Cesraa 5:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse Kuuros oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddiisii kowaad ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar lagu dhiso gurigan Ilaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cesr 1:1-8 : 1 ¶ In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi, 2 Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada; oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. 3 Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.) 4 Oo ku alla kii ku hadha meesha uu deggan yahay, dadka ay isku degmada yihiin ha ku caawiyaan lacag iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, oo ayan ku jirin qurbaanka ay ikhtiyaarkooda ugu bixiyaan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. 5 ¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal. 6 Oo kulli intii hareerahooda ku wareegsanayd oo dhammu waxay gacmahooda ku xoogeeyeen weelal lacag ah iyo dahab, iyo xoolo mood iyo noolba ah, iyo waxyaalo qaali ah, oo wixii ikhtiyaarka loo bixiyey ayan ku jirin. 7 Oo weliba Kuurosna wuxuu soo bixiyey weelashii guriga Rabbiga, oo Nebukadnesar uu Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa. 8 Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa.
  • Cesr 6:3-5 : 3 Sannaddii kowaad oo Boqor Kuuros ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar ku saabsan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo wuxuu yidhi, Guriga ha la dhiso, kaasoo ah meeshii allabaryo lagu bixiyo, oo aasaaskiisana si adag ha loo dhigo, oo sarajooggiisu ha ahaado lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna lixdan dhudhun; 4 oo ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka. 5 Oo weliba weelashii guriga Ilaah oo ahaa dahabka iyo lacagta oo Nebukadnesar uu ka soo qaaday macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo uu keenay Baabuloon, ha la celiyo, oo mar dambe ha la geeyo macbudka Yeruusaalem ku yaal, mid kastaba meeshiisii ha la dhigo, oo waxaad gelisaa guriga Ilaah.
  • Ish 44:28-45:1 : 28 kan Boqor Kuuros ka leh, Isagu waa adhijirkayga, oo wuxuu oofin doonaa waxaan jeclahay oo dhan, oo xataa Yeruusaalemna ka leh, Iyada waa la dhisi doonaa, oo macbudkana ku leh, Aasaaskaaga waa la dhigi doonaa. 1 ¶ Rabbigu wuxuu ku leeyahay kan uu subkaday oo ah Kuuros, oo uu gacantiisa midig hayay inuu hortiisa quruumo ku hoosaysiiyo, oo uu boqorro dhexdooda guntiga ka furo, inuu hortiisa albaabbada ka furo, albaabbadaasna aanay mar dambe xidhmin:

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Cesr 1:1-3
    3 aayado
    86%

    1¶ In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi,

    2Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada; oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah.

    3Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Ilaahiisu ha la jiro, oo isna ha tago Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ku taal, oo ha dhiso guriga Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo ku yaal Yeruusaalem. (Isagu waa Ilaah.)

  • Cesr 6:3-5
    3 aayado
    85%

    3Sannaddii kowaad oo Boqor Kuuros ayaa Boqor Kuuros bixiyey amar ku saabsan guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo wuxuu yidhi, Guriga ha la dhiso, kaasoo ah meeshii allabaryo lagu bixiyo, oo aasaaskiisana si adag ha loo dhigo, oo sarajooggiisu ha ahaado lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna lixdan dhudhun;

    4oo ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka.

    5Oo weliba weelashii guriga Ilaah oo ahaa dahabka iyo lacagta oo Nebukadnesar uu ka soo qaaday macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo uu keenay Baabuloon, ha la celiyo, oo mar dambe ha la geeyo macbudka Yeruusaalem ku yaal, mid kastaba meeshiisii ha la dhigo, oo waxaad gelisaa guriga Ilaah.

  • Cesr 5:14-17
    4 aayado
    84%

    14Oo weliba weelashii dahabka iyo lacagta ahaa ee gurigii Ilaah oo uu Nebukadnesar ka qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil oo uu geeyey macbudkii Baabuloon, kuwaas boqor Kuuros wuu ka soo bixiyey macbudkii Baabuloon, oo waxaa loo soo dhiibay mid magiciisa la odhan jiray Sheeshbasar, oo uu isagu taliye ka dhigay;

    15oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.

    16Markaasaa Sheeshbasarkii yimid, oo wuxuu dhigay aasaaskii guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo tan iyo waagaas waa la dhisayay, laakiinse weli lama dhammaystirin.

    17Haddaba sidaas daraaddeed, haddii ay kula wanaagsan tahay, boqorow, bal ha la baadho gurigaaga khasnadda ah oo Baabuloon ku yaal, bal inay saas tahay in Boqor Kuuros amar ku bixiyey in la dhiso gurigan Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo noo soo dir wixii aad xaalkan ka damacsan tahay.

  • Cesr 5:11-12
    2 aayado
    83%

    11Oo iyana sidanay jawaab noogu soo celiyeen oo yidhaahdeen, Waxaannu nahay addoommadii Ilaaha samada iyo dhulka, oo waxaannu dhisaynaa gurigan oo sannado badan oo hore la dhisay, oo boqor weyn oo reer binu Israa'iil ahu uu dhisay oo dhammeeyey.

    12Laakiinse awowayaashayadii waxay ka xanaajiyeen Ilaaha samada, oo taas daraaddeed ayuu ugu riday gacantii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kii reer Kaldayiin oo gurigan dumiyey oo dadkiina Baabuloon u kaxaystay.

  • 82%

    22¶ In Eraygii Rabbiga ee Yeremyaah afkiisa ka soo baxay uu ahaado aawadeed, sannaddii kowaad oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa Rabbigu kiciyey ruuxii Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris, oo isna boqortooyadiisii oo dhan ayuu ogeysiis ugu dhawaaqay, oo weliba qoray, oo wuxuu yidhi,

    23Kuuros oo ah boqorka Faaris wuxuu leeyahay, Boqortooyooyinka dhulka oo dhan waxaa i siiyey Rabbiga ah Ilaaha samada, oo wuxuu igu amray inaan isaga guri uga dhiso Yeruusaalem oo ku taal dalka Yahuudah. Haddaba ku alla kii idinku dhex jira oo dadkiisa ah Rabbiga Ilaahiisa ahu ha la jiro oo isna ha tago.

  • Cesr 1:7-8
    2 aayado
    81%

    7Oo weliba Kuurosna wuxuu soo bixiyey weelashii guriga Rabbiga, oo Nebukadnesar uu Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa.

    8Oo Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris ayaa alaabtaas soo bixiyey oo u dhiibay qasnajigii Mitredaad ahaa, oo isna wuxuu u tiriyey Sheeshbasar, oo reer Yahuudah amiir u ahaa.

  • Cesr 4:1-3
    3 aayado
    79%

    1¶ Haddaba cadaawayaashii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin markay maqleen inay kuwii maxaabiistii ahaan jiray macbud u dhisayeen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil,

    2ayay u soo dhowaadeen Serubaabel, iyo madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ku yidhaahdeen, Annana aan idinla dhisno, waayo, Ilaahiinna waan u doonnaa sidiinnoo kale, oo isaga allabari baan u bixin jirnay tan iyo waagii uu Eesar Xaddoon oo boqorkii Ashuur ahaa halkan na keenay.

    3Laakiinse Serubaabel iyo Yeeshuuca, iyo madaxdii qabiilooyinka reer Israa'iil intoodii kaleba waxay ku yidhaahdeen, Idinka waxba idinkama gelin inaad Ilaahayaga guri noola dhistaan, laakiinse annagaa dhammaantayo guri u dhisayna Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, sidii uu Boqor Kuuros oo ahaa boqorkii Faaris nagu amray.

  • Cesr 6:12-15
    4 aayado
    78%

    12oo Ilaahii magiciisa halkaas dejiyey ha afgembiyo boqorradii iyo dadkii gacantooda u soo fidiya inay amarkaas beddelaan si ay u dumiyaan gurigaas Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal. Anigoo Daariyus ah amar baan bixiyey, ee haddaba dadaal ha loo sameeyo.

    13¶ Wixii Boqor Daariyus u soo diray aawadiis ayay Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay, iyo saaxiibbadoodba dadaal ku wada sameeyeen.

    14Oo duqowdii Yuhuudduna waxay wax ku dhiseen oo ku liibaaneen wax sii sheegiddii Nebi Xaggay iyo Sekaryaah oo ahaa ina Iddo. Oo iyagu macbudkii way dhiseen oo dhammeeyeen, sidii uu ahaa amarkii Ilaaha reer binu Israa'iil, iyo sidii uu ahaa amarkii Kuuros, iyo Daariyus, iyo Artaxshasta oo ahaa boqorkii Faaris.

    15Oo gurigaas dhismihiisii waxaa la dhammeeyey sannaddii lixaad oo dowladnimadii Boqor Daariyus bishii Adaar maalinteedii saddexaad.

  • 15oo taasuna waxay dhacday Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bishii lixaad, maalinteedii afar iyo labaatanaad.

  • 8¶ Haddaba markay yimaadeen guriga Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal sannaddii labaad bisheedii labaad ayay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, shuqulkii bilaabeen, iyaga iyo intii kale oo ahayd wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli intii maxaabiista ka soo baxday oo Yeruusaalem timid, oo kuwii reer Laawi intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weyn ayay u doorteen inay shuqulkii guriga Rabbiga u sarreeyaan.

  • Cesr 6:7-8
    2 aayado
    76%

    7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.

    8Oo weliba waxaan amar ku bixiyey wixii aad u samayn lahaydeen odayaashan Yuhuudda oo dhisaya gurigan Ilaah. Waa in alaabta boqorka iyo xataa gabbarada laga qaado inta webiga ka shishaysa nimankan kharash loo siiyo iyadoo aad loogu dadaalayo, si aan iyaga loo hor joogsan innaba.

  • Cesr 5:2-5
    4 aayado
    76%

    2Markaasaa waxaa kacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca oo ahaa ina Yoosaadaaq, oo waxay bilaabeen inay dhisaan gurigii Ilaah oo ku yaal Yeruusaalem; oo waxaa iyaga la jiray oo caawinayay nebiyadii Ilaah.

    3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?

    4Markaasaannu sidan kula hadalnay, oo ku nidhi, Nimanka dhismahan dhisaya magacyadooda maxaa la yidhaahdaa?

    5Laakiinse duqowdii Yuhuudda waxaa isha ku hayay Ilaahooda, oo iyana shuqulkii ma ay joojin ilaa xaalku soo gaadho Daariyus, oo warqad jawaab ah ee taas ku saabsan loo soo celiyo.

  • Daan 1:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.

    2Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.

  • Xag 1:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii lixaad, maalinteedii kowaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo waxaa loogu soo dhiibay Serubaabel ina Salaatii'eel oo ahaa taliyihii dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ahaa wadaadka sare, oo wuxuu ku yidhi,

    2Rabbiga ciidammadu sidanuu u hadlaa oo wuxuu leeyahay, Dadkanu waxay yidhaahdaan, Wakhtigii weli lama gaadhin, wakhtigii guriga Rabbiga la dhisi lahaa weli lama gaadhin.

  • Cesr 5:8-9
    2 aayado
    74%

    8Boqorow, bal ogow inaannu tagnay gobolka Yahuudah, oo soo aragnay gurigii Ilaaha weyn, oo dhagaxyo waaweyn lagu dhisay, oo derbiyadiisana alwaax la dhex geliyey, oo shuqulkaasuna dadaal buu ku socdaa oo gacmahooduu ku liibaanaa.

    9Oo waxaannu duqowdaas weyddiinnay oo ku nidhi, Yaa idin siiyey amar aad gurigan ku dhistaan, oo aad derbigan ku dhammaysaan?

  • 1¶ Sannaddii kowaad oo Daariyus kii ahaa ina Ahashwerus oo reer Maaday, oo boqorka looga dhigay boqortooyadii reer Kaldayiin,

  • 5¶ Markaasaa waxaa kacay madaxdii qolooyinka reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo xataa dhammaan intii kale ee Ilaah ruuxooda kiciyey si ay u tagaan oo ay u dhisaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal.

  • 9Baabuloon ayuu ka soo baxay bishii kowaad maalinteedii kowaad, oo wuxuu Yeruusaalem yimid bishii shanaad maalinteedii kowaad, sidii ay gacantii Ilaahiisa oo wanaagsanayd u saarnayd.

  • 1¶ Markaasaa Boqor Daariyus amar bixiyey, oo waa la baadhay gurigii buugagga taariikhda oo khasnadaha la dhigi jiray ee Baabuloon ku dhex yiil.

  • 24Oo markaasuu joogsaday shuqulkii guriga Ilaah Yeruusaalem ku yaal; oo wuxuu joogsaday ilaa sannaddii labaad oo dowladnimadii Daariyus oo boqorkii Faaris ahaa.

  • 6Oo maalintii kowaad oo bishii toddobaad ayay bilaabeen inay Rabbiga u bixiyaan qurbaanno la gubo, laakiinse macbudka aasaaskiisii weli lama dhigin.

  • 21Daanyeelna waa sii joogay tan iyo boqorkii Kuuros sannaddiisii kowaad.

  • 27¶ Waxaa ammaan leh Rabbiga ah Ilaaha awowayaashayo, oo boqorka qalbigiisa geliyey wax sidanoo kale ah, inuu ku qurxiyo guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal,

  • 3Oo sannaddii kowaad oo boqornimadiisa bisheedii kowaad ayuu albaabbadii gurigii Rabbiga furay, wuuna cusboonaysiiyey.