Bilowgii 41:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Markii laba sannadood oo dhammu dhammaatay ayuu Fircoon riyooday, oo wuxuu is-arkay isagoo webiga ag taagan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 20:3 : 3 Laakiinse Ilaah baa Abimeleg habeenkii riyo ugu yimid, oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, waxaad tahay meyd uun, waana naagtii aad qaadatay aawadeed, maxaa yeelay, iyadu waa nin naagtiis.
  • Bil 29:14 : 14 ¶ Laabaanna wuxuu ku yidhi isagii, Hubaal waxaad tahay laftayda iyo jidhkayga. Wuxuuna la joogay isagii intii bil ah.
  • Bil 31:21 : 21 Oo sidaasuu ula cararay wixii uu haystay oo dhan, oo intuu kacay, ayuu webigii ka gudbay, oo wejigiisii ku toosiyey buurtii Gilecaad.
  • Bil 37:5-9 : 5 Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen. 6 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday. 7 Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii. 8 Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, Ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood. 9 Markaasuu haddana riyo kale ku riyooday, oo walaalihiis u sheegay, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii iyo dayaxii, iyo koob iyo toban xiddigood oo ii sujuuday. 10 Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna?
  • Bil 40:5 : 5 Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.
  • Bax 1:22 : 22 Markaasaa Fircoon wuxuu dadkiisii ku amray, oo ku yidhi, Wiil kasta oo dhasha waa inaad webiga ku tuurtaan, laakiinse gabadh kasta waa inaad badbaadisaan.
  • Bax 4:9 : 9 Oo haddana waxay noqon doontaa, hadday rumaysan waayaan labadan calaamo, oo weliba ay codkaaga maqli waayaan, de markaas bal waa inaad webiga biyo ka qaaddid oo aad dhulka engegan ku shubtid, oo biyihii aad webiga ka qaadday, markay gaadhaan dhulka engegan dhiig bay noqon doonaan.
  • Sharc 11:10 : 10 Maxaa yeelay, dalka aad ugu gudbaysaan inaad hantidaan ma aha sidii dalkii Masar oo aad ka soo baxdeen ee aad abuurkiinna ku abuurteen oo aad cagihiinna ku waraabiseen sidii beer khudaareed,
  • Xaak 7:13-14 : 13 Oo markuu Gidcoon yimid waxaa jiray nin saaxiibkiis riyo u sheegayay, oo wuxuu yidhi, War riyaan ku riyooday, oo waxaan arkay kibis shaciir laga sameeyey oo ku soo giringiratay xerada reer Midyaan, oo waxay soo gaadhay teendhada, oo intay ku dhacday ayay dumisay, oo markaasay gembiday, oo teendhadiina way dhacday. 14 Markaasaa saaxiibkiis u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Taasu wax kale ma aha, seeftii Gidcoon ina Yoo'aash mooyaane, kaasoo ah nin reer Israa'iil ah. Ilaah baa kaas gacantiisa geliyey reer Midyaan iyo ciidanka oo dhanba.
  • Est 6:1 : 1 ¶ Habeenkaasna boqorkii wuu seexan kari waayay, kolkaasuu amray in loo keeno buuggii taariikhda wakhtigaas, oo waxaa lagu akhriyey boqorka hortiisa.
  • Ayuub 33:15-16 : 15 Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam'o, 16 Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa,
  • Ish 19:5 : 5 Oo biyuhuna badda way ka madhan doonaan, oo webiguna wuu gudhi doonaa oo engegi doonaa.
  • Yex 29:3 : 3 La hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoonow, boqorka Masarow, anigu col baan kugu ahaye bal ogow, waxaad tahay yaxaas weyn oo webiyaashiisa iska dhex jiifa, oo yidhi, Webigayga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.
  • Yex 29:9 : 9 Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.
  • Daan 2:1-3 : 1 ¶ Oo sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day. 2 Markaasaa boqorkii wuxuu ku amray in loo yeedho saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii iyo falalowyadii, iyo kuwii reer Kaldayiin ahaa, inay boqorka u sheegaan riyooyinkiisii. Markaasay soo galeen oo boqorkii hortiisa istaageen. 3 Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Riyaan ku riyooday, waxaanan la argaggaxsanahay inaan ogaado waxa riyada micneheedu yahay.
  • Daan 4:5-9 : 5 Waxaan arkay riyo iga cabsiisay, markaasaa fikirradaydii aan sariirtayda la jiifay, iyo waxyaalihii lay tusay iga argaggixiyeen. 6 Sidaas daraaddeed waxaan amar ku bixiyey in hortayda la soo taago nimankii xigmadda lahaa oo reer Baabuloon oo dhan, inay ii caddeeyaan fasirkii riyada. 7 Dabadeedna waxaa ii yimid saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii, iyo kuwii reer Kaldayiin, iyo kuwii wax sheegi jiray; markaasaan riyadii ku hor sheegay; laakiinse fasirkii iima ay caddayn. 8 Laakiinse ugu dambaystii waxaa i hor yimid Daanyeel, oo la odhan jiray Beelteshaasar, sida magaca ilaahay, oo ilaahyada quduuskaa ruuxoodu ku jiro; markaasaan riyadii ku hor sheegay isagii, oo ku idhi, 9 Beelteshaasarow, saaxiriinta madaxdoodiiyow, waan ogahay in ilaahyada quduuskaa ruuxoodii kugu jiro, oo aan qarsoodiina ku dhibin, ee haddaba ii sheeg waxyaalihii aan ku arkay riyadaydii, iyo fasirkoodiiba. 10 Sidan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa. 11 Geedkii waa koray, wuuna xoog badnaa, dhererkiisiina wuxuu gaadhay cirka, waxaana laga arkay meesha dhulka ugu shishaysa. 12 Caleemihiisuna way qurxoonaayeen, midhihiisuna way badnaayeen, waxaana ku tiil cunto ku wada filan wax walba. Xayawaankii duurkuna hoostiisay hadhsanayeen, haadka cirkuna waxay ku hoyan jireen laamihiisa, oo wax jidh leh oo dhammuna isagay wax ka cuni jireen. 13 Anoo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay. 14 Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa. 15 Habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka. 16 Qalbigiisuna kan dadka ha ka beddelmo, qalbiga xayawaankana isaga ha la siiyo; toddoba wakhtina ha gudbeen. 17 Xukunkii waxaa amray kuwa wax dhawra xaalkuna wuxuu ku jiraa hadalka kuwa quduuska ah, sababtu waa in waxa noolu ogaadaan in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo, oo uu madax uga dhigo kan dadka ugu hooseeya. 18 Anigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira.
  • Daan 7:1-8 : 1 ¶ Sannaddii kowaad oo boqorkii Baabuloon oo ahaa Beelshaasar, ayaa Daanyeel riyooday, waxna waa la tusay isagoo sariirtiisa ku jiifa; markaasuu riyadii qoray, waxyaalihii dhammaantoodna wuu sheegay. 2 Daanyeel wuu hadlay oo yidhi, Waxaan riyadaydii habeennimo ku arkay afartii dabaylood oo samada, oo badda weyn ku soo dhacaysa. 3 Oo waxaa baddii ka soo baxay afar bahal oo waaweyn, ee midba kan kale ka duwan yahay. 4 Midkii kowaad wuxuu u ekaa libaax, baalal gorgorna wuu lahaa, oo waan fiirinayay ilaa baalashiisii laga rifay, oo dhulka kor baa looga qaaday, oo waxaa lagu taagay laba lugood sidii nin oo kale, nin qalbigiisna waa la siiyey. 5 Oo bal eeg, bahal kale oo labaad oo orso u ekaa, oo dhinac keliya ayuu ku taagnaa, oo saddex feedhood baa afka ugu jiray ilkihiisa dhexdood: oo waxaa lagu yidhi, War kac, oo dad badan cun. 6 Dabadeedna waxaan arkay mid kale oo shabeel u eg, oo dhabarka ku leh afar baal oo haadeed, bahalku wuxuu kaloo lahaa afar madax; oo waxaa la siiyey dowladnimo. 7 Dabadeedna waxaan riyadii habeennimada ku arkay bahalkii afraad, oo ahaa mid laga cabsado oo xoog badan, aad buuna u darnaa; oo wuxuu lahaa ilko waaweyn oo bir ah; wax buuna cunay oo burburiyey, intii hadhayna wuu ku tuntay; oo wuu ka wada duwanaa bahalladii kale oo ka horreeyey isaga; oo wuxuu lahaa toban gees. 8 Waxaan ka fiirsaday geesihii, oo bal eeg, waxaa dhexdoodii ka soo baxay gees kale oo yar; markaasaa hortiisa waxaa ka ruqay saddex gees oo kuwii hore ka mid ah, geeskaas waxaa ku yiil indho u eg indho dad, iyo af ku hadlaya waxyaalo waaweyn.
  • Mat 27:19 : 19 Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 41:17-20
    4 aayado
    85%

    17Markaasaa Fircoon Yuusuf la hadlay, oo yidhi, Waxaan riyadaydii ku arkay anigoo webiga qarkiisa taagan;

    18oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo buurbuuran oo quruxsan oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa;

    19oo waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sac oo kale, oo taagdaran oo fool xun oo weyd ah. Weligay dhulka Masar oo dhan kuma aan arag kuwa sidooda u xun.

    20Markaasaa sicihii weydda ahaa oo foosha xumaa waxay cuneen toddobadii sac oo hore.

  • Bil 41:2-12
    11 aayado
    84%

    2Oo bal eeg, waxaa webigii ka soo baxay toddoba sac oo quruxsan oo cayillan, oo waxay daaqeen cawskii dareemada ahaa.

    3Markaasaa waxaa dabadood webigii ka soo baxay toddoba sac oo kale oo fool xun, oo weyd ahaa, oo waxay is-ag taageen sicihii kale oo webiga qarkiisa jooga.

    4Markaasaa sicihii foosha xumaa oo weydda ahaa waxay cuneen toddobadii sac oo qurxoonayd oo cayillanayd. Kolkaasuu Fircoon toosay.

    5Markaasuu haddana seexday oo mar labaad riyooday, oo wuxuu arkay toddoba sabuul oo buurbuuran oo wanaagsan oo ka soo baxay isku jirid.

    6Oo bal eeg, waxaa haddana ka soo daba baxay toddoba sabuul oo xunxun, oo ay dabayshii bari qallajisay.

    7Markaasaa sabuulladii xunxumaa waxay liqeen toddobadii sabuul oo buurbuurnayd oo iltirnayd. Markaasuu Fircoon toosay, oo wuxuu arkay inay riyo tahay.

    8Oo subaxdiina wuu dhibaataysnaa, kolkaasuu u cid diray oo uu u wada yeedhay saaxiriintii Masar oo dhan iyo nimankii xigmadda lahaa oo dhan; markaasaa Fircoon u sheegay riyadiisii; laakiin ma jirin mid Fircoon u fasiri karaa.

    9Markaasaa waxaa Fircoon la hadlay kii madaxa u ahaa kuwa khamriga siin jiray isaga, oo wuxuu ku yidhi, Maantaan xusuustay dembiyadaydii.

    10Fircoonow, adigoo u cadhaysnaa addoommadaada, waxaad igu xabbistay guriga madaxa waardiyayaasha, oo waxaannu ahayn aniga iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax dubi jiray;

    11oo markaasaannu isku habeen riyoonnay, aniga iyo isagiiba; waxaannu ku riyoonnay midkayo kastaba sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

    12Oo halkaasna waxaa nala joogay nin dhallinyaro ah oo Cibraani ah, oo madaxa waardiyayaasha addoon u ahaa, markaasaannu isagii u sheegnay, oo isna wuu noo fasiray riyooyinkayagii, nin kastana sidii riyadiisu ahayd buu ugu fasiray.

  • Bil 41:25-33
    9 aayado
    76%

    25Oo Yuusuf wuxuu ku yidhi Fircoon, Riyadaadu waa mid, oo waxa Ilaah samaynayo ayuu kuu sheegay, Fircoonow.

    26Toddobada sac oo wanwanaagsanu waa toddoba sannadood, toddobada sabuul oo wanwanaagsanuna waa toddoba sannadood; riyadu waa mid.

    27Toddobada sac oo weyd ah oo foosha xun, oo ka soo daba baxay waa toddoba sannadood, oo haddana toddobada sabuul oo madhan, oo dabayshii bari qallajisay waxay noqon doonaan toddoba sannadood oo abaar ah.

    28Taasu waa wixii aan kugula hadlay, Fircoonow. Waxa Ilaah samaynayo ayuu ku tusay.

    29Oo bal eeg, waxaa dalka Masar oo dhan imanaya toddoba sannadood oo barwaaqo ah,

    30oo dabadoodna waxaa dhici doona toddoba sannadood oo abaar ah; oo barwaaqadii oo dhanna waa laga illoobi doonaa dalka Masar, markaasay abaartu dhulka dhammayn doontaa,

    31barwaaqadana dhulka laguma ogaan doono abaartaas ka dambaysa aawadeed, waayo, waxay noqon doontaa mid aad u xun.

    32Oo taas aawadeed riyadii labanlaab bay kuu noqotay, Fircoonow, maxaa yeelay, waxaas waxaa amray Ilaah, oo weliba Ilaah dhowaan buu samayn doonaa.

    33Haddaba Fircoonow, waxaad doontaa nin caqli iyo xigmad leh, oo u sarraysii dalka Masar oo dhan.

  • Bil 41:14-15
    2 aayado
    76%

    14Dabadeedna Fircoon baa u cid diray oo u yeedhay Yuusuf. Markaasay dhaqso uga soo bixiyeen godxabsigii; kolkaasuu xiirtay, oo dharkiisii beddeshay, oo uu u soo galay Fircoon.

    15Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Riyaan ku riyooday, mana jiro mid fasiri karaa; oo waxaan maqlay in markii aad riyo maqashid aad fasiri kartid.

  • 46Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan.

  • Bil 40:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Waxyaalahaas ka dib, kii boqorkii Masar khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray waxay xumeeyeen sayidkoodii ahaa boqorkii Masar.

    2Fircoonna aad buu ugu cadhaysnaa labadiisii sirkaal oo ahaa kii madaxa u ahaa kuwii khamriga siin jiray, iyo kii madaxa u ahaa kuwii wax u dubi jiray.

  • 5Kii khamriga siin jiray iyo kii wax u dubi jiray boqorkii Masar, iyagoo xabsiga ku xidhnaa, ayay labadoodiiba isku habeen riyoodeen, nin kastaana riyadiisuu ku riyooday oo nin kastaa wuxuu ku riyooday sidii riyadiisii fasirkeedu ahaa.

  • 6Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday.

  • 22Oo waxaan kaloo riyadaydii ku arkay toddoba sabuul oo iltiran oo wanaagsan, oo ka soo baxay isku jirid;

  • 53Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd ay dalkii Masar ka dhammaadeen.

  • 41¶ Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey.

  • 37Waxaasuna Fircoon way la wanaagsanaayeen, isaga iyo addoommadiisiiba.

  • 19Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye.

  • 1¶ Oo sannaddii labaad oo boqornimadii Nebukadnesar ayaa Nebukadnesar riyooyin ku riyooday, markaasuu argaggaxay oo ay hurdadiisii ka baabba'day.