Bilowgii 30:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo maalintaasuu wada soocay orgidii xariijimaha iyo barbaraha lahayd, iyo riyihii dhibicyada iyo barbaraha lahaa oo dhan, mid kasta oo caddaani ku jirto, iyo kuwa madmadow oo idaha ku jira oo dhan, oo wuxuu gacanta u geliyey wiilashiisii;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 31:9 : 9 Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 30:36-42
    7 aayado
    88%

    36Oo wuxuu Yacquub ka fogaaday intii saddex maalmood loo socdo, Yacquubna wuxuu daajin jiray Laabaan adhigiisii intii ka hadhay.

    37Yacquubna wuxuu qaatay dhengedo qoyan oo ah geedihii la odhan jiray libneh iyo yicib iyo carmon, kolkaasuu diiray oo xariijimo cadcad ku sameeyey.

    38Markaasuu dhengedihii uu diiray adhigii hor dhigay oo ku riday dararkii berkedaha oo adhigu ka cabbi jiray; wayna rimeen markay soo arooreen.

    39Adhigiina dhengedihii hortooda ayuu ku rimay, wuxuuna dhalay maqal xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro leh.

    40Markaasuu Yacquub naylihii ka soocay oo wuxuu adhigii u jeediyey xagga kuwii xariijimaha lahaa iyo intii madmadoobayd oo dhan ee adhigii Laabaan; markaasuu gooni u soocay goosankiisii, kumana uu darin adhigii Laabaan.

    41Markii adhiga intiisii xoogga lahayd rintay ayaa Yacquub dhengedihii adhiga indhihiisa hor dhigay intuu dararkii ku riday, inay dhengedihii ku dhex rimaan;

    42laakiinse adhiga qaarkii caatada ahaa, uma uu dhex gelin jirin; sidaas daraaddeed intii caatada ahayd waxaa lahaa Laabaan, intii xoogga lahaydna waxaa lahaa Yacquub.

  • Bil 30:31-34
    4 aayado
    84%

    31Oo isna wuxuu yidhi, Maxaan ku siiyaa? Yacquubna wuxuu yidhi, Waa inaanad waxba i siin, laakiin haddaad waxan ii samaysid, adhigaaga haddana waan daajin oo waan ilaalin doonaa.

    32Maanta adhigaaga oo dhan waan dhex mari doonaa, oo waxaan ka sooci doonaa mid kasta oo dhibicyo iyo barbaro leh, iyo mid kasta oo madow oo idaha ku dhex jira, iyo inta barbaraha iyo dhibicyada leh oo riyaha ku jirta; oo waxaasu waxay noqon doonaan mushahaaradayda.

    33Oo sidaasay xaqnimadaydu iigu jawaabi doontaa hadda ka dib, goortaad timaadid oo ka hadlaysid mushahaaradayda ku hor taal. Mid kasta oo aan dhibicyo ama barbaro lahayn oo riyaha ku jira, iyo mid kasta oo aan madoobayn oo idaha ku jira, haddii layga helo, waxaa lagu tirin doonaa wax la soo xaday.

    34Laabaanna wuxuu yidhi, Waa hagaag, sidaad tidhi ha noqoto.

  • 12Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

  • Bil 31:8-10
    3 aayado
    77%

    8Hadduu yidhi, Kuwa dhibicyada lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax dhibicyo leh bay dhaleen; hadduu yidhina, Kuwa xariijimaha lahu waxay noqon doonaan mushahaaradaada, adhiga oo dhammu wax xariijimo leh bay dhaleen.

    9Sidaasaa Ilaah aabbihiin xoolihiisii uga qaaday, oo uu aniga ii siiyey.

    10Wakhtigii adhigii rimay ayaan indhahayga kor u taagay, oo aan riyo ku arkay orgidii adhiga ku boodday inay wada lahaayeen xariijimo, iyo dhibicyo iyo barbaro.

  • Bil 32:14-16
    3 aayado
    76%

    14taas oo ah laba tiro oo riyo ah, iyo labaatan orgi, iyo laba tiro oo sabeeno ah iyo labaatan wan,

    15iyo soddon halaad oo irmaan iyo nirgahoodii, iyo afartan sac iyo toban dibi, iyo labaatan dameerood iyo toban qayl.

    16Markaasuu xoolihii u dhiibay gacantii addoommadiisa, iyadoo goosan waluba goonidiisa yahay; oo wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Iga sii hor gudba, xoolahana goosan waluba goosanka kale cabbaar ha ka dambeeyo.

  • Bil 31:18-19
    2 aayado
    73%

    18wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.

    19Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.

  • 43Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen?

  • 1¶ Wuxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen.

  • 25¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

  • 4Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

  • Bil 31:32-33
    2 aayado
    71%

    32Qofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday.

    33Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.

  • Bil 27:15-16
    2 aayado
    70%

    15Markaasaa Rebeqah waxay soo qaadday dharkii wanaagsanaa oo wiilkeedii weynaa oo ahaa Ceesaw, oo ay guriga ku haysay, oo waxay u xidhay wiilkeedii yaraa oo ahaa Yacquub;

    16markaasay waxarihii hargahoodii ku xidhay gacmihiisii iyo intii aan xaadda lahayn oo luquntiisii.

  • 28Kolkaasaa Ibraahim idihii gooni ahaan uga bixiyey toddoba sabeenood.

  • 55Laabaanna aroor hore ayuu kacay, wiilashiisii iyo gabdhihiisiina wuu dhunkaday, wuuna u duceeyey; markaasuu Laabaan tegey, oo ku noqday meeshiisii.

  • 28Oo wuxuu yidhi, Mushahaaradaada ii sheeg, oo waan ku siin doonaa.

  • 37Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.

  • 7Oo wuxuu ku yidhi iyagii, Bal eega, weli waa maalin weyn, mana aha goortii xoolaha la soo wada ururin lahaa. Idaha waraabiya, oo kaxeeya oo daajiya.

  • 3Oo halkaasaa idaha oo dhan lagu soo ururin jiray: kolkaasay dhagaxa ceelka afkiisa ka rogi jireen, oo idaha ka waraabin jireen, markaasay mar labaad dhagaxa ceelka afkiisa saari jireen oo ku celin jireen meeshiisii.

  • 23Wuuna kaxeeyey iyagii oo wuxuu u diray durdurka shishadiisa, wixii uu haystayna wuu gudbiyey.

  • 9Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.