Bilowgii 34:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wiilashii Yacquub ayaa duurka ka yimid markay taas maqleen; nimankiina way caloolxumaayeen, aad bayna u cadhaysnaayeen, maxaa yeelay, nacasnimo buu ku sameeyey reer binu Israa'iil markuu la jiifsaday gabadhii Yacquub, taas oo aanay jid ahayn in la sameeyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 7:15 : 15 Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa'iilna ku dhex sameeyey xumaan.
  • Xaak 20:6 : 6 Oo anna intaan naagtaydii addoonta ahayd qaaday ayaan cadcad u kala googooyay, oo waxaan u diray dalkii ay reer binu Israa'iil dhaxalka u heleen oo dhan; waayo, waxay reer binu Israa'iil ku dhex sameeyeen wasakhnimo iyo xumaan.
  • Sharc 22:21 : 21 markaas gabadha dibadda ha u soo bixiyeen oo ha keeneen guriga aabbaheed iriddiisa, oo dadka magaaladaas jooga oo dhammu iyada ha dhagxiyeen si ay u dhimato, maxaa yeelay, iyadu nacasnimo bay ku dhex samaysay reer binu Israa'iil oo waxay ku dhillowday gurigii aabbaheed, oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
  • Bil 20:9 : 9 Markaasaa Abimeleg wuxuu u yeedhay Ibraahim, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay waxa aad nagu samaysay? Oo maxaan kuugu dembaabay, oo aad aniga iyo boqortooyadaydaba dembi weyn ugu soo jiidday? Waxaad igu samaysay waxyaalo aan waajib ahayn in la sameeyo.
  • Cib 13:4 : 4 Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.
  • Yac 3:10 : 10 Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.
  • 1 But 2:9 : 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh.
  • Bil 46:7 : 7 kuwaas oo ahaa wiilashiisii iyo wiilashiisii wiilashoodii isaga la socday, iyo gabdhihiisii iyo wiilashiisii gabdhahoodii. Farcankiisii oo dhanna wuxuu keenay Masar.
  • Bax 19:5-6 : 5 Haddaba sidaas daraaddeed, haddaad daacad ahaan ii addeecaysaan, oo aad axdigayga dhawraysaan, de markaas waxaad ahaan doontaan dad hanti iiga ah dadyowga oo dhan, waayo, dhulka oo dhan anigaa iska leh; 6 oo waxaad ii ahaan doontaan boqortooyo wada wadaaddo ah, iyo quruun quduus ah. Kuwanu waa erayada aad reer binu Israa'iil kula hadli doonto.
  • Laaw 4:2 : 2 Dadka reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii mid kama' ugu dembaabo waxyaalihii Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu sameeyo waxyaalahaas qaarkood,
  • Laaw 4:13 : 13 ¶ Oo ururka reer binu Israa'iil oo dhammu hadduu qaldamo, oo ay waxaasu indhaha shirka ka qarsoon yihiin, oo ay sameeyaan wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo ay saas eed ku leeyihiin,
  • Laaw 4:27 : 27 ¶ Oo dadka dhulka mid ka mid ahu hadduu kama' ku dembaabo, oo uu sameeyo wax ka mid ah waxyaalihii uu Rabbigu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,
  • Sharc 23:17 : 17 ¶ Dumarka reer binu Israa'iil waa inaan laga helin dhillo, nimanka reer binu Israa'iilna waa inaan laga helin mid khaniis ah.
  • Xaak 19:22-25 : 22 Oo intay farxayeen waxaa yimid raggii magaalada oo niman xunxun ah, oo intay guriga hareereeyeen ayay albaabkii garaaceen, markaasay la hadleen odaygii guriga lahaa, oo ku yidhaahdeen, Noo soo bixi ninkii gurigaaga soo galay, aannu u tagnee. 23 Markaasaa ninkii guriga lahaa dibadda ugu baxay oo ku yidhi, Maya, walaalahayow, waan idin baryayaaye, ha samaynina wax sidaas u shar ah, maxaa yeelay, ninkanu gurigayguu galay ee ha ku samaynina xumaantan. 24 Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah. 25 Laakiinse raggii ma ay doonaynin inay dhegaystaan, sidaas daraaddeed ninkii wuxuu qabtay naagtiisii addoonta ahayd, dibadduuna ugu soo saaray; kolkaasay iyadii kufsadeen, oo si xun bay u galeen habeenkii oo dhan ilaa subaxdii; oo markii waagu baryayay ayay iska sii daayeen.
  • 2 Sam 13:12-13 : 12 Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn. 13 Waayo, bal xaggee baan geeynayaa ceebtayda? Oo adiguna waxaad noqonaysaa nacasyada reer binu Israa'iil midkood. Haddaba waan ku baryayaaye, bal boqorka la hadal, waayo, isagu ii kaa diidi maayo.
  • 2 Sam 13:21 : 21 Laakiinse Boqor Daa'uud markuu waxyaalahan oo dhan maqlay, ayuu aad u cadhooday.
  • Sab 93:5 : 5 Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal, Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.
  • Maah 7:7 : 7 Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn,
  • 1 Kor 6:18 : 18 Ka carara sinada. Dembi kaloo kasta oo nin falo, jidhka waa ka dibadda, laakiin kii dhillanimada falaa jidhkiisuu ku dembaabaa.
  • 1 Kor 10:8 : 8 Oo yeynan sinaysanin siday qaarkood u sinaysteen oo saddex iyo labaatan kun ay maalin keliya u dhinteen.
  • Ef 5:3 : 3 Laakiinse sida ay quduusiinta ugu eg tahay, marnaba yaan dhexdiinna laga sheegin sino, iyo wasakh oo dhan, iyo damacnimo,
  • Kol 3:5 : 5 ¶ Haddaba dila xubnihiinna dhulka yaal, kuwaas oo ah sino, iyo wasakhnimo, iyo kacsi xaaraan ah, iyo damac shar ah, iyo hunguri xumaan, taas oo ah sanam caabudid,
  • 1 Tim 5:13 : 13 Waxay kaloo weliba bartaan inay caajisiin noqdaan, iyagoo iska wareegaya oo guriba guri uga baxaya; caajisiin oo keliyana ma ahaye, weliba way warsheeko badan yihiin, oo axwaalka dadka kalena way faraggeliyaan, iyagoo ku hadlaya waxyaalo aan waajib ku ahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 34:1-6
    6 aayado
    82%

    1¶ Oo Diinah oo ahayd gabadhii Lee'ah ay Yacquub u dhashay ayaa dibadda u baxday inay soo aragto gabdhihii dalka.

    2Markaasuu Shekem ina Xamoor kii reer Xiwi oo ahaa amiirkii dalka arkay iyadii, oo uu kaxaystay oo la jiifsaday, wuuna ceebeeyey iyadii.

    3Naftiisiina way raacday gabadhii Yacquub oo Diinah ahayd, wuuna jeclaaday gabadhii, si raxmad lehna wuu ula hadlay gabadhii.

    4Markaasuu Shekem la hadlay aabbihiis Xamoor, oo yidhi, Gabadhan ii doon aan guursadee.

    5Haddaba Yacquub waa maqlay in Shekem gabadhiisii Diinah nijaaseeyey; wiilashiisiina duurka ayay xoolihiisa la joogeen; Yacquubna wuu iska aamusay ilaa ay yimaadeen.

    6Markaasaa Xamoor oo Shekem aabbihiis ahaa Yacquub ugu tegey inuu la hadlo isaga.

  • Bil 34:24-27
    4 aayado
    82%

    24Markaasaa in alla intii ka baxday magaaladiisa iriddeeda waxay maqleen Xamoor iyo wiilkiisii Shekem; markaasaa la wada guday intii labka ahayd oo magaaladiisa ka baxday oo dhan.

    25Oo maalintii saddexaad, markay dhaawaca wada ahaayeen, waxay noqotay in laba ka mid ahaa wiilashii Yacquub oo ahaa Simecoon iyo Laawi, Diinah walaalaheed, uu midkood kastaa seeftiisii qaatay, oo waxay yimaadeen magaaladii, iyagoo aan la ogayn, waxayna wada laayeen intii labka ahayd oo dhan.

    26Xamoor iyo wiilkiisii Shekemna waxay ku dileen seef afkeed, Diinahna way kala baxeen gurigii Shekem, wayna iska tageen.

    27Wiilashii Yacquubna waxay yimaadeen raqdii kuwii la laayay, oo magaaladiina way dhaceen, maxaa yeelay, walaashood bay ka nijaaseeyeen.

  • Bil 34:13-14
    2 aayado
    81%

    13Wiilashii Yacquubna khiyaanay ugu jawaabeen Shekem iyo aabbihiis Xamoor, wayna la hadleen, maxaa yeelay, walaashood Diinah ayuu nijaaseeyey,

    14oo waxay ku yidhaahdeen, Ma yeeli karno inaan walaashayo siinno nin buuryoqab ah; waayo, taasu ceeb bay nagu ahaan lahayd.

  • Bil 34:8-9
    2 aayado
    81%

    8Xamoorna wuu la hadlay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Wiilkaygii Shekem naftiisii aad bay u doonaysaa gabadhaada; haddaba waan ku baryayaaye, iyada sii ha guursadee.

    9Oo aan iska guursanno, gabdhihiinna na siiya annaga, idinkuna gabdhahayaga guursada.

  • Bil 34:18-20
    3 aayado
    81%

    18Hadalkoodiina waa ka farxiyey Xamoor, iyo wiilkiisii Shekem.

    19Ninkii dhallinyarada ahaana dib uma uu dhigin inuu taas yeelo, maxaa yeelay, aad buu ugu faraxsanaa Yacquub gabadhiisii, Isna wuu ka wada maamuus badnaa intii guriga aabbihiis joogtay oo dhan.

    20Markaasay Xamoor iyo wiilkiisii Shekem magaaladoodii iriddeeda yimaadeen, oo ay raggii magaaladooda la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,

  • 31Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, De miyey ku habboonayd inuu walaashayo sidii dhillo ula macaamiloodo?