Bilowgii 36:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 2:11 : 11 ¶ Haddaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan.
  • Bil 36:11-12 : 11 Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas. 12 Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd.
  • Bil 36:18 : 18 Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah.
  • Bax 15:15 : 15 Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.
  • 1 Taar 1:35-36 : 35 ¶ Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax. 36 ¶ Wiilashii Eliifasna waxay ahaayeen Teemaan, iyo Oomaar, iyo Sefii, iyo Gactaam, iyo Qenas, iyo Timnac, iyo Camaaleq.
  • 1 Taar 1:45 : 45 Markaasaa Yoobaab dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Xushaam oo ka yimid dalka reer Teemaan.
  • 1 Taar 1:51-54 : 51 Hadadna wuu dhintay. Oo ugaasyadii reer Edomna waxay ahaayeen ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed, 52 iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon, 53 iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar, 54 iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Intaasu waa ugaasyadii reer Edom.
  • Bil 36:4 : 4 Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel;
  • Ayuub 4:1 : 1 ¶ Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
  • Ayuub 21:8 : 8 Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin.
  • Sab 37:35 : 35 Waxaan arkay ku shar leh oo dulun badan, Oo isu kala bixiya sida geed cagaar ah oo dhulkiisii ka baxay.
  • Yer 49:7 : 7 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu reer Edom ka leeyahay, Teemaan miyaan xigmad lagu sii arag innaba? Taladii miyey ka baabba'day kuwii miyirka lahaa? Xigmaddoodii miyey ka wada dhammaatay?
  • Yer 49:20 : 20 Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Edom u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dadka Teemaan deggan u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa.
  • Yex 25:13 : 13 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa.
  • Aam 1:12 : 12 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa Teemaan, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Bosraah.
  • Coba 1:9 : 9 Reer Teemaanow, raggiinna xoogga badanu way wada nixi doonaan, oo sidaas daraaddeed mid kasta oo buurta Ceesaw ka yimid ayaa laynta ku go'i doona.
  • Xab 3:3 : 3 Ilaah wuxuu ka yimid Teemaan, Kii Quduuska ahaana wuxuu ka yimid Buur Faaraan. (Selaah) Sharaftiisii waxay ku fidday samooyinka, Oo dhulkiina waxaa ka buuxsamay ammaantiisii.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 36:40-43
    4 aayado
    89%

    40Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,

    41iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon;

    42iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar;

    43iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.

  • Bil 36:8-14
    7 aayado
    86%

    8Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom.

    9Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir.

    10Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd.

    11Wiilashii Elifasna waxay ahaayeen Teemaan, Oomaar, Sefoo, iyo Gactaam iyo Qenas.

    12Timnac waxay ahayd addoontii uu Elifas ina Ceesaw qabay, oo waxay Elifas u dhashay Camaaleq; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Caadah ahayd.

    13Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel: Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah; kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.

    14Kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah oo ahayd ina Sibecoon; oo iyana waxay Ceesaw u dhashay Yacuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

  • 85%

    51Hadadna wuu dhintay. Oo ugaasyadii reer Edomna waxay ahaayeen ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,

    52iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon,

    53iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar,

    54iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Intaasu waa ugaasyadii reer Edom.

  • Bil 36:16-23
    8 aayado
    85%

    16ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah.

    17Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.

    18Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah.

    19Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii.

    20Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah,

    21iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom.

    22Carruurtii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Heemaam, Lootaan walaashiisna waxay ahayd Timnac.

    23Kuwanuna waa carruurtii Shoobaal; Calwaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefo, iyo Oonaam.

  • 85%

    35¶ Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

    36¶ Wiilashii Eliifasna waxay ahaayeen Teemaan, iyo Oomaar, iyo Sefii, iyo Gactaam, iyo Qenas, iyo Timnac, iyo Camaaleq.

    37Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.

    38¶ Wiilashii Seciirna waxay ahaayeen Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan.

    39Wiilashii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Hoomaam, oo Timnacna waxay ahayd Lootaan walaashiis.

    40Wiilashii Shoobaalna waxay ahaayeen Calyaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefii, iyo Oonaam. Wiilashii Sibecoonna waxay ahaayeen Ayah, iyo Canah.

    41Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

    42Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.

  • Bil 36:26-31
    6 aayado
    79%

    26Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

    27Kuwanuna waa carruurtii Eeser; Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Caqaan.

    28Kuwanuna waa carruurtii Diishaan; Cuus iyo Araan.

    29Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor; ugaas Lootaan, iyo ugaas Shoobaal, iyo ugaas Sibecoon, iyo ugaas Canah,

    30ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay.

    31¶ Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil.

  • 1¶ Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom.

  • Bil 36:4-5
    2 aayado
    72%

    4Caadahna waxay Ceesaw u dhashay Elifas, Basmadna waxay u dhashay Recuu'eel;

    5Aaholiibaamahna waxay u dhashay Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax; kuwanu waa wiilashii Ceesaw, oo isaga ugu dhashay dalkii Kancaan.

  • 30iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa,

  • 15Hadar, iyo Tema, iyo Yetuur, iyo Nafish, iyo Qedemah.

  • 9Reer Teemaanow, raggiinna xoogga badanu way wada nixi doonaan, oo sidaas daraaddeed mid kasta oo buurta Ceesaw ka yimid ayaa laynta ku go'i doona.

  • 27iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah;