Bilowgii 14:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo waxaa dhacday waagii Amraafel boqorka u ahaa Shincaar, Aryoogna boqorka u ahaa Ellaasaar, Kedorlaacomerna boqorka u ahaa Ceelaam, Tidcaalna boqorka u ahaa Goyiim,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 10:10 : 10 Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.
  • Bil 10:22 : 22 Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam.
  • Bil 11:2 : 2 Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.
  • Ish 11:11 : 11 ¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba.
  • Ish 21:2 : 2 Waxaa lay tusay muujin culus. Khaa'inkii khiyaanuu sameeyaa, oo kan wax dhacaana wax buu dhacaa. Reer Ceelaamow, ku kac, reer Maadayow, hareeree. Taahiddii oo dhan anigu waan joojiyey.
  • Ish 22:6 : 6 Oo reer Ceelaam wuxuu qaatay gabooyihii, oo gaadhifardoodyo iyo rag fardo fuushan baa la socday, oo reer Qiirna gaashaankii buu daaha ka qaaday.
  • Ish 37:12 : 12 Quruumihii ay awowayaashay baabbi'iyeen ilaahyadoodii miyey samatabbixiyeen kuwaasoo ahaa Goosaan, iyo Xaaraan, iyo Resef, iyo reer Ceeden oo Telasaar degganaa?
  • Yer 25:25 : 25 iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan,
  • Yer 49:34-39 : 34 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga ee Ceelaam ku saabsanaa ee Nebi Yeremyaah u yimid bilowgii boqornimadii Sidqiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah, isagoo leh, 35 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan kala jebin doonaa qaansada reer Ceelaam, taasoo ah waxa xooggooda u weyn. 36 Oo waxaan reer Ceelaam ku soo dayn doonaa afarta dabaylood oo samada afarteeda qabladood ka timid, oo iyaga waxaan u kala firdhin doonaa qabladahaas oo dhan, oo innaba ma ay jiri doonto quruun aan reer Ceelaam masaafurisyadoodu geli doonin. 37 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ka dhigi doonaa in reer Ceelaam ay ku hor naxaan cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya, oo masiibo ah cadhadayda kulul ayaan ku soo dejin doonaa, oo seefna waan ka daba diri doonaa, ilaa aan baabba' ka dhigo. 38 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu carshigayga Ceelaam baan dhex qotomin doonaa, oo halkaas boqor iyo amiirroba waan ka wada baabbi'in doonaa. 39 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Ceelaam waan soo celin doonaa.
  • Yex 32:24 : 24 Waxaana jooga reer Ceelaam iyo dadkiisa badan oo qabrigiisa ku wada wareegsan oo dhan. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la laayay oo seef bay ku le'deen. Iyagoo buuryaqabyo ah ayay dhulka meelaha ugu hooseeya hoos ugu dhaadheceen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen.
  • Daan 1:2 : 2 Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.
  • Sak 5:11 : 11 Oo isaguna wuxuu igu yidhi, Waxay u qaadayaan inay guri iyada uga dhisaan dalka Shincaar, oo markii la diyaariyo ayaa iyada lagu dejin doonaa halkaas oo meesheeda ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 14:2-10
    9 aayado
    89%

    2inay la dirireen Berac oo boqor u ahaa Sodom, iyo Birshac oo boqor u ahaa Gomora, iyo Shinaab oo boqor u ahaa Admah, iyo Shemeeber oo boqor u ahaa Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar).

    3Kuwanu waxay kulligood isugu yimaadeen Dooxo Siddiim (oo iyana ahayd Baddii Cusbada).

    4Laba iyo toban sannadood bay Kedorlaacomer u adeegeen, markaasay sannaddii saddex iyo tobnaad ku caasiyoobeen.

    5Sannaddii afar iyo tobnaadna waxaa yimid Kedorlaacomer, iyo boqorradii la jiray, oo waxay reer Refaa'iim ku dileen Cashterod Qarnayim, oo reer Suusiimna waxay ku dileen Haam, oo reer Eymiimna waxay ku dileen Shaweh Qiryaatayim,

    6reer Xorna waxay ku dileen buurtoodii Seciir, iyo ilaa Aylfaaraan oo u dhowayd cidlada.

    7Oo way soo noqdeen, oo waxay yimaadeen Ceyn Mishfaad (oo iyana ahayd Qaadeesh), oo waxay dileen dadkii dalkii reer Camaaleq oo dhan, waxaa kale oo ay dileen reer Amor oo degganaa Hasason Tamar.

    8Oo waxaa soo baxay boqorkii Sodom, iyo boqorkii Gomora, iyo boqorkii Admah, iyo boqorkii Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar); oo waxay Dooxo Siddiim ugu diyaargaroobeen inay la dagaallamaan

    9Kedorlaacomer oo ahaa boqorkii Ceelaam, iyo Tidcaal oo ahaa boqorkii Goyiim, iyo Amraafel oo ahaa boqorkii Shincaar, iyo Aryoog oo ahaa boqorkii Ellaasaar. Waxay ahaayeen afar boqor oo shantii boqor ka gees ah.

    10Haddaba Dooxo Siddiim waxaa ka buuxay boholo waaweyn oo dhoobo ah; oo boqorradii Gomora iyo Sodom way carareen, oo halkaasay ku dhaceen, intii kalena waxay u carareen xagga buurta.

  • Bil 14:16-17
    2 aayado
    75%

    16Oo alaabtii oo dhan buu soo celiyey, oo waxaa kale oo uu soo celiyey walaalkiis Luud, iyo alaabtiisii, iyo naagihii, iyo dadkiiba.

    17Markuu ka soo noqday layntii Kedorlaacomer iyo boqorradii la jiray ka dib ayaa boqorkii Sodom Aabraam kaga hor tegey Dooxo Shaweh oo ahayd Dooxadii Boqorka.

  • Yash 11:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Oo markuu boqorkii Xaasoor oo ahaa Yaabiin waxaas maqlay ayuu u cid diray boqorkii Maadoon oo ahaa Yoobaab, iyo boqorkii Akshaaf,

    2iyo boqorradii jiray xagga woqooyi, kaas oo ahaa dalka buuraha leh, iyo kuwii joogay xagga ban Caraabaah oo koonfur ka xigta Kinnered, iyo xagga dooxooyinka, iyo dalka sare oo Door ee xagga galbeed jira,

  • 13Oo waxaa yimid mid soo baxsaday, oo wuxuu u warramay Aabraam kii ahaa Cibraaniga isagoo ag deggan dhirtii Mamre kii ahaa reer Amor, oo Eshkol iyo Caaneer walaalkood ahaa. Kuwaasu Aabraam bay gaashaanbuur la ahaayeen.

  • Bil 11:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.

    2Waxaana dhacday markay xagga bari u sii socdaaleen inay waddankii Shincaar meel bannaan ka heleen; oo halkaas ayay degeen.

  • Bil 14:20-21
    2 aayado
    71%

    20Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.

    21Boqorkii Sodom wuxuu Aabraam ku yidhi, Dadka uun i sii, alaabtana adigu iska qaado.

  • 3Sidaas daraaddeed boqorkii Yeruusaalem oo ahaa Adonii Sedeq wuxuu u cid diray boqorkii Xebroon oo ahaa Hoohaam, iyo boqorkii Yarmuud oo ahaa Firaam, iyo boqorkii Laakiish oo ahaa Yaafiica, iyo boqorkii Cegloon oo ahaa Debiir, oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar.

  • 20Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,

  • 1¶ Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey.

  • 26Seruug, Naaxoor, Terax,

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.

  • 17¶ Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg.

  • 21iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Girgaash, iyo reer Yebuus.

  • 5Sidaas daraaddeed shantii boqor oo reer Amor waa iswada urursadeen, oo kuwaasu waxay ahaayeen boqorkii Yeruusaalem, iyo boqorkii Xebroon, iyo boqorkii Yarmuud, iyo boqorkii Laakiish, iyo boqorkii Cegloon; iyaga iyo ciidammadooda oo dhammu kor bay u bixiyeen oo waxay hor degeen Gibecoon oo dagaal ku qaadeen.

  • 14iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash,

  • 26Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;

  • 14iyo boqorkii Xormaah, iyo boqorkii Caraad,

  • 25iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan,