kastana way iska gariiri doonaan, wayna kula yaabi doonaan.

    17Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day!

    18Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.

    19Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan magaalo cidla ah kaa dhigo sida magaalooyinka aan ciduna degganayn oo kale iyo markaan moolka korkaaga ku soo daayo, oo ay biyo badanu ku daboolaan,

  • Yex 27:1-4
    4 aayado
    80%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, haddana Turos aawadeed baroor kor ugu qayli,

    3oo waxaad Turos ku tidhaahdaa, Taada badda kadinkeeda ku taal, oo ah meesha ay gasiirado badan dadkoodu ka baayacmushtaraanay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Turosay, waxaad istidhi, Anigu waxaan leeyahay qurux kaamil ah.

    4Soohdimahaagu waxay ku yaallaan badda dhexdeeda, oo kuwii ku dhisayna quruxdaadii way kaamileen.

  • Aam 1:9-10
    2 aayado
    77%

    9¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Turos sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay u gacangeliyeen reer Edom, oo soo mana ay xusuusan axdigii walaalnimada.

    10Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Turos, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn.

  • Yex 27:32-34
    3 aayado
    77%

    32Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?

    33Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.

    34Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.

  • Yex 28:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, amiirka Turos waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Qalbigaagu kor buu isu qaaday, oo waxaad tidhi, Anigu Ilaah baan ahay, oo badaha dhexdooda ayaan kursigii Ilaah ku dul fadhiyaa, laakiinse waxaad tahay binu-aadmi oo Ilaah ma tihid in kastoo aad qalbigaagii qalbigii Ilaah oo kale ka dhigtay.

  • 1¶ Kanu waa warka culus ee Turos ku saabsan. Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, way baabba'day, guri iyo irid la galo midna ma leh, waxaana iyaga looga muujiyey dalka Kitiim.

  • Sak 9:3-4
    2 aayado
    74%

    3Turos waxay dhisatay qalcad, oo waxay lacag u urursatay sida ciidda oo kale, iyo dahab saafiya sida dhoobada jidadka dhex taal oo kale.

    4Bal eeg, Sayidku iyada wuu hantiyi doonaa, oo xooggeedana badduu ku tuuri doonaa, oo dab baa dhammayn doona.

  • Yex 27:26-27
    2 aayado
    74%

    26Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.

    27Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.

  • 7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.

  • 8haddaba sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, aniga qudhaydu col baan kugu ahay, oo iyadoo quruumuhu ay indhaha ku hayaan ayaan xukummo dhexdaada ku samayn doonaa.

  • 3Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Shabaggaygaan kugu dul fidin doonaa iyadoo dadyow badan ila jiraan, oo iyaguna shabaggaygay kugu soo bixin doonaan.

  • 5Markii warku Masar soo gaadho aad bay warka Turos uga xanuunsan doonaan.

  • 20¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 28:11-12
    2 aayado
    72%

    11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    12Wiilka Aadamow, boqorka Turos baroor u qaad, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ahayd dhammaystirkii kaamilnimada, oo waxaa kaa buuxday xigmad, quruxdaaduna kaamil bay ahayd.

  • 9Oo markaan halligaaddii aad quruumaha ku dhex halligantay u keeno waddammada aadan aqoonin ayaan dadyow badan qalbigood dhibi doonaa.

  • 31Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa.

  • 11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.

  • 11Isagu wuxuu gacantiisa ku fidiyey badda korkeeda, oo boqortooyooyinkiina wuu gariiriyey. Rabbigu wuxuu amar ku bixiyey in la dumiyo qalcadaha Kancaan.

  • 11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.

  • 8Yaa taladan u goostay Turos oo ahayd magaaladii taajajka bixisay, oo baayacmushtariyaasheedu amiirro ahaayeen, oo geddisleydeeduna ay ahaayeen kuwii dhulka sharafta ku lahaa?

  • 12¶ Dadka faraha badanu aad bay u buuqayaan, oo waxay u hugmaan sida hugunka badda! Quruumuhu aad bay u bulxamayaan, oo waxay u guuxaan sidii guuxa biyo xoog badan!

  • 42Baabuloon baddii baa ku soo kor butaacday, oo waxaa qarqiyey hirarkeedii badnaa.

  • 22iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,

  • 17Oo toddobaatanka sannadood markay dhammaadaan ayaa Rabbigu Turos soo booqan doonaa, oo waxay ku soo noqon doontaa kiradeedii, oo waxay dhulka kaga dhillaysan doontaa boqortooyooyinka dunida oo dhan.

  • 14Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, qalcaddiinnii waa la baabbi'iyey.

  • 7oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.