Bilowgii 37:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa walaalihiis arkeen in aabbahood ka jecel yahay isaga walaalihiis oo dhan; kolkaasay nebcaadeen isagii, wayna kari waayeen inay isaga si nabad ah ula hadlaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 27:41 : 41 ¶ Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.
  • 1 Yoox 4:20 : 20 Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?
  • Bil 49:23 : 23 Qaansolayaasha ayaa aad u dhibay, Wayna toogteen oo silciyeen;
  • 1 Yoox 3:12 : 12 oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.
  • 1 Sam 17:28 : 28 Oo markuu ragga la hadlayay Elii'aab oo ahaa walaalkiisii ugu weynaa ayaa maqlay, oo Elii'aabna aad buu ugu cadhooday Daa'uud oo wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo dhaadhacday? Oo bal yaad uga soo kacday xayntii idaha ahayd oo cidlada joogtay? Anigu waan aqaan kibirkaaga, iyo xumaanta qalbigaaga ku jirta, waayo, waxaad u timid inaad dagaalka fiirsato.
  • Sab 38:19 : 19 Laakiinse cadaawayaashaydu waa dadaal badan yihiin, xoogna way leeyihiin, Oo kuwa gardarrada igu necebuna way tarmeen.
  • Sab 69:4 : 4 Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
  • Yoox 7:3-5 : 3 Walaalihiis haddaba waxay ku yidhaahdeen, Halkan ka bax oo Yahuudiya tag in xertaadiina aragto shuqullada aad samaynaysid. 4 Ma jiro nin si qarsoon wax u sameeyaa markuu doonayo in bayaan loo ogaado. Haddaad waxyaalahan samayso, dunida isu muuji. 5 Xataa walaalihiis ma ay rumaysan isaga.
  • Yoox 15:18-19 : 18 ¶ Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay. 19 Haddaad kuwa dunida ahaan lahaydeen, dunidu kuweeda way jeclaan lahayd, laakiin kuwa dunida ma ihidin, waanse idinka doortay dunida, taas aawadeed dunidu way idin neceb tahay.
  • Titus 3:3 : 3 Waayo, innaguba waa baynu ahayn nacasyo, iyo caasiyiin, iyo kuwa la khiyaaneeyey, iyo addoommada damacyada xaaraanta ah iyo raaxooyinka kala duduwan, oo waxaynu ku socon jirnay xumaan iyo xaasidnimo, oo waxaynu ahaan jirnay kuwo la nebcaaday oo iyana midba midka kale neceb yahay.
  • 1 Yoox 2:11 : 11 Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray.
  • 1 Yoox 3:10 : 10 Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.
  • Bil 4:5 : 5 laakiinse Qaabiil iyo qurbaankiisii Rabbigu ma uu eegin. Qaabiilna aad buu u cadhooday, wejigiisiina wuu madoobaaday.
  • 1 Sam 16:12-13 : 12 Markaasuu u cid diray, oo soo geliyey. Oo isna wuxuu ahaa mid cas, oo soojeed qurxoon, oo midabkiisuna aad u wanaagsan yahay. Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Kac, oo subag, waayo, kanu waa isagii. 13 Markaasaa Samuu'eel qaaday geeskii saliiddu ku jirtay, wuuna ku subkay isagoo walaalihiis dhex jooga; oo maalintaas intii ka dambaysay Ruuxii Rabbigu aad buu ugu soo degay Daa'uud. Dabadeedna Samuu'eel wuu kacay, oo Raamaah buu tegey.
  • Bil 37:5 : 5 Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen.
  • Bil 37:11 : 11 Markaasay walaalihiis ka masayreen isagii; laakiinse aabbihiis maankuu ku haystay hadalkii.
  • Bil 37:18-24 : 18 Markaasay meel fog ka arkeen isagii, oo intuusan u soo dhowaan iyagii, ayay ku tashadeen inay dilaan. 19 Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye. 20 Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan. 21 Oo Ruubeen baa taas maqlay, isagiina wuu ka samatabbixiyey gacantoodii; oo wuxuu iyagii ku yidhi, Yeynan naftiisa ka qaadin. 22 Kolkaasaa Ruubeen ku yidhi iyagii, Dhiig ha daadinina, ee isaga ku tuura ceelkan cidlada ku yaal, laakiinse far ha saarina. Oo wuxuu taas u yeelay inuu isaga ka samatabbixiyo gacantooda oo uu u celiyo aabbihiis. 23 Oo waxay noqotay in markii Yuusuf walaalihiis u yimid ay Yusuuf ka furteen shuluggiisii, kaasu wuxuu ahaa shuluggii midabyada badnaa oo uu qabay. 24 Kolkaasay qabteen oo ay ceelkii ku tuureen; ceelkuna waa madhnaa oo biyo kuma jirin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 37:5-6
    2 aayado
    88%

    5Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen.

    6Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday.

  • Bil 37:2-3
    2 aayado
    83%

    2Kuwanuna waa farcankii Yacquub. Yuusuf, isagoo jira toddoba iyo toban sannadood, ayuu idaha la daajinayay walaalihiis, wuxuuna ahaa wiil la jooga wiilashii Bilhah iyo Silfah oo ahaa naagihii aabbihiis. Markaasuu Yuusuf xaggooda war xun uga keenay aabbahood.

    3Israa'iilna Yuusuf wuu ka jeclaa carruurtiisa oo dhan, maxaa yeelay, wuxuu ahaa inankuu dhalay markuu gaboobay; oo wuxuuna u sameeyey shulug midabyo badan leh.

  • Bil 37:8-12
    5 aayado
    82%

    8Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, Ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood.

    9Markaasuu haddana riyo kale ku riyooday, oo walaalihiis u sheegay, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii iyo dayaxii, iyo koob iyo toban xiddigood oo ii sujuuday.

    10Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna?

    11Markaasay walaalihiis ka masayreen isagii; laakiinse aabbihiis maankuu ku haystay hadalkii.

    12¶ Markaasaa walaalihiis tageen, inay adhigii aabbahood soo daajiyaan Shekem.

  • Bil 37:17-20
    4 aayado
    80%

    17Markaasaa ninkii ku yidhi, Halkan way ka tageen, waayo, waxaan maqlay iyagoo isku leh, Ina keena aynu Dotaan tagnee. Markaasuu Yuusuf walaalihiis ka daba tegey, oo wuxuu iyagii ka helay Dotaan.

    18Markaasay meel fog ka arkeen isagii, oo intuusan u soo dhowaan iyagii, ayay ku tashadeen inay dilaan.

    19Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye.

    20Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.

  • Bil 50:15-17
    3 aayado
    78%

    15¶ Oo markay Yuusuf walaalihiis arkeen in aabbahood dhintay ayay isku yidhaahdeen, Mindhaa Yuusuf waa ina nebcaan doonaa oo wuu inaga magan doonaa xumaantii aynu ku samaynay oo dhan.

    16Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,

    17Waxaad Yuusuf ku tidhaahdaan, Haatan waan ku baryayaaye, cafi walaalahaa xadgudubkooda, iyo dembigooda, maxaa yeelay, iyagu xumaan bay kugu sameeyeen. Haddaba waannu ku baryaynaaye, Annagoo ah addoommada Ilaaha aabbahaa, naga cafi xadgududkayaga. Yuusufuna wuu ooyay markay la hadleen.

  • 23Oo waxay noqotay in markii Yuusuf walaalihiis u yimid ay Yusuuf ka furteen shuluggiisii, kaasu wuxuu ahaa shuluggii midabyada badnaa oo uu qabay.

  • Bil 42:7-8
    2 aayado
    75%

    7Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno.

    8Yuusufna wuu gartay walaalihiis laakiinse iyagu ma ay garan isagii.

  • Bil 37:31-32
    2 aayado
    74%

    31Kolkaasay shuluggii Yuusuf qaadeen oo intay orgi gowraceen ayay shuluggii dhiiggii geliyeen.

    32Markaasay shuluggii midabyada badnaa direen, oo ay aabbahood u keeneen; oo waxay ku yidhaahdeen, Kan waannu helnay, haddaba bal garo inuu shuluggii wiilkaagii yahay iyo in kale.

  • 41¶ Ceesawna wuxuu Yacquub u nebcaaday ducadii aabbihiis ugu duceeyey aawadeed. Ceesawna wuxuu isku yidhi, Maalmihii aabbahay loo barooran lahaa waa dhow yihiin; dabadeedna waan dili doonaa walaalkay Yacquub.

  • 27Kaalaya, aynu reer Ismaaciil ka iibinnee, oo yeynan isaga far saarin, maxaa yeelay, isagu waa walaalkeen, waana jidhkeenna. Walaalihiisna way maqleen isagii.

  • Bil 45:15-16
    2 aayado
    73%

    15Markaasuu wada dhunkaday walaalihiis oo dhan, wuuna ku dul ooyay; dabadeedna walaalihiis baa la hadlay isagii.

    16¶ Markaasaa warkii laga maqlay gurigii Fircoon, oo waxaa la yidhi, Yuusuf walaalihiis baa yimid. Taasna aad bay uga farxisay Fircoon iyo addoommadiisiiba.

  • Bil 45:3-4
    2 aayado
    73%

    3Markaasuu Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Yuusuf baan ahay, ee aabbahay weli ma nool yahay? Walaalihiisna way u jawaabi kari waayeen; waayo, aad bay ugu argaggexeen hortiisa.

    4Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay.

  • 1¶ Markaasaa Yuusuf ku hor adkaysan kari waayay kuwii isaga la taagnaa oo dhan; oo wuxuu ku qayliyey, Nin walba dibadda iiga bixiya. Oo ninnaba lama taagnayn isaga markii Yuusuf walaalihiis isu sheegay.

  • 9¶ Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar;

  • 17Oo markii Yuusuf arkay in aabbihiis gacantiisii midigta ahayd Efrayim madaxiisa saaray ayuu taas ka xumaaday; markaasuu gacantii aabbihiis qabtay inuu ka qaado Efrayim madaxiisa oo uu saaro Manaseh madaxiisa.

  • 36Markaasaa aabbahood Yacquub wuxuu iyagii ku yidhi, Gablan baad iga dhigteen, bal eeg, Yuusuf ma joogo, oo Simecoon ma joogo, oo haddana waxaad kaxayn doontaan Benyaamiin; waxyaalahan oo dhammu waa iga gees.

  • 5Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.

  • 23Oo iyana ma ay ogayn in Yuusuf gartay iyaga; waayo, turjumaan baa kala dhex joogay.

  • 6Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Maxaad sida xun iigula macaamilooteen, oo aad ninka ugu sheegteen inaad walaal kale leedihiin?