Bilowgii 10:9
Wuxuu ahaa ugaadhsade ku xoog weyn Rabbiga hortiisa: taas daraaddeed waxaa la yidhaahdaa, Sidii Nimrod ugaadhsade xoog weyn Rabbiga hortiisa.
Wuxuu ahaa ugaadhsade ku xoog weyn Rabbiga hortiisa: taas daraaddeed waxaa la yidhaahdaa, Sidii Nimrod ugaadhsade xoog weyn Rabbiga hortiisa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
8Kuushna wuxuu dhalay Nimrod: wuxuuna bilaabay inuu noqdo mid dhulka xoog weyn ku leh.
10Kuushna wuxuu dhalay Nimrod, wuxuuna noqday mid dhulka xoog weyn ku leh.
10Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.
11Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah,
9Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.
6¶ Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro.
10Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa
4Oo waxay yidhaahdeen, Ina keena, aynu magaalo dhisannee, iyo munaarad dhaladeedu samada gaadho, oo aynu magac yeelannee, waaba intaasoo aynu dhulka dushiisa oo dhan ku kala firidhnaaye.
10Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara?
9Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.
15Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi isagii, Sidaas daraaddeed ku alla kii dila Qaabiil, waxaa looga aargudan doonaa toddoba labanlaab. Rabbiguna calaamad buu u sameeyey Qaabiil, si aanu ku alla kii arkaaba u dilin.
4Waagaas waxaa dhulka joogay dad waaweyn oo xoog badan, taas ka dibna kolkii wiilashii Ilaah u yimaadeen gabdhihii dadka, oo ay carruur u dhaleen, isla kuwaas waxay ahaayeen nimankii xoogga badnaa oo waagii hore ahaa raggii caanka ahaa.