Bilowgii 49:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Yahuudahow, walaalahaa waa ku ammaani doonaan. Gacantaadu waxay saarnaan doontaa cadaawayaashaada qoortooda, Anigoo ah aabbahaana wiilashaydu way kuu sujuudi doonaan,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Taar 5:2 : 2 Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)
  • Cib 7:14 : 14 Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan.
  • Bil 27:29 : 29 Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.
  • Bil 29:35 : 35 Oo haddana way uuraysatay, oo waxay dhashay wiil; oo waxay tidhi, Haatan Rabbigaan ammaani, sidaas daraaddeed waxay magiciisii u bixisay Yahuudah; wayna dhalmo daysay.
  • Sharc 33:7 : 7 Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh, Rabbiyow, codka Yahuudah maqal, Oo isaga dadkiisa soo dhex geli, Gacmihiisu ha ku filnaadeen, Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
  • Yash 10:24 : 24 Oo markay boqorradii u keeneen Yashuuca ayuu u yeedhay raggii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu raggii dagaalyahannada ahaa oo isaga raacay madaxdoodii ku yidhi, Soo dhowaada, oo boqorradan qoorta kaga joogsada. Oo kolkaasay soo dhowaadeen, oo boqorradii qoorta kaga joogsadeen.
  • Xaak 1:1-2 : 1 ¶ Markii Yashuuca dhintay dabadeed ayay reer binu Israa'iil Rabbiga weyddiiyeen, oo yidhaahdeen, Yaa marka hore xagga reer Kancaan noo hor kici doona oo noo dagaal geli doona? 2 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.
  • Xaak 20:18 : 18 Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen.
  • 2 Sam 5:3 : 3 Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya.
  • 2 Sam 22:41 : 41 Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
  • 2 Sam 24:9 : 9 Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.
  • 1 Boq 4:1-9 : 1 ¶ Oo Boqor Sulaymaanna boqor buu u ahaa dadkii Israa'iil oo dhan. 2 Oo kuwanuna amiirradiisii bay ahaayeen, Casaryaah oo uu dhalay wadaadkii Saadooq ahaa, 3 Eliixoref iyo Axiiyaah oo ahaa ilma Shiisha waxay ahaayeen karraaniyo, Yehooshaafaad ina Axiiluudna wuxuu ahaa taariikhdhige; 4 Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey ciidanka; oo Saadooq iyo Aabyaataarna waxay ahaayeen wadaaddo; 5 oo Casaryaah ina Naataanna wuxuu u sarreeyey saraakiisha; oo Saabuud ina Naataanna wuxuu ahaa wadaad, boqorkana saaxiib buu la ahaa; 6 oo Axiishaarna wuxuu u sarreeyey shuqulka guriga; oo Adoniiraam ina Cabdaana wuxuu ahaa gabbaroqaade. 7 Oo Sulaymaan wuxuu lahaa laba iyo toban wakiil oo dalka Israa'iil oo dhan u sarreeya, oo cunto u keena boqorka iyo reerkiisaba; oo nin kasta sannaddiiba bil buu masruufi jiray reer boqor. 8 Haddaba waa kuwan magacyadoodii: Benxuur oo wakiil ka ahaa dalka buuraha leh oo Efrayim; 9 Bendeqer oo wakiil ka ahaa Maqas, iyo Shacalbiim, iyo Beytshemesh iyo Eeloon Beytxaanaan; 10 Benxesed oo wakiil ka ahaa Arubood oo lahaa Sokoh iyo dalka Heefer oo dhan; 11 Benabiinaadaab oo wakiil ka ahaa meelaha dhaadheer ee Door oo dhan, oo wuxuu qabay Taafad oo ahayd ina Sulaymaan, 12 iyo Bacanaa ina Axiiluud oo wakiil ka ahaa Tacanaag iyo Megiddoo, iyo Beytshe'aan oo dhan oo ku ag taal Saaretaan, Yesreceel hoosteeda, laga soo bilaabo Beytshe'aan ilaa Aabeel Mehoolaah, iyo tan iyo Yoqmecaam shishadeeda; 13 Bengeber oo wakiil ka ahaa Raamod Gilecaad, oo lahaa magaalooyinka Yaa'iir ina Manaseh oo Gilecaad ku yaal oo dhan; oo isagu xataa wuxuu wakiil ka ahaa gobolka Argob oo ku yaal Baashaan, oo lahaa lixdan magaalo oo waaweyn oo derbi ku wareegsan yahay iyo biro naxaas ah. 14 Axiinaadaab ina Iddo oo Maxanayim wakiil ka ahaa; 15 iyo Axiimacas oo wakiil ka ahaa Naftaali oo isna qabay Sulaymaan gabadhiisii Basemad ahayd; 16 iyo Bacanaa ina Xuushay oo wakiil ka ahaa Aasheer iyo Becaalood; 17 iyo Yehooshaafaad ina Faaruu'ax oo Isaakaar wakiil ka ahaa; 18 iyo Shimcii ina Eelaa, oo reer Benyaamiin wakiil ka ahaa: 19 iyo Geber ina Uurii oo wakiil ka ahaa dalka Gilecaad oo ah waddankii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, iyo waddankii Coog boqorkii Baashaan. Oo dalkaas oo dhan keligii baa wakiil ka ahaa. 20 ¶ Oo dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna waxay u faro badnaayeen sida cammuudda badda xeebteeda taal, oo wax bay cunayeen, wax bayna cabbayeen, wayna farxayeen. 21 Oo Sulaymaanna wuxuu xukumi jiray boqortooyooyinkii oo dhan tan iyo Webiga iyo ilaa dalka reer Falastiin, iyo tan iyo soohdinta Masar, oo waxay Sulaymaan u keeni jireen hadiyado, wayna u adeegi jireen intuu noolaa oo dhan. 22 Oo Sulaymaan maalintiiba wuxuu masruufan jiray soddon kor oo bur ah, iyo lixdan kor oo jidhiidh ah, 23 iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey. 24 Waayo, isagaa xukumay Webiga dhankiisan oo dhan, marka laga bilaabo Tifsax iyo ilaa Gaasa, iyo kulli boqorradii webiga dhankiisan joogay oo dhan; oo hareerihiisa oo dhanna nabad buu la ahaa. 25 Oo wakhtigii Sulaymaan oo dhan dadkii Yahuudah iyo dadkii Israa'iilna ammaan bay ku degganaayeen, oo nin waluba wuxuu hoos fadhiyey geedkiisii canabka ahaa iyo geedkiisii berdaha ahaa marka laga bilaabo Daan iyo xataa ilaa Bi'ir Shebac. 26 Oo Sulaymaanna wuxuu gaadhifardoodkiisii u haystay afartan kun oo xero oo fardo ah iyo laba iyo toban kun oo fardooley ah. 27 Oo wakiilladaasuna waxay masruuf u keeni jireen Boqor Sulaymaan, iyo intii Boqor Sulaymaan miiskiisii timid oo dhan, wakiil waluba bishiisii, oo ma ay oggolaanin in wax ka dhinmo. 28 Oo meesha wakiilladu joogaan ayay fardaha iyo rakuubbada ugu keeni jireen shaciir iyo caws, nin waluba intii lagu amray. 29 ¶ Oo Ilaahna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad iyo waxgarasho aad iyo aad u badan, iyo qalbi ballaadhan, kuwaasoo badan sida cammuudda badda xeebteeda taal. 30 Oo Sulaymaan xigmaddiisiina waxay ka fiicnaatay xigmaddii dadka bari oo dhan, iyo xigmaddii Masar oo dhan, 31 maxaa yeelay, isagu wuu ka xigmad badnaa dadka oo dhan, oo xataa wuu ka xigmad badnaa Eetaankii reer Esraax, iyo Heemaan, iyo Kalkol, iyo Dardaac, kuwaasoo ahaa ilma Maaxool; oo warkiisiina wuxuu gaadhay quruumihii hareerihiisa ku wareegsanaa oo dhan. 32 Oo wuxuu ku hadlay saddex kun oo maahmaahood; oo gabayadiisuna waxay ahaayeen kun iyo shan. 33 Oo wuxuu ka hadlay geedaha, intuu ka bilaabay Kedarka Lubnaan ku yaal, ilaa uu gaadhay husobka derbiga ka soo baxa; oo dugaaggana wuu ka hadlay, iyo haadka, iyo waxyaalaha gurguurta, iyo kalluunka. 34 Oo qaar baa ka yimid dadyowga oo dhan, inay maqlaan xigmadda Sulaymaan kuwaasoo ka yimid boqorradii dunida oo dhan ee xigmaddiisa maqlay.
  • Bil 37:7-9 : 7 Bal eega, waxaynu beerta ku xidhxidhaynay xidhmooyin, markaasaa xidhmadaydii kacday, oo istaagtay, xidhmooyinkiinniina hareeraheeday yimaadeen oo u sujuudeen xidhmadaydii. 8 Markaasaa walaalihiis ku yidhaahdeen, Ma annagaad na xukumi doontaa? Amase noo talin doontaa? Markaasay aad iyo aad ugu sii nebcaadeen riyooyinkiisii iyo hadalladiisii aawadood. 9 Markaasuu haddana riyo kale ku riyooday, oo walaalihiis u sheegay, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, riyo kalaan ku riyoodaye. Waxaan ku riyooday qorraxdii iyo dayaxii, iyo koob iyo toban xiddigood oo ii sujuuday. 10 Markaasuu aabbihiis u sheegay, iyo walaalihiisba, aabbihiisna waa canaantay, oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay riyadan aad ku riyootay? Ma aniga iyo hooyadaa iyo walaalahaa baa kuu iman doonna, oo intaan wejiga dhulka saarno kuu sujuudi doonna?
  • Bil 42:6 : 6 Yuusufna wuxuu ahaa taliyihii dalka, isaguna wuxuu ahaa kii wax ka iibin jiray dadka dalka oo dhan. Markaasay Yuusuf walaalihiis u yimaadeen isagii, oo intay u wada sujuudeen ayay wejiga dhulka wada saareen.
  • Bil 44:18-34 : 18 ¶ Markaasaa Yahuudah u soo dhowaaday oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, anigoo addoonkaaga ah waxaan kaa baryayaa inaan hadal yar kugula hadlo, sayidkaygiiyow, oo ha ii cadhoon anigoo ah addoonkaaga; waayo, waxaad la mid tahay sida Fircoon oo kale. 19 Sayidkaygiiyow, annagoo ah addoommadaada, ayaad wax na weyddiisay oo nagu tidhi, Aabbe ama walaal ma leedihiin? 20 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, Sayidkaygiiyow, waxaannu leennahay aabbe duq ah, iyo wiil yar oo uu dhalay markuu gaboobay, oo walaalkiisna waa dhintay, oo keligiis baa ka hadhay bahdoodii, aabbihiisna waa jecel yahay isaga. 21 Oo adigu waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Bal ii keena isaga, aan indhahayga saaree. 22 Oo annaguna waxaannu kugu nidhi, sayidkaygiiyow, Yarku aabbihiis kama tegi karo; waayo, hadduu ka tago aabbihiis, de markaas aabbihiis waa dhiman lahaa. 23 Oo adna waxaad nagu tidhi, annagoo ah addoommadaada, Haddii uusan walaalkiinnii idiinku yaraa idin soo raacin, wejigayga mar dambe ma aad arki doontaan. 24 Oo markii aannu u tagnay aabbahay oo addoonkaaga ah, ayaannu isaga u sheegnay hadalladaadii, sayidkaygiiyow. 25 Oo aabbahayo wuxuu nagu yidhi, Orda haddana oo wuxoogaa yar oo cunto ah inoo soo iibiya. 26 Oo waxaannu ku nidhi, Ma tegi karno. Haddiise walaalkayaga noogu yaru na raaco, markaasaannu dhaadhici doonnaa; waayo, ma aannu arki karno ninkii wejigiisa, haddii uusan walaalkayaga noogu yaru nala jirin. 27 Markaasaa addoonkaagii aabbahay ahaa wuxuu nagu yidhi, Waad og tihiin in naagtaydu ii dhashay laba wiil; 28 oo uu midkood iga baxay, oo waxaan idhi, Hubaal cadcad baa loo kala jeexjeexay, tan iyo waagaasna ma aanan arkin isagii. 29 Oo haddaad kanna iga kaxaysataan, oo belaayo ku dhacdo isaga, de markaas cirradayda caloolxumaad qabriga la gelin doontaan. 30 Haddaba sidaas daraaddeed markii aan u tago aabbahay oo addoonkaagii ah, haddii uusan wiilku nala jirin, de naftiisu waxay ku xidhan tahay nafta wiilka, 31 oo wuu dhiman doonaa markuu arko inuusan yarkii nala jirin; oo annagoo ah addoommadaada ayaannu aabbahayaga addoonkaaga ah cirradiisa caloolxumo qabriga la gelin doonnaa. 32 Waayo, anigoo addoonkaaga ah ayaa aabbahay dammiin uga noqday wiilka, oo waxaan ku idhi, Haddaan kuu keeni waayo, xaggaaga eeddu ha iga saarnaato weligay, Aabbahayow. 33 Haddaba sidaas daraaddeed, waan ku baryayaaye, aniga oo ah addoonkaagii, aan wiilka meeshiisii kuu joogo oo aan addoon kuu noqdo, sayidkaygiiyow; wiilkuna walaalihiis ha iska raaco. 34 Waayo, sidee baan aabbahay ugu tegi doonaa iyadoo aan yarku ila jirin? Maba tegi karo waaba intaasoo aan arkaa hoogga aabbahay ku dhici doona.
  • Bil 46:12 : 12 Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.
  • Tir 1:27 : 27 intii iyaga laga tiriyey oo ahayd qabiilka reer Yahuudah waxay ahaayeen afar iyo toddobaatan kun iyo lix boqol.
  • Tir 10:14 : 14 Oo horta waxaa baxay calankii xeradii reer Yahuudah siday ciidammadoodu ahaayeen. Oo ciidankiisana waxaa u sarreeyey Naxshoon ina Cammiinaadaab.
  • Tir 26:22 : 22 Intaasu waa qabiilooyinkii reer Yahuudah oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen lix iyo toddobaatan kun iyo shan boqol.
  • Cib 10:13 : 13 isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo.
  • Muj 5:5 : 5 Markaasaa odayaashii midkood wuxuu igu yidhi, Ha ooyin, bal eeg, Libaaxa qabiilka reer Yahuudah ka mid ah oo ah xididkii ka yimid Daa'uud ayaa wuxuu ku guulaystay inuu furo kitaabka iyo toddobadiisa shaabadoodba.
  • Muj 11:15 : 15 ¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
  • 1 Taar 12:1-9 : 1 ¶ Haddaba intanu waa kuwii Daa'uud ugu yimid Siiqlag, intuu weli ka dhumanayay Saa'uul ina Qiish, oo iyagu waxay ku jireen ragga xoogga badan oo la dagaal galay. 2 Oo iyagu qaansooyin bay siteen, oo gacanta midigta iyo tan bidixdaba dhagaxyo way ku wadhfin kareen, fallaadhona qaansooyin way kaga gani kareen, oo iyagu waxay ahaayeen reer Benyaamiin oo Saa'uul walaalihiis ah. 3 Oo waxaa madax ahaa Axiiceser, dabadeedna Yoo'aash, oo ahaa ina Shemaacaah oo ahaa reer Gibecaad, iyo Yesii'eel iyo Feled oo ahaa wiilashii Casmaawed, iyo Beraakaah, iyo Yeehuu oo ahaa reer Canaatood, 4 iyo Yishmacyaah oo ahaa reer Gibecoon oo ahaa nin xoog badan oo soddonka ka mid ahaa, oo weliba soddonka ka wada sarreeyey, iyo Yeremyaah, iyo Yaxasii'eel, iyo Yooxaanaan, iyo Yoosaabaad oo ahaa reer Gedeeraad, 5 iyo Elcuusay, iyo Yeriimood, iyo Becalyaah, iyo Shemaryaah, iyo Shefatyaah oo ahaa reer Xaruuf, 6 iyo Elqaanaah, iyo Yishiyaah, iyo Casareel, iyo Yooceser, iyo Yaashaabcaam oo ahaa reer Qorax, 7 iyo Yooceelaah iyo Sebadyaah oo ahaa wiilashii Yeroxaam oo ahaa reer Gedoor. 8 Oo waxaa reer Gaad Daa'uud isaga soocay oo ugu tegey dhufayskii cidlada ku yiil rag xoog badan oo ah rag dagaal loo tababbaray, oo gaashaan iyo waran qaadan karay, oo wejigooduna wuxuu ahaa sida weji libaax oo kale, oo waxay u dheereeyeen sida cawsha buuraha joogta. 9 Oo iyaga waxaa madax ahaa Ceser, Cobadyaahna wuxuu ahaa kii labaad, Elii'aabna kii saddexaad, 10 Mishmannaahna kii afraad, Yeremyaahna kii shanaad, 11 Catayna kii lixaad, Elii'eelna kii toddobaad, 12 Yooxaanaanna kii siddeedaad, Elsaabaadna kii sagaalaad, 13 Yeremyaahna kii tobnaad, Makbannayna kii kow iyo tobnaad. 14 Kuwaas oo ahaa reer Gaad waxay ahaayeen saraakiishii ciidanka, oo kii iyaga ugu yaraa wuxuu u dhigmaa boqol nin, kii ugu weynaana kun nin. 15 Oo kuwaasu waxay ahaayeen kuwii bishii kowaad ka gudbay Webi Urdun oo buuxdhaafay oo qararka oo dhan ka daatay, oo iyagu waxay kala eryeen dadkii dooxooyinka degganaa oo dhan, xagga bari, iyo xagga galbeedba. 16 Oo waxaa dhufayska Daa'uud ugu yimid reer Benyaamiin iyo reer Yahuudah qaarkooda. 17 Markaasaa Daa'uud u baxay inuu iyaga ka hor tago, oo intuu jawaabay ayuu ku yidhi, Haddaad nabdoon iigu timaadeen inaad i caawisaan qalbigaygu wuu idinla jiri doonaa, laakiinse haddaad iigu timaadeen inaad cadaawayaashayda ii gacangelisaan, Ilaahii awowayaasheen taas ha fiiriyo oo ha canaanto, maxaa yeelay, gacmahayga wax xumaan ahu kuma jiraan. 18 Markaasaa ruuxii ku soo degay Camaasay oo soddonkii nin madax u ahaa, oo wuxuu yidhi, Daa'uudow, ina Yesayow, annagu waxaannu nahay kuwaagii, waannuna ku garab taagan nahay. Nabad. Nabad ha kula jirto, oo kaalmeeyayaashaadana nabad ha la jirto, waayo, waxaa ku caawiya Ilaahaaga. Markaasaa Daa'uud iyagii soo dhoweeyey oo wuxuu ka dhigay saraakiishii guutada. 19 Oo weliba reer Manasehna qaar baa Daa'uud geestiisa soo maray markuu raacay reer Falastiin oo Saa'uul dagaal ugu yimid, laakiinse iyagii ma ay caawiyin, waayo, saraakiishii reer Falastiin talay isagii ku eryeen, oo waxay isyidhaahdeen, Isagu intuu madaxyadeenna khatar geliyo ayuu sayidkiisii Saa'uul garab geli doonaa. 20 Oo markuu Siiqlag tegey waxaa geestiisa reer Manaseh ka soo maray Cadnaah, iyo Yoosaabaad, iyo Yediica'eel, iyo Miikaa'eel, iyo Yoosaabaad, iyo Eliihuu, iyo Silletay, oo dhammaantood ahaa saraakiil u taliya kun kun reer Manaseh ah. 21 Oo waxay Daa'uud ka caawiyeen guutadii wax dhacaysay, waayo, waxay ahaayeen rag xoog badan oo ahaa saraakiishii ciidanka. 22 Waayo, maalin ka maalin waxaa Daa'uud u iman jiray kuwo isaga caawiya, ilamaa ay noqdeen ciidan weyn, oo ah sidii ciidanka Ilaah. 23 ¶ Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa. 24 Kuwii reer Yahuudah ee gaashaan iyo waran qaadayay waxay ahaayeen lix kun iyo siddeed boqol oo nin, oo dagaal hub u leh. 25 Oo kuwii reer Simecoon ee xoogga badnaa, dagaalkana u darbanaa waxay ahaayeen toddoba kun iyo boqol. 26 Reer Laawina waxaa ka joogay afar kun iyo lix boqol. 27 Oo Yehooyaadaacna wuxuu ahaa madaxdii reer Haaruun, oo isagana waxaa la socday saddex kun iyo toddoba boqol oo nin. 28 Saadooqna wuxuu ahaa nin dhallinyar oo xoog badan, oo waxaa la jiray laba iyo labaatan sirkaal oo reerkiisii wada ah. 29 Oo reer Benyaamiin oo ahaa Saa'uul walaalihiisna waxaa ka joogay saddex kun oo nin, waayo, ilaa waagaas iyaga intoodii badnayd waxay daacad u sii ahaayeen reerkii Saa'uul. 30 Oo reer Efrayimna waxaa ka joogay labaatan kun iyo siddeed boqol oo nin, oo ah rag xoog badan oo dhammaantood reerahooda caan ku ah. 31 Oo reer Manaseh badhkiisiina waxaa ka joogay siddeed iyo toban kun oo nin, oo loo magacaabay inay yimaadaan oo ay Daa'uud boqraan. 32 Oo reer Isaakaarna waxaa ka joogay rag garasho u leh wakhtiyada iyo waxa reer binu Israa'iil waajibka ku ah inay sameeyaan, oo iyaga madaxdoodu waxay ahaayeen laba boqol oo nin oo walaalahood oo dhanna iyagaa xukumay. 33 Oo reer Sebulunna waxaa ka joogay kuwo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara, iyagoo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo isdiyaarin kara, oo aan labaqalbiilayaal ahayn, oo tiradooduna waxay ahayd konton kun oo nin. 34 Oo reer Naftaalina waxaa ka joogay kun sirkaal oo ay la socdaan toddoba iyo soddon kun oo nin oo waran iyo gaashaan wada sita. 35 Oo reer Daanna waxaa ka joogay siddeed iyo labaatan kun iyo lix boqol oo nin oo dagaalka isu safi kara. 36 Oo reer Aasheerna waxaa ka joogay afartan kun oo nin oo ciidanka geli kara oo dagaalka isu safi kara. 37 Oo Webi Urdun dhankiisa kalena waxaa ka yimid boqol iyo labaatan kun oo nin oo wata cayn kasta oo ah alaabta dagaalka, oo waxayna ahaayeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis. 38 Intaas oo dhan oo wada ahaa rag dagaalyahan ah oo dagaalka isu safi kara waxay Xebroon ula yimaadeen qalbi qumman inay Daa'uud reer binu Israa'iil oo dhan u boqraan, oo reer binu Israa'iil intooda hadhay oo dhammuna isku qalbi bay ku ahaayeen inay Daa'uud boqraan. 39 Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey. 40 Oo weliba dadkii iyaga u dhowaa ee ahaa ilaa reer Isaakaar iyo reer Sebulun iyo reer Naftaali waxay cunto ku soo rareen dameerro, iyo awr, iyo baqlo, iyo dibi, oo waxay keeneen bur, iyo fudad berde ah, iyo rucubo sabiib ah, iyo khamri, iyo saliid, iyo dibi, iyo ido, dhammaanna aad iyo aad bay u badnaayeen, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil dhexdooda farxad baa jirtay.
  • 2 Taar 11:12-17 : 12 Oo magaalo kasta wuxuu dhigay gaashaammo iyo warmo, kulligoodna aad buu u xoogeeyey. Oo dalka Yahuudah iyo dalka Benyaamiinna isagaa iska lahaa. 13 Oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo reer binu Israa'iil dhex joogay oo dhammuna isagay uga yimaadeen meelahoodii oo dhan. 14 Waayo, reer Laawi way ka soo kaceen degmooyinkoodii iyo hantidoodiiba oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem, waayo, Yaaraabcaam iyo wiilashiisii ayaa iyaga eryay si ayan Rabbiga ugu samayn shuqulkii wadaadnimada. 15 Oo isagu wuxuu wadaaddo u doortay meelihii sarsare iyo orgiyadii iyo weylihii uu isagii sameeyey. 16 Oo dabadoodna qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan in alla intii qalbigooda ku qabata inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil waxay iman jireen Yeruusaalem inay allabari u bixiyaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood. 17 Markaasay xoogeeyeen boqortooyadii dalka Yahuudah, oo intii saddex sannadood ah ayay xoogeeyeen Rexabcaam ina Sulaymaan, waayo, saddex sannadood ayay ku socdeen jidkii Daa'uud iyo kii Sulaymaanba.
  • 2 Taar 14:8 : 8 Oo Aasaana wuxuu lahaa ciidan gaashaammo iyo warmo sita, oo waxaa reer Yahuudah ka soo baxay saddex boqol oo kun, reer Benyaamiinna waxaa ka soo baxay kuwo gaashaammo sita oo qaansooyin xoota oo ah laba boqol iyo siddeetan kun, oo kulligoodna waxay wada ahaayeen rag xoog badan.
  • 2 Taar 15:9 : 9 Markaasuu soo wada shiriyey dadkii Yahuudah iyo dadkii Benyaamiin iyo kuwii iyaga la degganaa oo ka yimid reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Simecoonba, waayo, isagay ku soo darmeen iyagoo tiro badan, markay arkeen in Rabbiga Ilaahiisa ahu uu isaga la jiro.
  • 2 Taar 17:2 : 2 Oo wuxuu ciidan fadhiisiyey magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, oo rugo askareedna ayuu dhex dhigay dalkii Yahuudah iyo weliba magaalooyinkii reer Efrayim oo aabbihiis Aasaa uu mar hore qabsaday.
  • 2 Taar 17:14-16 : 14 Oo tanuna waa tiradoodii iyo sidii ay reerahoodu kala ahaayeen, saraakiishii kun kun u talin jiray ee dadkii Yahuudah waxaa ka joogay Cadnaah oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray rag xoog badan oo ah saddex boqol oo kun, 15 oo waxaa isaga ku xigay Yehooxaanaan oo sirkaal ahaa, oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeetan kun oo nin, 16 oo isna waxaa ku xigay Camasyaah ina Sikrii oo Rabbiga ikhtiyaarkiisa isugu bixiyey, oo isna waxaa la jiray laba boqol oo kun oo ah rag xoog badan.
  • 2 Taar 30:11 : 11 Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid.
  • Sab 18:40-43 : 40 Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb. 41 Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin. 42 Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca, Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale. 43 Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka, Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii, Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
  • Sab 76:1 : 1 Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan, Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
  • Sab 78:68-71 : 68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday. 69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey. 70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha, 71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.
  • Ish 9:7 : 7 Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.
  • Yex 21:29 : 29 inta ay wax aan waxba ahayn kuu arkayaan, oo ay wax been ah kugu faaliyaan, si ay kuugu soo kor daadshaan kuwii la laayay oo sharka ahaa, oo wakhtigoodii yimid markii la ciqaabo.
  • Fil 2:10-11 : 10 in jilib kastoo ah waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka jooga iyo waxyaalaha dhulka ka hooseeyaaba, ay magaca Ciise u wada sujuudaan, 11 iyo in carrab kastaaba qirto in Ciise Masiix yahay Rabbiga in Ilaaha Aabbaha ah lagu ammaano.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 49:9-10
    2 aayado
    82%

    9Yahuudah waa libaax dhashiis. Wiilkaygiiyow, wixii aad ugaadhsatay waad ka tagtay. Wuu kadaloobsaday, oo wuxuu u jiifsaday sida aar, Iyo sida gool, haddaba yaa kicin doona?

    10Usha boqortooyadu kama tegi doonto Yahuudah, Usha taliyuhuna cagihiisa kama dhex bixi doonto; Ilaa Shiiloh yimaado; Dadkuna isagay addeeci doonaan.

  • 7Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh, Rabbiyow, codka Yahuudah maqal, Oo isaga dadkiisa soo dhex geli, Gacmihiisu ha ku filnaadeen, Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.

  • 29Dadyowgu ha kuu adeegeen, Quruumuhuna ha kuu sujuudeen. Walaalahaa sayid u noqo, Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen. Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa, Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.

  • 2Yahuudah walaalihiis wuu ka xoog badnaa, oo isaga xaggiisuu amiirku ka yimid, laakiinse curadnimada waxaa iska lahaa Yuusuf:)

  • Bil 49:24-26
    3 aayado
    73%

    24Laakiinse qaansadiisu xoog bay sii yeelatay, Dhudhummadii gacmihiisana waxaa lagu xoogeeyey Gacmaha Kan xoogga leh oo Yacquub, (Kaasuu adhijirku ka imanayaa, waana dhagaxii Israa'iil)

    25Oo ah Ilaaha aabbahaa oo ku caawimi doona, Iyo Ilaaha Qaadirka ah, oo kugu barakayn doona Barakooyinka samada sare, Iyo barakooyinka moolka hoos jiifa, Iyo barakooyinka naasaha iyo maxalka.

    26Barakooyinkii aabbahaa Way ka xoog badnaadeen barakooyinkii awowayaashay Ilaa meesha ugu fog oo buuraha weligood waara; Waxay saarnaan doonaan madaxa Yuusuf, Iyo dhakada kan walaalihiis laga soocay.

  • 9Gacantiinnu ha ka sarrayso cadaawayaashiinna, oo colkiinna oo dhanna ha wada baabbo'o.

  • 42Waxaad kor u qaadday midigtii kuwii dulmayay, Cadaawayaashiisii oo dhanna waad ka farxisay.

  • 2Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.

  • 20¶ Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.

  • 22Oo weliba waxaan ku siiyey qayb dheeraad ah, oo aad walaalahaa dheer tahay, waana tii aan reer Amor kaga qaatay seeftayda iyo qaansadayda.

  • 40Oo waxaad ku noolaan doontaa seeftaada, walaalkaana waad u adeegi doontaa, Oo waxaa dhici doonta markaad xukunka qabsato Inaad harqoodkiisa surkaaga ka tuuri doonto.

  • 8Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.

  • 14Markaasaa Yahuudah iyo walaalihiis waxay yimaadeen gurigii Yuusuf; oo isna weli halkaasuu joogay. Kolkaasay hortiisa dhulka isku tuureen.

  • 11Haddaba Rabbiyow xoolihiisa barakee, Oo shuqulka gacmihiisana aqbal, Oo kuwii isaga ku kaca iyo kuwa necebna Dhexda ku dhufo si ayan mar dambe u kicin.

  • 29Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.

  • 19Markaasaa aabbihiis diiday oo wuxuu ku yidhi, Waan ogahay, waan ogahay, wiilkaygiiyow. Isaguna wuxuu noqon doonaa quruun, wuuna weynaan doonaa; habase yeeshee walaalkiisa ka yar baa ka weynaan doona, oo farcankiisu wuxuu noqon doonaa quruumo faro badan.

  • 2Ruubeen, Simecoon, Laawi iyo Yahuudah,

  • 9Iyagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen, Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona? Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya, Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.

  • 8Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushaydii boqornimo.

  • 28¶ Kuwan oo dhammu waa laba iyo tobankii qabiil oo reer binu Israa'iil; tanuna waa wixii aabbahood kula hadlay oo ugu duceeyey; mid walbana sidii ducadiisu ahayd buu ugu duceeyey.

  • 13Dadka dalka Yahuudahow, iyo dadka dalka Israa'iilow, sidaad quruumaha habaar ugu dhex ahaydeen ayaan idiin badbaadin doonaa, oo barako baad ku ahaan doontaan. Ha cabsanina, laakiinse gacmihiinnu xoog ha yeesheen.

  • 7Oo idinku cadaawayaashiinnaad eryan doontaan, oo iyana hortiinnay seef kaga baabbi'i doonaan.

  • 2Wiilashii Yacquubow, isa soo urursada, oo maqla, Oo i dhegaysta anigoo ah aabbihiin Israa'iil.

  • 2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,

  • 12Reer Simecoon, iyo reer Laawi, iyo reer Yahuudah, iyo reer Isaakaar, iyo reer Yuusuf, iyo reer Benyaamiin waa inay kor istaagaan Buur Gerisiim inay dadka u duceeyaan markaad Webi Urdun ka gudubtaan.

  • 23Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.

  • 18Haddaba dadkii Israa'iil sidaasaa wakhtigaas loo jebiyey oo waxaa ka adkaaday dadkii Yahuudah, maxaa yeelay, iyagu waxay isku halleeyeen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 11Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.

  • 6Carruurta aad iyaga ka dib dhasho, adigaa iska lahaan doona, waana in loo bixiyo magacyada walaalahood markay wax dhaxlaan.