Galatiya 3:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan keliyahoo idinka doonayaa inaan idinka barto, Ruuxa ma waxaad ku hesheen shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 2:38 : 38 Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 15:8 : 8 ¶ Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;
  • Fal 19:2-6 : 2 Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale. 3 Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa. 4 Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise. 5 Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa. 6 Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;
  • Gal 3:14 : 14 inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.
  • Ef 1:13-14 : 13 Oo weliba idinku isagaad ku maqasheen ereyga runta ah, kaas oo ah injiilka badbaadadiinna, oo weliba idinku markii aad rumaysateen ayaa laydinku shaabadeeyey Ruuxa Quduuska ah oo uu ballanqaaday, 14 oo ah carbuuntii dhaxalkeenna xagga furashada hantida Ilaah in la ammaano cisadiisa.
  • Cib 2:4 : 4 Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.
  • Cib 6:4 : 4 Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa,
  • Gal 3:5 : 5 Haddaba kan Ruuxa idin siiya oo shuqullada xoogga leh idinku dhex sameeyaa, ma wuxuu ku sameeyaa shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka?
  • Room 10:16-17 : 16 ¶ Laakiin kulligood ma ay wada dhegaysan injiilka. Waayo, Isayos wuxuu leeyahay, Rabbow, yaa rumaystay warkayagii? 17 Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa ereyga Masiixa.
  • Fal 8:15 : 15 kuwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;
  • Fal 10:44-47 : 44 ¶ Intii Butros weli ku hadlayay hadalladaas ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay kuwa ereyga maqlay oo dhan. 45 Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah. 46 Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya. 47 Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?
  • Fal 11:15-18 : 15 Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana. 16 Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah. 17 Haddaba haddii Ilaah iyaga siiyey isku hadiyaddii, siduu inoo siiyey markii aynu Rabbi Ciise Masiix rumaysannay, anigu kumaan ahaa kaygan Ilaah diidi karaa? 18 Oo markay waxyaalahaas maqleen, ayay dooddii ka aamuseen, Ilaah bayna ammaaneen, oo waxay yidhaahdeen, Haddaba xataa dadka aan Yuhuudda ahaynna Ilaah baa siiyey toobadkeen inay nolol helaan.
  • Room 1:17 : 17 Waayo, dhexdiisa waxaa laga muujiyaa xaqnimada Ilaah oo rumaysad ka timaada, rumaysadna u socota, sida qoran. Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.
  • 1 Kor 12:7-9 : 7 Laakiin mid kasta waxaa muujinta Ruuxa loo siiyaa waxtar. 8 Mid waxaa laga siiyaa xagga Ruuxa hadal xigmad ah, mid kalena hadal aqoon ah siduu isku Ruuxu doonayo. 9 Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya. 10 Mid kalena shuqullo cajaa'ib leh, mid kalena wax sii sheegidda, mid kalena kalasoocidda ruuxyada, mid kalena afaf kala cayn ah, mid kalena afafka fasiriddooda. 11 Isku Ruuxa oo keliya ayaa ka shaqeeya waxyaalahaas oo dhan, isagoo siduu doonayo mid mid wax ugu qaybinaya. 12 ¶ Haddaba sida jidhku mid keliya u yahay, oo uu xubno badan u leeyahay, oo xubnaha oo dhan ee jidhka ay jidh keliya u yihiin, in kastoo ay badan yihiin, Masiixuna waa sidaas oo kale. 13 Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha.
  • 1 But 1:12 : 12 Oo waxaa iyagii loo muujiyey inaanay iyagu isugu adeegin waxyaalahaas, laakiinse idinkay idiinku adeegeen, oo waxyaalahaas waxaa idin ogaysiiyey kuwii injiilka idinkaga wacdiyey Ruuxa Quduuska ah ee jannada laga soo diray; waxyaalahaas oo ay malaa'iguhuna jecel yihiin inay fiiriyaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Gal 3:3-6
    4 aayado
    84%

    3Ma sidaasaad u garaadla'dihiin? Idinkoo Ruuxa ku bilaabay miyaad haatan jidhka ku dhammaynaysaan?

    4Ma waxtarla'aan baad wax badan ugu xanuunsateen? hadday waxtarla'aan ahayd.

    5Haddaba kan Ruuxa idin siiya oo shuqullada xoogga leh idinku dhex sameeyaa, ma wuxuu ku sameeyaa shuqullada sharciga mise maqlidda rumaysadka?

    6Sidaas oo kalaa Ibraahim Ilaah u rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo.

  • 1¶ Garaadlaawayaasha reer Galatiyow, yaa idin sasabtay, kuwiinna indhahooda la hor dhigay Ciise Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay?

  • Gal 2:16-17
    2 aayado
    77%

    16ayaynu weliba garanaynaa inaan nin xaq ku noqon shuqullada sharciga, rumaysadka uu Ciise Masiix ku rumaystay mooyaane, xataa innagu waan rumaysannay Ciise Masiix inaynu xaq ku noqonno rumaysadka Masiix ee ayan ahayn shuqullada sharciga, maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq kuma noqon doono.

    17Laakiinse markaynu doonaynay inaynu Masiix xaq ku noqonno, haddii la helo inaynu qudheennu dembilayaal nahay, Masiix miyuu yahay midiidinka dembiga? Ma suurtowdo!

  • 14inay barakadii Ibraahim quruumaha ugu timaado Ciise Masiix; inaynu ballankii Ruuxa ku helno rumaysad.

  • 21¶ Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin?

  • Gal 5:4-6
    3 aayado
    72%

    4Waad ka soocan tihiin Masiixa, kuwiinna sharciga xaq ku noqon lahaayow; nimcadiina waad ka dhacdeen.

    5Waayo, innagu xagga Ruuxa waxaynu rumaysad ku sugnaa rajada xaqnimada.

    6Maxaa yeelay, xagga Ciise Masiix gudniinta iyo buuryoqabnimada midna wax ma tarto, laakiinse waxaa wax tara rumaysadka ku shaqeeya jacayl.

  • Room 3:27-28
    2 aayado
    72%

    27Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka.

    28Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga.

  • Gal 3:11-12
    2 aayado
    72%

    11Inuusan ninna sharciga xaq ku noqon Ilaah hortiisa waa bayaan, waayo, Kii xaq ahu rumaysad buu ku noolaan doonaa.

    12Sharciguna kama iman rumaysadka, laakiin, Kii sameeya waxyaalaha sharciga iyaguu ku noolaan doonaa.

  • 21Haddaba sharcigu miyuu ka gees yahay ballamadii Ilaah? Ma suurtowdo, waayo, haddii sharci wax noolayn kara laysa siiyey, sida runta ah, xaqnimada waxaa laga heli lahaa sharciga.

  • Gal 3:23-26
    4 aayado
    71%

    23¶ Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo.

    24Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka.

    25¶ Laakiinse rumaysadkii waa yimid, oo taas daraaddeed mar dambe edbiye kama hoosayno.

    26Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix.

  • 9oo isaga dhexdiisa layga helo, anigoo aan lahayn xaqnimo tayda ah, taas oo sharciga laga helo, laakiinse anigoo leh tan laga helo rumaysadka Masiixa, taas oo ah xaqnimada xagga Ilaah rumaysadka lagaga helo,

  • 18Laakiinse haddii Ruuxu idin hoggaamiyo, sharciga kuma hoos jirtaan.

  • Fal 19:2-3
    2 aayado
    70%

    2Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.

    3Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.

  • Gal 2:19-21
    3 aayado
    70%

    19Anigu sharcigaan ugu dhintay xagga sharciga inaan Ilaah u noolaado.

    20Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.

    21Nimcada Ilaah burin maayo, waayo, haddii xaqnimo sharciga laga helo, Masiix micnela'aan buu u dhintay.

  • 12Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix.

  • 18Waayo, haddii dhaxalka laga helo sharciga, ballanka lagama sii heleen; laakiinse Ilaah baa Ibraahim ballan ku siiyey.

  • 9Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?

  • 4in qaynuunka sharcigu inagu buuxsamo kuweenna aan sida jidhka u socon, laakiinse u socda sida Ruuxa.

  • Gal 6:12-13
    2 aayado
    69%

    12Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga.

    13Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.

  • 69%

    8Waayo, idinku waxaad ku badbaaddeen nimco xagga rumaysadka, mana aha wax xaggiinna ka yimid,

  • 17Haddaba rumaysadku wuxuu ka yimaadaa maqlidda, maqlidduna waxay ku timaadaa ereyga Masiixa.

  • 20Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga.

  • 68%

    2Hubaal waxaad maqasheen wakiilnimada nimcada Ilaah oo la iigu kiin dhiibay,

  • 31De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.

  • 6¶ Waxaan la yaabsanahay dhaqsiiyaha aad uga dhaqaaqaysaan kii nimcada Masiixa idiinku yeedhay, oo aad u leexanaysaan injiil kale,

  • 6Laakiinse haatan sharcigii waa laynaga furay, innagoo ka dhimannay wixii aynu ku hoos xidhnayn, si aynu ugu adeegno cusaybka ruuxa ee aynaan ugu adeegin gabowga qorniinka.

  • 2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.

  • 39nin kasta oo isaga rumaystana xaq baa lagaga dhigay wax walba oo sharciga Muuse uusan xaq idinkaga dhigi karin.

  • 2Waayo, qaynuunka Ruuxa nolosha ee ku dhex jira Ciise Masiix ayaa iga xoreeyey qaynuunka dembiga iyo dhimashada.

  • 13waayo, kuwa sharciga maqlaa ma aha kuwa xaqa Ilaah hortiis, laakiinse kuwa sharciga yeela xaq baa laga dhigi doonaa.

  • 3waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,

  • 9Laakiin idinku kuma aad dhex jirtaan jidhka, illowse waxaad ku dhex jirtaan Ruuxa, haddii Ruuxa Ilaah idinku dhex jiro. Laakiin nin hadduusan Ruuxa Masiixa lahayn, de kaasu kiisii ma aha.

  • 1¶ Xorriyad ayuu Masiixu inagu xoreeyey. Haddaba adkaada, oo mar dambe yaan laydinku qaban harqoodka addoonnimada.

  • 12Laakiin innagu ma aynu helin ruuxa dunida laakiinse Ruuxa Ilaah ka yimid, inaynu garanno waxyaalaha uu Ilaah nimco ahaan inoo siiyey.

  • 13Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey.