Bilowgii 14:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo way soo noqdeen, oo waxay yimaadeen Ceyn Mishfaad (oo iyana ahayd Qaadeesh), oo waxay dileen dadkii dalkii reer Camaaleq oo dhan, waxaa kale oo ay dileen reer Amor oo degganaa Hasason Tamar.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 20:2 : 2 Markaasaa qaar yimid oo waxay Yehooshaafaad u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Waxaa kugu soo socda col faro badan oo ka imanaya badda shishadeeda iyo dalka Suuriya, oo bal eeg haatan waxay joogaan Xasason Taamaar oo ah Ceyn Gedii.
  • Bil 16:14 : 14 Sidaas daraaddeed ceelkii waxaa loo bixiyeyBi'ir Lahayroy; bal eeg, wuxuu u dhexeeyaa Qaadeesh iyo Bered.
  • Bil 20:1 : 1 ¶ Ibraahimna meeshaas wuu ka sodcaalay oo wuxuu u kacay xagga dhulka Koonfureed, oo wuxuuna degay Qaadeesh iyo Shuur dhexdooda, qariib ahaan buuna Geraar u degay.
  • Bil 36:12 : 12 Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd.
  • Bil 36:16 : 16 ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah.
  • Bax 17:8-9 : 8 ¶ Markaasaa waxaa yimid reer Camaaleq, oo wuxuu reer binu Israa'iil kula diriray Refiidiim. 9 Markaasaa Muuse wuxuu Yashuuca ku yidhi, Rag inoo dooro, oo la bax, oo reer Camaaleq la dirir. Berrito waxaan istaagi doonaa buurta dusheeda, anigoo gacanta ku haysta ushii Ilaah. 10 Kolkaasaa Yashuuca yeelay sidii Muuse ku yidhi, oo wuxuu la diriray reer Camaaleq. Markaasaa Muuse iyo Haaruun iyo Xuur waxay koreen ilaa buurta dusheedii. 11 Oo markii Muuse gacanta kor u taagayba, waxaa adkaaday reer binu Israa'iil; markuu gacanta dejiyeyna, waxaa adkaaday reer Camaaleq. 12 Laakiinse Muuse gacmihiisu way cuslaayeen; kolkaasay waxay soo qaadeen dhagax, oo Muuse u saldhigeen, isna kolkaasuu ku fadhiistay; Haaruun iyo Xuurna gacmihiisii bay sare u hayeen, intuu midba dhinac ka maray, oo gacmihiisiina way xoogeeyeen ilaa ay qorraxdii dhacday. 13 Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba. 14 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Waxan buug ku qor si loo xusuusto, oo Yashuuca dhegihiisa maqashii, waayo, xusuusta reer Camaaleq lagu xusuusan jiray ayaan inta samada ka hoosaysa oo dhan ka baabbi'inayaa. 15 Markaasaa Muuse wuxuu dhisay meel allabari, oo magaceedii wuxuu u bixiyey Yehowah Nisii, 16 oo wuxuu yidhi, Rabbigu waa dhaartay, oo Rabbigu wuu la dagaallami doonaa reer Camaaleq ka ab ka ab.
  • Tir 13:26 : 26 ¶ Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.
  • Tir 14:43 : 43 Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo.
  • Tir 14:45 : 45 Kolkaasay reer Camaaleq iyo reer Kancaan oo buurta degganaa hoos u degeen, oo intay laayeen ayay tan iyo Xormaah eryadeen.
  • Tir 20:1 : 1 ¶ Oo reer binu Israa'iil, xataa shirkii oo dhammu waxay cidladii Sin yimaadeen bishii kowaad. Markaasaa dadkii waxay degeen Qaadeesh, oo Maryanna halkaasay ku dhimatay, oo halkaasaa lagu aasay.
  • Tir 24:20 : 20 ¶ Markaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi, Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya, Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa.
  • Sharc 1:19 : 19 ¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.
  • Sharc 1:46 : 46 Sidaas daraaddeed Qaadeesh ayaad maalmo badan degganaydeen intii ay ahaayeen maalmihii aad halkaas degganaydeen.
  • Yash 15:62 : 62 iyo Nibshaan iyo Magaalada Cusbada leh iyo Ceyn Gedii, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
  • 1 Sam 15:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Rabbigu wuxuu ii soo diray inaan kuu subko inaad boqor u ahaatid dadkiisa reer binu Israa'iil; haddaba bal maqal codka erayada Rabbiga. 2 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil markay Masar ka soo baxeen, Camaaleq wuxuu ku sameeyey iyo siduu jidka ugu hor joogsaday waan ogaaday. 3 Haddaba tag oo reer Camaaleq laa, oo waxay haystaan oo dhan wada baabbi'i, oo iyaga innaba ha u tudhin, laakiinse wada laa nin iyo naag, iyo dhallaan iyo caanonuugba, iyo dibi iyo ido, iyo geel iyo dameerroba. 4 Markaasaa Saa'uul dadkii u yeedhay, oo Tela'iim buu ku tiriyey, oo waxay noqdeen laba boqol oo kun oo nin oo lug ah, iyo toban kun oo nin ee reer Yahuudah ah. 5 Kolkaasuu Saa'uul yimid magaaladii reer Camaaleq, oo dooxadii buu ugu soo dhuuntay. 6 Markaasaa Saa'uul wuxuu reer Qeyn ku yidhi, Taga oo ka dhex baxa reer Camaaleq, yaanan idinku dhex baabbi'ine; waayo, markii ay reer binu Israa'iil oo dhammu Masar ka soo baxeen waad u wada roonaateen. Sidaas aawadeed reer Qeyn way ka dhex baxeen reer Camaaleq. 7 Oo Saa'uul wuxuu reer Camaaleq ku laayay xagga Xawiilaah ilaa xagga Shuur, taasoo ku taal Masar horteeda. 8 Oo boqorkii reer Camaaleq oo Agag ahaa isagoo nool buu qabsaday, laakiinse dadkii kale oo dhan seef buu ku wada baabbi'iyey. 9 Laakiinse Saa'uul iyo dadkiiba way reebeen Agag, iyo intii ugu wanaagsanayd oo dhan oo idihii, iyo dibidii, iyo xoolihii shishislaa, iyo wanankii yaryaraa, iyo wixii wanaagsanaa oo dhan; oo ma ay doonayn inay wada baabbi'iyaan; laakiinse waxay wada baabbi'iyeen wixii la quudhsaday iyo intii liidatay oo dhan. 10 ¶ Markaasaa Samuu'eel waxaa u yimid Eraygii Rabbiga oo ku leh, 11 Waxaan ka qoomamoonayaa inaan Saa'uul boqor ka dhigay; waayo, lasocodkaygii dib buu uga noqday, oo mana uu oofin amarradaydii. Oo Samuu'eelna wuu cadhooday oo habeenkii oo dhan Rabbiguu u qaylinayay. 12 Markaasaa Samuu'eel aroor hore kacay, oo wuxuu damcay inuu Saa'uul ka hor tago; oo waxaa Samuu'eel loo sheegay oo lagu yidhi, Saa'uul baa yimid Karmel, oo bal eeg, halkaas tiir xusuus ah ayuu ka taagtay, oo intuu wareegay ayuu gudbay, oo Gilgaal ku dhaadhacay. 13 Oo Samuu'eelna Saa'uul buu u yimid; markaasaa Saa'uul ku yidhi isagii, Rabbigu ha ku barakeeyo; anigu amarkii Rabbiga waan oofiyey. 14 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Haddaba waa maxay micneheedu cidan idaha ee aan dhegahayga ku maqlayaa, iyo cida dibida ee aan maqlayaa? 15 Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Reer Camaaleq bay ka keeneen; waayo, dadku waxay u reebeen intii ugu wanaagsanayd ee idihii iyo dibidii inay allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah; intii kalese dhammaantood waannu baabbi'innay. 16 Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Bal sug, oo anna waxaan kuu sheegayaa wixii Rabbigu xalay igu yidhi. Markaasuu yidhi, Bal ii sheeg. 17 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, In kastoo aad isla yarayd, sow madax lagaagama dhigin qabiilooyinka reer binu Israa'iil? Oo Rabbigu waa kuu subkay inaad ahaato boqor u taliya reer binu Israa'iil; 18 oo Rabbigu sodcaal buu kuu diray, oo kugu yidhi, Tag oo wada baabbi'i dembilayaasha reer Camaaleq, oo la dirir ilaa ay baabba'aan. 19 Haddaba maxaad Rabbiga codkiisa u addeeci weyday, oo aadse ugu boodday wixii la dhacay, oo maxaad u samaysay wixii Rabbiga hortiisa sharka ku ahaa? 20 Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan addeecay Rabbiga codkiisii, oo waxaan maray jidkii Rabbigu igu diray, oo Agag oo ah boqorkii reer Camaaleq ayaan keenay, oo reer Camaaleqna dhammaan waan wada baabbi'iyey. 21 Laakiinse dadkii wax bay ka qaateen xoolihii la dhacay ee ahaa ido iyo dibi, iyo waxyaalihii khaaska ahaa ee la nidray inay Gilgaal allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah. 22 Markaasaa Samuu'eel yidhi, Rabbigu miyuu aad ugu farxaa qurbaanno la gubo iyo allabaryo, siduu ugu farxo in codka Rabbiga la addeeco? Bal eeg, addeeciddu waa ka wanaagsan tahay allabariga, maqlidduna waa ka wanaagsan tahay baruurta wananka. 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid. 24 Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, amarkii Rabbiga, iyo erayadaadiiba waan ku xadgudbay, maxaa yeelay, dadkii baan ka cabsaday, codkoodiina waan addeecay. 25 Haddaba waan ku baryayaaye dembigayga iga cafi, oo mar kale ila noqo, aan Rabbiga soo caabudee. 26 Oo Samuu'eelna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kula noqon maayo, waayo, Eraygii Rabbigaad diidday, oo Rabbigaana kuu diiday inaad sii ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya. 27 Oo markii Samuu'eel ka jeestay oo uu damcay inuu tago, ayuu qabsaday darafkii khamiiskiisa, wuuna dillaacay. 28 Markaasaa Samuu'eel isagii ku yidhi, Maanta Rabbigu boqortooyadii reer binu Israa'iil buu kaa dillaaciyey, wuxuuna siiyey mid deriskaaga ah oo kaa sii wanaagsan. 29 Kan xoogga reer binu Israa'iil ahna been sheegi maayo, qoomamaynna maayo; waayo, isagu ma aha nin qoomamooda. 30 Markaasuu yidhi, Waan dembaabay; haddaba waan ku baryayaaye, igu murwee duqowda dadkayga hortooda, iyo reer binu Israa'iil hortooda, oo mar kale ila noqo aan Rabbiga Ilaahaaga ah soo caabudee. 31 Haddaba Samuu'eel mar kaluu Saa'uul la noqday, oo Saa'uulna Rabbiguu soo caabuday. 32 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Halkan iigu keena boqorka reer Camaaleq ee Agag ah. Kolkaasaa Agag u yimid isagoo qalbi san. Oo wuxuu yidhi, Hubaal geerida qadhaadhkeedii waa i dhaafay. 33 Oo Samuu'eelna wuxuu ku yidhi, Sida seeftaadu dumarka u ilmo tirtay, saasoo kalay hooyadaana dumarka dhexdiisa ugu ilmola'aan doontaa. Oo Samuu'eelna Agag ayuu cad cad ugu jarjaray Gilgaal dhexdeeda Rabbiga hortiisa. 34 ¶ Markaasaa Samuu'eel Raamaah tegey; oo Saa'uulna wuxuu tegey xaggii gurigiisii oo ku yiil Gibecaahdii Saa'uul. 35 Samuu'eelna mar dambe uma iman inuu Saa'uul soo arko ilaa maalintii uu dhintay; laakiin Samuu'eel baa Saa'uul u ooyay; oo Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday inuu Saa'uul ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil.
  • 1 Sam 27:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu isyidhi, Maalin uun baan gacanta Saa'uul ku dhiman doonaa; haddaba wax iiga wanaagsan ma jiro inaan dalka reer Falastiin u baxsado mooyaane; oo Saa'uulna wuu iga quusan doonaa, oo mar dambe xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan igama doondooni doono; oo saas ayaan gacantiisa kaga baxsan doonaa. 2 Markaasaa Daa'uud kacay oo gudbay, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee isaga la joogay, oo waxay u yimaadeen Aakiish oo ahaa ina Maacoog, kaasoo ahaa boqorkii Gad. 3 Oo Daa'uudna Aakiish buu la joogi jiray Gad, isagii iyo raggiisiiba, oo nin waluba reerkiisii wuu watay, oo xataa Daa'uud wuu watay labadiisii naagood, kuwaasoo ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel iyo Abiigayil tii reer Karmel oo Naabaal u dhaxday. 4 Markaasaa Saa'uul waxaa loo soo sheegay in Daa'uud u cararay xagga Gad, oo isna mar dambe ma uusan doondoonin. 5 ¶ Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, magaalooyinka duurka ku yaal meel ha iga siiyeen, aan halkaas iska degee, waayo, bal anoo addoonkaaga ah maxaan magaalada reer boqor kuula degganahay? 6 Maalintaasaa Aakiish siiyey Siiqlag, oo sidaas aawadeed Siiqlag ilaa maanta waxaa iska leh boqorrada dalka Yahuudah. 7 ¶ Oo maalmihii Daa'uud joogay duurka reer Falastiin tiradoodu waxay ahayd sannad dhan iyo afar bilood. 8 Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii u keceen inay weeraraan reer Geshuur, iyo reer Geser, iyo reer Camaaleq, waayo, quruumahaas ayaa waagii hore dalka degganaa, oo waxay degganaayeen ilaa Shuur iyo xataa tan iyo dalka Masar. 9 Markaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid. 10 Markaasaa Aakiish wuxuu ku yidhi, Yaad maanta soo dhacdeen? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaannu weerarnay xagga koonfureed oo dalka Yahuudah, iyo xagga koonfureed oo reer Yeraxme'eel iyo xagga koonfureed oo reer Qeyn. 11 Oo Daa'uudna nolol kuma uu dayn nin iyo naag toona, inuu Gad keeno aawadeed, waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo ay inagu sheekaystaan oo yidhaahdaan, Daa'uud saasuu yeelay, caadadiisuna saasay ahayd intuu duurka reer Falastiin degganaa oo dhan. 12 Aakiishna Daa'uud buu aaminay, oo wuxuu isyidhi, Isagu dadkiisii reer binu Israa'iil oo dhan wuu isku diray oo aad bay u karahsadeen isaga; sidaas daraaddeed isagu wuxuu ii ahaan doonaa addoon weligiisba.
  • 1 Sam 30:1-9 : 1 ¶ Oo maalintii saddexaad intaanay Daa'uud iyo raggiisii Siiqlag iman ayaa reer Camaaleq soo dhaceen xagga koonfureed, iyo Siiqlag, oo waxay weerareen Siiqlag, wayna gubeen; 2 oo waxay la tageen dumarkii iyo kuwii magaalada ku jiray oo dhan yar iyo weynba. Waxba kama ay layn, laakiinse way la tageen oo iska baxeen. 3 Oo Daa'uud iyo raggiisiina markay magaaladii yimaadeen, waxay arkeen iyadoo la gubay, oo naagahoodii iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba loola wada tegey maxaabiis ahaan. 4 Markaasaa Daa'uud iyo dadkii la jirayba codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, ilaa ay waayeen itaal ay ku sii ooyaan. 5 Oo Daa'uud labadiisii naagood ee ahaa Axiinocam tii reer Yesreceel, iyo Abiigayil oo ahayd reer Karmel oo Naabaalna u dhaxdayba, waa lala tegey iyagoo maxaabiis ah. 6 Oo Daa'uudna aad buu u dhibtooday, waayo, dadku waxay ku wada hadleen inay dhagxiyaan, maxaa yeelay, dadkii wuxuu u wada calool xumaaday nin waluba wiilashiisii iyo gabdhihiisii, laakiinse Daa'uud wuxuu isku sii dhiirriyey Rabbiga Ilaahiisa ah. 7 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu wadaadkii ahaa Aabyaataar ina Axiimeleg ku yidhi, Waan ku baryayaaye eefodka halkan iigu keen. Aabyaataarna eefodkii buu Daa'uud u keenay. 8 Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey, oo wuxuu yidhi, Miyaan eryadaa colkan, oo miyaan gaadhayaa? Oo Rabbiguna wuxuu ugu jawaabay, Haah, eryo, waayo, hubaal waad gaadhaysaa, oo intii lala tegey oo dhan waad soo celinaysaa. 9 Sidaas daraaddeed Daa'uud wuu tegey, isagii iyo lixdii boqol oo nin ee la jirtayba, oo waxay yimaadeen durdurkii Besoor, oo intii laga tegeyna halkaasay ku hadheen. 10 Laakiinse Daa'uud wuu eryaday, isagoo afar boqol oo nin wata; waayo, laba boqol ayaa dib u hadhay, kuwaasoo aad u daalay oo dhaafi kari waayay durdurkii Besoor. 11 Oo mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen. 12 Oo waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War yaa ku leh? Oo xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay nin dhallinyar oo Masri ah, oo addoon baan u ahay mid reer Camaaleq ah. Sayidkaygii baa iga tegey, maxaa yeelay, saddex maalmood ka hor ayaan bukooday. 14 Oo waxaannu soo dhacnay reer Kereetiim xaggooda Koonfureed, iyo dalka ay leeyihiin reer Yahuudah, iyo xagga Koonfureed oo reer Kaaleeb; oo Siiqlagna waan gubnay. 15 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa. 16 Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba. 17 Oo Daa'uudna wuxuu laynayay iyagii fiidkii ilaa fiidkiisii kale, oo nin iyagii ahuna ma baxsan, afar boqol oo dhallinyaro ah oo intay awr fuuleen ku carartay mooyaane. 18 Oo Daa'uudna wuu soo wada dhiciyey waxay reer Camaaleq la tageen oo dhan; oo labadiisii naagoodna Daa'uud waa soo badbaadiyey. 19 Oo waxba kama maqnayn iyagii, wax yar iyo wax weyn toona, ama wiilal iyo gabdho toona, ama booli iyo wixii ay la tageen oo dhan toona; oo Daa'uudna wuu soo wada celiyey kulligood. 20 Markaasaa Daa'uud kaxaystay idihii iyo lo'dii oo dhan, oo waxay ku hor kexeeyeen xoolihii kale, oo yidhaahdeen, Intanu waa boolidii Daa'uud. 21 Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey. 22 Markaasay raggii sharka lahaa ee waxmatarayaasha ahaa oo Daa'uud raacay oo dhammuba waxay ugu jawaabeen, Maalkii aannu soo dhacsannay iyaga waxba ka siin mayno, maxaa yeelay, nama ay raacin, laakiinse nin kasta waxaannu siinaynaa naagtiisii iyo carruurtiisii, ee ha kaxaysteen oo ha iska tageen. 23 Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray. 24 Haddaba bal yaa waxaa idinka maqlaya? Ka dagaalka u baxaa siduu qayb u helo ayuu ka alaabta ku hadhaana qayb u helayaa; isku si waa inay u qaybsadaan. 25 Maalintaas intay ka bilaabanto ilaa maantadan la joogo, wuxuu taas uga dhigay reer binu Israa'iil, qaynuun iyo amar. 26 ¶ Oo Daa'uudna markuu Siiqlag yimid ayuu boolidii qaarkeed odayaashii dalkii Yahuudah u diray, iyo xataa saaxiibbadiis, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, tanu waa hadiyad ka mid ah boolidii aan cadaawayaashii Rabbiga ka soo dhacay, 27 oo wuxuu u wada diray kuwii Beytel joogay, iyo kuwii Raamod tii koonfureed joogay, iyo xataa kuwii Yatiir joogay, 28 iyo kuwii Carooceer joogay, iyo kuwii Sifmood joogay, iyo kuwii Eshtemooca joogay, 29 iyo kuwii Raakaal joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Yeraxme'eel joogay, iyo kuwii magaalooyinka reer Qeyn joogay, 30 iyo kuwii Xormaah joogay, iyo kuwii Koor Caashaan joogay, iyo kuwii Cataag joogay, 31 iyo kuwii Xebroon joogay, oo xataa wuu u wada diray kuwii joogay meelihii Daa'uud iyo raggiisu ku noqnoqon jireen oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 45Kolkaasay reer Camaaleq iyo reer Kancaan oo buurta degganaa hoos u degeen, oo intay laayeen ayay tan iyo Xormaah eryadeen.

  • 43Oo waxay soo laayeen kuwii reer Camaaleq ka hadhay oo baxsaday, oo halkaasay deggan yihiin ilaa maantadan la joogo.

  • 1 Sam 15:7-8
    2 aayado
    77%

    7Oo Saa'uul wuxuu reer Camaaleq ku laayay xagga Xawiilaah ilaa xagga Shuur, taasoo ku taal Masar horteeda.

    8Oo boqorkii reer Camaaleq oo Agag ahaa isagoo nool buu qabsaday, laakiinse dadkii kale oo dhan seef buu ku wada baabbi'iyey.

  • 8¶ Markaasaa waxaa yimid reer Camaaleq, oo wuxuu reer binu Israa'iil kula diriray Refiidiim.

  • Bil 14:5-6
    2 aayado
    77%

    5Sannaddii afar iyo tobnaadna waxaa yimid Kedorlaacomer, iyo boqorradii la jiray, oo waxay reer Refaa'iim ku dileen Cashterod Qarnayim, oo reer Suusiimna waxay ku dileen Haam, oo reer Eymiimna waxay ku dileen Shaweh Qiryaatayim,

    6reer Xorna waxay ku dileen buurtoodii Seciir, iyo ilaa Aylfaaraan oo u dhowayd cidlada.

  • 48Oo isagu si xoog leh ayuu wax ku sameeyey, oo wuxuu laayay reer Siiqlag oo reer binu Israa'iilna wuxuu ka samatabbixiyey gacantii kuwii dhici jiray.

  • 74%

    14Oo waxay kaloo wax ku dhufteen magaalooyinkii Geraar ku wareegsanaa oo dhan, waayo, iyaga waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo magaalooyinkii oo dhanna way dhaceen, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku jiray maal badan.

    15Oo haddana waxay burburiyeen teendhooyinkii xoolodhaqatada, waxayna dhaceen ido faro badan iyo geel. Dabadeedna Yeruusaalem bay ku noqdeen.

  • 18oo Rabbigu sodcaal buu kuu diray, oo kugu yidhi, Tag oo wada baabbi'i dembilayaasha reer Camaaleq, oo la dirir ilaa ay baabba'aan.

  • 13Oo Yashuucana seef afkeed buu ku jebiyey reer Camaaleq iyo dadkiisiiba.

  • 1 Sam 15:2-3
    2 aayado
    73%

    2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil markay Masar ka soo baxeen, Camaaleq wuxuu ku sameeyey iyo siduu jidka ugu hor joogsaday waan ogaaday.

    3Haddaba tag oo reer Camaaleq laa, oo waxay haystaan oo dhan wada baabbi'i, oo iyaga innaba ha u tudhin, laakiinse wada laa nin iyo naag, iyo dhallaan iyo caanonuugba, iyo dibi iyo ido, iyo geel iyo dameerroba.

  • 44Oo reer Amorkii buurta degganaa ayaa idinku soo baxay oo idiin soo eryaday sida shinnida, oo waxay idinku jebiyeen Seciir iyo tan iyo Xormaah.

  • 25Haddaba dooxada waxaa deggan reer Camaaleq iyo reer Kancaan. Idinku berrito dib u noqda, oo waxaad tagtaan cidladii ku taal jidka loo maro Badda Cas.

  • 29Oo reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa.

  • 73%

    17¶ Bal xusuusta wixii ay reer Camaaleq idinku sameeyeen markaad jidka soo socoteen oo aad Masar ka soo baxdeen,

    18iyo siday jidka idiinkaga hor yimaadeen oo ay u laayeen dabaadigiinnii, kuwaas oo ahaa kulli intiinnii taagta darnayd oo dambaysay, markaad tabarta darnaydeen oo daallanaydeen. Iyaguse Ilaah kama ay cabsan.

    19Sidaas daraaddeed markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka nasiyo cadaawayaashiinna hareerahiinna ku wareegsan oo dhan, idinkoo jooga dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxal idiin siinayo inaad hantidaan aawadeed, waa inaad reer Camaaleq ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo taas ha illoobina.

  • 1 Sam 27:8-9
    2 aayado
    72%

    8Markaasaa Daa'uud iyo raggiisii u keceen inay weeraraan reer Geshuur, iyo reer Geser, iyo reer Camaaleq, waayo, quruumahaas ayaa waagii hore dalka degganaa, oo waxay degganaayeen ilaa Shuur iyo xataa tan iyo dalka Masar.

    9Markaasaa Daa'uud dalkii weeraray, oo nololna kuma uu dayn nin iyo naag toona, wuxuuna la tegey idihii, iyo dibidii, iyo dameerrihii, iyo geelii, iyo dharkii, dabadeedna wuu soo noqday, oo Aakiish u yimid.

  • Xaak 6:3-4
    2 aayado
    72%

    3Oo markii reer binu Israa'iil ay wax beeri jireen, waxaa iman jiray reer Midyaan iyo reer Camaaleq, iyo reer bariga, wayna ku kici jireen;

    4oo intay ag degaan ayay ka baabbi'in jireen wixii dhulka uga baxay, ilaa la soo gaadho Gaasa, oo reer binu Israa'iil ugama ay tegin wax la quuto, iyo ido, iyo dibi, iyo dameerro toona.

  • 13Oo isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka.

  • 21Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.

  • 8Oo waxaa soo baxay boqorkii Sodom, iyo boqorkii Gomora, iyo boqorkii Admah, iyo boqorkii Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar); oo waxay Dooxo Siddiim ugu diyaargaroobeen inay la dagaallamaan

  • 2inay la dirireen Berac oo boqor u ahaa Sodom, iyo Birshac oo boqor u ahaa Gomora, iyo Shinaab oo boqor u ahaa Admah, iyo Shemeeber oo boqor u ahaa Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar).

  • 5Kolkaasuu Saa'uul yimid magaaladii reer Camaaleq, oo dooxadii buu ugu soo dhuuntay.

  • Tir 21:31-32
    2 aayado
    71%

    31Oo sidaasay reer binu Israa'iil u degeen dalkii reer Amor.

    32Markaasaa Muuse diray rag soo basaasa Yacser, oo iyana way qabsadeen magaalooyinkeedii, oo reer Amorkii halkaas degganaana way ka eryeen.

  • 71%

    24Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.

    25Oo magaalooyinkii way burburiyeen, oo dhul kasta oo fiicanna nin waluba dhagaxiisii buu ku tuuray, oo way buuxiyeen; oo ilihii biyaha ahaa oo dhanna way wada xidheen, oo geedihii wanaagsanaa oo dhanna way wada jareen, ilaa ay Qiir Xaresed oo keliya dhagxanteedii u daayeen, habase yeeshee wadhafleydii ayaa isku wareejisay oo ku dhufatay.

  • 24Kolkaasay noqdeen oo buurtii u kaceen, oo waxay gaadheen dooxadii Eshkol, wayna soo basaaseen.

  • 5Oo waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dagaallameen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris.

  • 46iyagoo jooga dooxada Webi Urdun ka shishaysa oo ka soo hor jeedda Beytfecoor oo ku taal dalkii boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo Xeshboon degganaa oo Muuse iyo reer binu Israa'iil ay dileen waagii ay dalka Masar ka soo baxeen.

  • 7Oo markaad meeshan timaadeen waxaa inagu soo baxay Siixon oo ahaa boqorkii Xeshboon iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, oo innana waynu laynay.

  • 15Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Reer Camaaleq bay ka keeneen; waayo, dadku waxay u reebeen intii ugu wanaagsanayd ee idihii iyo dibidii inay allabari ugu bixiyaan Rabbiga Ilaahaaga ah; intii kalese dhammaantood waannu baabbi'innay.

  • 1¶ Oo maalintii saddexaad intaanay Daa'uud iyo raggiisii Siiqlag iman ayaa reer Camaaleq soo dhaceen xagga koonfureed, iyo Siiqlag, oo waxay weerareen Siiqlag, wayna gubeen;

  • 16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;

  • 19¶ Markaasaynu ka soo guurnay Xoreeb oo waxaynu dhex marnay cidladaas weyn oo aad looga cabsado ee aad soo aragteen ee ku taal jidka loo maro dalka buuraha leh oo reer Amor, siduu inagu amray Rabbiga Ilaaheenna ahu, oo waxaynu nimid Qaadeesh Barneeca.

  • 43Waayo, halkaas waxaa idinka horreeya reer Camaaleq iyo reer Kancaan, oo seeftaad ku le'an doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga lasocodkiisii dib baad uga noqoteen, oo sidaas daraaddeed Rabbigu idinla jiri maayo.

  • 4Taasuna waa ka dambaysay diliddii uu dilay Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor oo degganaa Xeshboon, iyo Coog oo ahaa boqorkii reer Baashaan oo degganaa Cashtarod ee Edrecii ku taal.

  • 8Oo markaasaan idin keenay dalkii reer Amor, kuwaasoo degganaa Webi Urdun shishadiisa, oo iyana way idinla dirireen; kolkaasaan gacanta idiin geliyey, oo dalkoodiina waad hantideen, iyagiina hortiinna waan ka baabbi'iyey.

  • 18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.

  • 41Oo Yashuuca wuxuu laayay iyagii ilaa Qaadeesh Barneeca iyo tan iyo Gaasa, iyo dalkii reer Goshen oo dhan, iyo xataa tan iyo Gibecoon.

  • 10iyo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod.

  • 11Oo idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.

  • 42Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.

  • 11Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,