Bilowgii 36:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

ugaas Dishon, iyo ugaas Eeser, iyo ugaas Diishaan. Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor siday ahaayeen ugaasyadoodii dalka Seciir joogay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 11:19 : 19 Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol u taliyayaashii iyo kuwii reer Kaarii, iyo askartii ordi jirtay, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo dejiyeen gurigii Rabbiga, oo intay jidkii iridda waardiyayaasha soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka. Oo isna wuxuu ku fadhiistay carshigii boqorrada.
  • Ish 23:15 : 15 Oo waxay wakhtigaas noqon doontaa in Turos la illoobi doono toddobaatan sannadood, oo ah sida boqor wakhtigiis. Oo toddobaatankaas sannadood markay dhammaadaan ayaa Turos waxaa laga heesi doonaa sida dhillada oo kale.
  • Daan 7:17 : 17 Afartan bahal oo waaweynaa waa afar boqor, oo dunida ka kici doona.
  • Daan 7:23 : 23 Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 36:14-23
    10 aayado
    92%

    14Kuwanuna waxay ahaayeen wiilashii naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah oo ahayd ina Sibecoon; oo iyana waxay Ceesaw u dhashay Yacuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

    15Kuwanu waxa weeye ugaasyadii wiilashii Ceesaw. Waa wiilashii Elifas kii ahaa curadkii Ceesaw kuwaas oo ah ugaas Teemaan, iyo ugaas Oomaar, iyo ugaas Sefoo, iyo ugaas Qenas,

    16ugaas Qorax, iyo ugaas Gactaam, iyo ugaas Camaaleq. Kuwanu waa ugaasyadii Elifas dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii Caadah.

    17Kuwanuna waa wiilashii Recuu'eel oo ahaa ina Ceesaw: ugaas Nahad, iyo ugaas Serax, iyo ugaas Shammah, iyo ugaas Misaah. Kuwanuna waa ugaasyadii uu Recuu'eel dhalay oo dalkii Edom joogay; kuwanu waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Basmad ahayd.

    18Kuwanuna waa wiilashii naagtii Ceesaw oo Aaholiibaamah ahayd: ugaas Yecuush, iyo ugaas Yaclaam, iyo ugaas Qorax. Kuwanuna waa ugaasyadii ay dhashay naagtii Ceesaw oo ahayd Aaholiibaamah, gabadhii Canah.

    19Kuwanu waa wiilashii Ceesaw oo ahaa Edom, oo kuwanu waa ugaasyadoodii.

    20Kuwanuna waa wiilashii Seciir, kii reer Xor, oo ahaa kuwii dhulka degganaa, Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah,

    21iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan. Kuwanu waa ugaasyadii reer Xor, oo ahaa ilma Seciir oo degganaa dhulkii Edom.

    22Carruurtii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Heemaam, Lootaan walaashiisna waxay ahayd Timnac.

    23Kuwanuna waa carruurtii Shoobaal; Calwaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefo, iyo Oonaam.

  • Bil 36:25-29
    5 aayado
    86%

    25Kuwanuna waa carruurtii Canah; Dishon, iyo Aaholiibaamah, gabadhii Canah.

    26Kuwanuna waa carruurtii Dishon; Xemdaan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

    27Kuwanuna waa carruurtii Eeser; Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Caqaan.

    28Kuwanuna waa carruurtii Diishaan; Cuus iyo Araan.

    29Kuwanuna waa ugaasyadii reer Xor; ugaas Lootaan, iyo ugaas Shoobaal, iyo ugaas Sibecoon, iyo ugaas Canah,

  • Bil 36:40-43
    4 aayado
    80%

    40Kuwanuna waa magacyadii ugaasyadii Ceesaw dhalay, siday ahaayeen qabiilooyinkoodii iyo magacyadii meelahoodii ay degganaan jireen, waana ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,

    41iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon;

    42iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar;

    43iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Kuwanu waa ugaasyadii reer Edom sidii ay u degganaayeen dhulkii ay lahaayeen. Kanu waa Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood.

  • 79%

    37Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.

    38¶ Wiilashii Seciirna waxay ahaayeen Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan.

    39Wiilashii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Hoomaam, oo Timnacna waxay ahayd Lootaan walaashiis.

    40Wiilashii Shoobaalna waxay ahaayeen Calyaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefii, iyo Oonaam. Wiilashii Sibecoonna waxay ahaayeen Ayah, iyo Canah.

    41Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

    42Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.

    43¶ Haddaba kuwanu waa boqorradii u talin jiray dalka reer Edom, intaan boqorna u talin reer binu Israa'iil, Belac ina Becoor, oo magaaladiisana magaceeda waxaa la odhan jiray Dinhaabah.

  • 77%

    51Hadadna wuu dhintay. Oo ugaasyadii reer Edomna waxay ahaayeen ugaas Timnac, iyo ugaas Calwah, iyo ugaas Yeteed,

    52iyo ugaas Aaholiibaamah, iyo ugaas Eelaah, iyo ugaas Fiinon,

    53iyo ugaas Qenas, iyo ugaas Teemaan, iyo ugaas Mibsaar,

    54iyo ugaas Magdii'eel, iyo ugaas Ciiraam. Intaasu waa ugaasyadii reer Edom.

  • Bil 36:31-32
    2 aayado
    75%

    31¶ Kuwanuna waa boqorradii xukumi jiray dalkii Edom intaan boqorna xukumin reer binu Israa'iil.

    32Belac ina Becoor wuxuu xukumi jiray Edom, magaaladiisii magaceedana waxaa la odhan jiray Dinhaabah.

  • Bil 36:8-10
    3 aayado
    75%

    8Ceesawna wuxuu degay Buur Seciir; Ceesaw waa Edom.

    9Kuwanuna waa farcankii Ceesaw oo ahaa reer Edom aabbahood oo degganaan jiray Buur Seciir.

    10Kuwanu waa wiilashii Ceesaw magacyadoodii, Elifas oo ahaa wiilkii Caadah oo naagtii Ceesaw ahayd, iyo Recuu'eel oo ahaa wiilkii Basmad oo naagtii Ceesaw ahayd.

  • 12Oo reer Xorna waagii hore waxay degganaan jireen Seciir, laakiinse reer Ceesaw ayaa daba hantiyey oo hortooda ka baabbi'iyey, oo meeshoodii degay, sida reer binu Israa'iil ay ku sameeyeen dalkii ay hantiyeen oo Rabbigu iyaga siiyey.)

  • 6reer Xorna waxay ku dileen buurtoodii Seciir, iyo ilaa Aylfaaraan oo u dhowayd cidlada.

  • 1¶ Haddaba kuwanuna waa farcankii Ceesaw, isna waa Edom.

  • 35¶ Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

  • 24Oo kuwii reerahooda madaxda u ahaana waxay ahaayeen Ceefer, iyo Yishcii, iyo Elii'eel, iyo Casrii'eel, iyo Yeremyaah, iyo Hoodawyaah, iyo Yaxdii'eel, oo intaasu waxay wada ahaayeen rag xoog badan oo magac leh oo reerahooda madax u ah.

  • 27iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah;

  • 5Aaholiibaamahna waxay u dhashay Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax; kuwanu waa wiilashii Ceesaw, oo isaga ugu dhashay dalkii Kancaan.

  • 22siduu reer Ceesaw oo Buur Seciir deggan u sameeyey markuu hortooda ka baabbi'iyey reer Xor oo ay daba hantiyeen oo ay meeshoodii degeen ilaa maantadan la joogo.

  • 21iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah,

  • 27iyo Shammood oo ahaa reer Xarod, iyo Xeles oo ahaa reer Feloonii,