Bilowgii 3:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Aadanna wuxuu ku yidhi, Codkii naagtaadaad maqashay oo waxaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray, anigoo leh, Waa inaadan waxba ka cunin, sidaas daraaddeed dhulku waa habaaran yahay adiga aawadaa; maalmaha cimrigaaga oo dhanna dhibaataad wax kaga cuni doontaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Room 8:20-22 : 20 Uunkii waxaa la hoos geliyey wax aan waxtar lahayn, ikhtiyaarkiisna uma uu hoos gelin, laakiin waa kii hoos geliyey aawadiis, 21 taasoo la rajaynayo in uunka qudhiisana laga xorayn doono addoonnimada qudhunka ah oo la gelin doono xorriyadda ammaanta carruurta Ilaah. 22 Waayo, waxaynu og nahay in uunka oo dhammu wada taahayo oo wada foolanayo ilaa haatan.
  • Bil 5:29 : 29 magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.
  • Wacd 2:22-23 : 22 Bal maxaa nin ka helaa hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan iyo dabagalka qalbigiisaba? 23 Waayo, maalmihiisa oo dhammu waa u murug, dhibaatadiisuna waa u tiiraanyo, oo xataa habeenkii qalbigiisu ma nasto. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.
  • Ayuub 14:1 : 1 Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
  • Mat 25:26-27 : 26 Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin. 27 Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa.
  • Mat 25:45 : 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen.
  • Luuk 19:22 : 22 Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.
  • Yoox 16:33 : 33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.
  • Room 3:19 : 19 ¶ Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato.
  • Ayuub 21:17 : 17 Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa? Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa? Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa?
  • Sab 90:7-9 : 7 Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii. 8 Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada, Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga. 9 Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
  • Sab 127:2 : 2 Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.
  • Wacd 1:2-3 : 2 ¶ Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn. 3 Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?
  • Wacd 1:13-14 : 13 Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan. 14 Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Wacd 2:11 : 11 Markaasaan fiiriyey shuqulladii ay gacmahaygu sameeyeen oo dhan, iyo hawshii aan ku hawshooday oo dhan, oo bal eeg, dhammaantood waxay ahaayeen wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale, oo innaba faa'iido laguma arag inta qorraxda ka hoosaysa.
  • Wacd 2:17 : 17 ¶ Sidaas daraaddeed nolosha waan nacay, maxaa yeelay, shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhammu dhib buu ii ahaa, waayo, kulli waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha.
  • Wacd 5:17 : 17 Oo weliba cimrigiisa oo dhan wuxuu ku cunaa gudcur, oo intaasna wuxuu ku jiraa murug, iyo cudur, iyo cadho.
  • Ish 24:5-6 : 5 Oo dhulkiina waxaa nijaaseeyey kuwa deggan, maxaa yeelay, iyagu qaynuunnadii bay ku xadgudbeen, oo amarkiina way beddeleen, oo axdigii daa'imka ahaana way jebiyeen. 6 Sidaas daraaddeed dhulkii waxaa baabbi'iyey habaar, oo kuwii dhex degganaana eed baa laga helay, sidaas daraaddeed kuwii dhulka degganaa way gubteen oo wax yar baa ka hadhay.
  • Yer 7:23-24 : 23 laakiinse waxaan iyaga ku amray, oo aan ku idhi, Codkayga dhegaysta, oo anigu waxaan idiin noqon doonaa Ilaah, idinkuna waxaad ahaan doontaan dadkayga oo ku socda jidkii aan idinku amray oo dhan, si aad u nabdoonaataan. 24 Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.
  • Mat 22:12 : 12 oo wuxuu ku yidhi, Saaxiibow, sidee baad halkan u soo gashay adigoo aan dharkii arooska qabin? Wuuna iska aamusay.
  • 1 Sam 15:23-24 : 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid. 24 Markaasaa Saa'uul wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, amarkii Rabbiga, iyo erayadaadiiba waan ku xadgudbay, maxaa yeelay, dadkii baan ka cabsaday, codkoodiina waan addeecay.
  • Ayuub 5:6-7 : 6 Waayo, belaayo kama soo baxdo ciidda, Dhibaatona kama soo dhex booddo dhulka, 7 Laakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay, Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.
  • Bil 2:16-17 : 16 Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa: 17 laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.
  • Bil 3:6 : 6 Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.
  • Bil 3:11 : 11 Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 3:1-16
    16 aayado
    83%

    1¶ Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?

    2Naagtiina waxay abeesadii ku tidhi, Midhaha geedaha beerta waannu cuni karnaa;

    3laakiinse midhaha geedka beerta dhexdeeda ku yaal, Ilaah wuxuu nagu yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin, ama aydnaan taaban, yeydnan dhimanine.

    4Abeesadiina waxay naagtii ku tidhi, Ma dhiman doontaan;

    5waayo, Ilaah wuxuu og yahay in maalinta aad cuntaan ay indhihiinnu furmi doonaan, oo aad noqon doontaan sida Ilaah oo kale, idinkoo kala garanaya wanaagga iyo xumaanta.

    6Oo markii naagtii aragtay in geedkii cunto ku wanaagsan yahay, oo indhaha u roon yahay, oo uu yahay geed caqli lagu yeesho, ayay midho ka qaadatay, oo cuntay; ninkeedii la joogayna wax bay ka siisay, oo isagiina wuu cunay.

    7Oo labadoodiiba indhahoodii way furmeen, oo waxay garteen inay qaawan yihiin; waxayna isku tosheen caleemo berde, oo ay gunti ka samaysteen.

    8Oo waxay maqleen codkii Rabbiga Ilaaha ah, isagoo beerta dhex socda kolkii maalintu qaboobayd: oo ninkii iyo naagtiisii way iska qariyeen Ilaah, oo waxay ku dhuunteen geedihii beerta dhexdooda.

    9Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa?

    10Isagiina wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey.

    11Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin?

    12Ninkiina wuxuu yidhi, Naagtii aad i siisay inay ila joogto ayaa geedkii wax iga siisay, oo anna waan cunay.

    13Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu naagtii ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay? Naagtiina waxay tidhi, Abeesadaa i khiyaanaysay oo anna waan cunay.

    14¶ Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu abeesadii ku yidhi, Waxan aad samaysay aawadiis waad ka habaaran tahay xoolaha oo dhan, iyo dugaag kasta oo duurka jooga; waxaanad ku socon doontaa boggaaga, ciid baanad cuni doontaa maalmaha cimrigaaga oo dhan:

    15oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.

    16Naagtiina wuxuu ku yidhi, Dhibtaada iyo wallacaaga aad baan u badin doonaa; oo dhib baad carruur ku dhali doontaa; oo waxay doonistaadu ahaan doontaa ninkaaga, wuuna kuu talin doonaa.

  • Bil 3:18-23
    6 aayado
    83%

    18Qodxan iyo yamaarugna waa kaaga soo bixi doonaan, waxaanad cuni doontaa geedaha yaryar oo duurka.

    19Wejigaagoo dhididsan baad wax cuni doontaa, ilaa aad dhulka ku noqotid; maxaa yeelay, dhulkaa lagaa qaaday; waayo, ciid baad tahay, ciid baadna ku noqon doontaa.

    20Ninkiina wuxuu naagtiisii u bixiyey Xaawa, maxaa yeelay, waxay ahayd hooyadii waxa nool oo dhan.

    21Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu Aadan iyo naagtiisii u sameeyey dhar harag ah, wuuna u xidhay iyagii.

    22¶ Oo Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu yidhi, Ninku wuxuu noqday sidii mid innaga mid ah, isagoo garanaya wanaagga iyo xumaanta; oo haatan, waaba intaasoo uu gacantiisa soo fidiyaa, oo uu wax ka qaataa geedka nolosha, oo uu cunaa oo uu weligiis noolaadaa:

    23sidaas daraaddeed Ilaah isaga wuu ka saaray Beer Ceeden, si uu u beerto dhulkii isaga laga soo qaaday.

  • Bil 2:15-17
    3 aayado
    76%

    15Rabbiga Ilaah ahuna ninkii wuu kaxeeyey oo wuxuu geeyey beer Ceeden inuu falo oo dhawro.

    16Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu ninkii ku amray isagoo leh, Geed kasta oo beerta ku yaal wax baad ka cuni kartaa:

    17laakiin geedka aqoonta wanaagga iyo xumaanta waa inaanad waxba ka cunin: waayo, maalintii aad wax ka cuntid hubaal waad dhiman doontaa.

  • Bil 4:11-12
    2 aayado
    74%

    11Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo.

    12Kolkii aad dhulka beeratid, wax badan kuuma dhali doono. Waxaad dhulka ku noqon doontaa mid carcarara oo warwareega.

  • Bil 2:23-24
    2 aayado
    72%

    23Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.

    24Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.

  • 72%

    13Waayo, markii hore Aadan baa la sameeyey, dabadeedna Xaawa.

    14Aadanna lama khiyaanayn, laakiin naagtii baa inta la khiyaaneeyey waxay noqotay mid xadgudubtay.

  • 9Rabbiga Ilaah ahuna wuxuu dhulka ka soo bixiyey geed kasta oo indhaha u roon, oo cunto ku wanaagsan; beerta dhexdeedana wuxuu ka soo bixiyey geedkii nolosha iyo geedkii aqoonta wanaagga iyo xumaanta.

  • 1¶ Ninkiina naagtiisii Xaawa ahayd buu u tegey; wayna uuraysatay, oo Qaabiil bay dhashay, oo waxay tidhi, Wiil baan ku helay Rabbiga caawimaaddiisa.

  • 70%

    17Waxaa inkaarnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan.

    18Oo waxaa inkaarnaan doona midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna, iyo dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna.

  • Bil 1:28-29
    2 aayado
    69%

    28Oo Ilaah waa barakeeyey iyaga; oo Ilaah wuxuu iyaga ku yidhi, Wax badan dhala oo tarma, oo dhulka ka buuxsama, oo ka sara mara dhulka, oo xukuma kalluunka badda, iyo haadda hawada, iyo wax kasta oo nool oo dhulka kor dhaqdhaqaaqa.

    29Oo Ilaah wuxuu yidhi, Bal eeg, waxaan idin siiyey geed kasta oo yar oo iniino dhala, oo ku yaal dhulka dushiisa oo dhan, iyo geed kasta oo weyn, kaasoo midho leh, iniinona dhala; oo waxay idiin noqon doonaan cunto;

  • 2Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.

  • 7Haddaad wax wanaagsan samaysid, sow laguma aqbaleen? Haddaadan wax wanaagsan samaynse, dembi illinkuu kuugu gabbanayaa; doonistiisuna aday noqon doontaa, adiguna waa inaad xukuntid isaga.

  • 30Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid.