Cesraa 10:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba intii Cesraa tukanayay oo uu wax qiranayay isagoo ooyaya oo isku tuuraya guriga Ilaah hortiisa, waxaa isagii reer binu Israa'iil uga soo ururay shir aad u weyn oo rag iyo dumar iyo carruurba leh, waayo, dadkii aad bay u ooyeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 9:20 : 20 ¶ Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay,
  • Sab 119:136 : 136 Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.
  • 2 Taar 20:9 : 9 Markii wax shar ahu ay nagu dhacaan hadday yihiin seef ama xukun ama belaayo ama abaar, annagu waxaan soo hor istaagi doonnaa gurigan iyo adiga, (waayo, magacaagu wuxuu ku jiraa gurigan), markaasaannu kuu qayshan doonnaa annagoo dhib ku jirna, oo adna waad na maqli doontaa oo waad na badbaadin doontaa.
  • 1 Boq 8:30 : 30 Bal maqal baryootankayga anoo addoonkaaga ah, iyo kan dadkaaga reer binu Israa'iil markaannu meeshan xaggeeda u soo tukanayno, kaas ka maqal samada oo ah meeshaad deggan tahay, oo markaad maqashid na cafi.
  • Luuk 19:41 : 41 ¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay,
  • Room 9:2 : 2 in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga.
  • 1 Yoox 1:8-9 : 8 Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto. 9 Haddaynu dembiyadeenna qiranno, isagu waa aamin iyo caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo, oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan. 10 Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.
  • 1 Boq 9:3 : 3 Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.
  • Laaw 26:40-41 : 40 Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen 41 oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda,
  • Sharc 31:12 : 12 Oo soo wada shiriya dadka oo dhan, ragga, iyo dumarka, iyo dhallaanka, iyo qariibka irdihiinna ku jiraba, inay maqlaan, oo ay bartaan, oo ay Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsadaan, iyo inay xajiyaan oo wada yeelaan erayada sharcigan oo dhan,
  • Nex 8:9 : 9 Markaasaa Nexemyaah oo taliyaha ahaa, iyo wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo dadka wax bari jiray, waxay dadkii oo dhan ku wada yidhaahdeen, Maanta waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay maalin quduus ah, haddaba ha barooranina, hana ooyina, maxaa yeelay, dadkii oo dhammu way wada ooyeen markay maqleen erayadii sharciga.
  • Nex 10:28 : 28 Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho,
  • Sab 32:5 : 5 Dembigaygii adigaan kuu qirtay, oo xumaantaydiina ma aan qarin, Waxaan idhi, Xadgudubkayga waxaan u qiranayaa Rabbiga, Oo adna waad iga cafiday xumaanta dembigayga. (Selaah)
  • Yer 9:1 : 1 ¶ Bal muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga!
  • Yer 13:17 : 17 Laakiinse haddaad maqli weydaan, naftaydu meel qarsoon bay kibirkiinna aawadiis u ooyi doontaa, oo indhahayguna aad bay u ooyi doonaan, oo ilmaa ka soo daadan doonta, maxaa yeelay, dadkii Rabbiga waa la kaxaystay sida adhi oo kale.
  • Daan 9:3-4 : 3 Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya. 4 Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;
  • Hos 14:2 : 2 Erayo ula taga Rabbiga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Xumaanta oo dhan naga fogee oo si wanaagsan noo aqbal, oo annaguna waxaan sidii dibi qurbaan ah kuu siin doonnaa caabudidda bushimahayaga.
  • Yoel 2:16-18 : 16 Dadka soo ururiya, oo ururka quduus ka dhiga, oo odayaasha soo shiriya, oo carruurta soo ururiya, iyo xataa kuwa naasaha nuugaya. Aroosku qolkiisa ha ka soo baxo, oo aroosadduna ilxidhkeeda ha ka soo baxdo. 17 Wadaaddada midiidinnada Rabbiga ahu balbalada iyo meesha allabariga dhexdooda ha ku ooyeen, oo iyagu ha yidhaahdeen, Rabbiyow, dadkaaga u tudh, oo dadka dhaxalkaaga ah wax la caayo ha ka dhigin oo yaanay quruumuhu iyaga u taline. Waayo, bal maxaa dadyowga dhexdooda looga odhan doonaa, Bal meeh Ilaahooda? 18 ¶ Markaasaa Rabbigu u hinaasay dalkiisii, oo dadkiisuu u naxay.
  • Sak 12:10 : 10 ¶ Oo reer Daa'uud iyo dadka Yeruusaalem degganba waxaan ku shubi doonaa ruuxa raxmadda iyo baryootanka, oo waxay arki doonaan aniga oo ah kii ay wareemeen, oo iyana isagay ugu barooran doonaan sida mid ugu baroorto wiilkiisa madiga ah, oo aad bay ugu murugoon doonaan isaga, sida mid ugu murugoodo curadkiisa.
  • 2 Taar 20:13 : 13 Oo weliba dadka Yahuudah oo dhammu Rabbigay hor taagnaayeen iyaga iyo dhallaankoodii iyo naagahoodii iyo carruurtoodiiba.
  • Xaak 2:4-5 : 4 Oo markay malaa'igtii Rabbigu erayadan kula hadashay reer binu Israa'iil oo dhan ayay dadkii codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen. 5 Oo meeshaas magaceedii waxay u bixiyeen Bokiim; oo halkaasay allabari Rabbiga ugu bixiyeen.
  • Fal 10:30 : 30 Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,
  • Fal 21:5 : 5 Oo markii maalmahaasu noo dhammaadeen ayaannu ka tagnay oo sii soconnay; oo dhammaantood, iyaga iyo dumarkoodii iyo carruurtoodiiba, ayay na sii ambabbixiyeen ilaa magaalada dibaddeeda; markaasaannu xeebta ku jilba joogsannay oo tukannay,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cesr 10:2-7
    6 aayado
    80%

    2Oo Shekaanyaah oo ahaa ina Yexii'eel oo ahaa reer Ceelaam wuxuu u jawaabay Cesraa, oo ku yidhi, Annagu waxaannu ku xadgudubnay Ilaahayo, oo naago qalaad ayaannu ka guursannay dadyowgii dalka; laakiinse reer binu Israa'iil weli waxay leeyihiin rajo xaalkan ku saabsan.

    3Haddaba sidaas daraaddeed aannu Ilaahayo axdi la dhiganno innaannu iska erinno naagahaas oo dhan, iyo intii ay dhaleenba, sidii ay tahay talada sayidkayga, iyo ta kuwa ka gariira amarka Ilaahayo, oo sidii sharciga waafaqsan ha loo sameeyo.

    4Haddaba kac, waayo, xaalkan adiguu ku dul saaran yahay, oo annana waannu kula jirnaa; si wanaagsan u dhiirranow, oo samee.

    5Markaasaa Cesraa kacay oo wuxuu wadaaddadii sare iyo reer Laawi iyo reer binu Israa'iil oo dhan ku wada dhaariyey inay sameeyaan sida eraygaasu leeyahay. Oo iyana saasay ku wada dhaarteen.

    6Markaasaa Cesraa ka kacay gurigii Ilaah hortiisa, oo wuxuu galay qolkii Yehooxaanaan oo ahaa ina Eliyaashiib, oo markuu halkaas yimid waxba kibis ma uu cunin, biyona ma uu cabbin, waayo, wuxuu u baroortay xadgudubkii ay sameeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.

    7Markaasay ka dhex naadiyeen dalka reer Yahuudah iyo Yeruusaalem oo ogeysiis gaadhsiiyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan inay dhammaantood Yeruusaalem ku soo wada ururaan.

  • Cesr 10:9-14
    6 aayado
    78%

    9Markaasaa raggii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhammu intii saddex maalmood ah ku soo wada urureen Yeruusaalem, oo taasu waxay ahayd bishii sagaalaad maalinteedii labaatanaad, kolkaasaa dadkii oo dhammu wuxuu fadhiistay bannaankii guriga Ilaah hortiisa ahaa, iyagoo gariiraya xaalkan aawadiis iyo roobkii weynaa daraaddiis.

    10Markaasaa waxaa istaagay wadaadkii Cesraa ahaa oo wuxuu dadkii ku yidhi, Idinku waad xadgudubteen oo waxaad guursateen naago qalaad, oo sidaasaad reer binu Israa'iil xujada ugu sii kordhiseen.

    11Haddaba sidaas daraaddeed dembigiinna u qirta Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo sameeya wax isaga ka farxiya; oo gooni isaga sooca dadyowga dalka deggan, iyo naagaha qalaadba.

    12Markaasaa ururkii oo dhammu isku mar jawaabeen oo cod dheer ku yidhaahdeen, Waa inaannu samaynaa sidaad xaalkayaga ka tidhi.

    13Laakiinse dadku wuu badan yahay, oo wakhtiganna waxaa jira roob badan, oo annana dibadda ma taagnaan karno, tanuna ma aha shuqul lagu qaban karo maalin iyo laba toona, waayo, annagu xaalkan aad baannu ugu xadgudubnay.

    14Haddaba amiirradayadu ururka oo dhan ha isu taageen oo kulli inta naagaha qalaad guursatay oo magaalooyinkayaga jooga oo dhammu wakhti la ballamay ha yimaadeen, oo iyaga ha soo raaceen magaalo kasta odayaasheeda iyo xaakinnadeedu, jeeray cadhada kulul oo Ilaahayo ee xaalkan ku saabsan naga rogmato.

  • Nex 1:3-6
    4 aayado
    77%

    3Oo iyana waxay igu yidhaahdeen, Kuwii maxaabiista ka hadhay oo gobolkii jira waxay ku jiraan dhibaato weyn iyo ceeb; oo derbigii Yeruusaalemna waa la dumiyey, oo irdaheediina dab baa lagu gubay.

    4Oo markaan erayadaas maqlay ayaan meel fadhiistay oo ooyay, oo intii ayaamo ah ayaan baroortay; waanan soomay, oo waxaan ku tukaday Ilaaha samada hortiisa,

    5oo idhi, Rabbiyow, Ilaaha samadow, Ilaaha weyn oo laga cabsadow, oo axdiga xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa xajiyow, waan ku baryayaaye,

    6Dhegahaagu ha maqleen, indhahaagana fur, inaad maqashid baryadayda anoo addoonkaaga ah. Wakhtigan habeen iyo maalinba waxaan kuu baryayaa reer binu Israa'iil oo addoommadaada ah, anigoo qiraya dembiyadii aan aniga iyo reer binu Israa'iil kugu dembaabnay; haah, aniga iyo reerka aabbahayba waannu dembaabnay.

  • Nex 8:5-6
    2 aayado
    76%

    5Markaasaa Cesraa kitaabkii furay iyadoo dadkii oo dhammu wada arkaan, (waayo, wuu ka wada korreeyey dadka oo dhan;) oo markuu furay ayaa dadkii oo dhammu wada istaagay.

    6Kolkaasaa Cesraa ammaanay Rabbiga ah Ilaaha weyn, oo dadkii oo dhammuna intay gacmaha kor u qaadeen ayay ku jawaabeen, Aamiin, Aamiin; oo intay madaxa foororiyeen ayay Rabbiga u sujuudeen oo wejiga dhulka saareen.

  • Nex 8:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Oo dadkii oo dhammu iyagoo ah sidii nin keliya ayay dhammaantood ku soo wada urureen meesha bannaan oo iridda biyaha ka horraysa; oo karraanigii Cesraa ahaa ayay kula hadleen oo u sheegeen inuu keeno kitaabkii sharciga Muuse oo Rabbigu ku amray reer binu Israa'iil.

    2Markaasaa wadaadkii Cesraa sharcigii hor keenay ururkii ahaa rag iyo dumar iyo in alla intii waxgarasho ku maqli kartay oo dhan, oo waxayna ahayd bishii toddobaad maalinteedii kowaad.

  • Nex 9:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Haddaba bisha afar iyo labaatankeedii ayaa reer binu Israa'iil soo shireen iyagoo sooman oo dhar joonyad ah guntan oo ciid isku shubay.

    2Markaasaa farcankii reer binu Israa'iil waxay iska sooceen dad qalaad oo dhan, oo intay istaageen ayay qirteen dembiyadoodii iyo xumaatooyinkii awowayaashood.

    3Kolkaasay meeshoodii istaageen oo akhriyeen kitaabkii sharciga Rabbiga Ilaahooda ah intii maalin rubuceed ah; oo haddana rubuc kale ayay wax qirteen, wayna u sujuudeen Rabbiga Ilaahooda ah.

  • 16Oo dadkii maxaabiisnimada ka soo noqdayna saasay yeeleen. Oo waxaa gooni ahaan loo soocay wadaadkii Cesraa ahaa, iyo kuwo madax ah oo ka socda qolooyinkoodii, oo kulligoodna magacyadooda loogu wada yeedhay, oo iyana bishii tobnaad maalinteedii kowaad ayay u fadhiisteen inay xaalkan soo baadhaan.

  • Cesr 9:3-7
    5 aayado
    73%

    3Oo kolkaan waxaas maqlay ayaan dharkaygii iyo go'aygii jeexjeexay, oo timihii ku yiil madaxayga iyo gadhkaygana waan iska rifay, oo waxaan fadhiistay anigoo wareersan.

    4Markaasaa waxaa igu soo shiray in alla intii ka cabsan jirtay erayga Ilaaha reer binu Israa'iil, dadkii maxaabiista ka soo noqday xadgudubkoodii aawadiis; oo anna halkaasaan iska fadhiyey tan iyo qurbaankii makhribka anigoo wareersan.

    5Oo markii qurbaankii makhribka la gaadhay ayaan ka kacay is-hoosaysiintaydii, iyadoo dharkaygii iyo go'aygiiba jeexjeexan yihiin, markaasaan jilbajoogsaday oo gacmaha u horsaday Rabbiga Ilaahayga ah;

    6kolkaasaan idhi, Ilaahayow, waan ka xishoonayaa oo waan ka yaxyaxayaa inaan wejigayga xaggaaga u soo jeedsho, waayo, Ilaahayow, xumaatooyinkayagii ayaa nagu batay, oo dembilahaanshahayagiina wuxuu kor ugu baxay samooyinka.

    7Tan iyo waagii awowayaashayo iyo ilaa maantadan xujo badan baannu lahayn, oo xumaatooyinkayagii aawadood ayaa annaga iyo boqorradayadii iyo wadaaddadayadiiba loogu gacangeliyey boqorradii dalalka degganaa inay seef nala dhacaan, oo ay maxaabiis naga dhigtaan, oo ay na dhacaan, iyo inay na wareeriyaan, siday maantadan tahay.

  • 9Markaasaa Nexemyaah oo taliyaha ahaa, iyo wadaadkii Cesraa oo karraaniga ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo dadka wax bari jiray, waxay dadkii oo dhan ku wada yidhaahdeen, Maanta waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay maalin quduus ah, haddaba ha barooranina, hana ooyina, maxaa yeelay, dadkii oo dhammu way wada ooyeen markay maqleen erayadii sharciga.

  • 20¶ Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay,

  • 10Waayo, Cesraa wuxuu qalbigiisa u diyaariyey inuu doondoono oo sameeyo Rabbiga sharcigiisa iyo inuu reer binu Israa'iil baro qaynuunno iyo xukummo.

  • 2Markaasaa dadkii waxay yimaadeen Beytel, oo halkaasay Ilaah hor fadhiyeen ilaa fiidkii, oo intay codkoodii kor u qaadeen ayay aad u ooyeen.

  • 21Oo markaasaan, intii aannu joognay Webi Ahawaa, halkaas kaga dhawaaqay in la soomo, inaannu isku hoosaysiinno Ilaahayaga hortiisa, inaannu ka barinno jid toosan oo annaga iyo dhallaankayaga iyo xoolahayaga oo dhammuba aannu marno.

  • 13¶ Oo madaxdii qabiilooyinka dadka oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi ayaa maalintii labaad karraanigii Cesraa ugu soo wada urureen inay erayada sharciga aad u dhegaystaan.

  • 1¶ Oo markii bishii toddobaad la gaadhay, oo ay reer binu Israa'iilna iska degganaayeen magaalooyinkoodii, ayaa dadkii oo dhammu ugu soo wada urureen Yeruusaalem sidii nin keliya.

  • 10Haddaba Ilaahayagow, bal maxaan nidhaahnaa tan dabadeed? Waayo, waxaannu ka tagnay amarradaadii,

  • Daan 9:3-4
    2 aayado
    70%

    3Oo waxaan wejigayga u jeediyey Sayidka Ilaah ah inaan ku doondoono tukasho iyo baryootan, anoo sooman, oo joonyado guntan, oo dambas ku fadhiya.

    4Oo Rabbiga ah Ilaahayga ayaan baryay, oo wax baan u qirtay, oo aan idhi, Sayidow, waxaad tahay Ilaaha weyn oo laga cabsado, oo axdi xajiya, oo u naxariista kuwa isaga jecel oo amarradiisa dhawra;

  • 33Oo haddii dadkaaga reer binu Israa'iil cadowgoodu uu u laayo dembigii ay kugu dembaabeen aawadiis, oo ay soo noqdaan, oo magacaaga qirtaan, oo tukadaan, oo gurigan kugu baryaan,

  • 13Oo tanu waxay noogu soo degtay falimahayagii sharka ahaa aawadood, iyo xujadayadii weynayd aawadeed, maxaa yeelay, Ilaahayagiiyow, waxaad nagu taqsiirtay wax ka yar intii xumaatooyinkayagu mudnaayeen, oo weliba waxaad na siisay dad caynkan ah oo noo hadha,

  • 23Sidaas daraaddeed waannu soonnay, oo waxaannu ka barinnay Ilaahayo wax taas ku saabsan, wuuna naga aqbalay.

  • 12Oo wadaaddadii badidood, iyo kuwii reer Laawi, iyo madaxdii qabiilooyinka oo ahaa odayaashii arkay gurigii hore ayaa aad u ooyay markay arkeen gurigan aasaaskiisii oo hortooda lagu dhigay, oo kuwo badanuna farxad bay la qayliyeen,

  • 3Oo gobol kasta oo qaynuunkii iyo amarkii boqorku gaadhayba waxaa Yuhuuddii ka dhex dhacday baroor weyn, iyo soon, iyo oohin, iyo qaylo; kuwo badanuna dambas bay ku jiifeen iyagoo dhar joonyad ah qaba.

  • 13Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno.

  • 26Markaasay reer binu Israa'iil oo dhan iyo dadkii oo dhammu wada tageen oo waxay yimaadeen Beytel, oo intay Rabbiga hor fadhiisteen ayay ooyeen, oo maalintaasna ilaa fiidkii way soomanaayeen; oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.