Bilowgii 33:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Yacquubna wuxuu u sodcaalay Sukod, wuxuuna ka dhistay guri, xoolihiisiina wuxuu u sameeyey xerooyin; sidaas daraaddeed meeshaas magaceeda waxaa la yidhaahdaa Sukod.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 13:27 : 27 iyo kuwii dooxadii ku dhex yiil oo ahaa Beytaaraam, iyo Beytnimraah, iyo Sukod, iyo Saafoon oo ahaa boqorkii Xeshboon oo Siixon ahaa boqortooyadiisii intii ka hadhay, iyo Urdun iyo soohdintiisii, iyo meesha ugu fog badda Kinnered ee ka shishaysa Webi Urdun ee xagga bari ka xigta.
  • Xaak 8:5 : 5 Markaasuu dadkii reer Sukod ku yidhi, Waan idin baryayaaye, dadka ila socda kibis siiya, waayo, way daalan yihiin, oo anna waxaan eryoonayaa boqorrada reer Midyaan oo ah Sebah iyo Salmunnac.
  • Sab 60:6 : 6 Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.
  • Xaak 8:8 : 8 Markaasuu intuu halkaas ka tegey ayuu u kacay xagga reer Fenuu'eel, sidii oo kaluu ku yidhi; oo raggii reer Fenuu'eel waxay ugu jawaabeen sidii ay reer Sukod ugu jawaabeen oo kale.
  • Xaak 8:16 : 16 Markaasuu kaxaystay odayaashii magaalada, oo wuxuu qaaday qodxantii cidlada iyo gocondho, wuuna ku edbiyey dadkii reer Sukod.
  • 1 Boq 7:46 : 46 Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Saaretaan.
  • Bax 12:37 : 37 ¶ Oo reer binu Israa'iilna waxay ka sodcaaleen Racmeses oo waxay tageen Sukod, tiradooduna waxay ku dhowayd lix boqol oo kun oo nin oo lugaynaya oo aan carruurta lagu tirin.
  • Bax 13:20 : 20 Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.
  • Xaak 8:14 : 14 Markaasuu wuxuu qabtay nin dhallinyar oo reer Sukod ah, oo wax weyddiiyey; oo isna wuxuu u tilmaamay amiirradii reer Sukod iyo odayaashoodii, oo waxayna ahaayeen toddoba iyo toddobaatan nin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 33:5-6
    2 aayado
    74%

    5Oo reer binu Israa'iil Racmeses bay ka guureen, oo waxay degeen Sukod.

    6Oo Sukodna way ka guureen, oo waxay degeen Eetaam oo ku taal cidlada darafkeeda.

  • Bil 33:18-19
    2 aayado
    73%

    18¶ Yacquubna nabad buu ku yimid magaaladii Shekem, oo ku taal dalka Kancaan, markuu ka yimid Fadan Araam; oo wuxuu degay magaalada horteeda.

    19Jagadii uu teendhadiisii ka dhistayna wuxuu ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis, oo wuxuu siistay boqol xabbadood oo lacag ah.

  • 16Markaasuu kaxaystay odayaashii magaalada, oo wuxuu qaaday qodxantii cidlada iyo gocondho, wuuna ku edbiyey dadkii reer Sukod.

  • Bil 35:6-7
    2 aayado
    68%

    6Yacquubna wuxuu yimid Luus oo ku taal dalka Kancaan (taasuna waa Beytel), isagii iyo dadkii la jiray oo dhanba.

    7Markaasuu halkaas ka dhisay meel allabari, wuxuuna meeshii u bixiyey Elbeytel, maxaa yeelay, Ilaah baa halkaas ugu muuqday isaga, markuu ka cararay walaalkiis.

  • 16Oo maalintaasaa Ceesaw ku noqday jidkiisii ilaa Seciir.

  • 1¶ Yacquubna wuxuu degay dhulkii aabbihiis qariibka ku ahaan jiray, oo ahaa dalkii Kancaan.

  • 15Yacquubna meeshii Ilaah kula hadlay isaga magaceedii wuxuu u bixiyey Beytel.

  • 25Laabaanna wuu soo gaadhay Yacquub. Haddaba Yacquub teendhadiisii wuxuu ka dhistay buurta; Laabaanna walaalihiis buu kala dhistay buurtii Gilecaad.

  • 8Markaasuu intuu halkaas ka tegey ayuu u kacay xagga reer Fenuu'eel, sidii oo kaluu ku yidhi; oo raggii reer Fenuu'eel waxay ugu jawaabeen sidii ay reer Sukod ugu jawaabeen oo kale.

  • 1¶ Oo Ilaah wuxuu Yacquub ku yidhi, Kac oo xagga Beytel tag, oo halkaas deg; oo meel allabari halkaas uga samee Ilaahii kuu muuqday markii aad walaalkaa Ceesaw ka cararaysay.

  • Bil 28:10-11
    2 aayado
    65%

    10¶ Yacquubna waa ka tegey Bi'ir Shebac, oo wuxuu u kacay xagga Haaraan.

    11Oo meel buu gaadhay oo halkaasuu habeenkii oo dhan joogay, maxaa yeelay, qorraxdu way dhacday, markaasuu qaaday mid ka mid ah dhagxantii meeshaas, oo barkaday, halkaasuuna jiifsaday si uu u seexdo.

  • 20Oo waxay sodcaalkoodii ka bilaabeen Sukod, oo waxay degeen Eetaam, oo ku taal cidlada qarkeeda.

  • 1¶ Yacquubna sodcaalkiisii buu iska sii watay, oo wuxuu yimid dalkii reer bari.

  • 27Markaasaa Yacquub aabbihiis Isxaaq ugu yimid Mamre, iyo xagga Qiryad Arbac, taasuna waa Xebroon, oo ahayd meeshii Ibraahim iyo Isxaaq qariib ahaanta u degganaan jireen.

  • 19Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Beytel: laakiinse markii hore magaalada magaceedu wuxuu ahaa Luus.

  • 5Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!

  • 3Xagga koonfureed ayuu ka tegey oo wuxuu u socdaalay ilaa Beytel, meeshii bilowgii ay teendhadiisu ahayd, ee u dhexaysay Beytel iyo Aacii;

  • 3oo ina kiciya, aynu Beytel tagnee, oo anna halkaas meel allabari baan uga samayn doonaa Ilaahii ii jawaabay maalintii aan dhibtoonayay oo ila jiray jidkii aan maray.

  • 27Wiilashiina way koreen: oo Ceesaw wuxuu ahaa nin ugaadhsiga aad u yaqaan, wuxuuna ahaa nin duurgal ah; Yacquubna wuxuu ahaa nin aamusan oo teendhooyin degi jiray.

  • 21Israa'iilna waa sodcaalay, oo wuxuu teendhadiisii ka dhistay munaaraddii Ceeder shishadeeda.

  • 8Markaasuu meeshaas ka guuray, oo wuxuu tegey buurtii xagga bari ka ahayd Beytel, oo teendhadiisii buu ka dhistay meel Beytel galbeed ka ahayd, Aaciina bari ka ahayd; markaasuu meeshaas meel allabari Rabbiga uga dhisay, oo magaca Rabbiga ku baryootamay.

  • 18wuuna la tegey xoolihiisii oo dhan, iyo alaabadii uu urursaday, kuwaas oo ahaa xoolihii uu helay, oo uu ku ururiyey Fadan Araam, inuu tago xaggii aabbihiis Isxaaq iyo ilaa dalkii Kancaan.

  • 2Yacquubna markuu iyagii arkay wuxuu yidhi, Kanu waa ciidankii Ilaah. Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Maxanayim.

  • 1¶ Markaasaa Israa'iil la guuray wixii uu haystay oo dhan, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac, oo halkaasuu Ilaaha aabbihiis Isxaaq allabaryo ugu bixiyey.