Galatiya 2:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Maxaa yeelay, intaan qaar Yacquub ka iman, Keeyfas wuxuu wax la cuni jiray dad aan Yuhuud ahayn, laakiinse markay yimaadeen, wuu ka soo noqday oo ka soocmay, isagoo kuwa gudan ka cabsanaya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 15:2 : 2 Kolkaasay Farrisiintii iyo culimmadiiba gunuunaceen, iyagoo leh, Ninkanu dembilayaashuu soo dhoweeyaa oo wax la cunaa.
  • Fal 10:28 : 28 markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn;
  • Fal 11:2-3 : 2 Oo markii Butros Yeruusaalem yimid, kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa ayaa la murmay isagii, 3 oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad u tagtay niman aan la gudin, waadna la cuntay.
  • Gal 2:9 : 9 oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.
  • Ef 3:6 : 6 Taas waxaa weeyaan in haatan dadka aan Yuhuudda ahayn ay yihiin kuwo wax inala dhaxla, oo aan isku jidh nahay, oo ay inagula qayb qaataan ballankii Ciise Masiix xagga injiilka,
  • Mat 26:69-75 : 69 ¶ Butros wuxuu fadhiyey barxadda dibadda ah, markaasaa gabadh u timid oo waxay ku tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Galili. 70 Laakiin dhammaantood ayuu ku hor dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu garan maayo waxaad leedahay. 71 Goortuu iridda tegey mid kale ayaa aragtay, oo waxay kuwii halkaas joogay ku tidhi, Kanu wuxuu la jiray Ciisihii reer Naasared. 72 Haddana dhaar ayuu ku dafiray oo yidhi, Anigu garan maayo ninka. 73 Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa u yimid oo Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, hadalkaaga ayaa ku muujinaya. 74 Markaasuu bilaabay inuu caytamo oo ku dhaarto inaanu ninka garanayn. Kolkiiba diiqii baa ciyey. 75 Markaasaa Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu ciyin saddex goor ayaad i dafiri doontaa. Markaasuu baxay oo aad u ooyay.
  • 1 Tes 5:22 : 22 Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.
  • Ef 2:15 : 15 isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya,
  • Ef 2:19-22 : 19 Sidaas daraaddeed idinku mar dambe ma ihidin ajanabiyo iyo shisheeyayaal, laakiinse quduusiintaad isku waddan tihiin, oo waxaad ka mid tihiin reerka Ilaah, 20 oo waxaa laydinka dul dhisay aasaaskii rasuullada iyo nebiyada, oo waxaa dhagaxii geeska ee ugu weynaa idiin ah Ciise Masiix qudhiisa. 21 Oo dhismaha oo dhammu isaguu si wanaagsan isugu haystaa oo weynaadaa, oo wuxuu Rabbiga u noqdaa macbud quduus ah. 22 Idinkana isagaa laydinku wada dhisay inaad ahaataan rugtii Ilaah xagga Ruuxa.
  • Maah 29:25 : 25 Dadka ka cabsashadiisu wax bay dabtaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeyaa wuu nabad geli doonaa.
  • Ish 57:11 : 11 Oo bal yaad ka baqday oo aad ka cabsatay, oo aad saas darteed been u sheegtay oo aadan ii soo xusuusan, ama aadan innaba xaalkan qalbigaaga u gelin? Miyaanan wakhti dheer iska aamusin? Oo ma sidaas aawadeed baadan iiga cabsanayn?
  • Ish 65:5 : 5 oo waxay yidhaahdaan, Goonidaada u taagnow, oo ha ii soo dhowaanin, waayo, waan kaa quduusanahay. Kuwaasu waa qiiq sanka iga galay, iyo dab maalinta oo dhan qaxmaya.
  • Fal 21:18-25 : 18 ¶ Maalintii ku xigtayna Bawlos oo nala socda ayaannu waxaannu u tagnay Yacquub; waayeelladii oo dhammuna way joogeen. 19 Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa. 20 Iyaguna, kolkay taas maqleen, ayay Ilaah ammaaneen; oo waxay ku yidhaahdeen isagii, Walaalow, waad aragtaa intay yihiin kumanyaalka rumaystay oo Yuhuudda ku dhex jira; kulligoodna sharcigay ku kulul yihiin. 21 Iyagana waa loo sheegay wax kugu saabsan inaad Yuhuudda quruumaha ku dhex jirta bartid inay Muuse ka tagaan adigoo u sheegaya inaanay carruurtooda gudin oo aanay caadooyinka ku socon. 22 Haddaba waa maxay? Way wada maqli doonaan inaad timid. 23 Sidaas darteed waxaannu kuu sheegayno yeel. Waxaa nala jooga afar nin oo nidar galay; 24 kuwaas kaxee oo isla daahiri oo kharashka iyaga ka bixi inay madaxa xiirtaan; markaasay dhammaan waxay wada ogaan doonaan inaanay waxba ahayn waxyaalihii lagaa sheegay, laakiin inaad adiga qudhaadu si hagaagsan u socotid oo aad sharciga dhawrtid. 25 Laakiin wax ku saabsan dadkii aan Yuhuudda ahayn oo rumaystay ayaannu qornay, annagoo ku amrayna inay iska ilaaliyaan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiigga, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 11:1-4
    4 aayado
    80%

    1¶ Haddaba rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayay waxay maqleen in dadka aan Yuhuudda ahaynna ay ereygii Ilaah aqbaleen.

    2Oo markii Butros Yeruusaalem yimid, kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa ayaa la murmay isagii,

    3oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad u tagtay niman aan la gudin, waadna la cuntay.

    4Laakiin Butros wuxuu bilaabay inuu sheekadii ugu sheego siday isugu xigtay, oo wuxuu yidhi.

  • Gal 2:13-15
    3 aayado
    78%

    13Yuhuudda inteedii kalena sidaas oo kalay labawejiilayaal la ahaayeen isaga, sidaas daraaddeed labawejiilenimadoodii waxay la tagtay xataa Barnabas.

    14Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?

    15¶ Innagoo jinsigeennu Yuhuud yahay, oo aan ahayn dembilayaal aan Yuhuud ahayn,

  • Gal 2:6-11
    6 aayado
    78%

    6Laakiinse kuwii loo maleeyey inay sharaf leeyihiin (wax kastoo ay ahaayeen, waxba igama gelin; waayo, Ilaah dadka wejigiisa uma kala eexdo) waxaan leeyahay, Kuwii sharafta lahaa waxba iguma ay darin.

    7Laakiinse kolkay arkeen in laygu ammaaneeyey injiilka kuwa buuryoqabka ah, xataa sidii Butros loogu ammaaneeyey injiilka kuwa gudan,

    8waayo, kii Butros kaga dhex shaqeeyey sii uu rasuul ugu ahaado kuwa gudan ayaa anna igaga dhex shaqeeyey sii aan dadka aan Yuhuudda ahayn rasuul ugu ahaado,

    9oo kolkay ogaadeen nimcada lay siiyey, Yacquub iyo Keeyfas iyo Yooxanaa, iyagoo loo sharfay sida tiirar, waxay aniga iyo Barnabas na siiyeen gacanta midigta oo wehelnimada, inaannu annagu u tagno dadka aan Yuhuudda ahayn, iyaguna ay u tagaan kuwa gudan.

    10Waxay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo.

    11¶ Laakiinse Keeyfas kolkuu Antiyokh yimid, waan hor joogsaday, maxaa yeelay, wuu eedaysnaa.

  • Gal 2:1-4
    4 aayado
    72%

    1¶ Afar iyo toban sannadood dabadeed ayaan mar kale Yeruusaalem aaday, Barnabasna wuu ila jiray, oo Tiitosna waan kaxaystay.

    2Sidii la iigu muujiyey ayaan u tegey, oo waxaan iyaga hor dhigay injiilka aan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo, laakiinse waxaan gooni ahaan u tusay kuwii sharafta lahaa, si aanan u ahaan mid waxtarla'aan iska ordaya ama hore u orday.

    3Laakiin xataa Tiitos oo ila socday, isagoo Gariig ah, laguma qasbin in la gudo

    4walaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan.

  • 3Bawlos wuxuu doonayay inuu isagu raaco; markaasuu waday oo guday, Yuhuudda meelahaas joogtay darteed; maxaa yeelay, kulligood way wada ogaayeen in aabbihiis uu Gariig ahaa.

  • Fal 15:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Niman Yahuudiya ka yimid ayaa walaalihii wax baray iyagoo leh, Haddaan caadada Muuse laydinku gudin, badbaadi kari maysaan.

    2Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan.

  • Gal 1:17-18
    2 aayado
    71%

    17Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.

    18¶ Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii.

  • Fal 10:27-28
    2 aayado
    70%

    27Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid;

    28markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn;

  • Room 2:27-29
    3 aayado
    69%

    27Oo kan jinsigiisu buuryoqab yahay, hadduu sharciga dhammeeyo, miyuusan ku xukumi doonin kaaga sharciga gudba, in kastoo aad haysatid qorniinka iyo gudniinta?

    28Waayo, kii dadka sida Yuhuudi ugu muuqdaa, Yuhuudi ma aha; gudniinta jidhka ka muuqataana, gudniin ma aha;

    29laakiin waxaa Yuhuudi ah kii hoosta Yuhuudi ka ah; gudniintuna waa tan qalbiga, ee ku jirta ruuxa, oo aan ku jirin qorniinka; kaas ammaantiisu kama timaado dadka, waxayse ka timaadaa Ilaah.

  • 24Waxaannu maqallay in kuwo annaga naga tegey hadallo idinku dhibeen, nafihiinnana rogayeen, kuwaasoo aannan u amrin;

  • Gal 6:12-13
    2 aayado
    69%

    12Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

    13Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.

  • Fal 15:5-7
    3 aayado
    69%

    5Laakiin waxaa kacay kuwo dariiqadii Farrisiinta ahaa oo rumaysnaa, kuwaasoo leh, Waa in la gudo iyaga, oo lagu amro inay sharciga Muuse xajiyaan.

    6¶ Haddaba rasuulladii iyo waayeelladii baa ururay inay xaajadan ka tashadaan.

    7Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan.

  • 19¶ Sidaas daraaddeed taladaydu waxay tahay inaynaan dhibin kuwa ka mid ah dadka aan Yuhuudda ahayn oo Ilaah u jeestay;

  • 23Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey. Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii.

  • 21Iyagana waa loo sheegay wax kugu saabsan inaad Yuhuudda quruumaha ku dhex jirta bartid inay Muuse ka tagaan adigoo u sheegaya inaanay carruurtooda gudin oo aanay caadooyinka ku socon.

  • 45Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.

  • 25Laakiin wax ku saabsan dadkii aan Yuhuudda ahayn oo rumaystay ayaannu qornay, annagoo ku amrayna inay iska ilaaliyaan waxa sanamyada loo sadqeeyo, iyo dhiigga, iyo waxa la ceejiyo, iyo sinada.

  • 10¶ Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan.

  • 3Oo markuu arkay inay ka farxisay Yuhuuddii, ayuu weliba ku daray inuu soo qabto Butros. Maalmahaasna waxay ahaayeen maalmihii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn.

  • 11¶ Haddaba sidaas daraaddeed idinku xusuusta inaad waa hore xagga jidhka ka ahaan jirteen dad aan Yuhuud ahayn, oo kuwa gudan la yidhaahdo oo xagga jidhka gacmo lagu guday ay idiinku yeedhi jireen buuryoqab.

  • 17¶ Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa,

  • 14iyagoo aan dhegaysanayn sheekooyinka Yuhuudda iyo amarrada dadka runta ka leexanaya.

  • 14Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.

  • 7maxaa yeelay, magiciisa aawadiis ayay u ambabbexeen iyagoo aan waxba ka qaadan dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • 17Laakiin isagoo u gacan haadinaya inay aamusaan ayuu wuxuu u sheegay sida Rabbigu xabsiga uga soo saaray. Wuxuuna ku yidhi, Waxyaalahan u sheega Yacquub iyo walaalahaba. Markaasuu ka tegey oo meel kale aaday.

  • 12Ruuxuna wuxuu ii sheegay inaan raaco iyaga, anoo aan shaki lahayn. Oo lixdatan walaalaha ihina way i raaceen; waxaannan galnay ninkii gurigiisii;

  • 19¶ Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane.

  • 18Nin gudan ma loo yeedhay? Gudniinla'aan yaanu noqon. Nin aan gudnayn ma loo yeedhay? Yaan la gudin.

  • 24Waayo, magaca Ilaaha waa lagaga caytamaa quruumaha dhexdooda idinka daraaddiin, sida qoran.