Bilowgii 32:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwii farriinta wadayna Yacquub bay ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu gaadhnay walaalkaa Ceesaw, oo weliba wuu soo socdaa inuu kaa hor yimaado isagoo wata afar boqol oo nin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 33:1 : 1 ¶ Markaasaa Yacquub indhihiisii kor u taagay oo wax fiiriyey, wuxuuna arkay Ceesaw oo soo socda, oo afar boqol oo nin wata. Kolkaasuu carruurtii u qaybiyey Lee'ah, iyo Raaxeel, iyo labadii addoon.
  • Aam 5:19 : 19 Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.
  • Bil 27:40-41 : 40 Oo waxaad ku noolaan doontaa seeftaada, walaalkaana waad u adeegi doontaa, Oo waxaa dhici doonta markaad xukunka qabsato Inaad harqoodkiisa surkaaga ka tuuri doonto. 41 ¶ Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.
  • Bil 32:8 : 8 oo wuxuu isyidhi, Ceesaw hadduu koox u yimaado oo uu laayo, dabadeed kooxda hadha ayaa baxsan doonta.
  • Bil 32:11 : 11 Waan ku baryayaaye, Iga samatabbixi gacanta walaalkay ee ah gacanta Ceesaw; waayo, isagaan ka baqayaa waaba intaasoo uu yimaadaa oo dilaa aniga iyo hooyooyinka iyo carruurta la socotaba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Markaasaa Yacquub indhihiisii kor u taagay oo wax fiiriyey, wuxuuna arkay Ceesaw oo soo socda, oo afar boqol oo nin wata. Kolkaasuu carruurtii u qaybiyey Lee'ah, iyo Raaxeel, iyo labadii addoon.

  • Bil 32:3-5
    3 aayado
    79%

    3¶ Yacquubna wuxuu iska hor mariyey kuwo farriin wada oo wuxuu u diray walaalkiis Ceesaw oo degganaa dalkii Seciir oo ahaa duurkii Edom.

    4Wuuna amray, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaan sayidkayga Ceesaw, Addoonkaagii Yacquub wuxuu yidhi, Waxaan qariib ahaan ula degay Laabaan, oo ilaa haatanna waan la joogay,

    5oo waxaan haystaa dibiyo, iyo dameerro, iyo adhi, iyo niman addoommo ah iyo naago addoommo ah; oo waxaan kuugu soo cid diray inaan kuu sheego, sayidkaygiiyow, inaad raalli iga noqotid.

  • Bil 32:7-8
    2 aayado
    78%

    7Markaasaa Yacquub aad u cabsaday, cidhiidhi buuna galay; kolkaasuu kala qaybiyey dadkii la jiray, iyo adhigii, iyo lo'dii, iyo geelii, oo wuxuu ka dhigay laba kooxood,

    8oo wuxuu isyidhi, Ceesaw hadduu koox u yimaado oo uu laayo, dabadeed kooxda hadha ayaa baxsan doonta.

  • Bil 32:17-20
    4 aayado
    77%

    17Oo kii ugu horreeyey ayuu amray oo wuxuu ku yidhi, Markii walaalkay Ceesaw kaa hor yimaado, oo ku weyddiiyo, isagoo ku leh, Yaa ku leh? Oo xaggee baad ku socotaa? Kuwan kaa horreeyana yaa leh?

    18waxaad ku tidhaahdaa, Waxaa leh addoonkaagii Yacquub; oo waa hadiyad loo soo diray sayidkayga Ceesaw; oo isagiina wuu naga dambeeyaa.

    19Sidaasuu ku amray kii labaad, iyo kii saddexaad, iyo kuwii goosannada daba socday oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Sidaas waa inaad ula hadashaan Ceesaw markaad aragtaan;

    20oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.

  • 8Markaasuu yidhi, Maxaad ula jeeddaa kooxahan iga hor yimid oo dhan? Isna wuxuu yidhi, Inaad raalli iga noqotid, sayidkaygiiyow.

  • 15Markaasaa Ceesaw ku yidhi, Haddaba aan dadka ila jira qaar kaaga tago. Isna wuxuu yidhi, Maxaa looga baahan yahay? Raalli iga ahow, sayidkaygiiyow.

  • Bil 33:4-5
    2 aayado
    71%

    4Ceesawna wuu ku soo orday inuu ka hor tago isaga, wuuna isku duubay, oo qoortiisuu dhab yidhi, wuuna dhunkaday, wayna ooyeen.

    5Markaasuu Ceesaw indhihiisii kor u taagay, oo wuxuu arkay dumarkii iyo carruurtii; oo wuxuu ku yidhi, Waa ayo kuwan kula socdaa? Isna wuxuu yidhi, Waa carruurtii Ilaah intuu ii roonaaday i siiyey anoo ah addoonkaaga.

  • 14taas oo ah laba tiro oo riyo ah, iyo labaatan orgi, iyo laba tiro oo sabeeno ah iyo labaatan wan,

  • 29Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh,