Bilowgii 20:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, Ilaah wuxuu awday maxalladii kuwa reerka Abimeleg oo dhan, waana Saarah oo ahayd naagtii Ibraahim aawadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 12:17 : 17 Oo Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed.
  • Bil 16:2 : 2 Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay.
  • Bil 20:7 : 7 Haddaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.
  • Bil 30:2 : 2 Markaasaa Yacquub aad ugu cadhooday Raaxeel; oo wuxuu ku yidhi, Ma anigaa ku jira meeshii Ilaaha midhihii maxalka kuu diiday?
  • 1 Sam 1:6 : 6 Tii dhibi jirtay ayaa aad uga cadhaysiisay, si ay uga xanaajiso, maxaa yeelay, Rabbigaa maxalkeedii xidhay.
  • 1 Sam 5:10 : 10 Sidaas daraaddeed waxay sanduuqii Ilaah u direen xagga Ceqroon. Oo markii sanduuqii Ilaah Ceqroon yimid ayay reer Ceqroon wada qayliyeen, oo yidhaahdeen, Sanduuqa Ilaaha reer binu Israa'iil waxay inoogu keeneen inay ina laayaan innaga iyo dadkeennaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Ibraahimna Ilaah buu baryay, markaasaa Ilaah bogsiiyey Abimeleg, iyo naagtiisii, iyo gabdhihii midiidinyada u ahaa; waxayna dhaleen carruur.

  • Bil 18:10-11
    2 aayado
    77%

    10Wuxuuna ku yidhi, Hubaal waan kuu soo noqon doonaa markii xilligu soo wareego; oo bal ogow, naagtaada Saarah wiil bay dhali doontaaye. Saarahna way maqashay, iyadoo joogta iriddii teendhada oo ka dambaysay isaga.

    11Haddaba Ibraahim iyo Saarah way da' weynaayeen; gabow bayna la dhaceen; caadadii naaguhuna Saarah way ka joogsatay.

  • Bil 20:2-4
    3 aayado
    77%

    2Ibraahimna wuxuu naagtiisii Saarah ka yidhi, Waa walaashay. Oo Abimeleg oo ahaa boqorkii Geraar ayaa u soo cid dirtay, oo watay Saarah.

    3Laakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.

    4Abimelegna uma uusan dhowaan iyada, wuxuuna yidhi, Sayidow, miyaad quruun xaq ah baabbi'inaysaa?

  • Bil 21:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Oo Rabbigu Saarah wuu soo booqday siduu yidhi, oo Rabbigu wuxuu Saarah u yeelay siduu kula hadlay.

    2Oo Saarah way uuraysatay, oo Ibraahim wiil bay u dhashay isagoo da' weyn, waxayna ahayd wakhtigii Ilaah kala hadlay isaga.

  • Bil 12:17-18
    2 aayado
    75%

    17Oo Rabbigu belaayooyin waaweyn buu ku riday Fircoon iyo reerkiisiiba, Saaray oo naagtii Aabraam ahayd aawadeed.

    18Fircoonna Aabraam buu u yeedhay, oo ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Maxaad iigu sheegi weyday inay tahay naagtaadii?

  • Bil 20:7-11
    5 aayado
    75%

    7Haddaba ninka naagtiisa u celi, waayo, isagu waa nebi, wuuna kuu ducayn doonaa, waanad noolaan doontaa. Haddaadan iyada celinna, ogow hubaal waad dhiman doontaa, adiga iyo waxaaga oo dhammuba.

    8Abimelegna aroor horuu kacay, oo wuxuu u yeedhay addoommadiisii oo dhan, oo waxyaalahan oo dhan buu u sheegay, nimankiina aad iyo aad bay u cabsadeen.

    9Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.

    10Abimelegna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Maxaad aragtay oo aad waxan u samaysay?

    11Ibraahimna wuxuu yidhi, Waxaan mooday inaan cabsida Ilaah meeshan jirin, oo ay naagtayda aawadeed ii dili doonaan.

  • Bil 20:14-15
    2 aayado
    74%

    14Markaasaa Abimeleg wuxuu waday ido iyo dibiyo, iyo niman addoommo ah, iyo naago addoommo ah, oo wuxuu siiyey Ibraahim, naagtiisii Saarahna wuu u celiyey.

    15Abimelegna wuxuu ku yidhi, Bal eeg dhulkaygu waa ku hor yaallaaye. Meeshaad doonto deg.

  • Bil 18:13-15
    3 aayado
    73%

    13Rabbiguna wuxuu Ibraahim ku yidhi, Saarah maxay u qososhay, iyadoo leh, Runtii ma ilmaan dhali doonaa, anoo gaboobay?

    14Ma wax Rabbiga ku adag baa jira? Wakhtigii la ballamay baan kugu soo noqon doonaa, markii xilligu soo wareego, oo Saarah wiil bay dhali doontaa.

    15¶ Markaasaa Saarah dafirtay oo tidhi, Ma aan qoslin; maxaa yeelay, way cabsatay. Oo isna wuxuu yidhi, Maya, laakiin waad qososhay.

  • 15Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.

  • Bil 26:10-11
    2 aayado
    73%

    10Oo Abimelegna wuxuu ku yidhi, War waa maxay waxan aad nagu samaysay? Mid dadka ka mid ahu dhib yaraan buu ula jiifsan lahaa naagtaada, oo kolkaasaad eed noo soo jiidi lahayd.

    11Markaasaa Abimeleg wuxuu dadkii oo dhan ku amray, oo yidhi, Kii ninkan ama naagtiisa taabta hubaal naftaa laga qaadi doonaa.

  • 30Saarayna waxay ahayd madhalays; ilmona ma ay lahayn.

  • 36Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan.

  • Bil 16:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Saaray oo ahayd Aabraam naagtiisii carruur uma ay dhalin isagii: waxayna lahayd gabadh midiidin ah, oo Masriyad ah, magaceedana waxaa la odhan jiray Haagaar.

    2Oo Saaray waxay Aabraam ku tidhi, Bal eeg imminka, Rabbigu waa ii diiday inaan dhalo; haddaba waxaan kaa baryayaa inaad midiidintayda u tagto, mindhaa iyadaan carruur ka heli doonaaye, Aabraamna codkii Saaray buu maqlay.

  • 25Ibraahimse wuxuu Abimeleg u canaantay ceelkii ay addoommada Abimeleg ka xoogeen aawadiis.

  • 22¶ Waxayna noqotay wakhtigaas in Abimeleg iyo Fiikol oo ahaa madaxda ciidankiisa ay la hadleen Ibraahim iyagoo leh, Ilaah waa kugula jiraa waxa aad samayso oo dhan.

  • 19Oo Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.

  • 21Isxaaqna naagtiisuu Rabbiga u baryay, maxaa yeelay, madhalays bay ahayd, Rabbiguna waa ka aqbalay, markaasay naagtiisii Rebeqah uuraysatay.

  • 5Oo Ibraahimna wuxuu jiray boqol sannadood, markii wiilkiisii Isxaaq u dhashay isaga.