Bilowgii 1:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ilaahna wuxuu sameeyey dugaagga dhulka oo caynkiisa dhala, iyo xoolo caynkooda dhala, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 2:19-20 : 19 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday. 20 Oo ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag kasta oo duurka jooga, laakiin ninkii looma helin mid caawisa oo ku habboon.
  • Ayuub 12:8-9 : 8 Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa, Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa. 9 Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay? 10 Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
  • Yer 27:5 : 5 Anigu dhulka, iyo dadka iyo xayawaanka dhulka joogaba waxaan ku sameeyey xooggayga weyn iyo gacantayda fidsan, oo waxaan siiyaa kii ila qumman.
  • Ayuub 26:13 : 13 Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 1:20-24
    5 aayado
    92%

    20¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd.

    21Oo Ilaah wuxuu abuuray nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa, ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala, iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    22Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka.

    23Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad.

    24¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo uun nool oo caynkiisa dhala, kuwaasoo ah xoolo, iyo waxa gurguurta, iyo dugaagga dhulka oo caynkooda dhala; sidaasayna ahaatay.

  • Bil 1:9-12
    4 aayado
    84%

    9¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay.

    10Markaasuu Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    11Ilaahna wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal; sidaasayna ahaatay.

    12Dhulkiina wuxuu soo bixiyey doog, iyo geedo yaryar oo leh iniino caynkooda ah, iyo geedo waaweyn oo midho dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, iyagoo caynkooda ah, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

  • Bil 1:26-31
    6 aayado
    81%

    26Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan.

    27Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.

    28Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.

    29Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto;

    30oo dugaag kasta oo dhulka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, oo naf nool leh ayaan geed kasta oo cagaar ah cunto u siiyey; sidaasayna ahaatay.

    31Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii lixaad.

  • 14iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.

  • Bil 2:18-20
    3 aayado
    78%

    18¶ Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.

    19Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday.

    20Oo ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag kasta oo duurka jooga, laakiin ninkii looma helin mid caawisa oo ku habboon.

  • 19Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

  • 20Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.

  • 10Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

  • 46¶ Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;

  • 10iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.

  • 8Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba

  • 7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,

  • 17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

  • 72%

    17ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha,

    18ama u eg wax dhulka gurguurta, ama u eg wax kalluun ah oo ku jira biyaha dhulka ka hooseeya.

  • 12oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka.

  • 18oo ay u xukumaan maalinta iyo habeenka, oo ay iftiinka uga soocaan gudcurka, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

  • 21Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba.

  • Laaw 11:2-3
    2 aayado
    71%

    2Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,

    3Wax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay, oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.

  • Bil 9:1-3
    3 aayado
    71%

    1¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.

    2Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga.

    3Wax kasta oo dhaqdhaqaaqa oo noolu cuntay idiin noqon doonaan; sidii aan geedaha cagaarka ah idiin siiyey ayaan kulli idiin siiyey.

  • 15oo iftiimmo ha u noqdeen meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd si ay u iftiimiyaan dhulka dushiisa; sidaasayna ahaatay.

  • 25Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.

  • 4Ilaahna wuxuu arkay iftiinkii inuu wanaagsan yahay: Ilaahna iftiinkii ayuu ka soocay gudcurkii.

  • 1¶ Bilowgii Ilaah samada iyo dhulkuu abuuray.

  • 39Hilib oo dhammu isku hilib ma aha, laakiin waxaa jira hilibka dadka iyo hilibka kaloo dugaagga, iyo hilibka kaloo shimbirraha, iyo hilibka kaloo kalluunka.

  • 4¶ Kuwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada.

  • 1¶ Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;

  • 41¶ Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.

  • 20Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.

  • 7Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka.

  • 6Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan.

  • 25Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad kala soocdaan xayawaanka daahirka ah iyo kan nijaasta ah, iyo haadda daahirka ah iyo tan nijaasta ah, oo waa inaydaan nafihiinna wax karaahiyo ah kaga dhigin xayawaan ama haad ama waxa dhulka ku gurguurta oo aan idinka soocay oo aan idhi, Waa nijaas.