Cesraa 2:65

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol oo ah rag iyo naago gabya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 19:35 : 35 Maanta waxaan jiraa siddeetan sannadood, haddaba miyaan kala garan karaa xumaanta iyo samaanta? Oo anigoo addoonkaaga ah miyaan dhadhamin karaa waxaan cuno iyo waxaan cabbo toona? Oo miyaan in dambe maqli karaa codka ragga gabyaya iyo dumarka heesaya? Haddaba anoo addoonkaaga ah maxaan culays kuugu noqonayaa, boqorow, sayidkaygiiyow?
  • 2 Taar 35:25 : 25 Oo Yeremyaahna waa u baroortay Yoosiyaah, oo ilaa maantadan la joogo ragga gabya iyo naagaha gabya oo dhanba waxay baroortoodii kaga sheekeeyeen Yoosiyaah, oo taasna dalka Israa'iil qaynuun baa lagaga dhigay, oo bal eeg, waxay ku qoran tahay kitaabka baroorta.
  • Nex 7:67 : 67 oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol iyo shan iyo afartan oo ah rag iyo naago gabya.
  • Sab 68:25 : 25 Gabayayaashii way hor mareen, muusikaystayaashiina way raaceen, Dhexdana waxaa ku jiray hablo daf ku cayaaraya.
  • Sab 148:12-13 : 12 Barbaar iyo hablow, Odayaal iyo carruuray, 13 Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.
  • Wacd 2:8 : 8 Oo weliba waxaan kaloo soo urursaday lacag, iyo dahab, iyo khasnado khaas ah oo ay boqorro iyo gobollo leeyihiin. Oo waxaan yeeshay niman ii gabya iyo naago ii gabya, iyo waxyaalaha ay binu-aadmigu ku farxaan iyo dumar badan.
  • Ish 14:1-2 : 1 ¶ Waayo, Rabbigu reer Yacquub wuu u naxariisan doonaa, oo haddana reer binu Israa'iil ayuu dooran doonaa, dalkoodiina wuu fadhiisin doonaa, oo waxaa iyaga ku darman doona shisheeyayaal, wayna la degi doonaan reerka Yacquub. 2 Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.
  • Yer 9:17-18 : 17 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene. 18 Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.
  • Mat 9:23 : 23 Ciise goortuu guriga taliyaha galay oo arkay kuwa biibiilayaasha yeedhinaya iyo dadka buuqaya,
  • Bax 15:20-21 : 20 Markaasaa Maryan oo nebiyad ahayd, Haaruunna walaashiis ahayd, ayaa waxay gacanteeda ku qaadatay daf; kolkaasaa dumarkii oo dhammu ka daba yaaceen iyagoo cayaaraya oo dafaf wata. 21 Markaasaa Maryan waxay ugu celisay iyagii, War Rabbiga u gabya, waayo, ammaan buu ku guulaystay; Oo faraskii iyo kii fuushanaaba wuxuu ku tuuray badda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 7:66-69
    4 aayado
    95%

    66Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan,

    67oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol iyo shan iyo afartan oo ah rag iyo naago gabya.

    68Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon, baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,

    69geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan.

  • Cesr 2:66-67
    2 aayado
    83%

    66Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon; baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,

    67geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan.

  • 7Oo iyagii iyo walaalahood la jiray ee la baray inay Rabbiga u gabyaan kuwaasoo dhammaan farsamada yiqiin tiradoodu waxay ahayd laba boqol iyo siddeed iyo siddeetan nin.

  • 64Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan,

  • 9Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.

  • 60Oo reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.

  • 15Markaasuu tiriyey amiirradii gobollada addoommadooda, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo soddon; oo dabadoodna wuxuu tiriyey dadkii oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay noqdeen toddoba kun.

  • 1 Taar 7:4-5
    2 aayado
    73%

    4Oo iyaga waxaa la jiray guutooyin ah ciidankii dagaalka sidii ay u kala dhasheen iyo sidii reerahoodu ahaayeen, waxayna ahaayeen lix iyo soddon kun oo nin, waayo, waxay lahaayeen naago iyo wiilal badan.

    5Oo walaalahoodii qolooyinka reer Isaakaar ku dhex jiray oo dhammu waxay ahaayeen rag xoog badan, oo kulligoodna abtiriskooda la tiriyey, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo siddeetan kun oo qof.

  • 73%

    17Markaasaa Sulaymaan wada tiriyey shisheeyayaashii dalka Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu u tiriyey sidii aabbihiis Daa'uud u tiriyey oo kale, oo waxay noqdeen boqol iyo saddex iyo konton kun iyo lix boqol oo qof.

    18Oo wuxuu iyagii ka dhigay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jara, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo dadka u taliya oo shuqulka u dira.

  • 25reer Qiryad Caariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'irodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,

  • 58Reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.

  • 2Markaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya.

  • Tir 31:35-37
    3 aayado
    72%

    35oo dadkuna kulligiis wuxuu ahaa laba iyo soddon kun oo ah dumarkii aan rag la seexan.

    36Oo badhkii ahaa kuwii dagaalka u baxay qaybtoodii waxay ahayd saddex boqol iyo toddoba iyo soddon kun iyo shan boqol oo ido ah.

    37Oo Rabbiga canshuurtiisii idaha ka go'day waxay ahayd lix boqol iyo shan iyo toddobaatan neef.

  • Cesr 2:40-41
    2 aayado
    72%

    40¶ Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan.

    41¶ Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan.

  • Cesr 2:33-35
    3 aayado
    71%

    33reer Lod, iyo reer Xaadiid, iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo shan iyo labaatan,

    34reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan,

    35reer Senaacaahna saddex kun iyo lix boqol iyo soddon.

  • 40xataa kuwoodii qolo qolo iyo reer reer loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo lix boqol iyo soddon.

  • Nex 7:18-19
    2 aayado
    71%

    18reer Adoniiqaamna lix boqol iyo toddoba iyo lixdan,

    19reer Bigwayna laba kun iyo toddoba iyo lixdan,

  • 26Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo lixdan kun iyo toddoba boqol.

  • 23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

  • 8Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyeyna waxay ahaayeen toddoba iyo konton kun iyo afar boqol.

  • 32¶ Kuwaasu waa intii laga tiriyey reer binu Israa'iil siday reerahoodu ahaayeen. Kulli intii xerooyinka laga tiriyey sidii ciidammadoodii ahaayeen waxay ahaayeen lix boqol iyo saddex kun iyo shan boqol iyo konton.

  • 44xataa kuwii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen saddex kun iyo laba boqol.

  • 36Oo kuwoodii qolo qolo loo tiriyey waxay ahaayeen laba kun iyo toddoba boqol iyo konton.

  • 4Oo kuwaas afar iyo labaatan kun oo ka mid ahu waxay ahaayeen kuwo ilaaliya hawsha guriga Rabbiga, oo lix kunna waxay ahaayeen saraakiil iyo xaakinno,

  • 9reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,

  • Nex 7:43-44
    2 aayado
    70%

    43Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca kii reer Qadmii'eel oo ahaa reer Xoodawyaah afar iyo toddobaatan.

    44Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo afartan.

  • 33iyo laba iyo toddobaatan kun oo lo' ah,

  • 8Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,

  • 29raggii reer Qiryad Yecaariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'iroodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,

  • 60oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo konton.

  • 8Oo kulli intaasoo dhammu waxay ahaayeen reer Cobeed Edoom, oo iyaga iyo wiilashoodii iyo walaalahoodba waxay ahaayeen rag xoog iyo karti adeegidda u leh, waxayna ahaayeen laba iyo lixdan nin oo reer Cobeed Edoom wada ah.

  • 15Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.

  • 5reer Aaraxna toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan,

  • 7reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,

  • 62oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo afartan.

  • 37reer Lod, iyo reer Xaadiid, iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo kow iyo labaatan,