Bilowgii 28:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kac oo xagga Fadan Araam tag, iyo xagga gurigii Betuu'el oo ah hooyadaa aabbeheed; oo halkaas naag ka guurso gabdhaha Laabaan oo ah hooyadaa walaalkeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 25:20 : 20 Isxaaqna afartan sannadood buu jiray markuu guursaday Rebeqah ina Betuu'el kii dalkiisu ahaa Suuriya ee reer Fadan Araam, iyadoo ahayd Laabaan kii dalkiisu Suuriya ahaa walaashiis.
  • Hos 12:12 : 12 Yacquub wuxuu ku dhex cararay beertii Aram, oo Israa'iil inuu naag helo buu u shaqeeyey oo ido u ilaaliyey.
  • Bil 28:5 : 5 Isxaaqna Yacquub wuu diray: oo wuxuu u kacay Fadan Araam xagga Laabaan, ina Betuu'el kii reer Suuriya, oo ahaa Rebeqah walaalkeed tii ahayd Yacquub iyo Ceesaw hooyadood.
  • Bil 29:1 : 1 ¶ Yacquubna sodcaalkiisii buu iska sii watay, oo wuxuu yimid dalkii reer bari.
  • Bil 31:18 : 18 wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.
  • Bil 32:10 : 10 Ma aan istaahilo waxa ugu wada yar ee ka mid ah naxariistaada iyo daacadnimadaada ee aad addoonkaaga tustay, waayo, ushaydaan kaga soo gudbay webigan Urdun, haatanna waxaan noqday laba kooxood.
  • Bil 35:9 : 9 ¶ Markaasaa Ilaah mar kale Yacquub u muuqday, markii uu ka yimid Fadan Araam, wuuna barakeeyey.
  • Bil 46:15 : 15 Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.
  • Bil 22:20-23 : 20 ¶ Oo waxaa dhacay waxyaalahaas dabadood, in Ibraahim loo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, Milkah carruur bay u dhashay walaalkaa Naaxoor. 21 Waxay yihiin Cuus oo ah curadkiisa, iyo Buus oo ah walaalkiis, iyo Qemuu'el oo ah Araam aabbihiis; 22 iyo Kesed, iyo Haso, iyo Fildash, iyo Yidlaf iyo Betuu'el. 23 Betuu'elna wuxuu dhalay Rebeqah. Siddeeddan bay Milkah u dhashay Naaxoor, oo ahaa Ibraahim walaalkiis.
  • Bil 24:10 : 10 Addoonkiina wuxuu kaxeeyey toban awr, oo ka mid ah awrtii sayidkiisa, wuuna tegey, isagoo gacantiisa ku haya waxyaalihii sayidkiisa oo wanaagsanaa oo dhan, oo intuu kacay ayuu tegey Mesobotamiya, xagga magaalada Naaxoor.
  • Bil 24:15-24 : 15 Intuusan hadalkii dhammayn, waxaa soo baxday, iyadoo ashuunkeedii garabka ku sidata, Rebeqah oo u dhalatay Betuu'el wiilkii Milkah, oo ahayd naagtii Naaxoorkii ahaa Ibraahim walaalkiis. 16 Gabadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday. 17 Markaasuu addoonkii ku orday inuu ka hor tago oo wuxuu ku yidhi, Ashuunkaaga iga waraabi in yar oo biyo ah, waan ku baryayaaye. 18 Markaasay tidhi, Cab, sayidkaygiiyow. Oo intay dhaqsatay ayay ashuunkeedii dejisay oo gacanta ku qabatay, wayna waraabisay. 19 Oo markii ay waraabisay ka dib ayay ku tidhi, Awrtaadana waan u dhaamin doonaa, ilaa ay wabxaan. 20 Oo intay dhaqsatay ayay biyihii ashuunkeedii ku shubtay berkeddii, oo mar kalay ceelkii ku orodday inay soo dhaamiso, wayna u dhaamisay awrtiisii oo dhan. 21 Ninkiina aad buu u fiiriyey iyada, isagoo aamusan, inuu ogaado in Rabbigu ku liibaaniyey sodcaalkiisii iyo in kale. 22 Markii awrtii cabtay ka dib ayaa ninkii soo qaaday sangelis dahab ah oo miisaankiisu yahay nus sheqel, gacmaheedana wuxuu u soo qaaday laba dugaagadood oo dahab ah oo miisaankoodu yahay toban sheqel. 23 Oo wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay? 24 Oo waxay ku tidhi isagii, Anigu waxaan ahay ina Betuu'el, wiilkii Milkah ay Naaxoor u dhashay.
  • Bil 24:29 : 29 Rebeqahna waxay lahayd walaal magiciisa la yidhaahdo Laabaan. Markaasaa Laabaan dibadda u baxay oo wuxuu ku orday ninkii isha joogay.
  • Bil 24:50 : 50 Markaasay Laabaan iyo Betuu'el jawaabeen oo yidhaahdeen, Waxanu wuxuu ka soo baxay xagga Rabbiga, annana kugulama hadli karno xumaan iyo samaan toona.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Isxaaqna wuxuu u yeedhay Yacquub, wuuna u duceeyey, oo wuxuu ku amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan.

  • Bil 28:3-7
    5 aayado
    86%

    3Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,

    4oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

    5Isxaaqna Yacquub wuu diray: oo wuxuu u kacay Fadan Araam xagga Laabaan, ina Betuu'el kii reer Suuriya, oo ahaa Rebeqah walaalkeed tii ahayd Yacquub iyo Ceesaw hooyadood.

    6Ceesawna wuxuu arkay in Isxaaq u duceeyey Yacquub oo u diray Fadan Araam, inuu halkaas naag ka guursado, iyo inuu markuu u duceeyey amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan;

    7iyo in Yacquub addeecay aabbihiis iyo hooyadiis, oo uu u kacay xagga Fadan Araam.

  • Bil 24:3-4
    2 aayado
    85%

    3Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay:

    4laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq.

  • Bil 24:37-38
    2 aayado
    83%

    37Sayidkayguna wuu i dhaariyey, isagoo leh, Wiilkayga waa inaanad naag uga guurin gabdhaha reer Kancaanka aan dalkooda degganahay.

    38Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.

  • 20Isxaaqna afartan sannadood buu jiray markuu guursaday Rebeqah ina Betuu'el kii dalkiisu ahaa Suuriya ee reer Fadan Araam, iyadoo ahayd Laabaan kii dalkiisu Suuriya ahaa walaashiis.

  • Bil 31:17-18
    2 aayado
    78%

    17Markaasuu Yacquub kacay, carruurtiisii iyo naagihiisiina wuxuu fuushiiyey awrtii;

    18wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.

  • 43Haddaba sidaas daraaddeed wiilkaygiiyow, codkayga addeec. Kac oo u carar walaalkay Laabaan xagga Haaraan;

  • 51Bal eeg, Rebeqah waa ku hor joogtaaye, kaxee oo la tag, oo ha noqoto sayidkaaga wiilkiisii naagtiisa, sidii Rabbigu ku hadlay.

  • 1¶ Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.

  • 13Waxaan ahay Ilaaha Beytel, meeshii aad tiirka ku subagtay, oo aad nidarka iigu nidartay. Haddaba kac, oo dalkan ka bax, oo ku noqo dalkii aad ku dhalatay.

  • Bil 28:9-10
    2 aayado
    76%

    9Markaasuu Ceesaw wuxuu u kacay xagga Ismaaciil, oo wuxuu naagihii uu qabay ku daray Mahalad gabadhii Ismaaciil ina Ibraahim, taas oo ahayd Nebayod walaashiis, si ay naagtiisii u noqoto.

    10¶ Yacquubna waa ka tegey Bi'ir Shebac, oo wuxuu u kacay xagga Haaraan.

  • 3Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • 27Markaasaa Yacquub aabbihiis Isxaaq ugu yimid Mamre, iyo xagga Qiryad Arbac, taasuna waa Xebroon, oo ahayd meeshii Ibraahim iyo Isxaaq qariib ahaanta u degganaan jireen.

  • 7Rabbiga Ilaaha samada ah, oo iga soo kaxeeyey gurigii aabbahay iyo dalkaygii aan ku dhashay, oo ila hadlay, iiguna dhaartay, isagoo leh, Farcankaaga ayaan dalkan siinayaa, ayaa malaa'igtiisa kaa sii hor diri doona, wiilkaygana naag baad halkaas uga soo guurin doontaa.

  • 40Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay,

  • 10Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.

  • 29Rebeqahna waxay lahayd walaal magiciisa la yidhaahdo Laabaan. Markaasaa Laabaan dibadda u baxay oo wuxuu ku orday ninkii isha joogay.

  • 12Yacquubna wuxuu Raaxeel u sheegay inuu yahay aabbeheed xigaalkiis, oo uu yahay wiilkii Rebeqah; kolkaasay orodday oo u sheegtay aabbeheed.

  • 16Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel.

  • 46¶ Rebeqahna waxay Isxaaq ku tidhi, Naftaydu waa rafaadsan tahay gabdhaha reer Xeed dartood. Haddii Yacquub naag ka guursado gabdhaha reer Xeed oo kuwan oo kale ah, kuwaas oo ah gabdhaha waddanka, noloshaydu maxay igu taraysaa?