Bilowgii 45:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba sidaas daraaddeed idinka ma ahayn kii halkan ii soo diray, laakiinse wuxuu ahaa Ilaah; oo isagu Fircoon buu aabbe iiga dhigay, iyo sayidkii dadka gurigiisa oo dhan, iyo taliyihii dalka Masar oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 17:10 : 10 Markaasuu Miikaah ku yidhi isagii, Aniga ila joog, oo ii noqo aabbe iyo wadaad, anna sannaddiiba waxaan ku siinayaa toban xabbadood oo lacag ah, iyo isku joog dhar ah, iyo cuntadaada. Sidaas daraaddeed kii reer Laawi guduhuu galay.
  • Ayuub 29:16 : 16 Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan, Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.
  • Sab 105:21-22 : 21 Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan, 22 Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.
  • Yoox 15:16 : 16 Idinku ima aydnaan dooran, laakiinse anaa idin doortay, waanan idiin diray inaad tagtaan oo midho soo dhashaan, iyo in midhihiinnu sii jiraan, in wax alla waxaad Aabbaha magacayga ku weyddiisataan uu idin siiyo.
  • Yoox 19:11 : 11 Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.
  • Room 9:16 : 16 Sidaas daraaddeed xagga kan doonaya ma aha, xagga kan ordana ma aha, laakiinse waa xagga Ilaaha naxariista leh.
  • Bil 41:39-48 : 39 Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh. 40 Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa. 41 ¶ Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey. 42 Markaasuu Fircoon gacantiisa ka bixiyey kaatunkiisii, oo Yuusuf gacanta u geliyey, oo wuxuu u xidhay dhar aad u wanaagsan, silsilad dahab ahna qoortuu u sudhay; 43 oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan. 44 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waxaan ahay Fircoon, oo adiga la'aantaa ninna gacantiisa ama cagtiisa kor uma qaadi doono dalka Masar oo dhan. 45 Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf magiciisii u bixiyey Saafnad Facneh, oo wuxuu u guuriyey Aasenad oo ahayd ina Footiiferac, wadaadkii Oon. Yuusufna markaasuu dalkii Masar oo dhan u baxay oo wada maray. 46 Yuusufna soddon sannadood buu jiray markuu hor istaagay Fircoon oo ahaa boqorkii Masar. Markaasaa Yuusuf Fircoon hortiisii ka tegey, oo wuxuu wada maray dalkii Masar oo dhan. 47 Markaasaa toddobadii sannadood oo barwaaqada ahayd waxaa dhulkii ka soo baxay wax aad u badan. 48 Markaasuu ururiyey cuntadii toddobadii sannadood baxday oo dalka Masar oo dhan tiil, oo cuntadii wuxuu ku kaydiyey magaalooyinka. Cuntadii beerihii ku wareegsanaa magaalo kastana isku meel buu ku kaydiyey.
  • Bil 45:5 : 5 Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 7Oo Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray inuu dadkiinna qaar dhulka idiinku reebo, oo uu idiin badbaadiyo kuwo fara badan oo baxsada.

  • Bil 45:9-10
    2 aayado
    86%

    9Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;

    10oo waxaad degi doontaa dhulka la yidhaahdo Goshen, oo waad ii soo dhowaan doontaa, adiga iyo carruurtaada, iyo carruurtaada carruurtooda, iyo adhigaaga iyo lo'daada, iyo waxa aad haysatid oo dhanba;

  • Bil 45:4-5
    2 aayado
    83%

    4Markaasaa Yuusuf wuxuu walaalihiis ku yidhi, Bal ii soo dhowaada, waan idin baryayaaye. Kolkaasay u soo dhowaadeen. Markaasuu yidhi, Anigu waxaan ahay walaalkiin Yuusuf, kii aad ka iibiseen kuwii Masar tegayay.

    5Oo haatan ha caloolxumaanina, naftiinnana ha u cadhoonina iibiskii aad halkan iga iibiseen aawadiis; waayo, Ilaah wuxuu hortiin ii soo diray in nafo la badbaadiyo.

  • Bil 41:39-41
    3 aayado
    82%

    39Markaasuu Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Mar haddii Ilaah ku tusay waxyaalahan oo dhan, ma jiro mid sidaadoo kale caqli iyo xigmad u leh.

    40Adigu waxaad ka sarrayn doontaa gurigayga, dadkayga oo dhanna waxaa lagu xukumi doonaa si waafaqsan hadalkaaga, oo anigu carshiga oo keliya ayaan kaaga weynaan doonaa.

    41¶ Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Bal eeg, dalka Masar oo dhan ayaan kaa sarraysiiyey.

  • 10laakiin Ilaah baa isaga la jiray oo dhibaatadiisii oo dhan ka samatabbixiyey, oo axsaan iyo xigmad ka siiyey Fircoon, oo ahaa boqorkii Masar; markaasuu isaguna wuxuu isagii taliye uga dhigay Masar iyo reerkiisii oo dhan.

  • Bil 41:43-44
    2 aayado
    79%

    43oo wuxuu fuushiiyey gaadhifaraskii labaad oo uu lahaa, oo waxay hortiisa kaga qayliyeen, Sujuuda; oo wuxuu ka sarraysiiyey dalka Masar oo dhan.

    44Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waxaan ahay Fircoon, oo adiga la'aantaa ninna gacantiisa ama cagtiisa kor uma qaadi doono dalka Masar oo dhan.

  • Bil 50:19-21
    3 aayado
    79%

    19Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ku yidhi, Ha cabsanina, waayo, ma anaa Ilaah meeshiisii jooga?

    20Idinku xumaan baad ila damacsanaydeen, laakiinse Ilaah wuxuu damacsanaa wanaag si uu u sameeyo siday maantaba tahay oo uu dad badan badbaadiyo.

    21Haddaba ha cabsanina. Anigu waan idin quudin doonaa idinka iyo dhallaankiinnaba. Wuuna qalbi qaboojiyey oo si raxmad leh ula hadlay.

  • Bil 47:5-7
    3 aayado
    78%

    5Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.

    6Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.

    7Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey.

  • Bil 39:4-5
    2 aayado
    78%

    4Isaguna raalli buu Yuusuf ka ahaa, Yuusufna waa u adeegi jiray, oo wuxuu isagii ka dhigay kan gurigiisa u sarreeya, wixii uu haystay oo dhanna gacantiisuu wada geliyey.

    5Oo waxay noqotay in wakhtigii uu ka dhigay kan u sarreeya gurigiisa iyo wixii uu haystay oo dhan, uu Rabbigu gurigii kii Masriga ahaa u barakeeyey Yuusuf aawadiis, wixii uu guriga iyo beertaba ku haystay oo dhanna barakada Rabbigaa saarnayd.

  • Bil 45:17-18
    2 aayado
    77%

    17Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf ku yidhi, Walaalahaa waxaad ku tidhaahdaa, Idinku sidan yeela, gaadiidkiinna rarta, oo taga oo dalkii Kancaan u kaca;

    18oo waxaad soo kaxaysataan aabbihiin iyo reerihiinna oo dhan, oo aniga ii kaalaya; oo anna waxaan idin siin doonaa waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar, oo idinku waxaad cuni doontaan barwaaqada dalka.

  • 31Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

  • 17Oo nin buu iyaga ka sii hor diray, Kaas oo ahaa Yuusuf oo loo iibiyey addoon ahaan.

  • 6Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen.

  • 16Yuusufna Fircoon buu u jawaabay oo ku yidhi, Taasu xaggayga ma aha, laakiinse Ilaah wuxuu Fircoon siin doonaa jawaab nabadeed.

  • Bil 39:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Yuusufna waxaa la keenay Masar. Kuwii reer Ismaaciil oo isaga halkaas geeyeyna waxaa gacantoodii ka iibsaday nin Masri ahaa oo la odhan jiray Footiifar, oo Fircoon sirkaal u ahaa, oo madaxii waardiyayaasha ahaa.

    2Rabbiguna waa la jiray Yuusuf, wuxuuna ahaa nin liibaansan, wuxuuna joogi jiray gurigii sayidkiisii Masriga ahaa.

  • 3Markaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn.

  • 21Oo wuxuu isagii ka dhigay sayidkii reerkiisa, Iyo taliyihii maalkiisa oo dhan,

  • 20Oo alaabtiinnana ha ka fikirina, waayo, waxyaalaha wanwanaagsan ee dalka Masar oo dhan idinkaa iska leh.

  • 1¶ Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen.

  • 17Markaasuu yidhi, Yaanay noqon inaan saas yeelo. Ninkii gacantiisa koobka laga helay ayaa addoon ii noqon doona; laakiinse idinku kaca oo nabdoonaan aabbihiin ugu taga.

  • 28¶ Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.

  • 15Oo Yuusufna wuxuu iyagii ku yidhi, Waxan aad samayseen waa maxay? Miyaydnaan ogayn ninkii anoo kale ahu inuu faalin karo?

  • 16Oo markaasay farriin u fareen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa intuusan dhiman ayuu dardaarmay oo wuxuu yidhi,

  • 13Idinku waxaad aabbahay u sheegtaan ammaantayda aan Masar ku leeyahay oo dhan, iyo wixii aad aragteen oo dhan; oo dhaqsada oo aabbahay halkan keena.