Yexesqeel 38:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Juuj, oo dalka Maajuuj deggan oo ah amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubal, oo isaga wax ka sii sheeg.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 39:1 : 1 ¶ Haddaba Wiilka Aadamow, Juuj wax ka sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
  • Bil 10:2 : 2 ¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.
  • Yex 27:13 : 13 Oo reer Yaawaan, iyo reer Tubal, iyo reer Meshegna way kula baayacmushtari jireen, oo waxay alaabtaadii kaga baayacmushtari jireen dad noolnool iyo weelal naxaas ah.
  • Yex 38:3 : 3 Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.
  • Yex 2:1 : 1 ¶ Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.
  • Yex 6:2 : 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga buuraha dalka reer binu Israa'iil u jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg.
  • Yex 20:46 : 46 Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga koonfureed u sii jeedi, oo hadal xagga koonfureed ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa kaynta duurka xagga koonfureed ku taal;
  • Yex 25:2 : 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg,
  • Yex 32:26 : 26 Halkaas waxaa jooga reer Mesheg iyo reer Tubal iyo dadkooda badan oo dhan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen.
  • Yex 35:2-3 : 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga Buur Seciir u jeedi, oo iyada wax ka sii sheeg, 3 oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Buur Seciiray, bal eeg, col baan kugu ahaye, oo gacantaydaan kugu fidin doonaa, waxaanan kaa dhigi doonaa cidla iyo yaab.
  • 1 Taar 1:5 : 5 ¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.
  • Ish 66:19 : 19 Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.
  • Yex 39:6 : 6 Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 39:11 : 11 ¶ Oo wakhtigaas waxaan Juuj meel lagu aaso ka siin doonaa dalka reer binu Israa'iil, taasoo ah dooxada badda dhankeeda bari loo maro, oo taasuna way joojin doontaa socotooyinka mara. Oo halkaasaa lagu aasi doonaa Juuj iyo dadkiisa faraha badan oo dhan, oo waxaa loo bixin doonaa dooxadii Hamoonjuuj.
  • Muj 20:8-9 : 8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda. 9 Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 39:1-2
    2 aayado
    94%

    1¶ Haddaba Wiilka Aadamow, Juuj wax ka sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.

    2Dib baan kuu soo celin doonaa, waanan ku soo kaxaysan doonaa, oo waxaan kaa soo kicin doonaa meelaha woqooyi ugu shisheeya, oo buuraha reer binu Israa'iil ayaan ku keeni doonaa.

  • Yex 38:3-4
    2 aayado
    93%

    3Oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Juujow, amiirka madaxda u ah Mesheg iyo Tubalow, bal eeg, col baan kugu ahaye.

    4Dib baan kuu soo celin doonaa, oo qabatooyin baan daamanka kaa sudhi doonaa, waanan soo bixin doonaa adiga, iyo ciidankaaga oo dhan, fardaha iyo fardooleydaba, iyagoo kulligood dhar dagaaleed xidhan, oo ah ciidan faro badan oo gaashaammo waaweyn iyo gaashaammo yaryar sita, oo kulligood seef sita,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 38:13-19
    7 aayado
    80%

    13Shebaa, iyo Dedaan, iyo baayacmushtariyaasha Tarshiish, iyo libaaxyadooda yaryar oo dhan waxay kugu odhan doonaan, Ma waxaad u timid inaad wax dhacdid? Oo guutadaada ma waxaad u soo urursatay inaad wax boobtid, iyo inaad lacag iyo dahab iska qaadatid, oo aad xoolo iyo alaab iska kaxaysatid, iyo inaad wax badan dhacdid?

    14¶ Sidaas daraaddeed Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad Juuj ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markii dadkayga reer binu Israa'iil ay wakhtigaas si ammaan ah ku degganaadaan, sow taas ogaan maysid?

    15Markaasaad ka soo kici doontaa meeshaada woqooyi ugu shishaysa adiga iyo dad badan oo kula jira, oo kulligood fardo fuushan, oo ah guuto faro badan, iyo ciidan xoog leh.

    16Oo waxaad ku soo kici doontaa dadkayga reer binu Israa'iil inaad sida daruur oo kale dhulka u qarisid, oo ugu dambaysta waxay noqon doontaa inaan dalkayga kugu soo kiciyo, Juujow, si ay quruumuhu ii aqoonsadaan markii dhexdaada quduus layga dhigo iyagoo indhaha ku haya.

    17Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu ma waxaad tahay kii aan waa hore addoommadaydii nebiyada reer binu Israa'iil ahaa kaga hadlay, kuwaas oo waayahaas sannado badan wax ku sii sheegayay inaan iyaga kugu soo kicin doono?

    18Laakiinse wakhtiga Juuj uu dalka reer binu Israa'iil ku soo kici doono ayaan aad iyo aad u cadhoon doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    19Waayo, waxaan ku hadlay masayrkaygii iyo cadhadaydii kululayd, oo hubaal wakhtigaas waxaa dalka reer binu Israa'iil jiri doona gariir weyn,

  • Yex 6:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid, isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, wejigaaga buuraha dalka reer binu Israa'iil u jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg.

  • Yex 35:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, wejigaaga Buur Seciir u jeedi, oo iyada wax ka sii sheeg,

  • 2Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi Fircoon oo ah boqorka Masar, oo waxaad wax ka sii sheegtaa isaga iyo dalka Masar oo dhan.

  • Yex 21:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, wejigaaga xagga Yeruusaalem u sii jeedi, oo hadal xagga meelaha quduuska ah ka gees ah ku hadal, oo waxaad wax ka sii sheegtaa dalka reer binu Israa'iil.

  • 4Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.

  • Yex 38:6-7
    2 aayado
    73%

    6iyo reer Gomer iyo guutooyinkiisii oo dhan, iyo reer Togarmaah oo meelaha woqooyi ugu shisheeya deggan iyo guutooyinkiisii oo dhan, xataa dad faro badan oo kula jira.

    7Isdiyaari, oo adiga iyo ciidankaaga kugu soo ururay oo dhammu isdiyaariya, oo adigu madax iyaga u noqo.

  • 11¶ Oo wakhtigaas waxaan Juuj meel lagu aaso ka siin doonaa dalka reer binu Israa'iil, taasoo ah dooxada badda dhankeeda bari loo maro, oo taasuna way joojin doontaa socotooyinka mara. Oo halkaasaa lagu aasi doonaa Juuj iyo dadkiisa faraha badan oo dhan, oo waxaa loo bixin doonaa dooxadii Hamoonjuuj.

  • 1¶ Oo weliba Wiilka Aadamow, buuraha reer binu Israa'iil wax u sii sheeg, oo waxaad ku tidhaahdaa, Buuraha reer binu Israa'iilow, bal erayga Rabbiga maqla.

  • 17¶ Wiilka Aadamow, wejigaaga u jeedi gabdhaha dadkaaga oo qalbigooda wax ka sii sheega, oo adiguna waa inaad iyaga wax ka sii sheegtaa.

  • 7Oo waxaad wejigaaga u jeedisaa weerarka Yeruusaalem xaggiisa, iyadoo gacantaadu qaawan tahay, oo waa inaad iyada wax ka sii sheegtaa.

  • 2Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg,

  • Yex 28:20-21
    2 aayado
    71%

    20¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    21Wiilka Aadamow, wejigaaga Siidoon u jeedi oo iyada wax ka sii sheeg,

  • 8oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.

  • Yex 39:5-6
    2 aayado
    70%

    5Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Adigu waxaad ku le'an doontaa berrin bannaan, waayo, aniga ayaa saas ku hadlay.

    6Oo waxaan dab ku soo dayn doonaa Maajuuj iyo kuwa gasiiradaha ammaanka isaga degganba, oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yex 38:9-10
    2 aayado
    70%

    9Adigu waad soo kici doontaa oo waxaad u iman doontaa sida duufaan oo kale, oo waxaad ahaan doontaa sida daruur dalka qarisa, adiga iyo guutooyinkaaga oo dhan, iyo dad faro badan oo kula jiraba.

    10Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas wax baa maankaaga ku soo dhici doona, oo waxaad ku fikiri doontaa xeelad shar ah,

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 1¶ Oo isna wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, bal istaag, waan kula hadlayaaye.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 7Haddaba Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, oo sidaas daraaddeed erayga afkayga ka maqal, oo iyaga xaggayga uga dig.

  • 4¶ Markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil u tag, oo erayadayda kula hadal.

  • 21Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Seef baan buurahayga oo dhan ugaga yeedhi doonaa, oo nin kastaba seeftiisu waxay col ku noqon doontaa walaalkiis.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17Wiilka Aadamow, waardiye baan reer binu Israa'iil kaaga dhigay, haddaba bal erayga afkayga ka soo baxaya maqal, oo digniin xaggayga ka timid iyaga gaadhsii.

  • 16¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 17¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 33:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, dadkaaga la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaan seef dal ku soo daayo, haddii dadka dalkaasu ay nin iyaga ka mid ah soo soocaan oo ay waardiye ka dhigtaan,

  • 11¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • Yex 13:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

    2Wiilka Aadamow, waxaad wax ka sii sheegtaa nebiyada reer binu Israa'iil oo wax sheega, oo kuwa qalbigooda wax ka sii sheega waxaad ku tidhaahdaa, Erayga Rabbiga maqla:

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,