Bilowgii 30:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Haddaad raalli iga tahay, joog, waayo, waxaan faal ku gartay in Rabbigu daraaddaa ii barakeeyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 26:24 : 24 Oo isla habeenkaas ayaa Rabbigu u muuqday isagii oo ku yidhi, Waxaan ahay aabbahaa Ibraahim Ilaahiisa. Ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo waan ku barakayn doonaa, farcankaagana waan tarmin doonaa addoonkaygii Ibraahim aawadiis.
  • Ish 61:9 : 9 Oo farcankoodana quruumahaa lagu dhex aqoon doonaa, oo carruurtoodana dadyowga dhexdoodaa lagu aqoon doonaa, oo wax alla wixii iyaga arka oo dhammuba way aqoonsan doonaan inay iyagu yihiin farcankii Rabbigu barakeeyey.
  • Bax 3:21 : 21 Oo anigu dadkan raalli baan uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan faromadhnaan ku tegin,
  • Ruud 2:13 : 13 Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.
  • Bil 12:3 : 3 oo waan barakayn doonaa kuwa kuu duceeya, kan ku habaarana waan habaari doonaa: oo qabiilooyinka dhulka oo dhammu adigay kugu barakoobi doonaan.
  • Bil 39:21-23 : 21 Laakiinse Yuusuf waxaa la jiray Rabbiga, wuuna u roonaaday, kii xabsiga hayayna raalli buu uga dhigay. 22 Kii xabsiga hayayna wuxuu Yuusuf gacanta u geliyey maxaabiistii xabsiga ku jirtay oo dhan; oo wax kastoo ay halkaas ku sameeyeenna, wuxuu ahaa kii sameeyey. 23 Kii xabsiga hayayna ma uu eegi jirin waxa isaga gacantiisa ku jira, maxaa yeelay, Rabbigaa la jiray isaga, wixii uu sameeyeyna Rabbigu waa liibaaniyey.
  • Fal 7:10 : 10 laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.
  • Bil 39:2-5 : 2 Rabbiguna waa la jiray Yuusuf, wuxuuna ahaa nin liibaansan, wuxuuna joogi jiray gurigii sayidkiisii Masriga ahaa. 3 Sayidkiisiina wuu arkay in Rabbigu liibaaniyey wixii uu sameeyey oo dhan. 4 Isaguna raalli buu Yuusuf ka ahaa, Yuusufna waa u adeegi jiray, oo wuxuu isagii ka dhigay kan gurigiisa u sarreeya, wixii uu haystay oo dhanna gacantiisuu wada geliyey. 5 Oo waxay noqotay in wakhtigii uu ka dhigay kan u sarreeya gurigiisa iyo wixii uu haystay oo dhan, uu Rabbigu gurigii kii Masriga ahaa u barakeeyey Yuusuf aawadiis, wixii uu guriga iyo beertaba ku haystay oo dhanna barakada Rabbigaa saarnayd.
  • Bil 47:25 : 25 Markaasay iyana waxay yidhaahdeen, Adigu noloshayada waad badbaadisay, haddaba, sayidkayagiiyow, naga raalli ahow, oo annana waxaannu Fircoon u noqon doonnaa addoommo.
  • Bil 18:3 : 3 oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.
  • Bil 30:30 : 30 Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?
  • Bil 33:15 : 15 Markaasaa Ceesaw ku yidhi, Haddaba aan dadka ila jira qaar kaaga tago. Isna wuxuu yidhi, Maxaa looga baahan yahay? Raalli iga ahow, sayidkaygiiyow.
  • Bil 34:11 : 11 Shekemna wuxuu aabbeheed iyo walaalaheed ku yidhi, Raalli iga ahaada, oo anna wixii aad i weyddiisataan waan idin siin.
  • 1 Sam 16:22 : 22 Kolkaasaa Saa'uul farriin u diray Yesay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii daa Daa'uud, hortayda ha joogee, waayo, isagu aad buu iiga farxiyey.
  • 1 Boq 11:19 : 19 Hadadna raallinimo weyn buu ka helay Fircoon, oo xataa wuxuu u guuriyey naagtiisii walaasheed, taasoo la dhalatay boqoraddii Taxfenees.
  • Nex 1:11 : 11 Sayidow, waan ku baryayaaye, hadda dhegahaagu ha maqleen baryadayda anoo addoonkaaga ah, iyo baryada addoommadaada ku farxa inay ka cabsadaan magacaaga; waan ku baryayaaye, maanta i guulee, anoo addoonkaaga ah, oo ka dhig inaan ninkan hortiisa naxariis ka helo. (Anigu waxaan ahaa koobsidaha boqorka.)
  • Nex 2:5 : 5 Oo waxaan boqorkii ku idhi, Boqorow, hadday ku farxiso, oo haddaad raalli iga tahay anoo addoonkaaga ah, waxaan doonayaa inaad ii dirtid dalka Yahuudah oo ay ku taal magaalada awowayaashay xabaalahoodu yihiin, inaan dhiso.
  • Sab 1:3 : 3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
  • Ish 6:13 : 13 Oo haddii dhexdiisa toban meelood meel ku hadho way baabbi'i doontaa, oo sida geedo marka la gooyo jiridu u hadho ayaa farcanka quduuska ahu dadka jirid u yahay.
  • Tir 11:11 : 11 Oo Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Maxaad anoo addoonkaaga ah sida xun iigu gashay? Oo maxaan raallinimadaada u heli waayay, oo maxaad ii kor saaraysaa dadkan oo dhan culaabtiisa?
  • Tir 11:15 : 15 Haddaad sidaas ii gashid, waan ku baryayaaye, i dil, haddaad raalli iga tahay, oo yaanan dandarradayda arkin.
  • Ish 65:8 : 8 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida khamriga looga helo rucubka canabka dhexdiisa, oo mid u yidhaahdo, Ha hallaynin, waayo, barakaa ku dhex jirta, sidaas oo kalaan u samayn doonaa addoommadayda aawadood, si aanan dhammaantood u wada baabbi'in.
  • Daan 1:9 : 9 Haddaba Ilaah wuxuu ka dhigay in Daanyeel raallinimo iyo raxmad ka helo amiirkii bohommada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 30:28-31
    4 aayado
    86%

    28Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.

    29Oo isna wuxuu ku yidhi, Waad og tahay sidii aan kuugu adeegay, iyo sidii xoolahaagii aan daaqi jiray xaalkoodu ahaa.

    30Waayo, waxaad haysan jirtay wax yar bay ahayd intaanan iman ka hor, waana ay korodhay oo waxay noqotay wax faro badan; Rabbiguna wuu kugu barakeeyey dhinacii aan u kacayba; de haddaba goormaan reerkaygana wax u dhaqan doonaa?

    31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

  • 19Laabaanna wuxuu yidhi, Waa wanaagsan tahay inaan adiga ku siiyo intii aan iyada nin kale siin lahaa, ee ila joog.

  • Bil 30:25-26
    2 aayado
    78%

    25¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

    26I sii naagahayga iyo carruurtayda aan daraaddood kuugu adeegay, oo aan iska tago; waayo waad og tahay adeegiddii aan kuu adeegi jiray.

  • 34Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.

  • Bil 29:14-15
    2 aayado
    77%

    14¶ Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Hubaal waxaad tahay laftayda iyo jidhkayga. Wuxuuna la joogay isagii intii bil ah.

    15Markaasaa Laabaan Yacquub ku yidhi, Walaalkayga aad tahay aawadeed ma habboon tahay inaad mushahaarola'aan iigu shaqaysid? Bal ii sheeg, mushahaaradaadu maxay ahaan doontaa?

  • Bil 31:42-44
    3 aayado
    77%

    42Ilaaha aabbahay, oo ah Ilaaha Ibraahim, iyo kan Isxaaq ka cabsado, haddii uusan ila jirin, hubaal haatan waxaad i diri lahayd anoo faro madhan. Ilaah wuxuu arkay dhibaatadaydii iyo hawshii gacmahayga, kolkaasuu xalay ku canaantay.

    43Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen?

    44Haddaba kaalay, aan aniga iyo adigu axdi dhigannee, hana noqdo markhaati ina dhex yaal aniga iyo adiga.

  • 12Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

  • Bil 33:10-11
    2 aayado
    75%

    10Yacquubna wuxuu yidhi, Maya, waan ku baryayaaye, haddii aad haatan raalli iga tahay, de hadiyaddayda gacantayda ka guddoon; waayo, wejigaaga waxaan u arkay sidii wejigii Ilaah loo arko, oo adna waad igu faraxday.

    11Waan ku baryayaaye, guddoon hadiyaddayda laguu keenay; maxaa yeelay, Ilaah baa ii roonaaday, oo haddana wax igu filan baan haystaa. Aad buuna u baryay, kolkaasuu guddoomay.

  • 27Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo aan naxariistiisa iyo runtiisa ka joojin sayidkayga. Anigana Rabbigu jidkuu igu soo hoggaamiyey, oo wuxuu i keenay gurigii sayidkayga walaalihiis.

  • 3oo wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, haddaad raalli iga tahay, ha i dhaafin anigoo addoonkaaga ah.

  • 37Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.

  • 5oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaan arkay wejigii aabbihiin inuusan sidii hore ii ahayn, laakiinse Ilaaha aabbahay baa ila jiray.

  • Bil 24:49-50
    2 aayado
    73%

    49Haddaba haddaad sayidkayga ula macaamiloonaysaan si raxmad leh oo daacad ah, ii sheega: haddii kalese ii sheega, inaan u leexdo xagga midigta ama xagga bidixda.

    50Markaasay Laabaan iyo Betuu'el jawaabeen oo yidhaahdeen, Waxanu wuxuu ka soo baxay xagga Rabbiga, annana kugulama hadli karno xumaan iyo samaan toona.

  • Bil 31:30-31
    2 aayado
    73%

    30Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday?

    31Yacquubna waa u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Maxaa yeelay, waan cabsaday; waayo, waxaan is-idhi, Wuu kaa xoogi doonaa gabdhihiisa.

  • 9Yacquubna wuxuu yidhi, Awowgay Ibraahim Ilaahiisiiyow, Aabbahay Isxaaq Ilaahiisiiyow, Ku noqo dalkaagii, iyo xigaalkaagii, oo anna wanaag baan kuu samayn doonaa, Rabbigii igu yidhiyow:

  • Bil 31:2-3
    2 aayado
    72%

    2Yacquubna wuxuu fiiriyey wejigii Laabaan, oo wuxuu arkay inuusan sidii hore u ahayn.

    3Rabbiguna wuxuu Yacquub ku yidhi, Ku noqo dalkii aabbahaa iyo xigaalkaaga, oo anna waan kula jiri doonaa.

  • 17Oo markaasuu wuxuu ku yidhi, Haddaba haddaad raalli iga tahay, de calaamo i tus inaad tahay kan ila hadlaya.

  • 55Laabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.

  • 8Markaasuu yidhi, Maxaad ula jeeddaa kooxahan iga hor yimid oo dhan? Isna wuxuu yidhi, Inaad raalli iga noqotid, sayidkaygiiyow.

  • 27Bal tan toddobaadkeeda dhammee, tan kalena waxaannu kugu siin doonnaa shuqulka aad toddoba sannadood oo kale ii shaqayn doontid.

  • 29inaadan wax na yeelayn, sidii annana aannan kuu taaban, oo aannan waxba kuugu samayn wanaag mooyaane, oo aannu nabad kuugu dirnay. Adigu hadda waxaad tahay kan Rabbigu barakeeyey.

  • Bil 32:4-5
    2 aayado
    71%

    4Wuuna amray, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaan sayidkayga Ceesaw, Addoonkaagii Yacquub wuxuu yidhi, Waxaan qariib ahaan ula degay Laabaan, oo ilaa haatanna waan la joogay,

    5oo waxaan haystaa dibiyo, iyo dameerro, iyo adhi, iyo niman addoommo ah iyo naago addoommo ah; oo waxaan kuugu soo cid diray inaan kuu sheego, sayidkaygiiyow, inaad raalli iga noqotid.

  • 25Yacquubna wuxuu aroortii arkay inay tahay Lee'ah, oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Miyaanan Raaxeel kuugu shaqaynayn? De maxaad haddaba ii khiyaanaysay?

  • 27oo waxaad ku faraxday inaad barakaysid reerkayga anoo addoonkaaga ah, inuu weligiisba hortaada ku sii raago, waayo, Rabbiyow, adigu waad barakaysay, oo wuu barakaysan yahay weligiis.