Bilowgii 2:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ciidda ka sameeyey dugaag kasta oo duurka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula; oo iyagii wuxuu u keenay ninkii, inuu arko wuxuu u bixiyo; oo wax kastoo ninkii u bixiyey uun kasta oo nool ayaa magiciisii noqday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 1:20-26 : 20 ¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd. 21 Oo Ilaah wuxuu abuuray nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa, ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala, iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. 22 Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka. 23 Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad. 24 ¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo uun nool oo caynkiisa dhala, kuwaasoo ah xoolo, iyo waxa gurguurta, iyo dugaagga dhulka oo caynkooda dhala; sidaasayna ahaatay. 25 Ilaahna wuxuu sameeyey dugaagga dhulka oo caynkiisa dhala, iyo xoolo caynkooda dhala, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay. 26 Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan.
  • Bil 1:28 : 28 Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.
  • Bil 2:22-23 : 22 Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii. 23 Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.
  • Bil 6:20 : 20 Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.
  • Bil 9:2 : 2 Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga.
  • Sab 8:4-8 : 4 Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa? 5 Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad. 6 Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay, 7 Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba, 8 Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 2:20-23
    4 aayado
    87%

    20Oo ninkii baa magacyo u bixiyey xoolaha oo dhan, iyo haadda hawada, iyo dugaag kasta oo duurka jooga, laakiin ninkii looma helin mid caawisa oo ku habboon.

    21Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday.

    22Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii.

    23Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.

  • Bil 1:20-31
    12 aayado
    80%

    20¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Biyuhu aad ha u soo bixiyeen uun dhaqdhaqaaqa oo badan, oo naf nool leh, haadduna ha duusho dhulka dushiisa xagga meeshii bannaanayd oo samada dhex ahayd.

    21Oo Ilaah wuxuu abuuray nibiriyada badda oo waaweyn, iyo uun kasta oo nool oo dhaqdhaqaaqa, ee biyuhu aad u soo bixiyeen iyagoo badan, oo caynkooda oo kale dhala, iyo haad kasta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    22Oo Ilaah baa barakeeyey iyaga, isagoo leh, Wax badan dhala, oo tarma, oo biyaha badaha ka buuxsama, haadduna ha ku tarmeen dhulka.

    23Oo waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii shanaad.

    24¶ Oo Ilaah wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo uun nool oo caynkiisa dhala, kuwaasoo ah xoolo, iyo waxa gurguurta, iyo dugaagga dhulka oo caynkooda dhala; sidaasayna ahaatay.

    25Ilaahna wuxuu sameeyey dugaagga dhulka oo caynkiisa dhala, iyo xoolo caynkooda dhala, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta oo caynkiisa dhala; Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    26Ilaahna wuxuu yidhi, Aan nin inoo eg ka samayno araggeenna, oo iyagu ha xukumeen kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo xoolaha, iyo dhulka oo dhan, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan.

    27Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.

    28Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.

    29Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto;

    30oo dugaag kasta oo dhulka jooga, iyo haad kasta oo hawada duula, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, oo naf nool leh ayaan geed kasta oo cagaar ah cunto u siiyey; sidaasayna ahaatay.

    31Oo Ilaah wuxuu arkay wax kasta oo uu sameeyey, oo bal eeg, aad bay u wanaagsanaayeen. Waxaana jiray fiid iyo subax, maalintii lixaad.

  • 18¶ Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.

  • Bil 5:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Kanu waa buuggii farcankii Aadan. Maalintii Ilaah ninkii abuuray, ekaanta Ilaah buu ka sameeyey isagii;

    2wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.

  • Bil 2:4-9
    6 aayado
    77%

    4¶ Kuwanu waa bilowgii samada iyo dhulka kolkii la abuuray iyaga, maalintii Rabbiga Ilaah ahu sameeyey dhulka iyo samada.

    5Dhirta duurkuna weli kuma ay oollin dhulka, geedaha yaryar oo duurkuna weli sooma ay bixin: waayo, Rabbiga Ilaah ahu dhulka roob kuma soo dayn, nin dhulka beeraana ma jirin;

    6laakiin ceeryaamo baa dhulka kor uga soo bixi jirtay, oo waraabin jirtay dhulka dushiisa oo dhan.

    7Rabbiga Ilaah ahuna nin buu ka sameeyey ciidda dhulka, dulalka sankiisana wuxuu kaga afuufay neeftii nolosha; ninkiina wuxuu noqday naf nool.

    8Oo Rabbiga Ilaah ahu beer buu ka beeray xagga bari ee Ceeden; oo halkaasuuna geeyey ninkii uu sameeyey.

    9Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.

  • 15Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.

  • Bil 3:20-22
    3 aayado
    73%

    20Ninkiina wuxuu naagtiisii u bixiyey Xaawa, maxaa yeelay, waxay ahayd hooyadii waxa nool oo dhan.

    21Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii.

    22¶ Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa:

  • 2Cabsidiinna iyo baqdintiinnu way la jiri doonaan dugaag kasta, iyo haad kasta oo hawada, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan, iyo kalluunka badda oo dhan, gacmihiinna baa laydiin geliyey iyaga.

  • 10iyo uun kasta oo nool oo idinla jooga, haadda iyo xoolaha, iyo dugaag kasta oo dhulka idinla jooga; oo ah in alla intii ka soo baxda doonnida, xataa dugaag kasta oo dhulka.

  • Bil 6:19-20
    2 aayado
    73%

    19Oo wax kasta oo nool oo jidh leh waa inaad cayn walba laba ka soo gelisaa doonnida, si ay kuula sii noolaadaan; waana inay ahaadaan lab iyo dhaddig.

    20Haadda caynkooda, iyo xoolaha caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, cayn walba laba ka mid ihi ha kuu soo galeen, si ay u sii noolaadaan.

  • Bil 1:9-12
    4 aayado
    72%

    9¶ Ilaahna wuxuu yidhi, Biyaha samada ka hooseeya meel ha isugu soo urureen, oo ciidda engegani ha muuqato; sidaasayna ahaatay.

    10Markaasuu Ilaah ciiddii engegnayd u bixiyey Dhul; ururkii biyahana wuxuu u bixiyey Bado: oo Ilaah wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

    11Ilaahna wuxuu yidhi, Dhulku ha soo bixiyo doog, iyo geedo yaryar oo iniino dhala, iyo geedo waaweyn oo midho caynkooda ah dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, oo dhulka ku kor yaal; sidaasayna ahaatay.

    12Dhulkiina wuxuu soo bixiyey doog, iyo geedo yaryar oo leh iniino caynkooda ah, iyo geedo waaweyn oo midho dhala, oo iniinahoodu ku dhex jiraan, iyagoo caynkooda ah, Ilaahna wuxuu arkay in taasu wanaagsan tahay.

  • 19Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

  • 17ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha,

  • 10Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

  • 14iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah.

  • 17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

  • 7Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,

  • 9Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa?

  • 46¶ Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;

  • 21Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba.

  • 8Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba