Bilowgii 27:31

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo isna hilib macaan buu sameeyey, oo u keenay aabbihiis; oo wuxuu ku yidhi aabbihiis, Aabbow kac, oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 27:4 : 4 oo ii samee hilib macaan, oo ah kan aan jeclahay, oo ii keen, aan cunee, inay naftaydu kuu ducayso intaanan dhiman.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 27:17-20
    4 aayado
    90%

    17Markaasay hilibkii macaanaa iyo kibistii ay diyaarisay u dhiibtay wiilkeedii Yacquub.

    18Kolkaasuu aabbihiis u yimid, oo yidhi, Aabbow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan. Kumaad tahay, wiilkaygiiyow?

    19Yacquubna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waxaan ahay curadkaagii Ceesaw. Waan sameeyey sidii aad iigu amartay. Haddaba waan ku baryayaaye, kac oo fadhiiso oo cun hilibkaygan ugaadheed, si aad iigu ducayso.

    20Isxaaqna wuxuu wiilkiisii ku yidhi, Wiilkaygiiyow, sidee baad dhaqso ugu soo heshay? Isna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, Rabbiga ah Ilaahaaga ayaa ii keenay.

  • Bil 27:24-27
    4 aayado
    90%

    24Kolkaasuu yidhi, War ma tahay wiilkaygii Ceesaw qudhiisii? Isna wuxuu yidhi, Waan ahay.

    25Markaasuu ku yidhi. Bal ii soo dhowee, aan cunee wiilkayga hilibkiisa ugaadheed, si aan kuugu duceeyo. Kolkaasuu u soo dhoweeyey, oo isna wuu cunay: oo wuxuu kaloo u keenay khamri, wuuna cabbay.

    26Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Bal ii soo dhowow, oo i dhunko, wiilkaygiiyow.

    27Isna wuu u soo dhowaaday, oo wuu dhunkaday. Markaasuu ursaday dharkiisa, wuuna u duceeyey, oo yidhi, Bal eeg, urta wiilkaygu Waa sida urta duurka Rabbigu barakeeyey,

  • Bil 27:3-7
    5 aayado
    86%

    3Sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, qaado hubkaaga, gabooyahaaga iyo qaansadaada, oo duurka u bax, oo hilib ugaadheed ii keen;

    4oo ii samee hilib macaan, oo ah kan aan jeclahay, oo ii keen, aan cunee, inay naftaydu kuu ducayso intaanan dhiman.

    5Rebeqahna way maqashay markii Isxaaq la hadlay wiilkiisii Ceesaw. Ceesawna duurkuu u kacay inuu ugaadh soo dilo oo uu keeno.

    6Markaasay Rebeqah la hadashay wiilkeedii Yacquub, oo tidhi, Waxaan maqlay aabbahaa oo la hadlaya walaalkaa Ceesaw, isagoo leh,

    7Hilib ugaadheed ii keen, oo ii samee hilib macaan, aan cunee, oo aan kuugu duceeyee Rabbiga hortiis intaanan dhimane.

  • Bil 27:9-10
    2 aayado
    86%

    9Bal adhiga u kac, oo iiga keen laba waxar oo wanwanaagsan, oo waxaan aabbahaa uga samayn hilib macaan, oo ah kan uu jecel yahay,

    10adna aabbahaa waad u geeyn doontaa inuu cuno, si uu kuugu duceeyo intuusan dhiman.

  • 30Markii Isxaaq dhammeeyey ducadii uu Yacquub u ducaynayay, Yacquubna ka tegey aabbihiis, ayaa walaalkiis Ceesaw ka yimid ugaadhsigii.

  • Bil 27:32-39
    8 aayado
    84%

    32Markaasaa aabbihiis Isxaaq ku yidhi, Kumaad tahay? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay wiilkaaga ah curadkaaga Ceesaw.

    33Markaasuu Isxaaq aad iyo aad u gariiray, oo yidhi, De yuu ahaa haddaba kii intuu hilib ugaadheed soo qaaday, ii keenay, oo aan kulli cunay intaadan iman ka hor, oo aan u duceeyey? Kaasu wuu ducaysnaan doonaa.

    34Ceesawna markuu maqlay hadalkii aabbihiis ayuu ku dhawaaqay dhawaaq aad iyo aad u weyn oo daran, oo wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, anigana ii ducee.

    35Isna wuxuu yidhi, Walaalkaa baa khiyaano iila yimid oo ducadaadii qaatay.

    36Oo wuxuu yidhi, Miyaanay ku habboonayn in magiciisa loo bixiyo Yacquub? Waayo, labadan goor buu i khiyaaneeyey. Curadnimadaydii buu qaatay; haatanna wuxuu qaatay ducadaydii. Oo wuxuu yidhi, Miyaadan duco ii reebin?

    37Isxaaqna wuu jawaabay oo wuxuu Ceesaw ku yidhi, Bal eeg, waxaan isaga ka dhigay sayidkaagii, walaalihiis oo dhanna waxaan u siiyey isaga inay addoommo u noqdaan, hadhuudh iyo khamrina waan u ballanqaaday, ee maxaan haddaba adiga kuu sameeyaa, wiilkaygiiyow?

    38Ceesawna wuxuu aabbihiis ku yidhi, Aabbahayow, ducadaadu ma mid keliya baa? Ii ducee anigana sidoo kale, Aabbow. Markaasuu Ceesaw aad u qayliyey oo ooyay.

    39Markaasaa aabbihiis Isxaaq u jawaabay oo ku yidhi, Bal eeg, rugtaadu waxay ahaan doontaa meel ka baxsan dhulka barwaaqadiisa Iyo sayaxa samada sare ka yimaada.

  • 14Markaasuu tegey, oo soo kaxeeyey, oo u keenay hooyadiis, hooyadiisna waxay samaysay hilib macaan, oo ah sidii kii aabbihiis jeclaa.

  • Bil 25:28-30
    3 aayado
    78%

    28Isxaaqna wuu jeclaa Ceesaw, maxaa yeelay, wuxuu cuni jiray hilibkiisii ugaadha; Rebeqahna waxay jeclayd Yacquub.

    29Yacquub wuxuu karsaday fuud; markaasaa waxaa duurka ka yimid Ceesaw, wuuna daalanaa.

    30Markaasaa Ceesaw wuxuu Yacquub ku yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii aan cunee fuudkaas cas, waayo, waan daalanahay. Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Edom.

  • 41¶ Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.

  • 34Yacquubna wuxuu Ceesaw siiyey kibis iyo fuud digir laga sameeyey, wuuna cunay oo cabbay, markaasuu intuu kacay, iska tegey. Sidaasuu Ceesaw u quudhsaday curadnimadiisii.