Bilowgii 42:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa Yuusuf xusuustay riyooyinkii iyaga ku saabsanaa oo uu ku riyooday, oo wuxuu ku yidhi iyagii, Basaasyaad tihiin, oo waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 37:5-9 : 5 Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen. 6 Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday. 7 Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii. 8 Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, Ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood. 9 Markaasuu haddana riyo kale ku riyooday, oo walaalihiis u sheegay, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii iyo dayaxii, iyo koob iyo toban xiddigood oo ii sujuuday.
  • Bil 42:16 : 16 Mid idinka mid ah dira, oo ha keeno walaalkiin, idinkuna waad xidhnaan doontaan, in la tijaabiyo hadalkiinna, bal inay runi idinku jirto iyo in kale, haddii kalese hubaal nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaad basaasyo tihiin.
  • Bil 42:30-31 : 30 Ninka sayidka u ah dalka ayaa si qallafsan noola hadlay, oo wuxuu noo qaatay inaannu dalka basaasayno. 31 Oo waxaannu isagii ku nidhi, Annagu waxaannu nahay niman daacad ah; oo basaasyo ma aannu nihin.
  • Bil 42:34 : 34 oo ii keena walaalkiinnii idiinku wada yaraa, markaasaan garan doonaa inaydaan basaasyo ahayn, laakiinse inaad tihiin niman daacad ah. Markaasaan walaalkiin idin siin doonaa, dalkana waad ka baayacmushtari doontaan.
  • Bax 32:35 : 35 Markaasaa Rabbigu dadkii belaayo ku riday, waayo, waxay sameeyeen weyshii taasoo tii Haaruun sameeyey ahayd.
  • Tir 13:2 : 2 War waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira.
  • Tir 13:16-20 : 16 Intaasu waa magacyadii nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan. Markaasaa Muuse wuxuu Hoosheeca ina Nuun u bixiyey Yashuuca. 17 Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula. 18 Oo waxaad soo fiirisaan dalku siduu yahay, iyo dadka degganu inay xoog badan yihiin iyo inay itaal yar yihiin, iyo inay tiro yar yihiin iyo inay tiro badan yihiin, 19 iyo dalka ay deggan yihiin siduu yahay inuu wanaagsan yahay iyo inuu xun yahay, iyo magaalooyinka ay deggan yihiin siday yihiin, inay xerooyin deggan yihiin iyo inay qalcado xoog badan ku jiraan, 20 iyo siduu dalku yahay inuu barwaaqaysan yahay iyo in kale, iyo inuu dhir leeyahay iyo in kale. Haddaba dhiirranaada oo dalka midhihiisa keena. Oo wakhtiguna wuxuu ahaa xilliga uu canabka hore bislaado.
  • Yash 2:1 : 1 ¶ Markaasaa Yashuuca ina Nuun wuxuu Shitiim si qarsoon uga diray laba nin oo basaasyo ah, oo wuxuu ku yidhi, Bal taga oo soo ilaaleeya dalka iyo magaalada Yerixoo. Markaasay tageen, oo waxay galeen guri naag dhillo ah oo magaceeda la odhan jiray Raxab, oo halkaasay jiifsadeen.
  • Yash 6:23 : 23 Oo markaasay dhallinyaradii basaasyada ahaa gurigii galeen oo soo bixiyeen Raxab, iyo aabbeheed iyo hooyadeed, iyo walaalaheed, iyo wixii ay haysatay oo dhan, oo qaraabadeedii oo dhanna way soo bixiyeen, oo waxay geeyeen xeradii reer binu Israa'iil dibaddeeda.
  • Xaak 1:24 : 24 Markaasaa ilaaladii waxay arkeen nin magaalada ka soo baxaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, na tus iridda magaalada laga galo, oo annaguna wanaag baannu kuu falaynaa.
  • 1 Sam 26:4 : 4 Sidaas daraaddeed Daa'uud basaasyuu soo diray, wuxuuna ogaaday in Saa'uul xaqiiqa ahaan yimid.
  • Luuk 20:20 : 20 ¶ Wayna dayayeen, oo ay u soo direen jaajuusiin iska dhigaya dad xaq ah, si ay hadalkiisa ugu qabtaan, oo ay ugu gacangeliyaan talada iyo amarka taliyaha.
  • Cib 11:31 : 31 Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 42:10-16
    7 aayado
    85%

    10Iyana waxay ku yidhaahdeen isagii, Maya, sayidkayagiiyow, laakiinse annagoo addoommadaada ah waxaannu u nimid inaannu cunto iibsanno.

    11Kulligayo isku nin wiilashiis baannu nahay, oo waxaannu nahay niman daacad ah, oo annagoo addoommadaada ah basaasyo ma nihin.

    12Oo isna wuxuu ku yidhi iyagii, Maya, laakiinse waxaad u timaadeen inaad aragtaan dhulka abaarnimadiisa.

    13Iyana waxay yidhaahdeen, Annagoo ah addoommadaada waxaannu nahay laba iyo toban walaalo ah, oo waxaannu nahay nin jooga dalka Kancaan wiilashiisii; oo bal eeg, kii noogu yaraa wuxuu maanta la joogaa aabbahayo, midna maba joogo.

    14Markaasuu Yuusuf iyagii ku yidhi, Taasu waa tii aan idinkula hadlay, anigoo leh, Basaasyaad tihiin.

    15Haddaba tan baa laydinku tijaabin doonaa; nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaydaan halkan ka tegi doonin, in walaalkiinnii yaraa halkan yimaado mooyaane.

    16Mid idinka mid ah dira, oo ha keeno walaalkiin, idinkuna waad xidhnaan doontaan, in la tijaabiyo hadalkiinna, bal inay runi idinku jirto iyo in kale, haddii kalese hubaal nolosha Fircoon baan ku dhaartay inaad basaasyo tihiin.

  • Bil 42:6-8
    3 aayado
    80%

    6Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen.

    7Yuusufna walaalihiis wuu arkay, wuuna gartay, laakiin wuxuu isaga dhigay sidii nin qalaad, oo intuu si qallafsan ula hadlay ayuu wuxuu ku yidhi iyagii, War xaggee baad ka timaadeen? Oo iyana waxay yidhaahdeen, Waxaannu ka nimid dalka Kancaan si aannu cunto u iibsanno.

    8Yuusufna wuu gartay walaalihiis laakiinse iyagu ma ay garan isagii.

  • Bil 37:18-20
    3 aayado
    77%

    18Markaasay meel fog ka arkeen isagii, oo intuusan u soo dhowaan iyagii, ayay ku tashadeen inay dilaan.

    19Oo waxay isku yidhaahdeen, Bal eega, kii riyada badnaa waa soo socdaaye.

    20Haddaba kaalaya aynu dilnee, oo aynu ku tuurno ceelasha midkood, oo waxaynu odhan doonnaa, Bahal xun baa cunay. Dabadeedna waxaynu arki doonnaa bal waxay riyooyinkiisii noqdaan.

  • Bil 37:5-6
    2 aayado
    75%

    5Yuusufna wuu riyooday, markaasuu riyadiisii u sheegay walaalihiis, iyana aad bay u sii nebcaadeen.

    6Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal maqla riyadan aan ku riyooday.

  • 15Oo Yuusufna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxan aad samayseen waa maxay? Miyaydnaan ogayn ninkii anoo kale ahu inuu faalin karo?

  • Bil 42:29-31
    3 aayado
    74%

    29Markaasay aabbahood Yacquub ugu yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay isagii u sheegeen wixii ku dhacay oo dhan, iyagoo leh,

    30Ninka sayidka u ah dalka ayaa si qallafsan noola hadlay, oo wuxuu noo qaatay inaannu dalka basaasayno.

    31Oo waxaannu isagii ku nidhi, Annagu waxaannu nahay niman daacad ah; oo basaasyo ma aannu nihin.

  • Bil 42:34-35
    2 aayado
    74%

    34oo ii keena walaalkiinnii idiinku wada yaraa, markaasaan garan doonaa inaydaan basaasyo ahayn, laakiinse inaad tihiin niman daacad ah. Markaasaan walaalkiin idin siin doonaa, dalkana waad ka baayacmushtari doontaan.

    35Oo waxay noqotay in markay joonyadahoodii hadhuudhkii ka shubeen, nin walba xidhmadiisii lacagta ahayd ay ugu jirtay joonyaddiisii, oo markii iyaga iyo aabbahood ay arkeen xidhmooyinkoodii lacagta ahaa ayay baqeen.

  • 4Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay.

  • 23Oo iyana ma ay ogayn in Yuusuf gartay iyaga; waayo, turjumaan baa kala dhex joogay.

  • 10Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna?

  • 23Oo waxay noqotay in markii Yuusuf walaalihiis u yimid ay Yusuuf ka furteen shuluggiisii, kaasu wuxuu ahaa shuluggii midabyada badnaa oo uu qabay.

  • 8Markaasay waxay ku yidhaahdeen isagii, Riyaannu ku riyoonnay, mana jiro mid fasiri karaa. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi iyagii, Miyaan Ilaah fasirro lahayn? Haddaba waan idin baryayaaye, bal ii sheega.

  • 6Subaxdii baa Yuusuf u soo galay oo fiiriyey iyagii, oo wuxuu arkay iyagoo calool xun.