11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
12Wiilka Aadamow, boqorka Turos baroor u qaad, oo waxaad isaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ahayd dhammaystirkii kaamilnimada, oo waxaa kaa buuxday xigmad, quruxdaaduna kaamil bay ahayd.
13Waxaad joogi jirtay Ceeden oo ahayd beertii Ilaah, oo waxaad huwatay dhagax kasta oo qaali ah, kuwaasoo ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo dheemman, iyo berullos, iyo onika, iyo yasbid, iyo safayr, iyo sumurud, iyo mid birqaya, oo dafafkaaga iyo biibiilayaashaada shuqulkoodu wuu kula jiray. Maalintii lagu abuuray waa laguu diyaariyey.
14Waxaad ahayd keruubkii subkanaa ee wax dabooli jiray, oo aniga ayaa saas kaa dhigay si aad buurta quduuska ah ee Ilaah u joogtid. Oo waxaad hor iyo dib ugu dhex socon jirtay dhagaxyo dab ah.
15Maalintii lagu abuuray iyo ilaa markii xaqdarro lagaa helay jidadkaagaad kaamil ku ahayd.
16Baayacmushtarigaaga badan aawadiis waxaa dhexdaada laga buuxiyey dulmi, waanad dembaabtay, oo sidaas daraaddeed ayaan adiga sida wax nijaas ah oo kale buurta Ilaah kaaga xooray. Keruubkii wax dabooli jirayow, waan ku halligay oo dhagxanta dabka ah dhexdooda waan kaa baabbi'iyey.
17Qalbigaagu quruxdaaduu kor isula qaaday, oo xigmaddaadiina waxaad la kharribtay dhalaalkaaga. Dhulkaan kugu xooray oo boqorro hortood ayaan ku dhigay si ay kuu arkaan.
18Meelahaagii quduuska ahaa waxaad ku nijaasaysay xumaatooyinkaagii badnaa, iyo xaqdarradii baayacmushtarkaaga, oo sidaas daraaddeed dhexdaadaan dab ka soo bixiyey, oo isna wuu ku baabbi'iyey, oo dhulka korkiisa ayaan dambas kaaga dhigay iyadoo ay kuwa kuu jeeda oo dhammu indhaha kugu hayaan.