Bilowgii 34:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nimankanu waa inala nabad, sidaas daraaddeed dhulka ha degeen, oo ha ka baayacmushtareen dhexdiisa, maxaa yeelay, bal eega, dhulku waa weyn yahay oo waa ku wada filan yahay. Aynu gabdhahooda guursanno, oo innana aan gabdhaheenna siinno iyaga.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 34:6-20
    15 aayado
    89%

    6Markaasaa Xamoor oo Shekem aabbihiis ahaa Yacquub ugu tegey inuu la hadlo isaga.

    7Oo wiilashii Yacquub ayaa duurka ka yimid markay taas maqleen; nimankiina way caloolxumaayeen, aad bayna u cadhaysnaayeen, maxaa yeelay, nacasnimo buu ku sameeyey reer binu Israa'iil markuu la jiifsaday gabadhii Yacquub, taas oo aanay jid ahayn in la sameeyo.

    8Xamoorna wuu la hadlay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygii Shekem naftiisii aad bay u doonaysaa gabadhaada; haddaba waan ku baryayaaye, iyada sii ha guursadee.

    9Oo aan iska guursanno, gabdhihiinna na siiya annaga, idinkuna gabdhahayaga guursada.

    10Oo waad nala degganaan doontaan; dalkuna hortiinnuu oolli doonaa; degganaada oo ku baayacmushtara dhexdiisa, oo xoolo ku yeesha.

    11Shekemna wuxuu aabbeheed iyo walaalaheed ku yidhi, Raalli iga ahaada, oo anna wixii aad i weyddiisataan waan idin siin.

    12In alla intii aad meher iyo yarad doonaysaan i weyddiista, oo anna waan idin siin intii aad igu tidhaahdaan, laakiinse gabadha i siiya aan guursadee.

    13Wiilashii Yacquubna khiyaanay ugu jawaabeen Shekem iyo aabbihiis Xamoor, wayna la hadleen, maxaa yeelay, walaashood Diinah ayuu nijaaseeyey,

    14oo waxay ku yidhaahdeen, Ma yeeli karno inaan walaashayo siinno nin buuryoqab ah; waayo, taasu ceeb bay nagu ahaan lahayd.

    15Si uun baannu idinku yeeli karnaa; taasuna waa haddii aad intiinna ragga ah oo dhan iswada guddaan, oo aad noqotaan sidayada oo kale;

    16markaasaannu gabdhahayaga idin siin doonnaa, oo annaguna waxaan guursan doonnaa gabdhihiinna, oo waannu idinla degganaan doonnaa, oo waxaynu noqon doonnaa isku dad.

    17Laakiinse haddaydnan na maqlin, inaad isguddaan, de markaas gabadhayada waannu wadan, oo waannu tegi.

    18Hadalkoodiina waa ka farxiyey Xamoor, iyo wiilkiisii Shekem.

    19Ninkii dhallinyarada ahaana dib uma uu dhigin inuu taas yeelo, maxaa yeelay, aad buu ugu faraxsanaa Yacquub gabadhiisii, Isna wuu ka wada maamuus badnaa intii guriga aabbihiis joogtay oo dhan.

    20Markaasay Xamoor iyo wiilkiisii Shekem magaaladoodii iriddeeda yimaadeen, oo ay raggii magaaladooda la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • Bil 34:22-24
    3 aayado
    84%

    22Nimanku si uun bay inagu yeelayaan inay inala degganaadaan si aynu isku dad u noqonno, taasuna waa haddii inteenna lab oo dhan loo gudo sida ay iyagu u gudan yihiin.

    23Oo miyaan lo'dooda iyo alaabadooda iyo xayawaankooda oo dhammu noqon doonin kuweenna? Bal aynu yeelno uun, oo iyaguna way inala degganaan doonaan.

    24Markaasaa in alla intii ka baxday magaaladiisa iriddeeda waxay maqleen Xamoor iyo wiilkiisii Shekem; markaasaa la wada guday intii labka ahayd oo magaaladiisa ka baxday oo dhan.

  • 4Markaasuu Shekem la hadlay aabbihiis Xamoor, oo yidhi, Gabadhan ii doon aan guursadee.

  • 2Markaasuu Shekem ina Xamoor kii reer Xiwi oo ahaa amiirkii dalka arkay iyadii, oo uu kaxaystay oo la jiifsaday, wuuna ceebeeyey iyadii.

  • 22Oo markay aabbayaashood ama walaalahood noo soo cawdaan, waxaannu iyaga ku odhan doonnaa, Warroy raalli nooga ahaada iyaga; maxaa yeelay, annagu ninna dagaalkii naag ugama aannan reebin. Idinna ma aydnaan siin iyaga, haddii kalese haatan eed baad lahaan lahaydeen.

  • 26Xamoor iyo wiilkiisii Shekemna waxay ku dileen seef afkeed, Diinahna way kala baxeen gurigii Shekem, wayna iska tageen.

  • 7Sidee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga?

  • 6Oo gabdhahoodiina way ka guursadeen, oo kuwoodiina wiilashoodii bay u guuriyeen, oo waxay u adeegeen ilaahyadoodii.

  • 30iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;