Yexesqeel 27:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka gasiiradaha deggan oo dhammu way kula yaabsan yihiin, oo boqorradooduna aad iyo aad bay u cabsan yihiin, oo wejigooduna aad buu u argaggaxsan yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 23:6 : 6 Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta.
  • Yex 32:10 : 10 Hubaal maalinta dhiciddaada waxaan ka dhigi doonaa inay dadyow badanu kula yaabaan, oo boqorradooduna aad bay kuugu baqi doonaan, markaan seeftayda hortooda ku ruxruxo, oo midkood kastaaba nafsaddiisuu daqiiqad kasta u gariiri doonaa.
  • Muj 18:9-9 : 9 Oo boqorradii dunida oo iyada ka sinaystay oo la raaxaystay ayaa u ooyi doona oo u barooran doona markii ay arkaan qiiqa gubashadeeda, 10 iyagoo meel fog la taagan cabsida caddibaaddeeda, oo waxay odhan doonaan, Waxaa hoogtay oo hoogtay magaalada weyn oo Baabuloon, taasoo ah magaalada xoogga badan! Waayo, xukunkaagu saacad keliya buu ku yimid.
  • Yex 26:15-18 : 15 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu reer Turos ku leeyahay, Markii kuwa dhaawaca ahu cabaadaan oo dad badan dhexdaada lagu laayo, sow jasiiraduhu sanqadha dhiciddaada kama gariiri doonaan? 16 Oo markaasay amiirrada badda oo dhammu carshiyadooda ka soo degi doonaan, oo waxay iska bixin doonaan khamiisyadooda, oo dharkooda daabaca lehna way iska saari doonaan, oo intay gariir xidhaan ayay dhulka fadhiisan doonaan, oo daqiiqad kastana way iska gariiri doonaan, wayna kula yaabi doonaan. 17 Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day! 18 Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.
  • Yex 28:17-19 : 17 Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan. 18 Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan. 19 Dadyowga dhexdooda kuwa kugu yaqaan oo dhammu adigay kula yaabi doonaan, cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 26:15-18
    4 aayado
    84%

    15¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu reer Turos ku leeyahay, Markii kuwa dhaawaca ahu cabaadaan oo dad badan dhexdaada lagu laayo, sow jasiiraduhu sanqadha dhiciddaada kama gariiri doonaan?

    16Oo markaasay amiirrada badda oo dhammu carshiyadooda ka soo degi doonaan, oo waxay iska bixin doonaan khamiisyadooda, oo dharkooda daabaca lehna way iska saari doonaan, oo intay gariir xidhaan ayay dhulka fadhiisan doonaan, oo daqiiqad kastana way iska gariiri doonaan, wayna kula yaabi doonaan.

    17Oo baroor ayay kor kuugu qaylin doonaan, oo waxay kugu odhan doonaan, Magaaladii caanka ahayd, oo dadka badaha maraa ay degganaayeen, oo badaha ku xoog badnayd iyada iyo dadkeeda degganuba, oo kuwa ku hareeraysan oo dhan ka cabsiin jirtayay, sidee baad u ba'day!

    18Haddaba maalinta dhiciddaada gasiiraduhu way wada gariiri doonaan, hubaal gasiiradaha badda ku dhex yaallaa bixitinkaaga aawadiis ayay la argaggixi doonaan.

  • Yex 27:25-34
    10 aayado
    82%

    25Doonniyaha Tarshiish ayaa shixnaddaada qaadi jiray, oo adigu waad buuxsantay, oo badda dhexdeeda ayaad aad ugu sharaf badnayd.

    26Kuwii seebab kuugu kaxaynayay waxay ku geeyeen meel biyo badan, oo dabayshii bari ayaa badda dhexdeeda kugu jebisay.

    27Maalkaaga, iyo alaabtaada, iyo baayacmushtarkaaga, iyo baxriyadaada, iyo doonniyawadayaashaada, iyo kuwa dillaacyada awda, iyo kuwa baayacmushtarkaaga ka shaqaysta, iyo raggaaga dagaalyahanka ah oo ku dhex jooga oo dhan, iyo guutada ku dhex joogta oo dhammuba waxay maalinta baabbi'iddaada ku wada daadan doonaan badaha dhexdooda.

    28Kuwa agagaarkaaga jooga oo dhammu waxay la wada gariiri doonaan qaylada dhawaaqa doonniyawadayaashaada.

    29Oo kuwa seebabka ku shaqeeya oo dhan, iyo baxriyada, iyo doonniyawadayaasha badda oo dhammuba doonniyahooda way ka soo degi doonaan, oo berrigay soo istaagi doonaan.

    30Oo waxaa la maqli doonaa iyagoo kuu barooranaya, oo si qadhaadh ayay u ooyi doonaan, oo madaxooday boodh ku dul shubi doonaan, oo dambaskay ku galgalan doonaan.

    31Oo adiga daraaddaa ayay isu xiiri doonaan, oo joonyado bay guntan doonaan, oo waxay kuugu ooyi doonaan qalbi murugaysan iyo baroor qadhaadh.

    32Oo intay ooyayaan ayay baroor kuu qaadi doonaan, oo waxay ku barooran doonaan iyagoo leh, Turosta badda dhexdeeda ku baabba'day, bal magaaladee baa la mid ah?

    33Markay alaabtaadu badda ka soo baxday dad faro badan baad dhergin jirtay, oo boqorradii dunidana hodan baad maalkaagii badnaa iyo baayacmushtarkaagii kaga dhigtay.

    34Wakhtigii badaha lagugu jebiyey biyaha moolka dheer dhexdooda ayaa baayacmushtarkaagii iyo guutadaadii oo dhammuba kugu wada dhex baabbi'iyeen.

  • 36Oo baayacmushtariyaasha dadka ku dhex jiraa way kugu foodhyaan, oo cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.

  • 5Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen.

  • 10Hubaal maalinta dhiciddaada waxaan ka dhigi doonaa inay dadyow badanu kula yaabaan, oo boqorradooduna aad bay kuugu baqi doonaan, markaan seeftayda hortooda ku ruxruxo, oo midkood kastaaba nafsaddiisuu daqiiqad kasta u gariiri doonaa.

  • 19Dadyowga dhexdooda kuwa kugu yaqaan oo dhammu adigay kula yaabi doonaan, cabsi baad noqotay, oo weligaana mar dambe ma aad jiri doontid.

  • Bax 15:14-15
    2 aayado
    77%

    14Oo dadyowgii baa maqlay, wayna gariireen. Kuwii Falastiin degganaana waxay noqdeen sidii dumar fool qabatay.

    15Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.

  • 16Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay,

  • Yex 28:7-8
    2 aayado
    76%

    7sidaas daraaddeed bal ogow waxaan kugu soo kicin doonaa shisheeyayaal oo ah kuwa cabsida leh ee quruumaha, oo iyaguna waxay seeftooda ula soo bixi doonaan inay quruxda xigmaddaada ku kharribaan, oo dhalaalkaagana way nijaasayn doonaan.

    8Yamayskay kugu ridi doonaan, oo waxaad u dhiman doontaa sida dhimashadii kuwii badaha dhexdooda lagu laayay oo kale.

  • 3Sidaas daraaddeed dadka xoogga badanu way ku ammaani doonaan, oo magaalada quruumaha laga cabsadona way ka cabsan doontaa.

  • 16Quruumuhu way arki doonaan, oo waxay ka ceeboobi doonaan itaalkooda oo dhan, oo intay gacanta afka saaraan ayay dhego beeli doonaan.

  • 8Wayna nixi doonaan, oo waxaa qaban doona xanuun iyo murug, oo waxay u xanuunsan doonaan sida naag foolanaysa. Oo midkoodba kan kaluu la yaabi doonaa, oo wejigooduna wuxuu noqon doonaa sida olol oo kale.

  • 5Markaasaad arki doontaa oo nuuri doontaa, oo qalbigaaguna farxad buu la gariiri doonaa, wuuna rayrayn doonaa, waayo, badda maalkeeda badan adigaa laguu soo leexin doonaa, oo hodantinimada quruumahuna adigay kuu iman doontaa.

  • 6Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.

  • Ish 23:5-6
    2 aayado
    74%

    5Markii warku Masar soo gaadho aad bay warka Turos uga xanuunsan doonaan.

    6Tarshiish xaggeeda u gudba. Kuwiinna gasiiradda degganow, baroorta.

  • 15Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,

  • 7Oo waxay noqon doontaa in kuwa ku fiiriya oo dhammu ay kaa cararaan oo ay yidhaahdaan, Nineweh waa la baabbi'iyey, bal yaa iyada u barooran doona? Xaggee baanse kuwa u tacsiyeeya uga doonaa?

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Samooyinkow, bal waxan la yaaba, oo aad iyo aad u cabsada, oo haddana aad u gariira.

  • 46Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.

  • 10Oo dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan.

  • 45Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.

  • 34Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.

  • 5Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa, Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.

  • 21Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen.

  • 15Saasay kuu noqon doonaan waxyaalihii aad ku hawshootay, oo kuwii aad macaamilada la lahayd tan iyo yaraantaadii midkood kastaaba meeshiisuu tegi doonaa, oo mid ku badbaadiyana ma jiri doono.

  • 14Doonniyaha Tarshiishow, baroorta, waayo, qalcaddiinnii waa la baabbi'iyey.

  • 11War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?

  • 4Soohdimahaagu waxay ku yaallaan badda dhexdeeda, oo kuwii ku dhisayna quruxdaadii way kaamileen.

  • 17Gacmaha oo dhammu way taag gabi doonaan, oo jilbaha oo dhammuna sida biyo oo kale ayay u tabaryaraan doonaan.

  • 18Qalbigaagu wuxuu ka fikiri doonaa cabsida. Meeh karraanigii wax tirin jiray? Oo meeh kii baadda miisaami jiray? Oo meeh kii munaaradaha tirin jiray?

  • 12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.

  • 22iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,

  • 2Kuwiinnan gasiiradda deggan ee baayacmushtariyaasha Siidoon oo badda gudbayaa ay alaab ka buuxiyeenow, aamusa.

  • 15Oo baayacmushtariyadii alaabtaas lahaa oo iyada taajir ku noqday, waxay meel fog la istaagi doonaan cabsida caddibaaddeeda iyagoo ooyaya oo barooranaya;

  • 27Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.