Yexesqeel 48:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa soohdinta reer Ruubeen dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Yahuudah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 15:1-9 : 1 ¶ Oo reer Yahuudah qabiilkoodii waxay qayb u heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen ilaa soohdinta Edom, iyo tan iyo xataa cidlada Sin ee xagga koonfureed ka xigta, iyo xagga koonfureed ee ugu shishaysa. 2 Oo soohdintooda koonfureedna waxay gaadhsiisnayd xagga ugu shishaysa ee Badda Cusbada leh, iyo tan iyo gacanka koonfur u jeeda, 3 oo waxay u baxday xagga koonfureed ee jiirta Caqrabbiim, oo waxay u dhaaftay xagga Sin, oo haddana waxay martay xagga koonfureed oo Qaadeesh Barneeca, oo ay martay xagga Xesroon, oo waxay kor ugu baxday xagga Addaar, oo u laabatay xagga Qarqaacaa; 4 oo waxay u sii dhaaftay xagga Casmoon, oo haddana waxay u baxday xagga durdurka Masar, oo soohdinta waxaa dhammaadkeedu ahaa badda; taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna koonfureed. 5 Oo soohdinta barina waxay ahayd ilaa Badda Cusbada leh, iyo tan iyo meesha uu Webi Urdun ku dhammaado. Oo waaxda woqooyi soohdinteeduna waxay ahayd badda gacankeeda u dhow meesha uu Webi Urdun ku dhammaado; 6 oo soohdintu waxay martay ilaa Beytxoglaah, oo waxay sii martay xagga woqooyi oo u dhow Beytcaraabaah; oo soohdintu waxay martay dhagaxii Bohan ina Ruubeen; 7 oo soohdintu waxay sii martay Debiir, marka laga tago dooxadii Caakoor, iyo xagga woqooyi ee ku soo jeedda Gilgaal, taasu waxa weeyaan meel ku toosan jiirta Adummiim, taasoo ku taal webiga dhiniciisa koonfureed; oo soohdintu waxay sii martay biyaha Ceyn Shemesh, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa Ceyn Rogeel agteeda; 8 oo soohdintu waxay sii martay dooxadii ina Xinnom iyo ilaa xagga koonfureed ee Yebuus. Taasu waa Yeruusaalem. Oo soohdintu waxay kor ugu baxday buurta ku taal dooxadii Xinnom horteeda ee xaggeeda galbeed, taasoo ku taal dooxada xagga woqooyi oo ugu fog ee reer Rafaa. 9 Oo soohdintu waxay ka soo baxday buurta dhaladeeda ilaa isha biyaha ee Neftoo'ax, oo ay u baxday xagga magaalooyinkii ku yiil Buur Cefroon; oo soohdintu waxay sii martay xagga Bacalaah, (taasu waxa weeyaan Qiryad Yecaariim), 10 markaasay soohdintu ka laabatay Bacalaah galbeedkeeda ilaa Buur Seciir, oo waxay sii martay Buur Yecaariim dhinaceeda woqooyi (taasuna waxa weeyaan Kesaaloon), oo waxay hoos ugu dhaadhacday xagga Beytshemesh, oo waxay sii martay Timneh; 11 markaasay soohdintu u baxday dhinaca woqooyi oo Ceqroon; oo haddana soohdintu waxay u baxday Shikeroon, oo waxay sii martay Buur Bacalaah, oo waxay u baxday Yabne'eel agteeda; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa badda. 12 Oo soohdinta xagga galbeedna waxay ahayd tan iyo badda weyn iyo xeebteeda. Intaasu waa soohdintii ku soo wareegi jirtay reer Yahuudah sida reerahoodu ahaayeen. 13 ¶ Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon). 14 Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq. 15 Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer. 16 Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah. 17 Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey. 18 Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa? 19 Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose. 20 ¶ Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen. 21 ¶ Oo qabiilkii reer Yahuudah magaalooyinkoodii ugu fogaa xagga soohdinta koonfureed oo Edom waxay ahaayeen Qabse'eel, iyo Ceeder, iyo Yaaguur, 22 iyo Qiinaah, iyo Diimoonaah, iyo Cadcaadaah, 23 iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Itnaan, 24 iyo Siif, iyo Telem, iyo Becaalood, 25 iyo Xaasoor Xadataah, iyo Qiryood Xesroon (oo taasuna waa Xaasoor qudheeda), 26 iyo Amaam, iyo Shemac, iyo Molaadaah, 27 iyo Xasar Gaddaah, iyo Xeshmoon, iyo Beytfeled, 28 iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac, iyo Bisyootiyaah, 29 iyo Bacalaah, iyo Ciyiim, iyo Cesem, 30 iyo Eltoolad, iyo Kesiil, iyo Xormaah, 31 iyo Siiqlag, iyo Madmannaah, iyo Sansannaah, 32 iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan. 33 ¶ Oo dalka dooxadana waxay ku lahaayeen Eshtaa'ool, iyo Sorcaah, iyo Ashnaah, 34 iyo Saanoo'ax, iyo Ceyn Ganniim, iyo Tafuu'ax, iyo Ceynaam, 35 iyo Yarmuud, iyo Cadullaam, iyo Sokoh, iyo Caseeqaah, 36 iyo Shacarayim, iyo Cadiitayim, iyo Gedeeraah, iyo Gedeerootayim, oo iyana waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. 37 ¶ Iyo Senaan, iyo Xadaashaah, iyo Migdal Gaad, 38 iyo Dilcaan, iyo Misfaah, iyo Yoqte'eel, 39 iyo Laakiish, iyo Bosqad, iyo Cegloon, 40 iyo Kabboon, iyo Laxmaam, iyo Kitliish, 41 iyo Gedeerood, iyo Beytdagoon, iyo Nacamaah, iyo Maqeedaah, iyana waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. 42 ¶ Libnaah, iyo Ceter, iyo Caashaan, 43 iyo Yiftaax, iyo Ashnaah, iyo Nesiib, 44 iyo Qeciilaah, iyo Aksiib, iyo Maareeshaah, oo iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii. 45 ¶ Ceqroon, iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii, 46 iyo Ceqroon iyo ilaa badda, iyo kulli intii u dhowayd Ashdood iyo tuulooyinkoodii. 47 ¶ Ashdood iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii, iyo Gaasa iyo magaalooyinkeedii, iyo tuulooyinkeedii, iyo ilaa durdurkii Masar, iyo ilaa badda weyn, iyo soohdinteeda. 48 ¶ Iyo dalkii buuraha lahaa oo dhan, iyo Shamiir, iyo Yatiir, iyo Sokoh, 49 iyo Dannaah, iyo Qiryad Sannaah (taasoo Debiir ah), 50 iyo Canaab, iyo Eshtemoh, iyo Caaniim, 51 iyo Goshen, iyo Xolon, iyo Giloh, iyana waa koob iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. 52 ¶ Araab, iyo Duumah, iyo Eshecaan, 53 iyo Yaaniim iyo Beyd Tafuu'ax, iyo Afeeqaah, 54 Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii. 55 ¶ Iyo Maacoon, iyo Karmel, iyo Siif, iyo Yutaah, 56 iyo Yesreceel, iyo Yokdecaam, iyo Saanoo'ax, 57 Kayn, iyo Gibecaah, iyo Timneh, iyana waa toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. 58 ¶ Xalxuul, iyo Beytsuur, iyo Gedoor, 59 iyo Macaraad, iyo Beytcanood, iyo Elteqon, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii. 60 ¶ Qiryad Bacal (taasoo ah Qiryad Yecaariim), iyo Rabbaah, iyana waa laba magaalo iyo tuulooyinkoodii. 61 ¶ Xagga cidladana waxay ku lahaayeen Beytcaraabaah, iyo Middiin, iyo Sekaakaah, 62 iyo Nibshaan iyo Magaalada Cusbada leh iyo Ceyn Gedii, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii. 63 ¶ Xagga reer Yebuus, kuwaasoo Yeruusaalem degganaa, reer Yahuudah way eryi kari waayeen; laakiinse reer Yebuus Yeruusaalem bay la degganaayeen reer Yahuudah ilaa maantadan la joogo.
  • Yash 19:9 : 9 Oo qaybtii reer Yahuudah waxaa ku jiray dhaxalkii reer Simecoon, maxaa yeelay, reer Yahuudah qaybtoodu waa ku badnaa; sidaas daraaddeed reer Simecoon waxay dhaxal ka heleen dhaxalkii reer Yahuudah dhexdiisa.
  • Bil 29:35 : 35 Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 48:1-6
    6 aayado
    90%

    1¶ Haddana kuwanu waa magacyadii qabiilooyinka. Xagga woqooyi tan iyo jidka Xetlon agtiisa iyo ilaa meesha Xamaad laga galo, iyo Xasar Eenaan iyo ilaa soohdinta Dimishaq xaggeeda woqooyi iyo ilaa xagga Xamaad, kuwaas oo ah dhinacyada bari iyo galbeed, waxaa jiri doonta qaybta reer Daan.

    2Oo waxaa soohdinta reer Daan dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Aasheer.

    3Oo waxaa soohdinta reer Aasheer dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Naftaali.

    4Oo waxaa soohdinta reer Naftaali dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Manaseh.

    5Oo waxaa soohdinta reer Manaseh dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Efrayim.

    6Oo waxaa soohdinta reer Efrayim dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Ruubeen.

  • Yex 48:8-10
    3 aayado
    85%

    8¶ Oo soohdinta reer Yahuudah dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeedna waxaa ku xigi doonta meeshaad qurbaan ahaan u bixinaysaan oo ballaadhkeedu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo dhererkeeduna ula mid yahay sida qaybaha kale middood tan iyo dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed inta ka dhex leh, oo meesha quduuska ahuna waxay ku oolli doontaa meeshaas dhexdeeda.

    9Oo meesha aad Rabbiga qurbaan ahaan ugu bixinaysaan dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna toban kun.

    10Oo meeshaas ah qurbaanka quduuska ah waxaa iska lahaan doona wadaaddada. Dhankeeda woqooyi dhererkiisu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo dhankeeda galbeed ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda bari ballaadhkiisuna toban kun, oo dhankeeda koonfureed dhererkiisuna shan iyo labaatan kun, oo meesha quduuska ah ee Rabbiguna waa inay dhexdeeda ku taallaa.

  • Yex 48:21-34
    14 aayado
    81%

    21¶ Oo inta hadhana waxaa iska lahaan doona amiirka, dhinacan iyo dhinacaas oo dalka qurbaanka ee quduuska ah, iyo meesha ay magaaladu ku taalloba, oo ka soo hor jeedda shan iyo labaatanka kun oo dalka qurbaanka ah oo xagga soohdinta bari, iyo dhanka galbeed oo ka soo hor jeeda shan iyo labaatanka kun oo xagga soohdinta galbeed, oo ku xiga qaybaha. Oo intaas waxaa lahaan doona amiirka, oo dalka qurbaanka ee quduuska ah iyo meesha quduuska ah ee daartana waa inay ku dhex yaallaan.

    22Oo weliba xagga hantida reer Laawi iyo xagga hantida magaalada oo ku dhex yaal meesha amiirka oo u dhaxaysa soohdinta reer Yahuudah iyo soohdinta reer Benyaamiinba waxaa iska lahaan doona amiirka.

    23¶ Oo qabiilooyinka kale oo hadhana tan iyo dhanka bari iyo ilaa dhanka galbeed reer Benyaamiin waa inay qayb ka helaan.

    24Oo waxaa soohdinta reer Benyaamiin dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Simecoon.

    25Oo waxaa soohdinta reer Simecoon dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Isaakaar.

    26Oo waxaa soohdinta reer Isaakaar dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Sebulun.

    27Oo waxaa soohdinta reer Sebulun dhankeeda bari iyo ilaa dhankeeda galbeed ku xigi doonta qaybta reer Gaad.

    28Oo xagga soohdinta reer Gaadna dhankeeda koonfureed soohdintu waa inay ahaataa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn.

    29Kaasu waa dalka aad qabiilooyinka reer binu Israa'iil dhaxal ahaan saami ugu qaybin doontaan, oo intaasuna waa qaybahooda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    30¶ Oo kuwanuna waa meelaha magaalada laga baxo, xagga dhanka woqooyi waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur.

    31Oo magaalada irdaheedana waa in lagu magacaabaa qabiilooyinka reer binu Israa'iil magacyadooda. Saddexda irdood oo xagga woqooyi irid waa in reer Ruubeen lagu magacaabaa, iridna reer Yahuudah, iridna reer Laawi.

    32Oo xagga dhanka barina waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo xagga barina irid waa in reer Yuusuf lagu magacaabaa, iridna reer Benyaamiin, iridna reer Daan.

    33Oo xagga dhanka koonfureedna qiyaastiisu waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo dhanka koonfureed irid waa in reer Simecoon lagu magacaabaa, iridna reer Isaakaar, iridna reer Sebulun.

    34Oo xagga dhanka galbeedna waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddex irdood leh, oo irid waa in reer Gaad lagu magacaabaa, iridna reer Aasheer, iridna reer Naftaali.

  • Yex 47:18-21
    4 aayado
    77%

    18Oo tan dhanka barina waxay ahaan doontaa Webi Urdun oo u dhexeeya Xawraan iyo Dimishaq iyo Gilecaad, iyo dalka reer binu Israa'iil. Tan iyo soohdintaas iyo ilaa badda bari waa inaad qiyaastaan, oo taasuna waa tan dhanka bari.

    19Oo dhanka koonfureed xaggiisana waa tan iyo Taamaar iyo ilaa biyaha Meriibad Qaadeesh, iyo tan iyo webiga xagga badda weyn, oo taasuna waa soohdinta dhanka koonfureed.

    20Oo tan dhanka galbeedna waxay ahaan doontaa badda weyn ilaa soohdinta koonfureed iyo ilaa la yimaado meel Xamaad ka soo hor jeedda. Oo taasuna waa soohdinta dhanka galbeed.

    21Sidaas waa inaad dalkaas u qaybsataan siday qabiilooyinka reer binu Israa'iil yihiin.

  • 5Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.

  • 1¶ Oo reer Yahuudah qabiilkoodii waxay qayb u heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen ilaa soohdinta Edom, iyo tan iyo xataa cidlada Sin ee xagga koonfureed ka xigta, iyo xagga koonfureed ee ugu shishaysa.

  • 12Oo soohdinta xagga galbeedna waxay ahayd tan iyo badda weyn iyo xeebteeda. Intaasu waa soohdintii ku soo wareegi jirtay reer Yahuudah sida reerahoodu ahaayeen.

  • Yex 48:16-18
    3 aayado
    74%

    16Oo kuwanuna waa inay qiyaasteeda ahaadaan: dhanka woqooyi waa inuu ahaadaa afar kun iyo shan boqol, dhanka koonfureedna afar kun iyo shan boqol, dhanka barina afar kun iyo shan boqol, dhanka galbeedna afar kun iyo shan boqol.

    17Oo magaalada agagaarkeeduna xagga woqooyi waa inuu ahaadaa laba boqol iyo konton, xagga koonfureedna laba boqol iyo konton, xagga barina laba boqol iyo konton, xagga galbeedna laba boqol iyo konton.

    18Oo dhererka ka hadhay oo ku xiga dalka qurbaanka ee quduuska ah dhankiisa bari waa inuu ahaadaa toban kun, oo dhankiisa galbeedna waa inuu ahaadaa toban kun, oo waa inuu ku xigaa dalka qurbaanka ee quduuska ah; oo waxa dhulkaas ka baxaana cunto bay u ahaan doonaan kuwa magaalada ku hawshooda.

  • 7Oo meesha qurbaanka quduuska ah iyo meesha ay hantida magaaladu ku dhex taal dhinacoodan iyo dhinacoodaasba waxaa iska lahaan doona amiirka, meesha qurbaanka quduuska ah horteeda iyo meesha ay hantida magaaladu ku taal horteeda, dhinaca galbeed xaggiisa galbeed iyo dhinaca bari xaggiisa bariba, oo dhererkoodu waa inuu la mid noqdaa qaybaha middood soohdinteeda galbeed iyo soohdinteeda bari inta ka dhex leh.

  • 13¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Tanu waa inay ahaataa soohdinta aad dalka dhaxal ahaan ugu qaybsan doontaan siday laba iyo tobanka qabiil oo reer binu Israa'iil yihiin. Reer Yuusuf waa inuu laba qaybood helaa.

  • 78Oo Webi Urdun shishadiisa oo ah Yerixoo agteeda oo ah Webi Urdun xaggiisa bari waxaa qabiilka reer Ruubeenna laga siiyey Beser oo cidlada ku taal iyo agagaarkeedii, iyo Yahsaah iyo agagaarkeedii,

  • 1¶ Oo weliba markaad dhulka saami dhaxal ahaan ugu qaybsataan, waa inaad Rabbiga qurbaan ka siisaan, kaasoo ah dalka qaybtiisa quduuska ah. Meeshaas dhererkeedu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkeeduna waa inuu ahaadaa toban kun oo cawsduur. Oo meeshaas hareeraheeda ku wareegsan oo dhammu waa inay quduus wada ahaadaan.

  • 23Reer Ruubeen dalkooduna wuxuu ahaa Urdun, iyo inta soohdintiisa ah oo dhan. Kanu waa dhaxalkii reer Ruubeen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, iyo magaalooyinkoodii iyo tuulooyinkoodiiba.

  • 2iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed,

  • 20¶ Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.

  • Yex 48:12-13
    2 aayado
    72%

    12Oo meeshaasu waxay iyaga u ahaan doontaa dal qurbaan ah oo ka mid ah dhulka qurbaan ahaan loo bixiyey, oo soohdinta reer Laawi ku xigta.

    13Oo meel soohdinta wadaaddada ku xigtana waxay reer Laawi ku lahaan doonaan dhul dhererkiisu yahay shan iyo labaatan kun oo cawsduur, oo ballaadhkiisuna yahay toban kun, oo dhererka oo dhammu waa inuu ahaadaa shan iyo labaatan kun, oo ballaadhkuna waa inuu ahaadaa toban kun.

  • 34Oo soohdintu waxay u leexatay xagga galbeed tan iyo Asnood Taaboor, oo halkaasna waxay ugu baxday xagga Xuqoq; oo waxay gaadhay ilaa xagga koonfureed oo Sebulun, oo haddana waxay gaadhay xagga galbeed oo Aasheer, iyo tan iyo reer Yahuudah oo Webi Urdun xagga qorraxdu ka soo baxdo ka xiga.

  • 6Oo soohdinta galbeedna waxaad yeelan doontaan badda weyn iyo soohdinteedaba. Intaasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna galbeed.

  • 4Oo soohdintiinnu waxay noqon doontaa marka laga bilaabo cidlada, iyo Lubnaantan, iyo xataa tan iyo webiga weyn oo ah Webi Yufraad, iyo dalka reer Xeed oo dhan, iyo tan iyo badda weyn ee xagga qorraxdu u dhacdo.

  • 15Oo dalka soohdintiisa dhanka woqooyi waxay ahaan doontaa tan iyo badda weyn iyo jidka Xetlon iyo ilaa meesha laga galo Sedaad,

  • 25Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.

  • 20Waaxda bari soohdinteeduna waxay ahayd Webi Urdun. Intaasu waxay ahayd dhaxalkii reer Benyaamiin iyo soohdimihii ku wareegsanaa, ee ay u heleen sidii reerahoodu ahaayeen.

  • 12Oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa Webi Urdun oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Badda Cusbada leh. Intaasu waxay ahaan doontaa dalkiinna siday soohdimihiisu u wareegsan yihiin.

  • 7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.