Bilowgii 37:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Ruubeen ku noqday ceelkii; wuxuuna arkay inuusan Yuusuf ku jirin ceelka, kolkaasuu dharkiisii dildillaaciyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 37:34 : 34 Markaasaa Yacquub dharkiisii dildillaaciyey, oo joonyad buu dhexda ku xidhay, wiilkiisiina maalmo badan ayuu u barooranayay.
  • Ayuub 1:20 : 20 Markaasaa Ayuub sara joogsaday, oo huwiskiisii jeexjeexay, oo madaxiisiina wuu xiiray, oo intuu dhulka ku dhacay ayuu sujuuday,
  • Bil 44:13 : 13 Kolkaasay dharkoodii jeexjeexeen, oo nin waluba dameerkiisii buu rartay, oo magaaladii bay ku noqdeen.
  • Tir 14:6 : 6 Oo Yashuuca ina Nuun iyo Kaaleeb ina Yefunneh oo kuwii dalka soo basaasay ka mid ahaa ayaa dharkoodii iska jeexjeexay,
  • Xaak 11:35 : 35 Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.
  • 2 Boq 19:1 : 1 ¶ Oo markii Xisqiyaah taas maqlay intuu dharkiisii jeexjeexay oo joonyad guntaday ayuu gurigii Rabbiga galay.
  • Yoel 2:13 : 13 Haddaba qalbigiinna jeexa ee dharkiinna ha jeexina, oo Rabbiga Ilaahiinna ah xaggiisa u soo jeesta, waayo, isagu waa nimco miidhan, waana raxmad badan yahay, cadho wuu u gaabiya, waana naxariis badan yahay, oo belaayadana wuu ka soo noqdaa.
  • Fal 14:14 : 14 Laakiin rasuulladii Barnabas iyo Bawlos markay maqleen, ayay dharkoodii jeexjeexeen, oo dadkii badnaa ku soo dhex boodeen, iyagoo ku dhawaaqaya
  • Bil 34:13 : 13 Wiilashii Yacquubna khiyaanay ugu jawaabeen Shekem iyo aabbihiis Xamoor, wayna la hadleen, maxaa yeelay, walaashood Diinah ayuu nijaaseeyey,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 37:30-34
    5 aayado
    84%

    30Markaasuu walaalihiis ku noqday, oo wuxuu ku yidhi, Yarkii ma joogo, haddaba anigu xaggee baan tagaa?

    31Kolkaasay shuluggii Yuusuf qaadeen oo intay orgi gowraceen ayay shuluggii dhiiggii geliyeen.

    32Markaasay shuluggii midabyada badnaa direen, oo ay aabbahood u keeneen; oo waxay ku yidhaahdeen, Kan waannu helnay, haddaba bal garo inuu shuluggii wiilkaagii yahay iyo in kale.

    33Wuuna gartay, oo wuxuu yidhi, Waa shuluggii wiilkayga. Bahal xun baa cunay isagii. Shakila'aan Yuusuf cadcad baa loo kala jeexjeexay.

    34Markaasaa Yacquub dharkiisii dildillaaciyey, oo joonyad buu dhexda ku xidhay, wiilkiisiina maalmo badan ayuu u barooranayay.

  • Bil 37:20-24
    5 aayado
    80%

    20Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.

    21Oo Ruubeen baa taas maqlay, isagiina wuu ka samatabbixiyey gacantoodii; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Yeynan naftiisa ka qaadin.

    22Kolkaasaa Ruubeen ku yidhi iyagii, Dhiig ha daadinina, ee isaga ku tuura ceelkan cidlada ku yaal, laakiinse far ha saarina. Oo wuxuu taas u yeelay inuu isaga ka samatabbixiyo gacantooda oo uu u celiyo aabbihiis.

    23Oo waxay noqotay in markii Yuusuf walaalihiis u yimid ay Yusuuf ka furteen shuluggiisii, kaasu wuxuu ahaa shuluggii midabyada badnaa oo uu qabay.

    24Kolkaasay qabteen oo ay ceelkii ku tuureen; ceelkuna waa madhnaa oo biyo kuma jirin.

  • Bil 37:27-28
    2 aayado
    76%

    27Kaalaya, aynu reer Ismaaciil ka iibinnee, oo yeynan isaga far saarin, maxaa yeelay, isagu waa walaalkeen, waana jidhkeenna. Walaalihiisna way maqleen isagii.

    28Oo waxaa ag maray niman reer Midyaan ah, oo baayacmushtariyaal ah. Markaasay Yuusuf soo jiideen oo ceelkii ka soo bixiyeen, oo waxay Yuusuf kuwii reer Ismaaciil kaga iibiyeen labaatan xabbadood oo lacag ah. Oo iyana Yuusuf waxay keeneen Masar.

  • Bil 42:36-38
    3 aayado
    75%

    36Markaasaa aabbahood Yacquub wuxuu iyagii ku yidhi, Gablan baad iga dhigteen, bal eeg, Yuusuf ma joogo, oo Simecoon ma joogo, oo haddana waxaad kaxayn doontaan Benyaamiin; waxyaalahan oo dhammu waa iga gees.

    37Markaasaa Ruubeen aabbihiis la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Haddii aan isaga kuu keeni waayo, dil labadayda wiil. Aniga ii dhiib isaga, oo anna waan kuu soo celin doonaa.

    38Markaasuu yidhi, Wiilkaygu idinla dhaadhici maayo; waayo, walaalkiis waa dhintay, oo keligiis baa hadhay. Haddii jidka aad sii maraysaan belaayo kaga dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan.

  • 13Kolkaasay dharkoodii jeexjeexeen, oo nin waluba dameerkiisii buu rartay, oo magaaladii bay ku noqdeen.

  • 22Markaasaa Ruubeen u jawaabay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Miyaanan idinla hadlin oo idinku odhan, Wiilka ha ku dembaabina, oo sow ima aydin maqli waayin? Haddaba bal eega, dhiiggiisii baa laydin weyddiistaye.

  • 30Markaasuu Yuusuf dhaqsaday, oo goobtay meel uu ku ooyo, waayo, walaalkiis buu u beernuglaaday oo wuxuu galay qowladdiisii, oo halkaasuu ku ooyay.

  • 28oo uu midkood iga baxay, oo waxaan idhi, Hubaal cadcad baa loo kala jeexjeexay, tan iyo waagaasna ma aanan arkin isagii.

  • 24Markaasuu ka sii jeestay iyagii, wuuna ooyay; oo haddana intuu ku soo noqday ayuu la hadlay, oo wuxuu kala dhex baxay Simecoon, wuuna xidhay isagii iyagoo arkaya.

  • 1¶ Markaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay.

  • 36Markaasay kuwii reer Midyaan isagii Masar kaga iibiyeen nin la odhan jiray Footiifar, wuxuuna ahaa sirkaalkii Fircoon oo ahaa madaxa waardiyayaasha.