Bilowgii 14:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin Aabraam wuxuu boqorkii Sodom ku yidhi, Gacantaydaan kor u taagay oo waxaan ku dhaartay Rabbiga, kan ah Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulka,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 6:8 : 8 Oo waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga.
  • Daan 12:7 : 7 Oo waxaan maqlay ninkii dharka wanaagsan qabay, oo biyaha webiga dushooda joogay, markuu gacantiisii midig iyo gacantiisii bidix samada u taagay oo ku dhaartay kan weligiis nool inay noqon doonto wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis; oo markay dhammeeyaan jejebinta xoogga dadka quduuska ah ayaa waxyaalahan oo dhammu dhammaan doonaan.
  • Sharc 32:40 : 40 Waayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa, Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.
  • Muj 10:5-6 : 5 ¶ Markaasaa malaa'igtii aan arkay oo ku taagnayd badda iyo dhulka ayaa gacanteedii midig samada kor ugu taagtay, 6 oo inaan wakhti mar dambe jirayn ayay ugu dhaaratay kan weligiis iyo weligiisba nool, oo abuuray samada iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo dhulka iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo badda iyo waxyaalaha ku dhex jiraba.
  • Sab 24:1 : 1 Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.
  • Sab 83:18 : 18 Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.
  • Ish 57:15 : 15 ¶ Waayo, Kan dheer oo sarreeya, oo weligiis waara, oo magiciisu Quduuska yahay wuxuu leeyahay, Anigu waxaan degganahay meesha sare oo quduuska ah, oo weliba waxaan la jiraa kan toobadkeena oo is-hoosaysiiya inaan soo nooleeyo ruuxa kuwa is-hoosaysiiya, iyo inaan soo nooleeyo qalbiga kuwa toobadkeena.
  • Daan 4:34 : 34 Oo markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac;
  • Bil 14:19-20 : 19 Oo Aabraam buu u duceeyay, oo yidhi, Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulkaba ha barakeeyo Aabraam. 20 Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.
  • Bil 17:1 : 1 ¶ Oo markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow.
  • Bil 21:23-31 : 23 Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba. 24 Ibraahimna wuxuu yidhi, Waan kuu dhaaran doonaa. 25 Ibraahimse wuxuu Abimeleg u canaantay ceelkii ay addoommada Abimeleg ka xoogeen aawadiis. 26 Abimelegna wuxuu yidhi, Anigu garan maayo ka waxaas sameeyey; adna iima aad sheegin, welina ma aan maqlin, maanta mooyaane. 27 Markaasaa Ibraahim ido iyo dibiyo kaxeeyey, oo wuxuu siiyey Abimeleg; labadoodiina axdi bay dhigteen. 28 Kolkaasaa Ibraahim idihii gooni ahaan uga bixiyey toddoba sabeenood. 29 Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Micnehoodu waa maxay toddobadan sabeenood oo aad gooni ahaantooda u bixisay? 30 Markaasuu yidhi, Toddobadan sabeenood waa inaad iga guddoontid inay markhaati ii noqoto inaan anigu ceelkan qoday. 31 Sidaas daraaddeed meeshaas wuxuu u bixiyey Bi'ir Shebac; maxaa yeelay, labadooduba meeshaas bay ku dhaarteen.
  • Bil 21:33 : 33 Ibraahimna geed buu Bi'ir Shebac ku beeray, oo halkaas buu ku ducaystay magaca Rabbiga Ilaaha daa'imka ah.
  • Xaak 11:35 : 35 Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.
  • Xag 2:8 : 8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 14:17-21
    5 aayado
    81%

    17Markuu ka soo noqday layntii Kedorlaacomer iyo boqorradii la jiray ka dib ayaa boqorkii Sodom Aabraam kaga hor tegey Dooxo Shaweh oo ahayd Dooxadii Boqorka.

    18Oo Malkisadaq oo ahaa boqorkii Saalem baa keenay cunto iyo khamri: wuxuuna ahaa wadaadkii Ilaaha ugu sarreeya.

    19Oo Aabraam buu u duceeyay, oo yidhi, Ilaaha ugu sarreeya, ee leh samada iyo dhulkaba ha barakeeyo Aabraam.

    20Ammaan waxaa leh Ilaaha ugu sarreeya, oo cadaawayaashaadii gacantaada geliyey. Markaasaa Aabraam wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel.

    21Boqorkii Sodom wuxuu Aabraam ku yidhi, Dadka uun i sii, alaabtana adigu iska qaado.

  • Bil 14:23-24
    2 aayado
    81%

    23inaanan qaadanin miiq ama kab yeelmeheed ama wax adigu aad leedahay, waayo, waaba intaasoo aad tidhaahdaa, Anaa Aabraam hodan ka dhigaye.

    24Waxba qaadan maayo wixii ay ragga dhallinyarada ahu cuneen mooyaane, iyo qaybtii raggii i raacay. Caaneer iyo Eshkol, iyo Mamre ha qaateen qaybtooda.

  • 16oo waxay ku tidhi, Rabbigu wuxuu yidhi, Waxan aad samaysay aawadood, iyo wiilkaaga aadan iga lexejeclaysan, kaas oo ah wiilkaaga keligiis ah aawadiis ayaan nafsaddayda ku dhaartay

  • Bil 21:23-24
    2 aayado
    73%

    23Haddaba halkan Ilaah iigu dhaaro inaadan i khiyaanaynin aniga ama wiilkayga, ama wiilkayga wiilkiisa, laakiinse sidii aan wanaagga kuugu sameeyey, inaad adna iigu samaynaysid, aniga iyo dhulka aad qariib ahaanta u degganaydba.

    24Ibraahimna wuxuu yidhi, Waan kuu dhaaran doonaa.

  • Bil 15:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Waxyaalahaas ka dib ereygii Ilaah baa Aabraam ugu yimid muuqasho ahaan, isagoo leh, Aabraamow, ha baqin: anigu waxaan ahay gaashaankaaga, abaalgudkaaguna aad buu u weynaan doonaa.

    2Oo Aabraam wuxuu yidhi, Sayidow Rabbiyow, maxaad i siin doontaa? Waayo, anigu carruurla'aan baan sii socdaa, reerkaygana waxaa dhaxli doona Eliiceser oo ah reer Dimishaq.

  • Bil 13:14-15
    2 aayado
    72%

    14Oo Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, intii Luud ka guuray ka dib, Indhahaaga kor u taag, oo meeshaad joogto ka fiiri, xagga woqooyi iyo xagga koonfureed, iyo xagga bari iyo xagga galbeedba;

    15waayo, dhulka aad aragto oo dhan waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga weligiin.

  • 27Oo Ibraahimna wuu jawaabay oo yidhi, Bal eeg, waxaan isu diray inaan Sayidka la hadlo, anoo ciid iyo dambas ah.

  • 7Oo Ilaah baa Aabraam u muuqday, oo ku yidhi, Dalkan farcankaagaan siin doonaa. Kolkaasuu meeshaas meel allabari uga dhisay Rabbigii u muuqday.

  • Bil 24:2-3
    2 aayado
    70%

    2Oo Ibraahim, wuxuu ku yidhi addoonkiisii oo dadka gurigiisa ugu weynaa, oo u talin jiray wixii uu lahaa oo dhan, Waan ku baryayaaye gacantaada bowdadayda hoos dhig.

    3Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

  • 40Waayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa, Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.

  • Bil 22:11-12
    2 aayado
    70%

    11Markaasay malaa'igtii Rabbigu samada uga yeedhay isaga, oo waxay ku tidhi, Ibraahimow, Ibraahimow. Kolkaasuu yidhi, Waa i kan.

    12Markaasay ku tidhi, Gacantaada ha saarin wiilka, waxbana ha ku samaynin: waayo, hadda waan garanayaa inaad Ilaah ka cabsatid, maxaa yeelay, igama aadan lexejeclaysan wiilkaaga, kaas oo ahaa wiilkaaga keligiis ah.

  • Bil 13:17-18
    2 aayado
    70%

    17Bal kac oo ku dhex soco dhulka dhererkiisa iyo ballaadhkiisa; waayo, adigaan ku siin doonaa.

    18Oo Aabraam teendhadiisii wuu wareejiyey, oo wuxuu yimid oo degay dhirtii Mamre, ee ku tiil Xebroon, oo halkaasuu Rabbiga meel allabari uga dhisay.

  • 12Ibraahimna wuxuu ku hor sujuuday dadkii waddanka.

  • 9Addoonkii wuxuu gacantiisii hoos dhigay bowdadii sayidkiisii Ibraahim, wuxuuna ugu dhaartay wax arrintan ku saabsan.

  • 34Markaasuu yidhi, Waxaan ahay Ibraahim addoonkiisa.

  • Bil 17:2-3
    2 aayado
    69%

    2Oo axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.

    3Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,

  • 13Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

  • 4ilaa meeshii allabariga oo uu horraantii halkaas ka sameeyey; oo meeshaasuu Aabraam magaca Rabbiga kaga baryootamay.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu Aabraam ku yidhi, Ka tag waddankaaga, iyo xigaalkaaga, iyo reerka aabbahaaba, oo dalka aan ku tusi doono u kac.

  • 1¶ Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey.

  • 9Dhulka oo dhammu sow kaa ma horreeyo? Waxaan kaa baryayaa inaad iga guurtid. Haddaad bidixda tagto, midigtaan tegayaa; haddaad midigta tagtona, bidixdaan tegayaa.

  • 7Oo wuxuu ku yidhi isaga, Anigu waxaan ahay Rabbiga kaaga soo kaxeeyey Uur tii reer Kaldayiin, inaan ku siiyo dalkan si aad u dhaxashid.

  • 22Oo nimankii halkaasay ka noqdeen oo waxay tageen xagga Sodom: laakiinse Ibraahim weli wuxuu hor taagnaa Rabbiga.

  • 7Midkayana kaama lexejeclaysan doono qabrigiisa inaad ku aastid meydka naagtaada. Markaasaa Ibraahim sare kacay, oo uu u sujuuday dadkii waddanka lahaa, oo ahaa reer Xeed.