Bilowgii 31:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laabaanna wuxuu galay teendhadii Yacquub, iyo teendhadii Lee'ah, iyo teendhadii labada addoommood, laakiinse ma uu helin. Oo intuu ka baxay teendhadii Lee'ah ayuu galay teendhadii Raaxeel.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 24:28 : 28 Gabadhiina intay orodday ayay waxyaalahan dadkii guriga hooyadeed uga warrantay.
  • Bil 24:67 : 67 Isxaaqna wuxuu iyadii soo geliyey teendhadii hooyadiis Saarah, Rebeqahna wuu guursaday, oo naagtiisii bay noqotay. Wuuna jeclaaday iyada, oo Isxaaq waxaa laga qalbi qabowjiyey geeridii hooyadiis.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 31:34-37
    4 aayado
    87%

    34Raaxeelna way qaadday sanamyadii, oo waxay gelisay heeryadii awrta, wayna ku fadhiisatay. Laabaanna wuu ka wada baadhay teendhadii oo dhan, mana uu helin.

    35Oo waxay aabbeheed ku tidhi, Sayidkaygiiyow, ha u cadhoon inaanan istaagi karin, waayo, caadadii dumarku heli jiray baan qabaa. Isna wuu baadhay, laakiinse sanamyadii ma uu helin.

    36Yacquubna wuu cadhooday, oo Laabaan wuu la murmay; Yacquubna wuu u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay xadgudubkaygu? Waa maxay dembigayga aad aawadiis aad iigu soo raacdaysatay?

    37Waxaad baadhay alaabtayda oo dhan, ee maxaad ka heshay oo ah alaabtii gurigaaga? Halkan soo hor dhig walaalahayga iyo walaalahaaga, inay labadeenna inoo kala gar naqaan.

  • Bil 31:30-32
    3 aayado
    85%

    30Oo haatan waad tagtay, maxaa yeelay, aad baad ugu hilowday gurigii aabbahaa, laakiinse maxaad ilaahyadayda iiga soo xadday?

    31Yacquubna waa u jawaabay oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Maxaa yeelay, waan cabsaday; waayo, waxaan is-idhi, Wuu kaa xoogi doonaa gabdhihiisa.

    32Qofkii aad ilaahyadaadii ka hesho waa inuusan noolaan. Walaalahayo hortooda ku fiiri wixii aan kaa haysto, oo iska qaado. Waayo, Yacquub ma uu ogayn inay Raaxeel soo xadday.

  • Bil 31:18-20
    3 aayado
    82%

    18wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.

    19Laabaanna wuxuu ku maqnaa inuu idihiisa dhogorta ka soo xiirto; kolkaasay Raaxeel xadday sanamyadii aabbeheed lahaa.

    20Markaasaa Yacquub si qarsoon uga tegey Laabaankii reer Suuriya oo aan ogayn, umana uu sheegin inuu cararayo.

  • Bil 31:25-27
    3 aayado
    80%

    25Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad.

    26Laabaanna wuxuu Yacquub ku yidhi, Waa maxay waxan aad samaysay, oo maxaad si qarsoon iiga soo tagtay anoo aan ogayn, oo aad gabdhahayga ula soo carartay sidii iyagoo ah maxaabiis seef lagu soo dhacay?

    27Maxaad qarsoodiga ugu soo carartay, oo aad si qarsoon iiga soo tagtay? Oo maxaad iigu sheegi weyday, si aan kuugu soo ambabbixiyo rayrayn iyo gabayo iyo daf iyo kataarad?

  • Bil 29:23-25
    3 aayado
    79%

    23Oo waxay noqotay inuu fiidkii kaxeeyey gabadhiisii Lee'ah, oo uu u geeyey isagii; isna wuu u tegey iyadii.

    24Laabaanna wuxuu gabadhiisii Lee'ah siiyey Silfah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

    25Yacquubna wuxuu aroortii arkay inay tahay Lee'ah, oo wuxuu Laabaan ku yidhi, Waa maxay waxan aad igu samaysay? Miyaanan Raaxeel kuugu shaqaynayn? De maxaad haddaba ii khiyaanaysay?

  • 4Yacquubna wuxuu u cid diray oo u yeedhay Raaxeel iyo Lee'ah inay yimaadaan berrinkii adhigiisu joogay,

  • Bil 29:16-17
    2 aayado
    77%

    16Laabaanna wuxuu lahaa laba gabdhood: midda weyn magaceedu wuxuu ahaa Lee'ah, tan yar magaceeduna wuxuu ahaa Raaxeel.

    17Lee'ahna way indha darnayd, laakiinse Raaxeel way quruxsanayd, suurad wanaagsanna way lahayd.

  • 14Markaasay Raaxeel iyo Lee'ah u jawaabeen isagii oo ku yidhaahdeen, Weli ma qayb baa guriga aabbahayo noogu hadhay amase dhaxal?

  • Bil 29:29-30
    2 aayado
    76%

    29Laabaanna wuxuu gabadhiisii Raaxeel siiyey Bilhah oo isaga addoon u ahayd inay iyada addoon u noqoto.

    30Oo Raaxeelna wuu u tegey, oo isna Raaxeel aad buu uga jeclaa Lee'ah, toddoba sannadood oo kalena wuu u shaqeeyey isaga.

  • Bil 31:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Wuxuu maqlay hadalkii Laabaan wiilashiisii, iyagoo leh, Yacquub baa wixii aabbeheen oo dhan wada qaatay, oo xoolahan oo dhan wuxuu ku helay wixii aabbeheen.

    2Yacquubna wuxuu fiiriyey wejigii Laabaan, oo wuxuu arkay inuusan sidii hore u ahayn.

  • 12Oo waxay tidhi, Haatan indhahaaga kor u taag, oo arag, orgida adhiga ku boodda oo dhammu waxay wada leeyihiin xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro, maxaa yeelay, waxaan wada arkay waxa Laabaan kugu sameeyo oo dhan.

  • Bil 29:9-10
    2 aayado
    75%

    9Oo intuu weli la hadlayay ayaa Raaxeel keentay idihii aabbeheed, waayo, iyadaa ilaalin jirtay.

    10Oo Yacquub markuu arkay Raaxeel oo ahayd gabadhii abtigiis Laabaan, iyo idihii abtigiis Laabaan, ayuu u dhowaaday, oo dhagaxii ka rogay ceelka afkiisa, oo uu waraabiyey idihii abtigiis Laabaan.

  • 12Yacquubna wuxuu Raaxeel u sheegay inuu yahay aabbeheed xigaalkiis, oo uu yahay wiilkii Rebeqah; kolkaasay orodday oo u sheegtay aabbeheed.

  • 15Iyana waxay ku tidhi, Ma wax yar baa inaad ninkaygii iga qaadday? Weliba ubaxa wiilkaygana ma iga qaadan lahayd? Raaxeelna waxay tidhi, Haddaba wiilkaaga ubaxiisa aawadiis isagu caawa wuu kula seexan doonaa.

  • 43Laabaanna wuu u jawaabay oo wuxuu Yacquub ku yidhi, Gabdhuhu waa gabdhahayga, carruurtuna waa carruurtayda, adhiguna waa adhigayga, oo waxa aad aragto oo dhammuna waa waxayga, haddaba maxaan maanta ku samayn karaa gabdhahaygan, ama carruurtooda ay dhaleen?

  • 1¶ Markaasaa Yacquub indhihiisii kor u taagay oo wax fiiriyey, wuxuuna arkay Ceesaw oo soo socda, oo afar boqol oo nin wata. Kolkaasuu carruurtii u qaybiyey Lee'ah, iyo Raaxeel, iyo labadii addoon.

  • 21Yacquubna wuxuu Laabaan ku yidhi, Maalmahaygii way dhammaystirmeen; ee naagtayda i sii, si aan ugu tago iyada.

  • 25¶ Markii Raaxeel Yuusuf dhashay ka dib ayaa Yacquub Laabaan ku yidhi, Iska kay dir, si aan u tago meeshaydii, iyo dalkaygii.

  • 22¶ Maalintii saddexaad baa Laabaan loo sheegay in Yacquub cararay.

  • 2Markaasaa Yacquub aad ugu cadhooday Raaxeel; oo wuxuu ku yidhi, Ma anigaa ku jira meeshii Ilaaha midhihii maxalka kuu diiday?