15si loo baadho buugaggii taariikhda oo awowayaashaa, oo sidaasaad buugagga taariikhda uga heli doontaa oo u ogaan doontaa in magaaladanu tahay magaalo caasi ah, oo ay u waxyeello badan tahay boqorrada iyo gobolladaba, iyo in iyada waagii hore fallaagada laga kiciyey, oo sababtaas aawadeed baa magaaladan loo dumiyey.
16Boqorow, waxaannu ku ogeysiinaynaa in haddii magaaladan la dhiso, oo derbiyadeeda la dhammeeyo, aadan sababtaas aawadeed waxba qayb ku yeelan doonin inta webiga ka shishaysa.
17Markaasaa boqorkii wuxuu warqad jawaab ah u soo diray taliyihii Rexuum ahaa, iyo karraanigii Shimshay ahaa, iyo intii kaloo saaxiibbadooda ahayd oo Samaariya degganaa, iyo dadkii kaloo webiga shishadiisa degganaa, oo wuxuu yidhi, Nabad iyo wax la mid ahu korkiinna ha ahaadeen.
18Warqaddii aad noo soo dirteen bayaan ayaa hortayda loogu akhriyey.