Bilowgii 48:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkaasaa waxaa Yacquub loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Bal eeg, wiilkaagii Yuusuf baa kuu imanaya. Markaasaa Israa'iil intuu xoog isgeliyey ayuu soo dul fadhiistay sariirtiisii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 3:28 : 28 Laakiinse Yashuuca amar, oo dhiirrigeli, oo xoogee, waayo, isagu wuu gudbi doonaa oo dadkan hor kici doonaa, oo wuxuu dhaxalsiin doonaa dalka aad arki doontid.
  • 1 Sam 23:16 : 16 Markaasaa Saa'uul wiilkiisii Yoonaataan ahaa kacay, oo Daa'uud ugu tegey duurka dhexdiisa, oo gacantiisuu ku xoogeeyey Ilaah.
  • Nex 2:18 : 18 Oo waxaan iyagii wax uga sheegay gacantii Ilaahay oo korkayga ku wanaagsanayd, iyo weliba erayadii uu boqorku igula hadlay. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Ina kiciya aan dhisnee. Sidaasay gacmahoodii shuqulkii wanaagsanaa ugu xoogeeyeen.
  • Sab 41:3 : 3 Rabbigu wuxuu isaga ku gargaari doonaa sariirta taagdarradiisa. Oo markuu bukana sariirtiisa oo dhan waad u hagaajisaa.
  • Maah 23:15 : 15 Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
  • Ef 6:10 : 10 ¶ Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Waxyaalahaas ka dib waxaa Yuusuf lagu yidhi, Bal eeg, aabbahaa waa bukaaye. Markaasuu wuxuu kaxaystay labadiisii wiil oo ahaa Manaseh iyo Efrayim.

  • 21Oo Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Anigu waan dhimanayaa, laakiinse Ilaah baa kula jiri doona, oo mar labaadna wuxuu ku geeyn doonaa dhulkii awowayaashaa.

  • Bil 45:25-28
    4 aayado
    76%

    25Markaasay Masar ka baxeen, oo ay yimaadeen dalkii Kancaan, oo waxay u yimaadeen aabbahood Yacquub.

    26Markaasay u sheegeen oo ku yidhaahdeen, Yuusuf weli waa nool yahay, oo wuxuu u taliyaa dalka Masar oo dhan. Markaasuu taag darnaaday, waayo, wuu rumaysan waayay iyagii.

    27Markaasay u sheegeen hadalkii Yuusuf kula hadlay oo dhan, oo markuu arkay gaadhifardoodkii Yuusuf u soo diray in isaga lagu qaado ayaa aabbahood Yacquub ruuxiisii cusboonaaday.

    28Markaasaa Israa'iil wuxuu yidhi, Igu filan mar haddii wiilkaygii Yuusuf weli nool yahay; haddaba waan tegi doonaa, oo waan arki doonaa isaga intaanan dhiman.

  • Bil 48:8-13
    6 aayado
    76%

    8Markaasaa Israa'iil intuu wiilashii Yuusuf dhugtay ayuu yidhi, Kuwanu waa ayo?

    9Markaasaa Yuusuf wuxuu aabbihiis ku yidhi, Waa wiilashaydii Ilaah halkan igu siiyey. Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, iyaga ii soo dhowee, waanan u ducaynayaa.

    10Haddaba Israa'iil cimrigiisii dheeraa aawadiis ayuu la indha darnaaday, sidaas daraaddeed waxba ma uu arki karin. Kolkaasuu iyagii u soo dhoweeyey, wuuna isku duubay oo dhunkaday.

    11Markaasaa Israa'iil wuxuu Yuusuf ku yidhi, Uma aan malaynayn inaan wejigaaga arki doono, oo bal eeg, Ilaah weliba wuxuu i tusay xataa farcankaagii.

    12Markaasaa Yuusuf wuxuu iyagii ka durkiyey lowyihiisii; oo intuu sujuuday ayuu wejigiisii dhulka saaray.

    13Markaasuu Yuusuf labadoodiiba kaxeeyey, intuu Efrayim gacantiisii midigta ahayd ku qabtay oo ku toosan Israa'iil bidixdiisa, Manasehna ku qabtay bidixdiisii oo ku toosan midigtii Israa'iil, wuuna u soo dhoweeyey iyagii.

  • 7Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey.

  • Bil 46:28-31
    4 aayado
    76%

    28¶ Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.

    29Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer.

    30Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay.

    31Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.

  • 3Markaasaa Yacquub wuxuu Yuusuf ku yidhi, Ilaaha Qaadirka ah ayaa iigu muuqday Luus oo ku taal dalka Kancaan, wuuna i barakeeyey,

  • 1¶ Markaasaa Yuusuf ku dhacay wejigii aabbihiis, wuuna ooyay oo dhunkaday.

  • Bil 49:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Markaasuu Yacquub wiilashiisii u yeedhay; oo wuxuu ku yidhi, Isa soo urursada, aan idiin sheego waxyaalaha maalmaha ugu dambeeya idinku dhici doona.

    2Wiilashii Yacquubow, isa soo urursada, oo maqla, Oo i dhegaysta anigoo ah aabbihiin Israa'iil.

  • Bil 47:29-31
    3 aayado
    74%

    29Wakhtigii Israa'iil dhiman lahaana waa soo dhowaaday, markaasuu wiilkiisii Yuusuf u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Haddaba haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, gacantaada bowdadayda hoos geli, oo si raxmad leh oo daacad ah igu la dhaqan. Haddaba waan ku baryayaaye, Masar ha igu aasin,

    30laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi.

    31Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.

  • 15Markaasuu Yuusuf u duceeyey, oo wuxuu yidhi, Ilaaha aabbahay Isxaaq iyo awowgay Ibraahim ay ku hor socdeen, oo ah Ilaaha i quudinayay intii aan noolaa oo dhan ilaa maanta,

  • 9Dhaqsada, oo aabbahay u kaca, oo waxaad isaga ku tidhaahdaan, Wiilkaagii Yuusuf wuxuu kugu soo yidhi, Ilaah wuxuu iga dhigay sayidkii Masar oo dhan, ee soo dhaadhac oo ii kaalay, hana raagin;

  • 33Oo markii Yacquub dhammeeyey dardaarankii uu wiilashiisii kula dardaarmayay ayuu cagihiisii ku soo urursaday sariirta, oo markaasuu naf baxay, oo wuxuu ku darmaday dadkiisii.

  • 5Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.

  • 21Yacquubna markuu dhimanayay rumaysad buu ugu duceeyey mid kasta oo wiilashii Yuusuf ka mid ah, oo Ilaahna wuu caabuday isagoo cuskanaya ushiisa guudkeeda.